|

Baraf badan oo ku da’ay dalal kamid ah Yurub oo hakad ku keenay isu socodka

barafYurub1
In badan oo kamid ah dalalka Yurub ayaa waxaa si weyn saameyn ugu yeeshay Baraf xoogleh oo maalmihii lasoo dhaafay ka da’ayey Qaarada Yurub, gaar ahaan wadamada Galbeedka Yurub ayuu barafkan si weyn u saameeyey.

Dalalka Ingiriiska, Holland iyo Germany ayaa kamid ah wadamada uu ka da’ay barafka badan maalinimadii shalay iyo waliba todobaadyadii lasoo dhaafay. Dalka Ingiriiska ayaa la joojiyey qaar kamid ah diyaaradihii dalkaasi ka duuli lahaa kadib markii barafka saameyn ku yeeshay Airporka ugu weyn ee dalkaasi ee Heathrow, magaalada London.

Sidoo kale dalalka Holland iyo Germany ayuu barafka si xoogleh uga da’ay Airporka magaalada Frankfurt oo kamid ah Airporada ugu waaweyn Qaarada Yurub ayaa isaguna maanta qaar kamid ah duulimaadyadii hakad la geliyey.

Dalka Holland oo aan u baran barafka badan ayaa caqabado badan ka heystaan dhanka Tareenada iyo jidadka waaweyn ee gaadiidka isticmaalaan oo qaarkood barafku qariyey.

dhanka kale Digniin la xirrita dabaylo wata qaboow iyo baraf ayaa lagu soo waramay in ay kusoo fool leeyihiin gobolada waqooyiga Nederland [Groningen iyo Friesland] waxaa sidaas kusoo waramay hay ada sadaasha jawiga ee Nederland ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan KNMI

Hya ada saadaasha jawiga Nederland ayaa sheegtay in ay lagama maarmaan tahay in ay feejignaadaan darawaliinta baabuurta oo ay dhici karto in ay dhib kala kulmaan.Shirkada tareenada ee Nederland NS ayaa iyadana sheegtay in ay wax ka badali doonto isu socodka tareenada Nederland iyadoo laga cabsi qabo dabaylaha iyo barafka in ay shilall keeni karaan iyo in barafka ay ku simbiririxdaan baabuurta.

Shirkada ka caawinta baabuurlayda cildaha baabuurta ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan ee ANWP ayaa sheegtay in ay filayso in uu jiri doono saxmo baabuur badan  iyadoo ay ugu wacantahay barafka iyo dabaylaha la saadaaliyey in ay keeni doonaan hakad gala gaadiidka baabuurta.

Horufadhi.com

Short URL: http://horufadhi.com/?p=22765

Posted by on Jan 21 2013. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Baraf badan oo ku da’ay dalal kamid ah Yurub oo hakad ku keenay isu socodka”

  1. I love snow.
    Beacause i use to play sinds i came to Europe.
    But this is too much indeed.

Leave a Reply

<

Recently Commented

  • geesiga: cali khaliif galayr waa in laga eryaa baarlamaanka iyo muqdisho dhexdeeda
  • bulshaawi: kkkkkkkkkkkkkkkkkk waar dee idinkaa yaqaanna waa reer hebele dawladu caaqil iyo boqor wixii sharciga...
  • Darwiishbest: Beenta iyo mala awaalka aad iska dhaadhicisay meelaasi la aad.
  • wadaad yare: @Warsame Madaxweynaha gabagiisi miyaad haddana rabtaa inaad ka xaddo oo waad u quuri la,dahey?kkkk Maba...
  • Darwiishbest: Testing his own medicine. Good luck mate!