|

(Daawo Sawiro) Madaxweynaha Maamul Goboleedka Khaatumo State Oo Maanta Kulan La Qaatay Qaar Kamida Qurba Joogta Kasoo Jeeda Gobolka Cayn

Madaxweynaha Maamul goboleedka Khaatumo State Mudane Maxamed Yuusuf Jaamac (Indha sheel) ayaa maanta kulan kula qaatay xarunta madaxtooyada Maamul goboleedka khaatumo ee Magaalada Buuhoodle qaar kamida qurba joogta kasoo jeeda gobolka cayn ee ku sugan Magaalada Buuhoodle, iyadoona kulankaasi mid lagaga wada hadlay arimo badan oo ay kamid yihiin qodobadan hoos ku qoran:-

  1. Is xog waraysi u dhaxeeya Maamulka Khaatumo iyo Qurba joogta maanta kulan la qaadatay Madaxweynaha Maamul goboleedka Khaatumo Mudane Maxamed Yuusuf Jaamac (Indha sheel).
  2.  Talo so jiidin.
  3.  Baahinta Maamul goboleedka Khaatumo state iyo sidii laysaga kaashan lahaa.
  4.  Tayeynta iyo dibu habaynta maamulka degmooyinka ee gobolka cayn.
  5.  Ka qayb qaadashada wacyigelinta dadka gudaha jooga.
  6.  Ka qayb qaadashada shir weynaha Khaatumo ee soo socda.

Hadaba halkan hoose ka daawo sawirada kulankaasi iyo sida uu u dhacayba.

Halkan Ka Daawo Sawiro.

1

 

5

 

3

2

4

Kulankani ay maanta wada qaateen Madaxweynaha Maamul goboleedka Khaatumo Mudane Maxamed Yuusuf Jaamac (Indha sheel) iyo qaar kamida qurba joogta kasoo jeeda gobolka cayn ee ku sugan Magaalada Buuhoodle ayaa waxa uu ahaa mid la isku afgartay qodobadii laga wada hadlay, isagoona kulankaasina kusoo dhamaaday jawi wanaagsan isla markaasna ay qurba joogtuna geestooda si weyn u soo dhoweeyeen qaabka uu u dhacay kulankani iyo qodobadii laga wada hadlayba.

Wariye Abdirahman Wadani
Email axmedyare1001@hotmail.com
Xafiiska Wararka Ee Shabakadda Horufadhi News Media
Buuhoodle Soomaaliya

Short URL: http://horufadhi.com/?p=21092

Posted by on Jan 2 2013. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

35 Comments for “(Daawo Sawiro) Madaxweynaha Maamul Goboleedka Khaatumo State Oo Maanta Kulan La Qaatay Qaar Kamida Qurba Joogta Kasoo Jeeda Gobolka Cayn”

  1. wiil maxamud saleban
    bal yara akhriso tixdana waxaa tiriyey muwaadin reer khatumo ahe.
    Dhabayacaoy hartigii wada jiray baad haan ku lulateene, hadaad haybad leedahay isaaq lama hesiiseene, hilin lalama maro baa la yidhi ruux habaar qaba’e, markii aan habsaan kugu noqday ee aan hubsaday inaad laaska horor siisay, yaan samaystay maamul haybad leh oo loo haraad qabaye, halyeeyaa u kacay reerkayagii hibadu saarayde, na hogaanshe waa maalintay ugu haboonayde, hir caleenle iyo doog ayaan sii higsanaynaaye, adna waa hinaasaha wixii kaa hadlinayaaye, putland hanatayaa iyo idoor hayb la noqotaaba, habaar ciirsataa iyo afxumo halamashlaysaaba, colaad hurisayaa iyo dagaal ku hindisootaaba, hamigaaga yey gelin inaan dib u heshiinaaye, hay su’aalin oo mee hartigii hooda xumadaada!!!!!!!!!!!!.
    Gumartiima xumadii maanta ayaad haysaan laascoono oo aad snm kula heshiiseen inaad khiyaano ugu wareejisaan.adeer dhulbahante dhulkiisii qayb waa joogaan snm laakiin waa isku mawqif 13kooda isim iyo lixdankooda caaqil ee ka sheekee cuqaashii cumar iyo cismaan maxamuud garoowe ma iman karaan casayrlandna qolaa la baxday tolow maxay ahaayeen haa waa siwaaqroon kkkkkkkkkkkkkkk.

  2. wiil maxamud salean
    afnoolina waa hadlaa eyna waa ciyaa ayaa la dhahay, miyaad hadlaysaa ka waran putland miyey ka danbaysay ninkaas aad caayeysid jawaabtu waa maya, comenti aan website websiteyadayada ka mida ka dhiibtay 2010 baan ku qoray dhulbahante ka tashay wixii putland la isku dhihi jiraye bal ha u kala bixina cumar, cismaan iyo ciise! mideeda kale madaxweynaha khatumo maaha mid caanaha khaatumo ay isaga iyo wiilkiisu cabaan keligood sida oday faruurka garoowe.

  3. wiil maxamuud salebaan

    Madaxweynoow xaalqaado noocanba hadi madax weyne loogu wacayo qawdhan qadiresan inmudo ahna wax cunin oo shaati batiya xiran

  4. dhulbahante iyo iidoor dhul bay isku hayaan
    ilaahadana dhulbahantaa boob lagu hayaa
    waxa ay ku heshiin karaan iyagoo degaanadooda kala calaamadysta aniga sidaas ayay ia tahay

  5. Su’aal Dhulbahante iyo iidoor maxay isku hayaan ?
    Yaase adkaaday ?
    Maxay ku heshiin karaan?
    Bal suaalaha kasoo jawaab

  6. xamdi
    abaayo reerkaad maagtay dhulkoodoo lama haysto laaskana dhulbahantuu caasimad u yahay waana boqortooyadii dhulbahante ee ka daa aflagaadada ciidankoodiina waa ka khaatumo front ka kula jira waxaa hadl kaaga baahan cido kale oo miyi iyo magaalaba is dhiibay

  7. Waar baharasame wax walba waa laga helaa ee aflagaadada joojiyay miskiinyohow.mida kale adigu ado ayaha ayaad cid wax ka sheegaysaa

  8. Waar kan magaca dhadigaa sita ee xamdi xaguu nagala qaaday

  9. walee kan keliigiduul siita waa geesi magaca ciyar maboxo mida kale baharasame waeligot hiil maageelin hoona daba kuwasi nafmale laken maxa heelay jamacsiyad iyo barkad waa in laa cashariya

