|

Maqaal: Reer Khaatumo ma joogaan wakhti ay ku mashquulaan Halgan dhexdeedo ah oo Dhuleed!!

MaqaalUgu horeyn waxaa mahad idilkeed leh, Allaah S.W.T , Naxariis iyo Nabadgalyo korkiisa ha ahaato Suubanaheenii, Xabiibkii, Nebi Maxamed.

 

Waxaan jeclahay inaan inyar ka dhawaajiyo ciwaanka maqaalkan oo aan isleeyahay bal intii Allaah kaa solonsiiyo aad ka dhahdid, waxaa waayadan si isdaba joog ah deegaankeenii Khaatumo uga soo yeedhaysay arimo aad ula yaab badan runtiina wakhtigan walaac ku abuuraysa qofkasta oo caqli u saaxiib ah isla markaana ay ku jirto wadaniyad guud iyo qadiyad mustaqbaleed oo ku wajahan cadowyada inagu xeeran.

Arinta haatan ah mida ugu fajaca badan waa ta ka taagan halka loogu yeedhay Geed Xamarkaleh, ama duleedka Caroweyn oo sida la sheegay ah soonaha degmada Widhwidh ee G/Cayn. Xidhiidho badan oo aan la sameeyey dad wargal u ah deegaankaas kana ag dhaw dhaw iyo qaar aan qurbaha wada joognaba, runtii doodaha ay kala qabaan aad beey ugu kala duwan yihiin. Qaarkood ama fekeradaha badankoodu waxay leeyihiin waxaa aad u wanaagsanaan lahaa in dhulka xuduudaha cadowga ee markaas Cidhifyada shishe ah, ay ku haboonaan lahayd deegaanku, waxayna tusaale u soo qaadanayaan in Kalshaalle oo kale, Hagoogane, iyo Sooljoogto ay ku bixinay naf iyo maal, taasina ay ahayd inaynu difaacano deegaankeena si aan Mahbarku u boobin.

Sidaas darteedna ay haboonayd in aynu ku degnaano dhiigi shuhadada naftooda u huray dartood iyo xoolihii caqligu ku ladhnaa ee aynu u hurnay. Dooda noocaasi ah waa tan ugu xooga badan ee dadka mufakariint ah, qabaan balse waxay dabadhigayaan oo ay lee yihiin sideedaba waxaan suuragal ahayn in maanta Dhulbahante dhexdiisa dhul ku murmo, kuna colaad qaato oo ay runtii tahay wax lama filaan ku noqday qofkatsa oo maanta  damiirleh.

Gacmo shisheeye?

Arimaha ku saabsan in gacmo shisheeye arinta faraha kula jiraan waa wax runtii ay aad ugu daahan tahay shakiyo badan oo ku saabsan, sida , qaabka , marka iyo meesha laga soo wajahayo. Waxaase makhraati ma doonto ah in arintan lagu soo beegay wakhti aad xaasaasi u ah isla markaana khilaaf dhexdeena ah dadku aad ugu nuglaa, waxaa lagu soo beegay wakhti Madaxdhaqameedkii ka soo laabteen Xamar, isla markaana lagu heshiiyey Taleex in Madaxdhaqameedkasta uu deegaankiisii ka abaabulo danaha Khaatumo oo ay koow ka tahay xoreynta Laascaanood.

Waxaase runtii arintan weeciyey geedka xamartaleh oo laf dhuungashay ku noqday guud ahaan dhaq dhaqaaqii ka socdey hawd, sidoo kale waxaa maalmo yar markeey arintu socotay Buuhoodle ka soo yeedhay in saraakiishii Gobolku kuba dhawaaqeen in aysan khaatumo dhaq dhaqaaq ka sameyn karin Gobolka xataa hadalkoodii la gaadhsiiyey arinta geedkaas waan faragelinaynaa. Sidoo kale shir lagu qabtay Balicad ayaa asagana iska cadaa in uun xooga lagu saaray arinta Geedka, taasoo aad moodo in laga dhigay Ajandaha shirkaba. Dhamaan calaamadahaasi waxay muujiyeen in meesha gacan sadeex iyo mid afraadba ku jirto. Taasoo labada dhinacba aysan daahir ka ahayn.

Sidoo kale waxaa marag ma doonto ah, oo qofkastaba ogyahay in reer Buuhoodle iyo reer Widhwidh tuhun lixaadleh ku dhex jiro, taasoo ka soo bilaabatay wakhtigii Widhwidh la qabsaday, tusaale ahaan sanadkii 2010 bishii may 22keedii waxaa Widhwidh ka dhacay xasuuq iyo weliba deeganada ku xeeran, nin odey ah oo reer Widhwidh ah ayaan qurbaha kula kulmay, asagoo markaas ka yimid deeganadii waxaana warsaday bal waxa reer Widhwidh ka cabanayaan, wuxuu iskooban igu yidhi ”Hubkii lagu difaacya baliga ayaa loo diiday in degmadii G/Cayn ugu weynayd ka sokoow Buuhoodle lagu difaaco”’!! runtii arintaas waxay ii muujisay in meesha cuqdadi jirto, sidoo kale dad badan oo reer Buuhoodle ah oo aan ayanaga warsaday fekerkooda waxayba lee yihiin reer WIdhwidh dagaalkii Kalshaale ayey nagaga baxeen!!!.

