Fadlan Muwaadin:- Ka Qayb Qaado Dhismaha Guriga Jaamacada Bariga Afrika Faraceeda Magaalada Buuhoodle (Warbixin Gaar Ah)
Jaamacada bariga africa faraceeda magaalada buuhoodle oo lafuray Oct 4, 2012, Iaamacadani ayaa waxaa ugu horayn si weyn usoo dhaweeyey bulshaweynta kudhaqan magaalada buuhoodle ee xarunta G/cayn hadaba jaamacadani ayaa ah mid faa iido weyn uleh umada kunool G/cayn iyo Nawaaxigiisaba.
Furitaanka jaamacada ayaa waxaa kasoo qayb galay aqoon yahano farabadan oo isaga kalayimi gobalada dalka soomaaliya sida Boosaaso Gaalkacayo Laascaanood Garoowe iyo qaarkaloo badan .
Jaamacadan ayaa hada waxa ay maraysaa hawsheedu meel aad uwanaagsan waxaana kafaa idaysanaya arday farabadan oo kunool magaalada buuhoodle sitoosana waxbarashadeedu way usocotaa .
Gudoomiyaha jaamacada baragi africa Dr.c/shaafi axmed cali oo aanu kawaraysanay tan iyo intii lafuray jaamaca bariga africa faraceda magaalada buuhodle waxa uqabsoomay ayaa waxa uu noosheegay gudoomiyuhu in jaamacada hada sitoosa loo dhiganayo arday badana ay kafaa idaysanayaan balse jaamacadu ay kujirto guri sigara loo leeyahay sikumeel gaadh ahna ay usii daganaanyso jaamcadu girigan .
Balse gurigii loogu deeqay jamacada bariga africa inuu qabyahay una baahanyahay in sida ugu dhakhsaha badan ladhamaystiro.
guriga jaamacada ee qabyada ah ayaa waxa uu kuyaalaa dhinaca galbeed ee magaalada buuhoodle waxa uuna kuyaalaa dhul aad ubaaxadweyn
hadaba waxaa loogu baaqayaa umada soomaaliyeed gaar ahaan qurbajoogta kasoo jeeda g/cayn inay kasoo qaybqaataan dhismaha guriga jaamacada bariga africa oo faaiido weyn uleh Dhamaanba umada G/cayn qurbo Joog Iyo daljoogba .
waxii faahfaahina kalasoo xidhiidh Gudoomiyaha jamacada……………
Dr C/shaafi Axmed Cali
tel:0025224369898
free call: 0019258848457
Wabilaahi Towfiiq
Short URL: http://horufadhi.com/?p=21218



maan shaa allaah waa ilaahay waxloogu shugriyo hadii jaamacad kahirgashay buuhoodle ilaahay haydin laqabto dadaalka aadwadaan waxaan rajaynanaa insanadkan sanadkiisa aadbarwaaqo kugaadhaan dhamaan dadka reerkhaatumo iyo soomaali waynba ugudad bayn waxaan mahad ucelinanaa cidii kaqayb qaadatay khaas ahaan drc\shaafi macalimiinta kalab waxaan leenahay balan teenu horumarka dadkeen iyo dalkeena maah maah baatidhaahda raqba waa kurageeda www slmckm