  10. maxa heelay madaxweynihi dhaama e khaatuumo o buhodle weli dhiigay maa dhaaba inu kaa boxo loo diiday waa inu casimadi ada sida ugu dhaqsaha badan viva khaatuumo

  11. dayeer liqe

    seedigaa dahir calasoow maxuu dahab shiil ku haystaa soow mahaa nimcada ilaahaay siiyay k.k.k.k maxad runta ugu shegi wayday ood u odhon wayday seedi dahabshiil nimcada alah siiyaye dee maad ilaahay baridid , k.k.k mise waad ka xishoonaysayee ileeyn seedi waa beree k.k.k.k.k. hadeer na habarti xildhibinaabad baabay dalacdoo hawiye badan baaa ………….. kk.k.k.k.k.k.k. eesh calaa mirqaan iyo geerashayn k.k.k bahasha saas ba loo ilko beela ama waa layska daayaa lk.k.k.k

    • Dadka oodhfanada ahi web-ka calyada haka daayaan hadii kale waxan dhakhaatiirtu ka wiswisyn waayo dhamaan waxayka sootoo saan fucking village hargaysa kkk maantana may qadayn mintidnimada ayaad ka garataa ok gun waqti laguma bixiyee.

  12. kastuumo way orgoonaysaa sanadkan .ciidanka somaliland na wuu xaylinayaa .

    taa shaki kuma jiro

  13. keligii duul

    ninkagan labaxay kaligiiduul ee noo so gabyow waa gar xajadu

  14. Söm?l?l?ndêr

    Adiga jeneral Morgan Ayaa ku dhalay , fucking street Ayaad ku dhalatay Hargiesa waayo qof xalaal ah sidaas uma hadlo ,

    98% dhalinyarada isAAQ ma Yanaan qofka dhalay waayo xaafada fuckingka Hargiesa waxay aheyd xaruntii ugu weyneyd ee sarakiishii barakeysnayd deganyd so Ciyaal badan Ayaa ku dhashay ,

  15. War ninkan galigiidul waa abwaan wayn walahay indr wanku salamay gabayada halkaa kawad lakin waxadan wali ugabyin belkamid ah belaha daga gobolka cayn oo isu yaqana idoor beesha ma ilagaratay?

  16. dayeer liqe

    horta daahir calasoow ma seedigaa buu ahaa , waxaan xan ku maqlay inay isku wanaagsanayeen saado dheer .k.k.k.k.k.k.k.k walaahi xataa waxa la shegay in mar uu ka mariyay k.k.k.

    diginiin , cid alale iyo cidii gasha waga cusub , waxaan uga digayaa VIRUS culus oo dilla pc giisa !!

  17. Söm?l?l?ndêr

    Awoow iska sax employees dheh !!! Waa Maxay emplooyes kkkkkkkkkkkkkkkk,

    Mida labaad dhiigshiil hada CIDba Kama Lacag Kama dirsato Aan aheyn Haberjeclo ,
    Xataa hawiyihii Daahir calasow Ayaa ku diray oo dhahay ina godane Ayaa branchga dhiigshiil ee Hargiesa Bari ka shaqeyn jiray kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  18. 1-khaatumo
    2-snm
    3- pintland ssdf

    hadaan is barbardhigno saddexdaan nidaan
    waxaa cad in khaatumo dhulkeedii nabad ku soo dabaashay kuna maamusho nidaam dimuquraadiya oo maanta ay ku faanayaan dhamaanba bulsho weynta ssc ama khaatumo. saddexda madaxweyne ee xukunka midkiiba lixbilood hayaana ay si cadaalad iyo kalsooni ku jirto isu bedelaan mid waliba marka uu waajibkiisa dhamaysto. taasina waxay ka marag ka caysaa go aanka adag ee ay qaateen reer khaatumo. maantana khaatumo waxaa u dhiman oo keliya inay iska kiciyaan horgalada cadowgu ku hoos dhuumanayo. taasina waxay u hirgalaysaa sida ugu dhaqsaha badan.

    2-snm
    SNM maanta waxay maraysaa meeshii ugu xumayd reer walibana reer buu faylaha goynayaa xabaduna waxay maalin walba jaraysaa dhuunta iyo xididada dhiiga qaada ee caruur yar yar oon waxba galabsan, habarjeclo oo ah reerka xukunka haya waxay go’aansadeen inay ula dagaalamaan shacabka snm sidii cadow oo kale.habarjeclo waxay dhaar ku mareen in ay difaaci doonaan kursiga ay kaa didooda u soo cabeen. maantana waa maalintay ugu rajo xunyihiin snm
    siyaasada gudaha iyo tan dibadaba
    dagaalkuna wuxuu u dhexeeyaa askarta habarjeclo iyo dhamaan askarta qabiilada kale ee idoor

    3-pintland
    faroole waxuu korsaday sanad, dhamaan shacabka mj waa kacsanyihiin xabaduna waxay bilaaban kartaa waqti kasta, faroolena waxuu diyaarsaday qabrigii lagu aasi lahaa.wuxuuna ka shakisanyahay cidkasta oo uu xidhiidh lalahaa xadaa naagtiisa iyo caruurtiisii waa ka shakiyey. waxaana la sheegayaa in uu seexdo hoteel yar oo uu u dhistay isku soo xidho waqtigan oo kale.
    dagaalkuna wuxuu u dhexeeyaa faroole iyo beel weynta pintland.
    100% waxay u egtahay in pintland baaba’day

  19. dayer liqe

    adba soow factory emplooyes maad ahayd , ma adaa hadaa xafis fadhiya mise waxaad iska dhigaysaa mid u shaqeeyaa HALL MARK , k,.k.k.k.k.
    dhiloos oo dhani wadawada factory emplooyes ahahahaa iyo shaqaale u shaqeeyaa DAHAB SHIIL company ahahah

  20. ILA QOSOL

    XIRSI GAAB OO LA SOO OGAADAY IN UUSAN XATAA WALIGII GALIN MACHAD WAXBARASHO ,kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    Nin MAGACIISA ka gaabsaday Wuxuu dhahay 1996 ayuu dhoqoshay caruurta malcaamda noogu dhigi jiray !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

    Full DETIALS hoos ka Akhri !!!!!!!

