Afhayeenka Jaaliyada Khaatumo Oo Tacsi U Diray Eheladii & Asxaabtii Uu Ka Baxay Madaxweynihii Hore Ee PL Xasan Daahir Af-qudhac
Anigoo ku hadlaya afka jaaliyada khaatumo ee wadanka imaaraadka waxaan tacsi gaara ah u dirayaa qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodey allaha ha u naxariistii madax weyne ku xigeenkii hore ee Maamulka Puntland ENG Xasan Daahir Maxamuud (Af-qudhac), Hadaba waxaanu ilaahey uga baryayaa inuu marxuunkaas ka geeriyoodey umada khaatumo 21/1/2013 kuna geeriyooday wadanka Kenya uu janadii fardowsa ahayd ka waraabiyo eheladii asxaabtii iyo awlaadii uu ka tegayna samir iyo iimaan uu rabi ka siiyo. Aamiin Aamiin Aamiin.
Rashiid Diiriye Faarax
Afhayeenka Khaatumo ee wadanka Imaaraadka Carabta
Short URL: http://horufadhi.com/?p=22941