Waxaad moodaa in arimahani ay yihiin waxyaalo badan oo reer Laascaanood soo dhexgalay markii la soo gelgelayey, isla amrkaana ugu danbeyntii lagu gambiyey guud ahaan Laascaanood, iska indha tirka khilaafka jira, ee xataa warbaahinta aan ku eedeynayo inaysan arimahaas baahin, ayaa kenaya in la kala Erdhoobo, waxaad moodaa in Dhulbahante inuu qoys qoys u wada hadlo ay ka baqaan ama ka qajilaan ama ba aysan isugu madax buuxin. Runtii waxaa loo baahan yahay inwada hadal guud oo Buuhoodle iyo Widhwdih ah deg deg loo furo, la isna qanciyo, isla markaana munaafaqada, hadalada xun xun ee kala fogeynta dadka walalaha aan dheg jalaq loo siin, kuwa sida xun wax u turjumaya ee labada dhinacba lehna laga dul boodo, dadka samataliska ah ee garanaya waxa la isku yahay ee garanaya inaan dhul la kala lahayn ee garanaya in dhuldaaqsiumeedku yahay mid la wada lee yahay ee garanaya in la wada  degi akro, ee fahmaya xataa in waxkastaba la iskaga tanaasulo, la isisiin karo, indhaha iyo qalbigana lagu taago cadowga hareeraha in kuwaasi ay shaqeeyaan.

fidnawadayaasha, ka ceesha isla markaana dilaala xumaantana Hangool faraaroleh, in la iskaag weeciyo oo si wadajir ah looga hortago, runtii wadahaladii ka dhacay Buuhoodle ee qolyihii Balicad ugu yimaadeen reer Buuhoodle cidkastaba waxay u aragtay yididoolo, wacan waxaana aa dloo farxay markii la yidhi labadii reer ayagaaba wada fadhiistay ayadoon cidiba ku dhex jirin, laakiin taasi ma aysan Najaxin waxayna ahayd qoladii martida loo ahaana inay fahmaan sida loogu soo Hoydey, qoladii martida ahaydna ay gartaan sida loo soo dhaweeyey.

Gunaanad: Waxaan ku xidhayaa qolayah Dhaqanka ee hatan arinta sheegay inay la wareegeen inay ku qanciyaan labada qoys ee wadashay runtiina aysan jirin cid iska xigtaa waxii ay ku wada qancayaan, iyo waxii cududooda lagu mideyn lahaa guud ahanatood, isla markaana arintaas jiitankeedu usan dan u ahayn Khaatumo, DHulbahante iyo cidkale toona balse ay u tahay mid cadowgu ak helayo meelo uu ka galo galaysto oo u noqonaysa dal dalool fiican oo ay ka adeegan karaan labada maamul oo siyaasad isku mid ah oo bur burineed, isku direed iyo iska horkeeneed ka mase ah.

Eeboow laba talaba tii roon ayaan kaa barinay.

Eng. Aadan Jaamac .

F.g: qoraaga ayuu gar u yahay aaraahda uu xanbaarsan yahay maqaalkani, wuuna ka madax banaan yahay siyaasada iyo gundhiga shabakada Horufadhi.com

Jawaab hadaad dirayso: horufadhi.com@gmail.com

Short URL: http://horufadhi.com/?p=21211

Posted by on Jan 4 2013. Filed under News English, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

68 Comments for “Maqaal: Reer Khaatumo ma joogaan wakhti ay ku mashquulaan Halgan dhexdeedo ah oo Dhuleed!!”

  1. hada nacaskan darwiish la baxay muxuu qoray ciyaalo iidoor ah oo badan baa meesha magacyo soo qatay sida ka ahmed la baxay iyo duligan kale ee darwish qaatay gulleed garaad iyo ahmed garaad ama ali ahmedayagaa wada dhashaye meesha adeer ka baxa wuxuush yahay iidoor magacyadana noo dhiga maqaalkani wuxuu ku qotomaa caqli dheer iyo waxgaranimo waana hadal dhexdhexaad ah oo aad u qiimo badan runtii

  2. hadii aan fakarkooban ka gaysto qoraalikan horta geed xamarka maxaa ah? adii shiidaal yaalo walee sidii na looga karaa waa yartahay barkadna waxaan leeyahay war reerkani hadii uu wax qabsado maka tagee meesha iska dhaafa idinkaa fudud hadeeeee webkana waxaaan leeyahay cuqaasha soo hadalqaad keeda hana loogadaa yowebkan

  3. Horufadhi waxaye noqtaye meel lagu cayo caqilda reer Ali Geri somaha

  4. Reer Ali Geri maha siida barkad reer waa reer power leh hadan widh widh laga qaxiix hargeso la adin waxa. Shageen waa been

  5. @kalshale, waar geeddi qaxu cudur reer ceegaag ku dhaca oo ay keeneen maaha e, bal ku wa kaa waaweyn weydii!? Markaasaan kaaga jawaabayaaye

    @edb, annaga iyo idinku wadahadal nooma dhexeeyaan u malaynayaa. Waayo taangi baad nagu haysataan, oo hadda kaftanka waad naga leedihiin. Dib markaa noogu dhig

  6. edbiyoow hadii cayi i dhibayso taad halkan ku soo qori jirtaa naga rarai lahayd webkan beri hore

  7. edbiye
    nin walbaa dariiqadiisuu u kaluumayasanayaa oo dan moodayaa dee muushanina waa wado halaq you newer know whay you gonna get

