|

Ogeysiis Muhiim Ah Oo Ku Socda Jaaliyada Reer Khaatumo Ee Ku Dhaqan Wadanka Imaaraadka Carabta

Waxaa la ogeysiinayaa dhamaanba dad weynaha kasoo jeeda deegaanada Khaatumo State ama jaaliyada reer Khaatumo ee ku dhaqan wadanka Imaaraadka Carabta in munaasibadii lagu maamuusayey sanad guuradii koowaad ee kasoo wareegtay markii dhidibada loo aasay maamul goboleedka Khaatumo lagu qaban doono Magaalada Dubai gaar ahaan hotelka caalamiga ah ee Taj plaza Hotel.

Munaasibadani oo ah mid lagu xusi doono horumarka balaadhan ee uu ku talaabsaday maamul goboleedka Khaatumo intii uu jiray, gaadhsiinta adeegyada muhiimka ah dad weynaha ku dhaqan deegaanada Khaatumo, dibu dhisida dalka iyo qayb qaadashada horumarka iyo badhaadhaha dalka soomaaliya, maadaama uu haatan dalku galay marxalad ka duwan tii uu hore ugu jiray.

Munaasibadani lagu maamuusayo sanad guurada Khaatumo ayaa waxaa lagu soo bandhigi doonaa ciyaarada kala duwan ee hidaha iyo dhaqanka soomaaliyeed, gabayo, geeraaro, buraan buro, heeso, iyo mawduucyo kala duwan oo ku salaysan wacyiga haatan ka jira dalka soomaaliya. Hadaba mudane ama marwo kasoo qayb gal oo shucuurtaada dareen ku muuji sida aad u aragto munaasibadan lagu maamuusayo sanad guurada Khaatumo.

Balanteenu waa 17-1-2013 6:00 Pm maqribnimo iyo Taj Hotel plaza Dubai U.A.E

Wixii faah faahin ah ee intaa dheer kala xidhiidh hawl wadeenada haatan gacanta ku haya diyaarinta munaasibada.

Rashiid Diiriye Faarax Afhayeenka Jaaliyada Khaatumo State ee U.A.E Tel: 0505419306

Fardaale Tel: 0556483592

Farxiya Xasan Daarood Tel: 0552280804

Ruun Cali Faarax Tel: 0507811905

Kasoo qayb gal wacan……..

Short URL: http://horufadhi.com/?p=22142

Posted by on Jan 15 2013. Filed under News English, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

10 Comments for “Ogeysiis Muhiim Ah Oo Ku Socda Jaaliyada Reer Khaatumo Ee Ku Dhaqan Wadanka Imaaraadka Carabta”

  1. Waxaa illaahay dartii uma mulimii nta ah loo waydiinayaaa cidii baxi nlahay dhul balaadhan & lacag oo lagu furi doono cilaaj loogu talagalay umada xaga dhimirka laga hayo ee reeer somaliland ingiriisku u bixiyey fadlan ugu hagaaji wixii aad alle dartiis ibixinayso x-dahabshiil ee gobolada w/galbeed hargaysa , togdheer iyo degmada berbera. Ama acounka siilaanyo425001 .sidaaa iyo kaalmo wacann

  2. Sool iyo sanaag iyo cayn sarareheedii waan idin salaamee sanad guuro wacan iyo guuuuul.
    Takale waxaan farayaa
    dhalinyarada reer khaatumo idoor sidii david cameroon priministerk a Uk ugu iyo caalamka oo idil ugu dheheen ictiraafkiina somali udon ta weliba way diista dadka reer darwiiish qaasatan dhulbante way sidaa awgeed ka daaya yaysan idi nku qumbacane kkkkkkkkkkkkkk.

  3. hawd iyo nugaal inadeer cabdale cagalule waa gudoomiyaha
    jaaliyada khaatumo ee london
    halyey oday cabdilahi darood isaguna waa gudoomiyaha jaaliyada
    Uk

  4. hawd iyo nugaal inadeer cabdale cagalule waa gudoomiya
    jaaliyada khaatumo ee london
    halyey oday cabdilahi darood isaguna waa gudoomiyada jaaliyada
    ee Uk

  5. liishaan, kkkkk horta ayaamahan calool qushqushkii wuu idinku batay, oo waxaan ku waydiiyey idinkaba idinkoo nabad ku daaqaya saw siilaanyo daasad idiinma garaacin dabeetana lugtaad qaadaanba idin lama go’do kkkkkkkkkkkk
    Maxaad reer khaatumo oon dulmi iyo daandaansi
    Midna aan ku socon ula yaabi dee ciyaarahu hidahooda weeyaan
    Gayigooda wacana waagii cadaadaba way u curataa khaatumo
    Taladay gorfeeyaan hawlahooda abaabulan,xaq bay u leeyihiin
    kartidooda weeyee yaanay ku darayayn ee darintaada jiif maxaad uga masuugi ood uga xanuunsan.

