|

(Dhagayso) Munaasibad Lagu Taageerayey Madax Dhaqameed Dhawaan Lagu Caleema Saaray Magaalada Nairobi Oo Ka Dhacday Magaalada Laascaanood

Munaasibad lagu taageerayey madax dhaqameed dhawaan lagu caleema saaray Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa ka dhacday Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool. Munaasibadan oo ay soo qaban qaabiyeen Beesha Cabdi Garaad ama Qayaad ayaa ahayd mid taageero loogu muujinayey Garaad C/nuur Cali Aw- Deer oo 22-kii bishan aynu ku jirno lagu caleema saaray Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Hadaba munaasibadan oo ahayd mid balaadhan ayaa waxaa halkaasi ka hadlay Waxgarad, Aqoon yahano, Culumo awdiin, Haween, iyo Dhalinyaro, kuwaas oo dhamaantood ku dheeraaday taageerada ay u hayaan Garaadkani la caleema saaray.

Halkan Ka Dhagayso

Si kastaba ha ahaatee munaasibadani ayaa kusoo dhamaatay jawi farxadeed, iyagoona dhamaanba dad weynihii kasoo qayb galaya ay taageero gaar ah u muujiyeen Garaad C/nuur Cali Aw Deer oo kamid noqon doonaa madax dhaqameedka Gobolka Jubbada hoose gaar ahaan Beesha Cumar Cabdi oo ka tirsan Beel weynta Dhulbahane.

Wariye Abdirahman Wadani
Email axmedyare1001@hotmail.com
Xafiiska Wararka Ee Shabakadda Horufadhi News Media
Buuhoodle Soomaaliya

Short URL: http://horufadhi.com/?p=20874

Posted by on Dec 30 2012. Filed under News English, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

12 Comments for “(Dhagayso) Munaasibad Lagu Taageerayey Madax Dhaqameed Dhawaan Lagu Caleema Saaray Magaalada Nairobi Oo Ka Dhacday Magaalada Laascaanood”

  1. Ku dhamaan sxbada :-dhulbhante koonfur somaliya waxaa u jooga ugaas baqow.yacni loogama baahna nabadoonkale.takale hadii aynu meeshii isin joogayba mid kale gayno garaadnimadu waa qasmaysaa sida 3dan habrood ee ku wareeray gobonimo aysan u dhalan so that halaga daayo 2da. WAA BILAAHI TOWFIIQ BYE.

  2. ASC.
    Maxaa bàaa haddii hal garaad kaliya la soo reebo kuwa kalane loo qaybiyo UGAAS, WABAR, SULDAAN, BEELDAAJE & wl. WBT

  3. ASC.Mansha Allah Qayaad waa Dadjira waa Xininyaha Dhulbahante, marka xigta Garaadka Cusub waa Cumar Cabdi waxayna degaan Koonfur, Garaadka kalena waa Khayr Cabdi oo Dega Nugaal.

    Qayaad waaa Dadka keliya ee Dhulkooda Maanta ubadqabo, aad ayaan ugu farxay waa Garaadka Cusub.

    Waa Arin lagu farxo Garaadka Cusub ee labaad.

  4. @ iidoor liqe
    sxb waxaan ku dhashey,hargeisa waxaan kukorey jijiga

  5. oo qayaad garaado badanaa mee cali buraale miyaa laga qaaday xilkii mise waa baab cusub oo dhuloos furatay in laba garaad beeshiiba yeelato kkkkkkkk

  6. Samatar

    Ma xuma inaad garanweydo lkn sharuudo Ayaa ka horeeya inaan ku sheego . Formkan buuxi

    Xagee ku dhalatay ???

    Iyo meeshaad ku kortay ???

    Kugu badinmaayo ka soo jawaabo !!!!

  7. @ iidoor liqe
    sxb macnaha harti magaranayo bal iisheeg,

  8. Samatar
    Sxb caawa adiga Hal leyli Ayaan ku dirayaa ,
    Waxaad raadisaa macnaha AMA meaningka ereyga HARTI !!!!! 30 minutes baad haystaa . Laakiin lama ogola googled in aad sameysid !!!!! Lool

  9. @ iidoor liqe
    markaad waamo joogtaan waxaad taageertaan harti marka waqooyi bari soomaliyana harti maogolidiin,qoladan dhuloos waanka yaabay adeeraw shirka badan iskadaaya madaanyeer ayaa tihiin

  10. Qayaad waa qabiila dhulBahante ugu wanaagsan

    Bal horgale Qayaad ah sheeg , bal Qayaad tolkeed ku gardarooneysa arag ,
    Waan jecelnahay WALAhay Qayaad waa qabiil tol ah oo fiican waana baha nugaaleed kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk,

  11. Dadka hadlaya ninka ugu horeeya Ayaa ah nin wax Garad ah Wuxuu dhahay hore fadarad Ayaa hore uga jirtay jubbland garaadkana waa mid lagu xoojinayo,
    WUXUU UGALA JEEDAA BOQORTOOYADA FACAWEYN EE UGAAS MOHAMUD UGAAS HUSEEN UGAAS BAQOW ,

  12. War heedhe Qayaad Maxay leedahay soo kismaayo iyo jubbland soo UGAAS MOAHAMUD UGAAS HUSEEN UGAAS BAQOW uma MATALO Beelweynta harti

    WALIBA UGAASKA REERKA XIDID AYEY YIHIIN EE HA LA KALA XISHOODO ,

    HADII GARAADKA QAYAADA JOOGAYO WAQOOYIGA WAA ARIN FIICAN LKN MEESHAAS JUBBLAND UGAAS SOO JIREEN AH OO FACWEYN AYAA INOO JIRA !!! Lool

Leave a Reply

<

Recently Commented

  • M.H.Buraleh: JL dadkeedu waa inay si dhab ah u wada fadhiistaan, u wada hadlaan una heshiiyaan, hadal meel laga...
  • duurgal.com: sidaaan ku helay warar xaqiiqa ayaa sheegaya in gurguurte uu ali ciise ka codsaday inuu raisalwassaare...
  • duurgal.com: ali ciise abdi wuxuu ka midyahay khabiirada fara kutiriska ah ee adduunyada hadda kunool,waxana hubaala...
  • suldaan: khaatumo,maakhir, awdal state waxaad moodaa 3dumar ah..hadal iskama daayaan ma khajilaan tamar maleh..waxay...
  • Baligubadle girl: Dee huuno MAAMULKA H.j Iska celiya , arinta qabiil ahaan u wajaha , waayo Waa Isku mid Wixii hore...