  8. Ceegaag ma daaljiraa degay?

  9. Kalshaale

    Wallaahay waad u quusisay ceegaag maxaad tidhi adaa qaxa yaqaane imisaa wadeeco ku gaadhay kkkk aar abti khafiifi bahasha

  10. @ kalshaale

    Kkkkkjj awoow ha shakiyin wax waliba waa caadiye,inkastood qurbaa ku raagtay ood maahmaahaa islaamaha aad u qeybtay kkk kuwa hablaha baro

  11. ceegaag inkasta oo aan geedigaaga fahan sanahay oo sida aad sheegtay uu ka duwan yahay kan aynu hada ka hadlayno hadana kumaad khaarin tolkaana meel banaanayd oo dhaxani ka haysay ayaad gufaysa

    balse hadaanba kuu raaco tan aad ka hadashay oo ah in cali geri la celiyo aniga oo kaa faaiidaysanaya khibrada aad geediga u leedaahy intii aad meesha soo degtay xoolaha imisaa kaa halaabay oo hawdkii aad ka soo guurtay dib ugu baxsaday waayo waxaan uga jeeda cali geri geel bay wataan marka waxaynu u sheegi lahayn inay ka caydhoobayaan oo xoolaha reer hawdku aanay meeshan qabanayn nimanku arintaas ayeynu ku rari karaan wixii kale ee aynu u sheego waxay moodayaan in meesha wax ku aasan yihiin oo aynu ka qarinayno

  12. edbiye islaan reerkiina ah oo halkan ila degen ayaa intay xoogaa lacag ah heshay waxay is tidhi guri soo dhiso intay hargeysa tagtay ayaa mid habaar qabaa ku yidhi meel toga dhinacasii ah oo boos jabanah ayaan kuu hayaaye kan gado oo dhiso

    halkii ayey gadatay oo guri ka dhisatay markay soo dhamaysay ayey sawir ka soo duubtay si ay dadka u daawadsiiso iyada oo aan weli filimkii sawirka dadku wada daawan laakiin qaar dawadeen ayaa roob da ay togiina intuu soo rogmaday ayuu gurigiii badda ku daray dad waraysanaya ayaa islaantii ku yidhi ee bal waran sidee wax u dhaceen markaasay tidhi eedooyin HJ sanadka maanta ah jin baa na daba socda hadaanu guri dhisano tog biyo ah ayaa la tegaya hadaanu baraago qodono wuu aasayaa marka ilaa uu jinkaasi naga hadho ama uu nnaga dego ha layska kaayo ilaaliyo haatan meesha caroweyn baa lagu sheegayaaye abti hana soo booqan yey inagu wada dumine

  13. @kalshale,
    Reer-ku, Ceegaag eegga muxibbo iyo jaceyl ay u qabaan u may iman, oo meel 100 sano ay degenayeen ugamay soo guureen. Wixii Dhulbahante ceelkii Caynaba, oo ay 100 sano maalayeen, ka keenay baa annagana howd naga keenay. Sii faah-faahin maayo. Marka labada arrimood saasay ku kala duwan yihiin, ee garta si caddaalada u naq. Waxan annigu ku talin lahaa ta fudud in la qaato, oo ah in Amxed garaad ka qabtaan Cali gari deegaameyntan uu wado haddii walaal-kood qoon sadey. Haddeyse ku adkaystaan in deegaamaynta ay wadayaan, ay markaa la sugaan waqti ku habboon. Waxan ula jeedaa, mar Dhulbahante kaamil yahay oo uusan sida maanta uu yahay uusan u kala dhantaal nayn colaadina ku furnayn. Waar malay fahmay? Guulaysta

  14. edbiye
    meeshan magac aynaan isugu yeedhini ma jirrin yaad iska dhaadhicin in aynu ilmaabti nahay hadaad break qaadatay oo waaqicu ku taabtay iska cadayso ileen soomaali baa lawada yahaye aakhirka e

  15. Kalshaale
    sxb badweyn madhawa ee malaha baliweyn baad ku khaldaysa baliwayn hadaan kuusheego waa balida ay ugu baaleeyaan ama aad ka taqaanid shangale ilaa galgal ceegaag widhwidh dhalaamacune hogoogane kalshaale hurufadhi dhilaalo sacmadeeqo cumar aji maygaagle soolujoogto tiro lagu soo koobi karo caraweyna waxay kaga beegantahay widhwidh dhanka caynba ama waqooyi galbeed bay kaaxigtaa markaad widhwidh taagantahay

  16. @ nina
    Riixaa taana daayoo,mida kale sidii tzunami kuugu kacay sawdigan fulaynimo qaaday ee xitaa maxaa lagu beryay ilmaabtiyadaa odhanayn

    Bal haatan c kariin saaxiibki kasoo reeb

  17. kalshale
    inader waa kugu raacsanahay in la riixo iidorka waayo dee hada ceelal baa meelkasta looga qoday ku marmarsoon maayaan ceelka caynaba aanu ka cabno

  18. anigu waxaan ku talin lahaa cali geri ma soo wada guuri karo oo caraweyn ma soo wada degi karo meesha la sheegayo haddii cidi soo degto waa ilaa afar sadex reer marka barkadow tolkiin oo idin yimid soo dhaweeya balanteenuna waa in aynu ku wada noqonaa ilaa caynaba oo reer guuraagii ina riixay aynu markan inaguna dub u riixnaa