    Xirsi Xaaji Cali ma shaqo badnid, Dhibaato aanad dhigin kama dhicin Somaliland

    Waxaan Salaamayaa shacabka reer Somaliland Salaantaa kadib waxaan guda galaynaa Maqaalkeenii aynu ugu magac darnay Xirsi Xaaji Cali ma shaqo badnid , dhibaato aanad dhigin kama dhicin Somaliland Waxaan isla eegaynaa Maamul xumadii ka dhacday Somaliland iyo doorka uu ku lahaa, waxaynu eegaynaa

    1. Wasaarada Maaliyada
    2. Waraarada Arimaha Gudaha
    3. Wasaarada Gaashaandhiga
    4. Wasaarada Arimaha Debeda
    5. Wasaarada Ganacsiga
    6. Wasaarada warfaafinta
    7. Wasaarada Beeraha
    8. Wasaarada Cadaaladda iyo garsoorka
    9. Wasaarada Qorsheynta Qaranka
    10. Wasaarada madaxtooyada
    11. Wasaarada Diinta iyo Awqaafta
    12. Wasaarada Waxbarashada
    13. Dekeda Berbera
    14. Hayada Fayo dhawrka
    15. Haamaha Shidaalka
    16. Hayada Wadooyinka
    17. Xidhiidhka Safaarada Ithiopia
    18. Hayada Nabadsugida

    Dhamaan Wasaaradaha iyo hayadaha aan kor ku xusnay waxa uu Wasiirka madaxtooyadu ku sameeyey Faro gelin toos ah hadaba inta aynaan guda gelin maamul xumadii uu dawlada ku sameeye y isaga oo baal maray maamuuska dawladnimo ee Somaliland kushaqeyso , isaga oo ka awood haysta Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo , awoodaas oo ku salaysan qabyaalad iyo Xaajiga oo Adeer u ah.

    Hadaba inta aynaan guda gelin maamulxumada dalka ka dhacday aynu dib ujaleecno sooyaalkii taariikheed ee mudane Xirsi Xaaji, lasocoo Xirsi ma laha wax aqoon , waxaa naloo xaqiijiyey in aanu xitaa Machad aanu weligii gelin, nin ka cudurdaartay in magaciisa la sheego waxa uu yidhi waxaan ku iqiiney Dhoqoshey 1996 halkaas oo uu Caruurta wax noogu dhigi jiray, Yacni Malcaamad quraan, ku duri mayno oo dadka waxa u khayr badan qofka Quraanka Barta , hadana dhiga, laakiin Maamulka Dawladnimo ayaa waxa ay leedahay milgo qaab ama hab ay ku shaqeeyaan,waxaa taa dheer Xirsi waxa uu fursad ka helay Xawaalada Dahabshiil oo suurta gelisay in uu magaalo yimaado, taas oo ay Ilmaamti ruma yihiin hantiilaha Shirkad.

    Xirsi waa nin dadaal Badan waxa uu hantay qalbiga walaalkii Maxamed Siciid oo u diray Course ku saabsan Computer Networking halkaas oo uu kasoo qaatay 9months course .

    Waxa markaa uu Xirsi Masuul ka noqday qeybo ka mid ah Xawaalda Dahabshiil, waxana uu furtay Private School lagu dhigo Computers oo ku yaal magaalada Hargeysa, Laguma xaman dabacsanaan iyo nacasnimo,laakiin ragii ay wada shaqeeyeen waxa ay sheegeen in uu leeyahay dabci aan loogu dulqaadan Karin,kaasoo ah Maroorsi shaqo iyo faro gelin hawl aanu lahayn, taasoo dhalisay in marar badan ay shaqaalaha hoose iskahor yimaadaan, laakiin Hayada Dahabshiil oo ah Company runtii uu dhisan yahay Maamulkiisa leh kala danbeyn iyo habdhismeed aan la loodin kareyn, gacanta ugu jirta ragii lahaa, wax dhibaato kama dhicin, Waxaa uu Wasiirka madaxtooyadu soo maray in uu Xubin ka noqdo Somaliland election Committee (SEC) ama Gudiga Doorashada qaranka Somaliland oo uu u magcaabay Madaxweyne Siilaanyo markii uu ahaa Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, nasiib daro waxa ay isla jaan qaadi waayeen Madaxdii Kale ee Commissionka halkaas oo Xirsi Xaaji Cali uu iska casilay 08/05/2008 Xilkiigudoomiye xigeenka gudiga doorashada , Mudo dabadeed waxa uu Xirsi dib ugu noqday Burco, kadibna waxa uu sameeyey taariikdu marka ay ahayd 4/08/2008 arinkii isku dayn in uu ka sameysto jabhad miyiga Burco, maalin qudha ayaa lagu war helay Fooneeyaha qaranka oo rag iskula hadlayaan , kana sheekaynayaa gawaadhi laga jaray qoorta oo loo diyaarinayo in ay dagaal qaalaan, Ciidanka Sirdoonka Somaliland ayaa ku guulaystay in uu Track grayeeyo ama helo goobta arinkaa laga abaabulayo, waxana la soo qabtay Mudane Xirsi Xaaji Cali Xasan oo diyaarinaya Dagaal kuna guulaystay in uu qoorta ka jaro 3 gaadhi, waxaa loo soo kaxeeyey Xabsiga Dhexe ee Hargeysa, halkaas oo uu mudo ku jiray. Waxaa soo damiintay odayaal dhaqameedo iyo rag badan oo madax ah.

    Hadaba XIrsi oo ay ka go,antahay in uu dalkan mar uun hogaankiisa gacanta ku dhigo ayaa wada hadal dheer oo dhexmaray Maxamed Siciid uu kula taliyey in uu kala shaqeeyo Dahabshiil Company, waxaana loo dhiibay Hayada SOMTEL oo looga dhigay Manager , Xirsi marnaba uma cuntamayn in uu ahaado nin Shaqaale Dahabshiil ah, waxana uu ka Hawl galay Diwaan gelintii oo uu si weyn ooga shaqeeyey Gobolada Barri isaga oo ka mid ahaa Gudigii ay beeshu u dirtay hawshaas, laakiin mar walba waxa uu xishmad dheeraad ah ku helayey wada dhalasha uu la dhashay Mudane Maxamed Siciid, oo runtii ah nin qadarin weyn ku dhex leh shacabka Somaliland iyo dhamaan mandaqada East AFRICA iyo Caalamka intiisa kale.

    Xirsi waxa uu marwalba jeclaa ilaa hadana jecel yahay in uu noqdo nin aan laga daba hadal ama waxa loo yaqaan afka qalaad Dictator , qalad iyo sax waxa uu jecel yahay in uu ku marsiiyo, runtii dabeecadaa uu mudane Xirsi leeyahay baa ah Asalka ama Sababta ugu weyn ee marin habaabisay taladii dalka Somaliland oo runtii uu ka faa,iideystay Aaminada uu aaminay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ka dhigtay Gacan yaraha 1aad arinkaas oo aanu marnaba Xirsi qarsan oo uu yidhaahdo Madaxweynaha ayaa aniga igu qaba kalsooni dheeraad ah marka laga wareysto wargeysyada Maxaliga ah.

