|

(Daawo Sawiro) Xaflad Lagu Soo Dhoweynayey Qaar Kamida Macalimiinta Wax Ka Dhigi Doona Jaamacada Bariga Afrika Faraceeda Magaalada Buuhoodle Oo Ka Dhacday Xarunta Jaamacada Ee Buuhoodle

Xafladan oo ahayd mid lagu soo dhoweynayey qaar kamida macalimiinta wax ka dhigi doona jaamacada bariga afrika faraceeda Magaalada Buuhoodle ayaa galabta ka dhacday isla xarunta Jaamacada ee Magaalada Buuhoodle, iyadoona xafladani ay kasoo qayb galeen Qaar kamida Isimada deegaanada sool, sanaag, iyo cayn, Waxgarad, Aqoon yahano, Siyaasiyiin, Culumo awdiin, Qurba joog, Mas’uuliyiin ka tirsan Maamul goboleedka Khaatumo, Haween, Dhalinyaro, Ururada Bulshada, iyo Marti sharaf kale oo aad u tira badan.

Hadaba xafladani oo ay soo qaban qaabiyeen gudoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika faraceeda Magaalada Buuhoodle Dr. C/shaafi Axmed Cali, macalimiinta wax ka dhigta Jaamacada, iyo ardayda wax ka barata Jaamacada bariga afrika faraceeda Magaalada Buuhoodle isla markaasna ula jeedkeedu ahaa soo dhoweynta laba macalin oo jaamacada uga yimi dalalka dariska la ah dalka soomaaliya ayaa waxaa ugu horeynba halkaasi ka hadlay gudoomiyaha jaamacada bariga afrika faraceeda Magaalada Buuhoodle Dr. C/shaafi Axmed Cali, isagoona gudoomiyuhu ku dheeraaday maxladihiii ay Jaamacadu soo martay iyo waliba imaanshaha macalimiintani cusub.

Sidoo kale waxaa iyana halkaasi ka hadlay Xaaji Maxamuud Xaaji Cumar Camey, Caaqil C/laahi Maxamed Aadan Caws, Xaaji C/laahi Xasan Qambe iyo Axmed Faarax Nuure oo kamida ardayda wax ka barata jaamacada bariga afrika faraceeda Magaalada Buuhoodle, iyagoona dhamaantood si weyn u soo dhoweeyey imaansha macalimiintani cusub.

Wasiir ku xigeenka waasarada xidhiidhka debada iyo jaaliyadaha ee Maamul goboleedka Khaatumo Xasan Cali Jaamac oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ugu baaqay qurba joogta deegaanada sool, sanaag, iyo cayn inay ka qayb qaataan dhamaystirka dhismaha qabya ah ee u gaarka ah Jaamacada.

Prof. Augustine Barasa Khasani iyo Prof C/laahi Nadiif Muuse oo iyana halkaasi ka hadlay ayaa iyana geestooda si weyn u soo dhoweeyey imaanshaha Magaalada Buuhoodle iyo wax ka dhigista jaamacada bariga afrika faraceeda Magaalada Buuhoodle.
Adna Axmed Cali oo iyana kamida haweenka ku dhaqan Magaalada Buuhoodle oo halkaasi ka hadashay ayaa iyana ka haween ahaan si weyn u soo dhoweysay imaanshaha macalimiintani.

Waxaa ugu dambeyntii soo afmeeray xafladani Garaad C/laahi Garaad Soofe oo kamida isimada deeganada sool, sanaag, iyo cayn, isagoona halkaasi kasoo jeediyey erayo isugu jira dhiiri gelin iyo duco.

Halkan Ka Daawo Sawiro

1

0

3

4

5

6

7

9

8

10

12

13

14

15

16

17

18

19

22

23

24

25

 

26

27

 

28

Xafladani ayaa kusoo dhamaatay jawi dagan, iyadoona macalimiintani la rajaynayo inay wax badan ka qayb qaadan doonaan tayeynta iyo kor u qaadista tayada wax barashada jaamacada bariga afrika faraceeda Magaalada Buuhoodle.

Wariye Abdirahman Wadani
Email axmedyare1001@hotmail.com
Xafiiska Wararka Ee Shabakadda Horufadhi News Media
Buuhoodle Soomaaliya

 

Short URL: http://horufadhi.com/?p=21289

Posted by on Jan 5 2013. Filed under News English, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

6 Comments for “(Daawo Sawiro) Xaflad Lagu Soo Dhoweynayey Qaar Kamida Macalimiinta Wax Ka Dhigi Doona Jaamacada Bariga Afrika Faraceeda Magaalada Buuhoodle Oo Ka Dhacday Xarunta Jaamacada Ee Buuhoodle”

  1. rayigayga naa dhiibanayee ina cabaashe waa inan dhulbahante ah lana dilimaayo
    taa saa keentay in intaa loota shado hadaba waxaad sugtaa
    waxa idoor ka rabaan dul ninkale
    sida ssc ama khaatumo dhulkeeda