  19. Geed xamarkani tolow imusa geeddi buu noo jiraa aanu nimaadno mar hadduu shidaal ku jiree?

  20. ceegaag

    reerkiina iyo khaalaidka ayey reer hawdku yidhaahdaan colaada ay bilaan ma qabowdo oo gobolka oo dhan ayey gadhaa haatan iminka geedi ayaad ku darteen oo wakaas dhulbahantihii geediga bilaabay joogsan mayaan ilaa aad la hashaan oo aad tidhaahdaan dega anaguna degnaye100 sanadood hawd ku maqnaa

  21. nina inaadeer waad mahadsan tahay waan halmaamay ee waxaan u jeeday xaraweyn xagay ku talaa dhulka waan aqaanaye beri hore ayaa iigu danbaysay marka intii aan aqaanayna waan ilaaway

  22. Iyaa, war anaa idiin sheegaya meesha waxa ku jira. Waa sidan:

    1. Barkad aag-gaas isagaa ka ATOORE ahaa, marka ma rabo in atoore kale soo dhinac dhigto. Waxayna ka dhex arkaan in Cali geri ama axmed garaad ay Widhwidh u socdaan u jeedaduna ka weyn-tahay Geed xamarka, waar malay fahmay? Guulaysta
    2. Iyo Cali-geri ama Amxed garaad oo aaminsan in dhulkan ay iyagu degi jireen, Widhwidh-na ku daroo. Xaqna u leeyihiin in ay say doonaan ka yeelaan.

    Marka, niman yahaw arrintu ma sahlana. Arrintanoo kalena Caaqillo uma baahnee Culimay u baahan-tahay.

    Haddaba, xalku waa maxay? Xalku waa in guddiyo loo saaro, guddiyadaasoo hormuud ka yihiin culumada diinta iyadoon laga tageyn kuwa dhaqanka.

    Waa aragti-reeyda, ee ma aha te reer Ceegaag.

  23. kalshale
    indr ma badwayn mise caro wayn hadaad carrowayn u jeedo meesha shiidaal baa loogu tuhunsan yahay kaftan kkkkk saw lafawaynaba h/yoonis u dagaalami mayso waayo waa holhol agteeda dee isaaq dagaalkiisu waa shiidaalka dhuloos degaankiisa inuu xaq ku yeesho

  24. keyse
    anigu waa kugu raacsanahay inaad caynaba ku dagaalantid good idea indr

  25. war badweyntan baas hadal haynteedii baa inagu badataye meeshu xagay ku talaa ma xaafad widhwidh ka tirsan baa intay widhwidh jirtaa meeshu maxaase ka baxa oo barkad ka maarmi laayahay oo ay meesha ku ogyihiin

  26. SCW,
    Jaamacoow maqaalkaagu waa fiican yahay. Odayga Widhwidh ka yimid ee aad dibadaha ku waraysatay uun baan kelmad ka odhanayaa. Dagaalkii ka socday wakhtigaas Widhwidh waxaa hormuud u ahaa SSC. Sidaad ogtahayna SSC Buuhoodle aad loogama taageersanayn, hubka Buuhoodle yaalayna ragga haystaa Puntland bay ahaayeen, waxay kaloo xidhiidh dhow la lahaayeen Somaliland wayna kasoo horjeedeen SSC. Markaa laguma eedayn karo reer Buuhoodle hub aan shacabka gacantiisa ku jirin ee rag maamul ushaqeeyaa haystaan. Shacabku way ka qayb galeen dagaalkaas widhwidh weliba intii taagersanayd SSC, Waad og tahay in reer Buuhoodle ku dhinteen Widhwidh dhexdiisa laguna qafaashay oo raggii lagu qabtay dagaalkaasi reer Buuhoodle ayay ahaayeen. Markii danbe ee dagaalka Buuhoodle ay galeena waxay ahayd wakhti wacyigu is bedalay Dhulbahante iyo Isaaqna colaadi dhexmartay nin garaca mooyaane nin kalena uusan dagaalkaas ka maqnaan karin, saraakiishii hubkuna waxay markaas garwaaqsadeen in aanay cudurdaar helayn ay dagaalkaas kaga hadhaan maadaaba SSC meel la iska dhigay oo lagu dagaal galay magaca deegaanka. Arintan danbe ee ah Dhulbahante nimo aan ku dagaalano ayaa wakhtigaas widhwidh meesha ka maqnayd. Markaas reer Widhwidh in ay arintaas cuqdad ka qaadaan meesha marna kuma jirin waana arin lagu banaysanayo heshiiskii xaaraanta ahaa ee lala galay Somaliland
    Mahadsanid

  27. Habari heshay barkad baalehe hadego ninwaliba meeshuu 70 sano ka hor degaan ulahaa hadego anagu bali weyntayadii baanu dib uyag leelaynaaye ilaa caynba iyo wadaamagoo

  28. War Habari-heshay ayaa u baahan in dib loo magaaleeyo ee ragan geedkaxamarka ama geedka-whatever ku mashquulay ma waxkale oo ay qabtaan ayeey waayeen???
    Ana lebiga ayaan ku taamayaa dadna bullshit ayeey ku mashquuleen. War meeday xukuumaddii KHATUMO iyo barnaamijyadeedi baraarujinta dadweynaha! Come guys, this is serious!!!!