    Maba xuma in qof lagu kalsoonaado , laakiin waxa xun kalsoonida oo si aan waafaqsaneyn cadaalada loo adeegsado, Habdhaqanka Xirsi Xaaji Cali waxa uu shaki weyn geliyey shacabkii reer Somaliland , waxa sameysmay in Beelihii ay markiiba is weydiiyaan Roleka ama Xilka Xirsi Xaaji Cali oo markii hore lagu magcaabay Chief of Cabinet oo hadii toos loo tarjumo noqonaya Wasiirka wasiirada ama Hogaanka Wasiirada, runtii qaylo dheer oo shacabka reer Somaliland qayliyeen waxa uu noqday Wasiirka Madaxtooyada laakiin runtii Jagadaas maaha ta uu ku shaqeeyo, waa tii aynu hore usoo sheegnay ee ahayd Wasiirka Wasiirada oo loo soo gaabinkaro Prime Minister , Markaa waxaan ku doodi karaa in Somaliland ay leedahay Government System leh Madaxweyne Xigeen and Prime Minister arinkaasna u malayn mayo in uu mugdi idiinka jiro, laakiin si aynu u xaqiijino oogana jawaabno Suaashii inoo ahayd ciwaanka bal aynu maqaalkeena danbe guda galno waa side xidhiidhka uu la leeyahay Xirsi Xaaji Cali Hayadaha qaranka Somaliland , maxaase ka dhashay Xidhiidhkaas, waxaad kaloo kaqaadan kartaa dhibaatada uu ina geyeysiin karo ninkan dhalinyarada ah ee leh taariikhda aan kor ku xusnay hadaan laga qaban qaranka,

    Waxaan idiinsoo bandhigi doonaa sida xun ee uu u adeegsado awooda Madaxweynaha Dalka isaga oo ay ku taageersan tahay Marwada 1aad oo runtii xushmad inaga mudan, Warbixnahan ayaa shaaca kaqaadaya Su,aasha soo noqnoqotay ee ah Dalka Yaa ka taliya ogow Wasiirada Hada jiraa kuma faraxsana Xirsi Xaaji ee Afkiibaa Juuq gabay, Wasiir X waxa uu yidhi, Inaadeer Ana waan arkaa, Shacabku waa arkaa lakiin laakiin maxaad isleedahay oo aan hagraday Anigu awoodayda dalka u shaqee baan isleeyahay. aniga runtii Wasiirkaasi waxa uu taabtay Qalbigayga waxa uu iidiiday Hurdadii waan fadhiisan waayey waxa aan go,aansaday in aan dhamaan la xidhiidho madaxdii qaranka soo martay waxaana soo baxay Maqaaladan taxanaha ah.

    Sources qarannews . Hargiesa somaliya

  21. Waar yaadhaheen kuwani yurub miyay kasoo lugeeyeen maxaa diif ka muuqata.

  22. Gudabiirsay waa na ogolyahay ciisena welwelbadani majiro warsengeli laftiisa aad uga ma walaacsanin. E nimanka aan u taagi laanahay ee aanu hore uga socon weyney waa dhulbahante sidaan reerkaas ka yeelaan waa hadalada ay maqaayadaha shaaha kaga cabaan

    • budliye

      adigu riyaad ku nooshahayee iska sheekayso. xamar cida igu sugaysa waa cidii aan anigu soo calaamad saday oon dhaqaalaheedii guusha anigu kenayee. gaandhi morgan iyo ina afweyne bareba faramadhan ayay xamar kala noqdeene. wax aad ictiraaf horjoogsatay ma jirtee adigaa lagugu hayaa maqfar ama xabsi. kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

      mida kale samaroon waa ku ladan yahay somaliland ee ma waxaad samaroon u taqaanaa xoogaaga cuqdada weyn ee xamar xafiiska duuga ah ka furtay iskamana xaaqaan.

      samaroon siduu shalay ugu heesay uguna reeyay kolkii mayorka cusub loo dhaariyay ma ka bogatay. mida kale samaroon buuqii uu sameeyay ma ahayn wax lidi ku ah somaliland ee waxay boobayeen uun ciise.

      inkastoon isku dayay dhexdhexaad inaan u noqdo samaroon iyo ciise hadana samaroon kolkay wax kasta jajabiyeen baan u ogolaaday inay mayornimada iyo ku xigeenkiisa ay ayaku iska qaataan. iminkana durba ciise ayaa rabshado ka dhan ah samaroon wada.

      kolkaa arrinka ka jira awdal waa lagu wada qabaa caano macaan. ee kaagan aan maqfarka ku hayo miyaa wax hadaa haya.

      midan muqdisho anigu muqdisho hada uma socono kolka ay wadahadaladu inoo soo dhamadaan baanu aadaynaa oo dhulkii aanu safaarada ka furan lahayn ka diyaarsanaynaa. ayakuna hargeysa way iman oo meeshii ay safaaradooda ka furan lahaayen bay sii diyaarsan doonaan.

      is afgaradna hore loo gaadh. oo waatii tfg ii saxeexday inaan adiga kuu taliyo oo aan anigu ka ahay dowlad goboladii ingiriisku siiyay xoriyada 26 june.

      kkkkkkkk sidoo kale kulankii dhawaa ee ka dhacay jabuutina sida uu siilaanyo afkiisa ka sheegay xasan sheekh maxamuud waxay ku heshiiyeen in darisnimo wanaaga la dhowro taasi oo uu xasan sheekh maxamuud aqbalay.

      kolkaa sidii laba dal baynu u wada nool nahayee.

      ii sheeg meesha kastuumo kaga hadhay arligan. midan ina siyaad bare waatii 0 af madhan goobtii doorashada lagaga eryee maxaad haysaa oon ahayn baroortii aad caadada u lahaan jirtay. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

      mj na waa kusoo nacay xamarna waa lagaa yasay oo hingo hingadeed baad kala soo noqotay. cali khaliifna boorso madhan buu kala yimi oo wax xilba ma helin waana ku qaday sidaasi waanuu cadaystay in somaliland ay xamar kaga daba tagtay oo ay himiladiisii dhulka jiid jiiday sida bakhtiga oo kale. kkkk tii mashruucii kastuumona albaabada u laabtay. oo afkiisa ka yidhi waxaanan filayn baan la kulmay oo ah ceeb aan waligay igu dhicin baa maanta somali oo odhan iga soo gaadhay oo waa lagu soo yasay xamar yidhi. quudhsiga quudhsigiis mooyee wax kale ma haysaan.

      give up

      viva somaliland republic and viva our neighbouring country of somalia republic.

      viva xasan sheekh maxamuud and viva dr axmed maxamuud siilaanyo.