  2. ugu horeeyn laba garaad jaamac waa laba nin oo dhalin yaro ah kana xanuunsanaya duulaanka dhulkooda lagu soo qaaday.laakiin ha ilaawin waxaa jirta siyaasad danaysi

    tan kale 2 garaad jaamac waa laba nin oo aan khibrad aad u badan lahayn
    magcaabida garaad nimadooduna waxay la kowsatey dhulbahante oo meel aad khatar u ah jiritaankiisu marayo dhibaatooyin siyaasadeed iyo kuwo dhaqaalena ay jiraan.

    hadaba hadaan toojka ku ifino laaska iyo reeraha degan iyo kilaafaadka siyaasadeed ee ku dhex jira aniga waxaan qabaa in wax yaabahani ugu waaweyn yihiin

    1- laaska waxaa dega ugaadhyahan, js.iyo bahararsame
    2-weligeed waxaa jirey tartan siyaasadeed oo xirfadeeysan kana dhexeeya
    saddexdan qabiil.

    3- waligeed waxaa jiray in ay si gaara isu hayn jireen ugaadhyahan iyo baharsame mid walibana wuxuu isku taxaluujin jiray in aan jaamacsiyaad kan kale raacin tusaale ahaan baharsame si jaamac siyaad dhankooda u ahaado waxay u tanaasuli jirtay wax yaabo badan oo jaamac siyaad ka dhexeeyey sida badana xumaan ma tusi jirin

    4- ugaadhyahan markuu arkay baharsame oo js ku qadhaabanayso wuxuu go’aan ku gaadhay in ay j/ siyaad dhibaateeyaan goobaha siyaasadana ku cidhiidhiyaan rag badana dhegta dhiiga u daraan

    5-dagaalkii 88 ee jaamac siyaad iyo ugaadhyahan dadka badan kaga geeriyoodeen baharsame markii dumarka js oo qaylo dhaama ay soo galeen laascaanood baharsame turubkoodii bay iska ciyaareen laakiin gabdhihii baharsame waa muusanaabeen.laakiin baharsame waxay gabdhohoodii ugu hanjebeen tii mardambe qaylisa in ay furidoonaan

    6- arintaas js dagaalka looga baxay waxay js ku dhalisay in ay mar labaad iyo mar sadexaadba fekeraan ayna ogaadaan inayan tol u hiiliya lahayn, laguna wiirsan doono hadii ragoodu dagaal ku dhinto. laascaanoodna way ka dhacday in baharsame js u hanjabto oo tidhaahdo ilaa seyid maxamed cabdulle xasan nin qudha oo baharsame ah xabad dagaal kuma dhiman, waxayna soo diyaariyeen dhowr boqol oo wiil oo js loogu hanjabayo ka dib markii nin reer warsame ahi dilay nin baharsame ah.

    7- hadaba go aamo sideeya baa jaamac siyaad qaatay, jaamac siyaad wuxuu go aan ku gaadhey inuu faraha ka qaado dhulbahante difaaciisa.

    8- jaamac siyaad isagaa isku tashaday waayo wuxuu ogaadey in labada qabiil ee midna la dhashay midna magaalada la deganyahay aan midna wanaagiisa rabin
    8-waxaa dhacday in saddexda qabiilba u shaqatageen labada maamul ee geesaha inaga xiga. saddexda reerba si iimaan la aana bay wax u dooneen oo inta madaxa laysu gesho baa laysku garaacaa markaasaa siyaasiyiintii isneceen oo karaahiyo bilaabatay taasina waxay saameeyn ku yeelatay reerihii laaska deganaa iyo siyaasadii guud ee dhulbahante.

    9-siyaasadii ay ka tageen ina dafle iyo ala u naxariisaygii garaad cabdi qani waxay ahayd mid aad u dhaawacday siyaasada iyo jiritaanka guud e bulsha weynta dhulbahante siyaasiyiintii iyo mutacalimiintiina waxay la kal safteen labadaas nin dariiqii khiiqa badnaa ee ay jeexeen ilaa hadana dhuxushii oo dambas yari dusha ka fuulay baa lagu kor socdaa

    10-hadaba maxaa dhulbahante u heshiin waayey hadii ina dafle siyaasadii ka baxay garaadkiina dhintay ilaahay how naxariistee???

    1- soomaalidu waxay ku maahmaahdaa awrka hore awrka dambe saan qaadkiisuu leeyahay.Taas micneedu waxaa weeye weli waxaa shaqaynaya dhaxalkay ka tageen oo si aan caqliga waa faqsanayn weli siyaasadii khaladka ahayd ee qaybi oo xukun wax ku doonaya.