  29. Ugaasyo+ ugaadhyahan waa pl+ barkad,b hararsame iyo js waa sl hadda ka dib axmed garaadna dantiisa ayuu raacanaya ee joojiya is bihinbihinta iyo sheeko murqaanta

  30. Hadday run tahay in midnimo la rabo degaan waliba hays xorreeyo kadib halaysu yimaado,iyadoo aysan jirin wax laysu yeedhinayo ama qaar la takoorayo sidii hadda ka hor dhacday ee g6 wadatay

  31. Horta waxaa la kala taageeraya weli pl iyo zomaliland sida muuqata,hadaba yaysan barkad ku ka kadsoomin dhulka axmed garaad,walloysan u cuntamayne,cali gerina waxan leyahay deegankeena taan colaad cusub lagu soo dabbaalin kaas oo ay wataan mashruuca khaatumo,

    Viva ssc guul viva dhulbahante

  32. Asiya
    laystdayn maayo dhulka banaan habarjeclaa dadka looga celinayaa haday qolo hindiyi dabada ka riixayso qolada diidan deegaan ayay dabada ka riixaysa waxaana cadayn kuugu filan siday horgaladu ugu laba raad laynayaan iyo ciidankay ka qoranayaan beeshakale horgal lama jogo ciidana loma qoro waa dad shacaba caqligii miyuu inaga guurey waxa socda sifiican ufiisha maxaa kayse cabdi yuusuf widhwidh keenay maxaa ina canbaashe keenay anaga nooma iman xaglatoosiye iyo cismaan garaad noomana iman karaan

  33. Alaakariim dhulka laysku haysto maka cawaro looga taag heli layahay, dhulbahante dhulka dhulbahante ku haystaa mawaalanyahay mese cawaraa meesha ku jirta. kolay ma fahmin ujeedada laakiin ninkii dhul dhisanayaba haloodaayo cawarama jalabaacsado

  34. Horta reer buhoodle marnaba may diidin inay gobolada SSC xoreeyaan laakin ciladu waa dhulbahantaha kale.. Waxay u qaybsameen mid baqa oo aan xabadaba ridin, mid horgale noqda iyo mid aamusan nacaladi idinku dhici waydaye ragan khaatumo la ordaya ee qurbajoogta lacagta ka guranaya ee aan hadana wax progress ah samaynayn maxay yihiin!? Arintan geed xamarta waa arin maalin dhaw la soo afjari doona hindi baa arintan ka danbeysa waayo dhulbahante dhulka ma kala laha but anyways dhulbahante waa inuu the bigger picture focuska saaro beel kasta waa inay go’aan cad ka gaadhaan hindida/horgalada/dabadhilifyada ku dhex jirta markaa bes baynu progress samayn karnaa

  35. Shacab mucaarada waa la arkaa ama Kastuumo la baxa ama SSC la baxoo ama Prof Xasan Shiikh baa Madaxweyne noo ah dhaha oo waxaad ku khasbantihiin Somaliland dhulna ma guuro ee dadbaa guura hadii aad Muqdishu jeceshihiid dee Walaweyn u guura bal aanu idinkada daba tagnee.

  36. baw
    kaw
    haw
    naw
    jaw
    k
    k
    k
    k
    k
    k

  37. aar gantaalan
    waa ku fahmay intaanan jawaabtaada akhriyinse bog kalaanba kursiga imtixaanka ayaan jawaabtan suaasheeda kugu waydiiyey

  38. @Nina LOL

    Maya inaadeer waan la socdaa reerka tolka ah dhibkooda. Nin aan fahmi karin ma ahi.

    Waan ogahay oo haddii PL ayna Khaatumo sheegan karin waxay jeclaan lahaayeen in SNM sheegato. Intii Khaatumo jiri lahayd iyaguna inay qaar sheegtaan SNMna inta kale sheegato ayay jeclaan lahaayeen. Maaha oo kaliya Faroole iyo inta ku wareegsan laakiin waa even dadka caadiga ah.

    Waxaanse u arkaa waxay rabaan waa wax ka duwan waxa SNM rabto. Iyagu Dhulkeena ma sheegan karaan weerarna kuma ah. Wax kale oo badan oo aan Dhalashada ahynina maanta waa inaga dhaxeeyaan. Maalin baa jiri doonta laga baxayo waxaas oo dhan laakiin maanta muhiimadu ha ahaato dhul xorayn iyo reerka oo cagahooda isku taaga. Trust me, I understand the difference between these two monsters.

    Maalinta SNM riyadeedu baab’do ee Khaatumo Land xor noqdo, iyaga daaye xitaa inagu waa iska kala biiq biiqi karnaa. Maanta PL af ka hadalkeedu wax ina yeeli maayo. Inaguna af xumo wax ku yeeli mayno.

