(Dhagayso) Qaab Noocee Ah Ayey U Dhacday Casho Sharaftii Xalay Loo Sameeyey Wariyaasha Ka Hawlgala Gobolka Cayn
Mulkiilaha Hotel Abdi Guray PLaza ee Magaalada Buuhoodle Axmed Cabdi Guray oo kamid ah qurba joogta kasoo jeeda gobolka cayn ayaa xalfad casho sharaf ah u sameeyey wariyaasha ka hawlgala Magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka cayn, iyadoona ula jeedka casho sharaftanina ay ahayd maamusid iyo tixgalin la xidhiidha doorka wariyaasha ka hawlgala gobolka cayn ay ku leeyihiin bulshada soomaaliyeed iyo baahinta wararka ku salaysan xaqiiqada jirta.
Axmed Cabdi Guray oo ugu horeynba xafladani casho sharafta ah ka hadlay ayaa ku dheeraaday doorka muhiimka ee wariyaashu ay kaga jiraan bulshada caalamka.
Sidoo kale waxaa iyana halkaasi ka hadlay Agaasimaha Radio Daljir ee Magaaalada Buuhoodle Khadar Cawl Ismaaciil, wariye Xamse Xasan Geele, iyo wariye Cali Dhagjar oo ah wakiil wareedka Tv-ga Somalichannel, iyagoona soo dhoweeyey casha sharaftani isla markaasna uga mahad celiyey Axmed Cabdi Guray sida wanaagsan ee uu u gartay wariyaashani doorka ay kaga jiraan bulshada soomaaliyeed.
Waa markii ugu horaysay ee xafladan noocan oo kale ah ay qaar kamida qurba joogta kasoo jeeda gobolka cayn ay u qabtaan wariyaasha ka hawlgala gobolka cayn isla markaasna ku maamusaan doorka muhiimka ah ee ay kaga jiraan bulshada soomaaliyeed.
Wariye Abdirahman Wadani
Email axmedyare1001@hotmail.com
Xafiiska Wararka Ee Shabakadda Horufadhi News Media
Buuhoodle Soomaaliya
Short URL: http://horufadhi.com/?p=20896



Maashaa alaah guulaystayaashow guulaysta