    2- garaado cusub oo dhalin yaro ah welina ay is aamini la’yihiin garaadadii hore iyo cuqaashii hore ee siyaasada ku milmay, bartayna inay reer kooda ku gorgortamaan , hadaan afka wax loo gelina ay reerkooda cadow dhulbahante ka iibinayaan
    3-Khaatumo oo mashruuceeda ay dhiseen dhamaan dadkii siyaasadoodu u janjeedhay dhanka soomaaliland ayna hogaaminayeen qurba joogtii weligood snm taageerayaasha u ahaa. taasina waxay dhalisay in dad badan iyo aqoon yahan badani weli ka soo horjeedo jiritaanka khaatumo lugtana weli jiidayaan.waayo khaatumo dadkaasi weli waxay u arkaan mid reero gaara lagu naas nuujinayo. waxaa kaloo dhaawac weeyn khaatumo gaadh siiyey sidii foosha xumayd ee ay ula dhaqantay ssc iyo hogaamiyayaashii mudada dheer soo halgamay.

    saddexdaa arimood waa kuwa ugu waaweyn ee maanta kala qaybsanaanta reerka sababay

    hadaba xagee xalku ku jiraa

    1-Xalku maaha mid sahala waayo ??
    a) laba garaad ismaaciil iyo B)G11 ma doonayaan in isaaq lala dagaalamo, ugaadhyahana laascaanood ku soo noqdo. sidaasayna ugu badisaa baharsame iyo js.
    2-ugaadhyahan isku heli maayo inuu puntland madaxweyne ku xigeen ka noqdo baharsame iyo js na yidhaahdo aan laaska xoreeyno jawaabta baharsame iyo js na waa oo yaa laga xoreeyaa laascaanood anaga ayaaba snm laaska ku ahayna kana raali ah.

    3- khaatumo oo iska dhigaysa dalada guud ee dhulbahante ma leh awood ciidan oo ay ku fuliso dooni taan keeda. sidaas daraadeedna khaatumo qabiilada dhulbahante amaradeeda lagama yaabo inay sidaas ugu hogaansamaan. tusaale ahaan waxaa kaaga filan arinta buuhoodle iyo barkad iyo geed xamarka iwm

    sidaas daraadeed dhulbahante wuxuu ku heshiiyey inuusan weligii heshiin

    akhriste bal u fiirso waxaan ku tusayaa arin aad u muhiima oo ku tusinaysa in laba garaad jaamac iyo G11 ayan weligood ka hadlin dhisida ciidan meel qudha looga taliyo oo xagwalba laga dhiso si uu u xoreeyo gobolka sool. hadaba geba gebada qoraalku waa

    khaatumo waxaa u taliya 2 garaad jaamac iyo dr cali khaliif galaydh oo ka soo jeeda laascaanood. laascaanoodna waxaa haysta js iyo baharsame oo snm wata
    hadaba yaa laga xoreeyaa snm. maxaase ka maqan baharsame iyo js
    ugaadhyahan yaa laascaanood ka eryey sow baharsame iyo js ka ma eryin.
    oo maadaama ay iyagu eryeen hada maxay u soo celinayaan??? dee bal adigu ii sheeg akhristow!!

    rayigaaga dhiibo adigoon wax ba cidna ka sheegin

  3. Idoor oo bar u eg danyeer dhar loo xiray, ayaa dad amisom beey u egyihiin ku caaynaya yaabka aduunka iga dheh cajiib.

  4. war yaa ale yaqaana tolow kii

    idoorliqe ma gabadh baalasiiyey mise magacii baa laga xaday ??????????????????????????

    dadka reer buuhoodle uma baahna macaline waxay ubaabanyihiin tababare ciidan markaa iyagaaba wada macalinee yaa ubaahan jelous looma baahna

  5. kan yar ee amisomta u eegi ma dhuloosbaa kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  6. mansha laah ilaahay hay diin fu dudeeyo cilmiga aduun ka iyo ka akhiraba waa wax lau farxaa guula ba aan gaadh nay libaaxii baa meesha marayaKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKk

Leave a Reply

Recently Commented

  • Gantaal: Kani waa diqon xun oo midgaan ah daarood kuba waa iska midgo aan birmagaydo lahayn shalay soo kii lahaa...
  • Jamal: Malina fan iyo fadh__fadh bay kastuumo national tv yada ku walaysa malinta xigtana cabad iyo catow bay lasoo...
  • AFElmi.: Horufadhiyow. U sheeg cali khaliif iyo kooxdiisa ee labada sano dadka beenta u akhrinayey ee lahaa dhulbaan...
  • Hassan: Waxaan dooney in aan idiin jawaabo hadana waxa ay ila noqotey in hadalku idinku khasaare yahey oo gabadhii...
  • Matan: mujahidin sanadguuradii xasuusta SNM oo laga xusay Laascaanod ee xarunta gobolka Sool ee SomaliLand....