  23. Madaxweynaha maamaul goboleedka khaatumo allow dhowr, waxaan filayaa ragaa qaylinaya ee madaxweynaha wax ka sheegaya rajadii ayuu ku soo xidhay, citiraafkii ayuu cirka kaga laalay, waa quus, hadda xamar loo yaacayaa, maad iska joogtaan xamar ina siyaad barre iyo gaani iyo dafle iyo moorgan oo miidhan baa joogoo aad kabaha u baalashayn doontaa, viva khatumo and somaliweyn

  24. Qurba joogtu waxay u eg tahay factory employees kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  25. RADIO SSC KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK LOOOL

  26. kuwan marka lasoo sawiroba maxay la didsanyihiin.mise dhagtaa taagan oo ciidankii qaranka jamhuuriya s/l ayaa layska eegayaa.

    shir danbe oo gudaha somaliland kastuumo ku qabato waa habeen xalay tagay.

  27. mire

    k.k.k.k.k.k.k.kk. anigu waxuun naan layabanahay kan ay madaxweynaha ku shegayaan ee miskiiiiinka u eg , k.k.k. walaahi markaste oo sawirada aan arko waan kanaxaa , macnaha waad arkaysaa in laqasbaayoo oo uu waliba aad uga xunyahay hawsha loo igmaday oo ah qasab iyo jujuub aanu taagba u haynin k.k.k.k.k.k inaalilaah , wali wax madaxweeyne lagu sheego oo ka laiiitaa walahi maan arrag , oo xataa inna caallin kii gal mudug waabaa kasii liitaa kani , waxaad moodaabaa inuu hurdo k.k.k.kk. mise toloow nacastuu cabaa ama WEED ka k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.

  28. Marka hore waxaan salaan hawada u marinayaa dhamaan beelweeynta khaatumo
    gaar ahaana waxaan salaamayaa dhalinyarada khaatumo ee webka horufadhi commentiskiisa ka howl gala. kkk

    dhamaantiin waxaad la socotaan in labadaan maalmood aan qorayey gabayo
    aan jeclaystay inaan ku booriyo beel weynta kaatumo oo aan ku dhaliilayo iyadoo
    awooda difaaca dalkooda inay ka howl yareeysteen.
    hadaba sidaad akhrideen labadii gabay ee bahararsame iyo jaamacsiyaad waad akhrideen.
    ilaahay idankiis maanta waxaa ii suurtowdey gabaygii ka hadlayey guubaabada iyo kicinta beesha ugaadhyahan.beeshan oo aan anigu ku mataalo geela.sababtoo ah geelu xoogiisa ma arko inta uu aduunka joogo. laakiin geela ilaahay wuxuu tusaa xoogiisa aakhiro.waxaana la yidhi geela marka awoodiisa la tuso buu oohin iyo cabaad isku daraa oo yidhaahdaa ilaahow aduunkii ii celi aan awoodayda isticmaale.laakiin ilaahay wuxuu ku odhanaya waqti aduunkii dib laysugu celiyo lama joogo geelow.

    Haddaba gabaygan oo kuwii hore ka yara kulul reerka ugaadhyahanse ku haboon
    ayaan maanta curiyey. gabaygaana waa in aan loo qaadan in aan xumaan ama reer iska maag ahay ee waxaan u arkay in uu waqtigan ku haboon yahay.hadaba ha layga raali ahaado. waana in la iga gudoomaa.
    gabaygiina waakan isagoo ugaadhyahanaysan.

    Gabayga waxaan ugu magacdaray( Darmaan farataqaan),wuxuuna ku socdaa gabaygu xarafka D

    1-Da’da gabayga anigoo yarbaan daalib ku ahaaye
    2- Iyadoo darmada laydhigaan daadshey idilkeede
    3- Waanse daayey inan sheego oo dowga qabadsiiyo
    4-Maantana wax bay daarayoo ii dardaarweriyey
    5- Bal aan daadsho maantoo kaluu daawo leeyahayee

    6-Dacwad waxaan udirayaa reer tolkey dirir la’aantiisa
    7-Durjigood ugaadhyahan waa dadaan jirineh
    8- Inay dunida joogaan lama dareemaayo
    9-Darmaan farataqaan baa sideed daacad loo rarane
    10-Iyagoo duloobeybay dad isu haystaane
    11-Baldayay ugaadhyahan diifat xumadiisa
    12-Faroolaa derderay oo sixir doolar ugu laabay
    13-Cabdi samadki diinyaray daba ordaayaane
    14-Hartigii dumay derejo moodeeneh
    15-Dowladii afweyniyo ina daflay dooni abidkoode
    16-Siilaanyo duuflulay taar u dirayaane
    17- Iidoor daacuflay arkeen oo laaska soo degaye
    18-Iyagoon dagaalamin baqay dabada jeedsheeneh
    19-Dundumooyinkay moodayaan daacufle idoore
    20-Orodkii dambaaburo qardhay dabo ka dhaafeeneh
    21-Dibna uma jaleecine waa durduriyeene
    22-Ku dardare caruur iyo haween qowlo dacalkooda
    23-Fuleynimadu inay duli tahayna maba dareemaaneh
    24-Dalkoodii la dhacay iyo xoreeyn dooni maayaaneh
    25-Hanaankii dagaal iyo kalume dirirti xeeleedeh
    28-Kamaadoos derderan waa inaan howd ka doonaaye
    29-Degelweeynta reer hagar waa inaan qowlo dacalkeeno
    30-Durjigoodba reer howd waa dagaal yahaneh
    31- Dugsiyada tacliintaan ka furi dacalki qoowleedeh
    32-Bii emkii darnaa iyo suuga bay soo dagaal gelineh
    33-Darandoori waxaay uridi taangi daba weyne
    34-Daaca qudhun cambaashay dooxayaan maanta
    35-Xaabsade duloobay dhiig ka siideeyne
    36-Sandulihi duloobey bay waran daraayaane
    37-Fu’aad daaman weeynay wadnaha shiil ka siideeyne
    38-Marka uu danqado oo cabaad labada daan yeedho
    39-Bay weliba dili oo indhaha daamur ka yaacin
    40-Duriyadii siciidey horgale daawo malahaado
    41-Keenii difaacana waa inaan darbeynaaye
    42-Danta guud u jeedadu waa midnimo dooneh
    43-Xornimona dagaal bay rabtaa iyo geesi doob weyneh
    44-Durji malaha ninkaan arlada nabad ku doogeeyneh
    45-Dalkeenaa la dhacay waa inaan daacad u xoreeyno
    46-Guumeeys dusheediyo lebida waa inaan gaadh duldhiganaaye
    47-Googarado waa inuu xidhtaa gaacufle idoore
    48-Waa inay dameeraha rartaan oo sagaar dabin u tuurtaane
    49-Waxba gabaygu yuu ila durkine waxaan ku soo deeyray
    50-Naflahaan danqani goor dambuu dib u shalaayaayeh
    51-Isku duubnideeniyo midnimo waa danteeniiye
    52-Dirdiraalaha iyo daneeystaha waa inaan daloow ka tuuraaye
    53-Dibna yeynan ugu noqon wixii sharafta baal daari
    54-Duriyadeena wixii uroon iyo magaca aan doono