  6. sowdigii igalayee
    igu ridey gantaalaha
    gunuunucu muxuuyahay
    sowdigii gartaadii
    garan waayey maandhow
    mahadaad wax gocatoo
    geesaha yar eegtoo
    garan weydey waxa dhacay
    gudcurkiyo cadadu waa
    laba aan is gelin oo
    gelin wada negaanino
    waa sida gedeenaa
    gobanimo u dirirkaa
    dalka gaadhka ka hayoo
    libin gaadha abidkiis
    soomaali gebigeed
    geestay ahaatoba
    gaadh baan ka wada qaban
    gaar ahaana khaatumo
    goonyaha nugaaleed
    geesiga cadhaysani
    cadowga waa gelaayaa
    goortii ilaah qoray
    geesaha wow dhigaaya
    goblan waa bidaayaa
    waa gaadhi libidiyo
    caynaba geeseheedaa
    daraawiish gedeysani
    mar uun waa ku gubayaan
    haadku waa gablaynoo
    waa gigi jidhkaagoo
    xabaal baad gelaysaa
    adiguna gun iyo baar
    inan gumeed garaadli i
    goosashiyo waxaan jirin
    madaxa uu ka galayoo
    geeri loo qorsheeyo
    gaala raaca jeceloo
    Gunter bischose u taliyoo
    yuhuud inuu u galo raba
    hooyadii garaacoo
    gabdhihiisa iibshoo
    diintiis galaaftoo
    aan garan ilaahii
    garab maray salaadii
    malaaiguhuna goosteen
    naar inay geshaano
    gunta lagu cidhiidhshoo
    la gubaayo abidkiis
    khaatumo garaadiyo
    geesiyaalo weeyaan
    wada gaadhe taladii
    inay gacal haadaan
    gobanimada raadshaan
    guushiyo xoreeyntana
    geesaha nugaaleed
    calan waa gilgilayaan
    gob la orod mash xaradliyo
    farduhu waa gurdamayaan
    gugu waa da’aayaa
    goray way dhalaysaa
    nirguhu waa gunuunici
    gaawaha waa la culayaa
    gaajadu waabaxaysaa
    gedigeed nugaal godan
    guud ahaana soomaal
    nabad baa la gelayaa

    waa gabay idoor

  7. miyaydaan xafladaha dhamaynaynba kastuumo maalin walba miyay dhalataa kkkkkkkkkkkkkkkkk waa reerkii oo ciyaar loo tumay mar qudha joojin maayaan.

  8. Mr Omar
    Ma cabdalle cagalulaa gudoomiye jaaliyadaa ka ah

  9. mire
    fadhi ku dirirka inogu cesha hasawihi hure walanwal iyo canbaro

    oo lagu luqeyo

    adunbaan waxdhaadine
    xiliyadan is dhalan rogey
    dhibtan ka ilaasha
    iwm

  10. AAD BAAN UGA XUMAHAY IN SHACABWEENAHA KHAATUMO EE EMIRATKA EE KA DIBADHACAN SANADGURADI MAMULKAYAGA EE KHATUMO KHEIR.
    LAKIN NEVERTHELESS WE HOPE YOU GUYS HAVE A GREAT TIME LIKE WE DID IN LONDON HEEY VIVA KHATUMO WANA MAMUL JIRA OO AAN DIB WALIGI USONOQONEEN.

Leave a Reply

Recently Commented

  • NINA: Khaatumo waa. In jjanaraal milateri ah loo dhiibaa iyo gole siyaasadeed oo la taliya isimada waa in loola...
  • Qariidahaye: UMMADDA REER KHAATUMO GUUD AHAAN WAXAAN UGU BAAQAYAA IN AY CAQABADAHA YAR YAR EE DHACAYA AYSAN DHAG...
  • Hakiim: Waa arin laga naxo oo walahay qabsashadii Taleex iyo tegitaankii Ina Garaad Ismaaciil ee Hargeysa tanaa ka...
  • Dhoodi: Marka laga reebo qodobka koowaad oo ah kan ay u jeedaan nimankan meesha ku shiray, inta kale waa ku qurux...
  • NINA: Khaatumo2 marking isimada la siiyey Talada ugu dambaysa we reerka Ayaa Khallad dhacay khaatumo hadjii xal loo...