    Danteena aan raacno—- Xorayn Khaatumo iyo Midnim maskax. Muruq & Maal

  39. Aar-gantaalan
    inader adba nin khaatumaysan baad tahay blogaagana waan akhriyaa good job lkn inader mar mar baad reerka tolka iyo jiiraanka ah aad maala-ig samada ka soo degtay nooga dhigtaa oo aan idhaahdaa wiilka ma waxyi reerkaas ah baa ku soo degay kkkkkk kaftan

  40. Iidoor wagaashaa waxaa ka dambeeya waa yuhuud meeshay soo galaan cudur soo galay waxaase ka daran kuwa madaxa la isu gelinayo

  41. waxaan ka fahmey hadalka kayse in hindi maxamed adan caws oo ah caaqilka reer guuleed inuu ka dnabeeyo colaada tolkan wada dhashay waxaana la yidhi waxii uurka kugu jira ayuu afku kaa xada ninkaas ha lala hadlo hana loo sheego in ka daayo tolka isku hirgaynta haduu islaam yahay ninkaasi weligii wuu jeclaa in labadaas reer isku dhacaan ali geriyoow la hadla wiilkas ha laga qabto dadka tolka ah

  42. Yaab badanaa ma xili dhul la isku qabsadaa la joogaa mise dhuloos dhulkii baa ku yaraaday????????????????

  43. bulshaawi
    dhulka ninkii lahaa baa ka arimaysanaya adigu xagaad ka soo gashaa bal waaba arin fiican in dhulbahante dhulka isku qabsado waana in laba reer oo dhulbahante ahi isku qabsadaan caynaba iyo meelo kaleba waaba dariiqad cusub oo dhuloos dhulka ku xejisanayo tani

  44. @Nina

    Salaan Khaatumaysan inaadeer. Halkaa ka wad sutida u qabo. Tabo bar orphans SNM ee meesha therapy u yimaada. Qolyahan Khaatumo ee caqliga foorara loo shoo dhiibayna toosi. Halkaa ka wad dadka fahamsan ee reer Khaatumo ayaad ka mid tahay. I agree with you most of the time..except when you make the family Xalay dhalay KKK Kaftan!

  45. allooow sahal amuuraha
    sootan saambuuse afar geesleh la idiin diray maaha
    toosa oo waaqica fahma
    dhuloos dhulbalaadhsigii isaaq ee uu ka cabanayaybay isku wadaan miyaaa
    war abtiyaal dhulka inoo dhiga

  46. s/lander
    war soomaaliya oo dhan baa ilaahay leh dhulbahantena soomaaliyuu ku yaal degaankiisu idnka shacab ahaan riyo waalan inta siyaasiyiintiinii idinku soo dhex tuureen bay idinkaga carareen hadaad daalaa dhacaynaysaan oo aad marba geed cuskanaysaan sidii neef cudurka raabiyaha qaba ordoo nala dhaafa cudurkiina anagaaba taayadii na cuslaysaye cidaad cudurka ku daarataan oo kale doonta yaahuu

  47. @Budliye

    Fikirkaa aad sheegaysaa waa fikirka rag gaar ahi wataan.

    Reer Buuhoodle 95% diyaar bay u yihiin in Khaatumo Land la xoreeyo.

    Reer Laas Caanoodse ha la yimaadaan wadaddii iyo isku duubnidii laga rabay.

    Barkad 95% waa Khaatumo, kooda Hindiga ahi kama awood badna Hindida kale.
    Buuhoodle oo aan Hindi iman karin ayaa reer Widhwidh banaanka soo dhigaysa markay Hindidooda iyo Hindida kale soo dhawaystaan.

    Reer Laas caanood shicib SNM hubkood lagu bah dilay weeye. Afar dhuuni qaate oo calooshiisa waxa gala ee xaarka isu badala ka hor mariyay sharaftii iyo cisaddii dadkiisa ayaa halkaa dhigay.

    Ugaadhyahan 95% waa Khaatumo. Laakiin inta qabqablaha u ah baa PL & SL been ku soo maaweelisaa. Laba walaal ah baa midba meel joogaa. LA dhibka yaala AKA Muqdisho dhibka yaala. LA Muqdisho ayay matashaa in so many ways!

    Ugaasyo (all), Qayaad Khaatumo weeye. Jihayntii baa ka maqan.

    Bahararsame 95% waa Khaatumo. Inta budhtuurka u ahina PL ka carar bay SL afka uga galeen.

    Dalka waxaa u maqan nin fahamsan waxa meesha yaala iskana ilaaba reer hebel iyo reer hebel. Horta dhulkaaga soo cesho. adigu ka tali.Soomaali ka mid noqo. Maalinta taasi dhacdo ee SNM riyadood baaba’do hadaad rabtid tuulo waliba 100 garaad yeelo.

    2 garaad (jamacs) waa labada keliya ee fahamsan meesha waxa yaala. Hadaan daalac la ii raacayn Garaadyada kale ayaan hadhuudhlaha ku dari lahaa. Laakiin for the sake of unity and today’s situation I will turn a blind eye to a CLEAR hypocrisy!