    dhamaan waxaan ka codsanayaa beesha walaalahay ee ugaadhyahan in aanay iga cadhoon. gabaygaan wax kale ulama jeedo.cidna inaan ku caayo kuma tala gelin laakiin meeshuu ilama maray. hadaba hala kala raali ahaado gabayguna dhamaantiis waa guubaabo iyo kicin ku saabsan xoreeynta laaska iwm

    ilaahy waxaan ka rajeeynayaa in gabaygaa
    uu daawo uga dhigo dadka uu la hadlayo

    wa bilaahi towfiiq
    waa keligiiduul oo idin leh habeen wanaagsan

    • 1-Abwaankii halyey ihi runtuu hiil u doonaaye
      2-Halgankiyo xoreeyntaan waqay u hardamaayaaye
      3-Hayb qudha difaaceed waa hal ku mataale
      4-Horgalayaashu way badan yihiin tan iyo habiile
      5-Hindisahaaga waan garanayaa haybta uu yahayeh
      6-Js taa habowsani wax bay hilow ka eegeene
      7- Himbiriirsi iyo riyey isu higaadsheene
      8-Hirar beena iyo waxay arkeen howlo aan jire
      9- Hunguri iyo waxay raadiyaan hilibka ceebeede
      10-Tolkoodoo horjoogay wax u hilaacaane

      11-Inay soo halgami jireen hubanti weeyaane
      12-Ciil hore inay wada hibtaan waa hal aan qabo eh
      13- Inay hiirta waaberi ka caan waa halaan qabo
      14- Dagaal inay habeeyaan waa halaan qabo
      15-Hayeeshee hormuud weeyo oo waa lama huraankiiye
      16- Halgankuna la aantood waa halaan jire
      17- Howd iyo nugaaloo dhambaa dooni hiilkooda
      18-Hor ilaahay baan doonayaa inaan wada hanuunaaye

      19-Halganka inaan bilow naan rabaa oo hirgelinaaye
      20-Haybtaan nahaan doonayaa inan hubeeynaaye
      21-Hoolif laha idoor baan rabaa inaan halagaaye
      22-Iska hilmaama wixii hurudhiciyo hanafti duugowdey
      23-Tolkiin heegan weeyoo waa hayaankaase
      24-Halkaad tabansaan sheegta oo howsha dacalqaata
      25-Hibo eebe weeyee howsha dacalqaata
      26-Hanti iyo barwaaqaan koldhow dibiro la hifandoonaaye
      27-Hido caane heedaan koldhow ka hifandoonaaye
      28-Helo iyo ciyaar baan koldhow lebi ka heesnaaye
      29-Aroos hararo weeyn baan xargaga hibo ku soo hooyne
      30-Hadhuub buuxo oo xoor leh baan halab ku soo maali
      32-Hilib iyo waxaa lagu qadeeyn kuriski heemaale
      33- Haweenkiyo caruurtaa subaga hiinfaari

      34-Madaxdeena oo haybadlaa talada heemaali
      35-Hablaheena oo quruxsan baa hiirti soo kicye
      36-Makhaayado hab weeyn loo dhisaan shaaha ka hiraaban
      37-Hartigii nadhalay baan heedhe soo celine
      38-Daarood hadoodanaan hiil u diranaaye
      39– Khaatumo humaageeda baa la hadhsandoonaaye
      40-Halka amarka laga qaato baa hooy inoo noqone
      41-Halyeeyadi xijaabtaan hibo gudoonsiine
      42-Taariikhdii haloowdaan soo hilaat celine
      42- Darwiishkii halgamaybaan haybti qorayaaye
      43-Umadyahay halbowluhu waa dhiiga hibiqdiisa
      44- Halgankiyo xoreeyntuna waa lama huraankiiye
      45- Iga bilaaba howshoo midnimo faras u heenseeya

      ilaah baa mahadleh

      gabaygaan markii hore waxaan ku qoray webka afbakayle waxaana ugu jawaabey nin isku magcaabay darwiish oo aad uxanaaqsan kadib markuu akhriyey gabaygii ku saabsanaa horgale ina cambaashe

  29. shalay waxaan gabayga sare u tiriyey beesha jaamacsiyaa oo ay ugu horeeyaan cali faarax iyo kooshin kabadhogor oo iayagu weligood hormuud u ahaan jirey beel weynta dhulbahante.gabaygiina waaka sare ku qoran

    maantana waxaan jeclaaystay inaan gabay kale u tiriyo beel weeynta reer saaxdheer ee tolkay oo aan ku dhaliilayo sida ay uga seexdeen waajibkii tolkood ka sugayey, ayna uga soo bixi waayeen doorkii ay ku lahaan jireen talada iyo difaaca dhulbahante.waxaan kaloo codsanyaa gabaygaan inaan loo arag xumaan aan cid u qabo laakiin waa iga guubaabo aan doonayo in maanta baharsame jihaadka bilowdo si ay u soo ceshato doorkii ay ku lahayd dhulbahante dhexdiisa,
    aana u arko wax qabadka boqortooyadii soo jireenka ahayd ee reer tolkay.