  48. dhulbahante ilaahaay buu leeyahay iyo somaliland … marka waxba haysku mashquulina ilaahaaybaa reer waqooyi ianaga dhigay … wanan naqanaa sida wax loo xaliyo .. hadeerna arinkaan gollaha dhaqanka ee guurtida somaliland baa soo dhex galayaa , insha alaah dhan baaynu hayaanka u wada wadnaa inakoooooooo
    somaliland ah !! wbt

  49. Kkkkkkkkkkkkkkkkkkk sir culus, odayga siilaanyo, oo hargaisa looga yaqaan

    axmed laangadhe,
    Odaygu ma lugbuu ka heetiyaa

  50. NINA
    Hadii reer buuhoodle yiri yaan nabadgelyada nalaga qasin

    + barkadna yiri reerwaliba somaliland waa ku jiraaye yaan naloo fiirsanin

    + reer laascaanoodna doorashada xaqsoor iyo kulmiye ku mashquulsan yihiin

    + ugaadhyana diiday nugaal sida kalshaale in xabadi uga dhacdo

    + xasan ugaasna marba qandaraasyar oo schools ah ka soo qaadanayo

    + 2 garaad jaamacna tuulooyinka wareegaalaysanayaan, total dalkan yaa u maqan waa yaabe

  51. @Kayse

    Waxaan filayaa “Abqo ayay kuula dhadhantay” Saxiibow Hindi iyo Bilaale toona ma aqaan anigu. Hindingaad ka hadlaysaa waa kee? Hadalka dib u dhuux oo adigu turjumaad aad jeceshahay ha saaran.

    Hindi anigu waxaan ka wadaa wixii SNM u shaqo tegay oo dhan soo tii loogu yeeri jirtay “Hind shaqo taftay”? Adeerkaa haddii Hindi la yiraah hindidana uu ka mid yahay miyaad difaaci? walaanan u aqoon labdadaa nin aad sheegtay midna.

    Haddii laakiin ay SNM u shaqeeyaan xitaa hadduu ku dhalay miyaad difaacaysaa?

    Meel ayaan ku arkay beri kuwo Iidoor ah oo ku murmaya. Mid ka mid ahi ayaa wuxuu ugu yeearay Hadraawi & Cumar Carte Qaalib “Badh nijaasyo”. Sababta ma garanaysaa? Anig ma aqoon laakiin waxaa la ii sheegay in, Hadraawi aynu dhalay Cumar Cartana Geri Koombe dhalay. Sidaas buu badh nijaas ugu yeearay. Labo nin oo labaduba SNM project aamisan baa halkaa la gaarsiiyay sababtoo ah Daarood baa dhalay. Adiguna Hindi u shaqaysa ayaad u khayr miidhaysaa. Maalin dhow wixii ay dhaleen baa dhulka laga suulin doonaa KKK

    Haday ku dhaleena “gaagaabso aa aamus yaan gaar lagaa qabane”!

  52. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk.

  53. NINA
    Hadii reer buuhoodle yiri yaan nabadgelyada nalaga qasin + barkadna yiri reerwaliba somaliland waa ku jiraaye yaan naloo fiirsanin+ reer laascaanoodna doorashada xaqsoor iyo kulmiye ku mashquulsan yihiin+ ugaadhyana diiday nugaal sida kalshaale in xabadi uga dhacdo+ xasan ugaasna marba qandaraasyar oo schools ah ka soo qaadanayo+ 2 garaad jaamacna tuulooyinka wareegaalaysanayaan, total dalkan yaa u maqan waa yaabe

  54. budliye
    inadeer reerkii dhulbahante musiibada ku habsatay inay hor istaagaan waa ka warwareegayaan marba nin baa halkan taagnaa iyo mid baa tekniko la goostay iyo geed baa laysku haystaa iyo talada looma dhamayn reerkii dhulbahante haysku mashquuliyo oo madaxa ha ka aasteen murugada haysata!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

  55. NINA

    Waa yaab inaadeer, waxaaba. Kaaga siidaran. Kii keyse ahaa oo xirsi toorrile soo dhirbaaxay ayaa haddana ku leh reerkayagii ayaa shiraya oo aan waxa ay ku wada hadlayaan goobjoog kahay maa laqabto oo geed qudhaanyo leh lagu xidho maxaa laga daawanayaa mise hoos ka tuur baa jira

  56. dhulbahante ta maanta haysataa waxay u eg tahay ardaygii aan imtixaanka u diyaar garoobin oo markii warqadii imtixaanka la hor dhigay inuu pencalkii maantoo
    dhan qoro ku mashquulay hada bal yaa sugayey oo u fadhiyey in reerku dhul dhexdooda ah isku qabsadaan maxaa reerku isaga mashquulinayaa musiibada ku habsatay ee maanta dhulkoodii lagu haysto cajiib berri na sheeko kaloo yaab leh baa soo bixi oo laysku mashquulin si wakhtiga loo lumiyo

  57. Aar gantaal sxb maalin horena waad ka hadlaysey hindi iyo bilaale maantana caaqil hindi baad leedahay waa raga ka danbeeya dhibta meesha ka jirta hindi waxay ilatahay waxba idinma yeeline haku qaldamina ee halaka xishoodo hadiikale caaqil la caayo caaqil lacaayuu leeyahay ee soo wada hawsha waxay ilatahay hada horufadhi wuxuu uxuub siibtey madal dadka sharafta bulshada dhexdeeda ku leh lagu caaye

  58. Anigu sida aan u fahmay ninka maqaalka qoray wax jira ayuu sheegay shakina kuma jiro in barkad uu axmed garaad ka boodsan yahay,

    saraakiisha buuhoodlena hadalkii ka soo yeeray mid wakhti xaadirkan loo baahnaa ma ahayn maadaaba markii dagaalku socday iyaga laftooda deegaamo badan looga soo hiiliyay,

    arrinta ina cambaashena dee meesha hadii kayse marayo ina cambaashe ka maqnaan maayo oo dee keysaba hadda saw laascaanood ma tegi karo,
    markaa taasina waa arrinta daba qoodhigaa,

    cali geri hadii meel uu magaaleeyo u baahan yahay wellcome kalshaale,

    see camal maxaa gudaha loogu hoos noqonayaa

  59. Waa xaqiiqo in gacmo shisheeye oo adeegsnaya Hindi ay ku jiraan. Taas ma shaki baa ku jira? Sidee Ina Cambaashe Widhwidh ku iman karaa hadaan qaar reer Widhwidh ahi durbaan u garaacin?

    Dhulkii Khaatumo oo dhan baa SNM 80% haysataa 20% kalan u socotaa. Maxaa maanta keenay muran dhul reer Khaatumo u dhaxeeya?

    Ninkaan xaqiiqda fahmin iyo meesha sartu ka qurunsantahay isaga dan kale leh. Dhibka qayb weyn waxaa ku leh so called Garaads!

  60. Dhulbahante ayaga isgu xoog weyn oo cadow isgu ah cadow kale ma ayagaa arga,2013 baa la maryaa waxey u dhaqmayaan sidii 1900 loo dhaqmi jiray subxaanka,

  61. Anigu maqaalka uma bogin sababtoo ah waxyaalo badan oo naxli xanbaarsan sida markuu kahadlayo saraakiishii buuhoodle ka hadlay iyo caraweyn iyo cuqdada uu sheegay iyo gacma shisheeya ku jira degaamaynta carawayn wuxuuna ka dhigay labada beelod ee guuleed garaad iyo axmed garaad kuwa is haya oo aan isu hiilin karin hadii cadow soo weeraro waxaana leeyahay kadaa bulshada maqaalada naxliga xanbaarsan

  62. waa maqaal wax ku ool ah dhulbahante haduu dhulka rabo inuu ilaashado waa in xuduudaha dhul degaan iyo beero laga dhigo si degaanka loo ilaashado caqligu sidaas ayuu leeyahay waana dhamaan sool sanaag iyo cayn dhulkaasi

  63. Buuhoodle weyniyo shaxdii baabulaa degeyn
    Baraagaha halkii laga qoduu beeg u jiifsaday
    Goorta uu bulxamo loogayaac 2bada baalood
    Buulaha nin kii aqal u yaal bacad lihii saar
    Nimankii galbeedka u badnaa waa bidhaan arag
    Wuxuu dunida baalka u gashaday bookhintaan jiray
    Balfinmaayo anigaa ogoo biirabiiruhu
    Anagaa bardoodami jirree nooga kala baydha

    Libaaxu waa insha sheel iska hubiya

  64. Somalilaandheer
    Buuhoodle ma in la iska yimaado ayaad mooday, waxaan islahaa buuhoodle warkeeda waa laga dheregsan yahay, buuhoodle haduu cag soo dhigo ma xaglaysan doontaa u have to know that

  65. dayeer liqe

    kadaa wasiirka dacayaada … adiga iyo kan aad so xiganaysaabaa waa same shit ! sida laga warqabo mudane wasiir xaglatoosiye hawshiisii si fiicanbuu u gudanayaa ,dhowaanaa bishan labaad waxa uu hawlihiisa si rasmiya uga bilaabayaa magaalada buuhoodle , xafiiskiisiina waa diyaar , waligiinbaa laydinku yaqiinay ninka qarankiisa u shaqaynayaa … umadiisaa horumarinaayaa inaad horgale iyo hoos seexde iyo magacyo u bixisaan ..

  66. Waa arrin fiican aadan jaamac sida aad u dhigtay waxaana muuqata in aad tahay wax garad, lkiin dhulbahante waa is bedelay, waayo waxaa lagu yaqaanay dad ficilka meeshii larrabay la doonta laakiin hadda waxaa inaga soo hadhay isu fiirsi iyo reer hebel, hadaan arrinta yara dhexgalana iyadoo labada reer ii siman yihiin qaladka ugu weyn waxaa galay cali geri sababtoo ah hadii dhul ladeegaamaynayo dhulkii raggu inagaga dhintaybaa haawanaya maxay taraysaa dhul horeyba kuugu xalaal ahaa in aad hadda la faadhfaadho, qolada barkadna qoosimaad axmed garaad baa dilee ishoodu cadawga ha ku dhacdo, sababtii laascaanood uga dhexbaxday maxamuud garaad uun baa faaraxna ka soo muuqata allow amuuraha sahal dadkana bogooda burcad isu mari,

  67. k.k.k.k.k.k. geed xamarkii alaylahe ma idinku noqday luqmatu xajar tii islaamahu sheegi jireen k,k,k,k,k,k,k,k,k,k viva mahad canbashe k.k.k.k

Leave a Reply

Recently Commented

  • Matan: khatumo waalidkeed garaad jaama garaad ismail ayaa arrange marriege u sameeyay oo siiyay s/land laakiin...
  • xarbI: waan daawaday dooda aad ayey u fiicnayd lkn ninka madaw doooda in lagu sooo daro may ahayn akhlaaqdiisa ayaa...
  • kalshale: ilma garaad ismaaciil Sedaxdii nin ee wanaaga diiday Waabaa waxaa jiray sadex nin oo walaalo ah oo ilaahay...
  • Nuura: maraa waaxid isimadan faraha badani way na waaleen yaa hal garaad oo go’aan adag oo labac labac aqoon...
  • DAALO S/LAND: Horta Dhulbahantahan Garaadadoodu mid dhamaata maaha miyaa??