    Gabaygiina waakan isagoo dhan oo dhigeysan;

    1-Da’da gabayga anigoo yarbaan daalib ku ahaye
    2-Waanse daayey waayadan oo ma soo deeyne
    3-Maantana dan baa tidheye ma anba dooneeyne
    4- Bal an doogsho reeraha oo dirir u heenseeyo
    5- Afartaa digsiiyey oo dowga qabadsiiyey

    6-Afar kalena bal aan sida digriga daacad ugu sheego
    7- Naalayihii darnaan jiray waa da’furay maantaa
    8-Ma dareemin baa loo baxshiyo, magacyo duugoobey
    9-Durdurkiyo laaskii xornimo kuma duljoogaane
    10-Idoor daacuf leh bay derejo moodeene
    11-Nugaal daafeheeday cadho dibinta ruugaane
    12-Dhoon dacaladeedii warmaha ku ma duqeeyaane
    13-debin kama hadlaan oo fartaa lagu diraayaaye
    14-dagaal uma baxaan oo baqay dabada jeedsheene
    15- Duubkaan u xidhay iyo derejadii tuure
    16-Taladaan u diray doonimaayaane
    17-Dumar ooyayey subixi shaah u doontaane
    18-Daqiiqda iyo cajiinkay door bidaayaaneh
    19-Dabatiyo gunimay doonayaan abideh
    20- Darib kuma cunaan dulaha nuurdaaqeh
    17-Qudhac-dheero darantii horweeyn uma dareershaaneh
    18-Dambar kama dhamaan oo nirgaha uma daduucaane
    19-Gaajay la dalan baabayaa dayrta aan joogno
    20-Xaabsade damiin bay talo u doonteeneh
    21-Ka door bide xornimo inay Idoor dabada haystaane
    22-Daba taag korkeeday deleb ku dheelaaneh
    23- Durdurada agtooday dalag ku beertaane
    24-Idoor daacuflay soor u doontaane
    25- Bal dayooy dadkaa aan xornimo doonin abikoodba
    `26-Dadkii idin boqraday xornimay doonayaan maanta
    27-Dirir iyo colaad bay daalibaayaane
    28-Ama diida oo yeela waa kama dambeeystiiye
    29-Durbaan iyo rasaas waa inan maqlaa maanta dabadeeda
    30-Guumeyd dusheediyo lebida waa inaan gool ku dooxnaaye
    31- Dibna yaan u maqal idoor diga qadhmuunkiisa

    gabay gaan oo hada uun maskaxdayda ku soo dhacay oo aan ku qoray wax ka yar labaatan daqiiqo, horena aanan uga fekerin, waxaan jeclaan lahaa in aan u hibeeyo dhamaan dhalinyarada dhulbahante ee webkaan horufadhi commentska ku qora.waxaana leeyahay gabaygaan ha layga gudoomo oo dhulka halagu xoreeyo.
    gaar ahaan waxaan gabaygaan u hibeeyey howd iyo nugaal iyo nina oo aan u arko laba qof oo jihaadku dhab kayahay.ilmaadeernimaduna meel weyn kaga taal
    wixii rayiya oo aad haysaan waa idinka sugayaa.aflagaadaduna waa reebantahy

    gabayga waxaa ku jira
    magacyada meelo dhulkeena kamida weliba howd iyo nugaal

    dhoon- waa buur
    qudhac- dheero.– waa meel ku taal laascaanood hoosteeda oo geelaloo daran geeyo
    durdurka– waa durdurka laaska
    lebida- waa meeshii dhulbahante iyo habarjeclo kala joogi jireen waa gii hore xuddudkuna ahaan jirey
    nuur daaq– waa buur laas caanood ka hooseeysa oo buuraha ugu baaleysa xaga nugaasha
    saaxdheer iyo dabataag– waa magaalooyin dhulbahante oo howka xiga
    baaraan– waa hogob u dhow kalabaydh oo biyu ku raagaan

    guul——–gobanimo———–midnimo

  30. xunba weyn xidhiidhiyoo
    ximankii daryale
    xargegiyo laaskiyo
    xidhiidhiyo dhabansaar
    ximankii abeesaley
    dhuxun iyo dhabansaar
    dhulkii aan i qiin
    dhaxan baa ka timiyoo
    waa laga dhawaaqoo
    dhiig baa ku daatee
    tolow yaa u dhalan?

    odagooyiyo gambadhee
    cadow soo galyoo
    geesiyadii lahaa
    guri nabad maseexdaan
    hadhuub gaawe culan
    goray kuma lisaan

    gabladii ciyaartiyo
    geeraar matiriyaan

    fardihii gamaankiyo
    gabdho kuma aroosaan
    geyigaan jeclaa

    hodan waa garooboo
    goblan weeye aamina
    googarad dhalaaliyo
    garbasaar maxidhatoo
    galab qudha madheeshoo
    gudcur iyo habeenbay
    kolba gees u carartaa
    gam i weeydey caashoo
    jihaad bay la goohiye
    tolow maan isgaranoo
    gantaalaha xambaarnoo
    xoowda gooyno cadowgaa

    iyagoori lama galo
    garaadadu ma booqdaan
    guryahay lahaayeen

    gabanadu maseexdaan
    guumeey dusheedii
    kooshinkii ganaan jiriyo
    cali faarax lama garan

    gun nimiyo xumaan iyo
    lama qaato gorof madhan
    geyigood xoreeysaa
    guul kuugu filanoo
    gaajiyo haraad beel
    aad gees u seexan

    Reply

  31. Xitaa qurba joogtoodu xayraamiin bay u egyihiin …kkkkkkkkkk

    • waa gabay ku saabsan dagaalkii kalshaale sidii mujaahidiintu ula dagaalameen
      iidoorka
      waxaa kaloo gabaygu ka hadlaya sidii dagaalka ka dib loo dabaal degay
      waxaan ka loo gabayga kaga hadlaya saddexda reer ee dhulbahante lugta jiidaya iyo siday uga seexdeen waajibkoodii
      waxaan ugu dambeeysiiyey sida aan uga xumahay xornimo la’aanta laascaanood. dhibaataduna ii taabaty aana habeen iyo maalin uga fekero dhibaatada laaska iyo raga la aanta i haysata.

      1-Dha’da gabayga waataan beyahan dhaafay idilkiisba
      2-Waataan ka dhaartoo dhaatay carabkayga
      3-Maantana dhawaaq iiga yimi dhabanadii howde
      4- Aan dhaqaajo maantoo kaluu dhaymo leeyahaye

      5-Warkii dhinaca howd iiga yimi way dhanqalay maanta
      6-Jirkii i wada dhaqaaq idil dhamaantay eh
      7-Gama diide reer dhuloos gedi dhamaantoodba
      8-Dhambaalada la diray war bay dhowda ku hayeene
      9-Dhirbaaxooyinkii idoor dhaawacaa uunku wada dhuuntay
      10-Dhaawacooda iyo maydkaa dhooban qori lugudiye
      11-Habro dhaaminaayaa ooyey dhiiladi eh

      12-Siday wax u dhaceen aan dhabaha saaro
      13- Oo bal dhuuxa waa war dhane dhegadhegayntiisa
      14-Ohalinyaro ilmaadeera oo dhaarsan oo faydan
      15-Oo iswada dhaarsaday oo ficil dhaqaaqaaya
      16-Oo shiishka maadhiinka iyo dhoobirka cabaystay
      17-Waa dhiiga reerkayga iyo dhaladka buuhoodle
      18- Iyagoo dhanbay idoor dagaal ugu dhaqaaqeen
      19-Dhabanada kalshaale askari dhiiran baa galayeh
      20-Kamaadoos la soo dhaariyaa hiirta dheemaalay
      21-Dhuumaalaysi iyo xeelad bay dhuurta jeexe
      22- Iidoor dhoocil oo wada hurday dhamacda saareene
      23-Dhawaaqii kabaxay dhidaradii yaace
      24- Libaaxyadu dhamaantood dhegaha fiiqfiiqe
      25-Dhashiikaha markii lala dhacay dhinac u yaaceene
      26-Buur dhabana bay dhankeed doc isu dhoobeene
      27-Dhawaaq sare ayaan dalbaday bm kii dhinaca weynaaye
      28- Ku dhuftay markaan nidhi bay madaxa dhiibsheene
      29-Iyagoon dhanaba eegin bay dhagac yidhaahdeene
      30-Suugaan u dhiibey, iyo bamkii dhimasho gaadhsiiye
      31- Dhaawacoodi waakaa dhirtii dhaafay tiradiisu
      32- Guda biirsay wada dhanqalan baysa soo dhiibey
      33-Hadhaagii dhaqaa oo dhaafe qurilugude
      34-Dhawaaqooda waxaa laga maqlaa ceelki buur dhaabe
      35-Dhaar bay mareen inay idil dhamaadeene
      36- Mar dambena dagaal sooma ay dhigane

      37-Kamaadoosta dhaarsani waa libaax dhiig arkoo kale
      38-Dhaqsoba u kala waax afkiyo miciyo dhiig yeeshay
      39-Dhaantiyo waxay noo qabteen gabayo dhaadheere
      40-Anaguna dhegeeysiga micnaha dhuuxnay idikiisba
      41-Alla bariga iyo dhowrtada koromo dhaad gooye
      42-Gabdho wada dhaloontiya oo boqor dhaclaynaaya
      43-Oon ka dhicin ragoodoo uumiyuhu dhowro
      44-Waa dhaladka buuhoodle iyo dhinaca reer howde
      45-Dhulkoodii difaacoo iidoor gooye dhabarkiiya

      46- Waxse dhibaya waa warkii dhinaca laaskiiye
      47-Js tii dhamaan tood waa dhur falane
      48-Iyagoori dhaan kama daraan oo waa wada dhufaankaase
      49- Dhuuntiyo waxaa laga tumaa lugaha dhaadheere
      50-Axmed hoolifki dhiiranaa waa dhif hadalkiisu
      51-Dhalaalo ciira iyo waxa la siin dhaashi subagiiye
      52-Majin dhoowr habeen teelaybay dhowrayaan abideh
      53-Iidoor dhiig qadhmuunay talo la dhaarteene
      54-Iga dhimate oo js dhaafay magaciina

      55- Baharsamadi waa dhoowrsadaan sidii sidigta dhaameele
      56- Dhiidhiibso baa lagu yidhi iyo hilibka soo dhiiba
      57-Dhoobi iyo waxay wada noqdeen dhoocilo idoore
      58-Dhimashada ma doonaan oo idoor hoosta kala dheele
      59-Cagaaranena dhiiboo sooma dhiciyaane
      60- Iga dhimate oo reerkanow dhigay magiciine

      61-Ugaadhyahanku dhaantiyo ciyaar waa dheeli abidkiise
      62- Waa niman dhalaanoo caqliga dhiisha loo sudhaye
      63- Xaqoodii la dhacay dhaafe idilkiise
      64-Dhabayiciyo shaydaan bay hiil ka dhowraane
      65-Dhabanada taleex iyo qardhay xabagta dhuuqaane
      66-Dhulna ma ay xoreeynayaan oo dhaarte idilkoode
      67-Iga dhaafa nimankaan waa dhabayoo kale
      68- Waxba ka dhowri maayoo walee dhaar ayaan maraye

      69-Laaskii ladhacay baan dhowrayaa weli
      70-Rag dhintaan u yeedhyeedhaya oon dhaqaqaynin
      71-Dhibicdii ilmada baa indhihi hoor isoo dhacay
      72-Dhaaha iyo ducaan intaa sare u dheegaaye
      73-Dhawaaqii baxaayaba xoreeyn bay dheguhu moodaane
      74-Dhamaantii jidhkey waa dhuubtay idilkiise
      75-Telephoonka soo dhaca wadnuhu waay dhaqaaqaaye
      76- Sidii dhidar dib jiray baan dhow rayaa socodka
      77-Dhuuniga macuno oo biya cuno ma dhaafsiiyo
      78-Inan dhugato qabo bay gabdhuhu igu dhaliilaane
      79-Dhimashada inaan doorto baan dhawrayaa weliye
      80-Iga dhaafa halkiyo naftuba waay dhibaayaane

      wabilaahay towfiiq

Leave a Reply

<

Recently Commented

  • ruun: Kkkkkkkkkkk jamhadii yareeyd waqtikeedii wuu dhamaaday qabiil qaran ma noqdo horaa loogu sheekay lkn weey ka...
  • bulshaawi: kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk ha ku daalin jeedaaaal waaaar maantay ugu darnaayeeen NINA supper power baa...
  • xaqdoon: waryaahee war Ciidan kasta oo yimaadaa ma koonfur buu degeyaa ? meeday qaybtii Waqooyiga burco iyo Hargeysa...
  • khadar p/ander wiil mudug: guuleyso baan leenahay gen; fartaag waa muwaadin ka dhiidhiyey ceebta saacid iyo barre...
  • U.STATE.OF. H: Alow Dhawr Dawlada Somaliya Wanaaga Ay Ku Talaabsatayna Waan Ugu Habal Yeynayaa Maasha Allaah Waxaa Ka...