|

(Dhagayso) Munaasibad Loo Qabtay Arday Ka Qalin Jabisay Madarasada Imaamu Bukhaari Ee Magaalada Buuhoodle

Munaasibadan oo loogu soo gaba gabaynayey arday dhamaysay xifdinta quraanka kariimka kana baxday madarasada Imaamu Bukhaari ee magaalada Buuhoodle ayaa maanta ka dhacday Hotel-ka Abdi Guray Plaza ee magaalada Buuhoodle, iyadoona munaasibadani ay kasoo qayb galeen Waxgarad, Aqoon yahano, Culumo awdiin, Gudoomiyaha jaamacada bariga afrika faraceeda magaalada Buuhoodle Dr. C/shaafi Axmed Cali, Waalidiin, Maamulayaasha iyo macalimiinta dugsiyada kala duwan ee ku yaala Magaalada Buuhoodle iyo Marti sharaf kale aad u tira badan.

Hadaba munaasibadani oo ahayd mid balaadhan isla markaana lagu daah furay aayaadka quraanka kariimka iyo wacdi diiniya ayaa waxaa ugu horeynba halkaasi ka hadlay maamulaha madarasada Imaamu Bukhaari Maxamed Xasan, isagoona ka warbixiyey marxalidihii ay soo martay madarasadani iyo tirada guud ee ardayda ka qalin jabisayba.

Waxaa iyana sidoo kale halkaasi ka hadlay qaar kamida waalidiinta dhalay ardaydani maanta qalin jabisay, iyagoona ku dheeraaday dadaalkii ay lasoo mareen caruurtani maanta qalin jabisay.

Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika faraceeda magaalada Buuhoodle Dr. C/shaafi Axmed Cali oo isna halkaasi ka hadlay ayaa si weyn u soo dhoweeyey ardaydani maanta ka qalin jabisay madarasadani Imaamu Bukhaari ee magaalada Buuhoodle.

Waxaa iyana halkaasi hadlay Sheekh C/rashiid Xaaji Samatar, Jaamac Xasan Cabdi oo kamida qurba joogta gobolka Cayn iyo marti sharaf kale oo aad u tira badan, kuwaas oo dhamaantood si weyn u soo dhoweeyey ardaydani maanta qalin jabisay.

Hadaba ugu dambeyntii ayaa munaasibadani waxa abwaan C/salaan C/laahi Jaciir oo kamida abwaanada gobolka Cayn uu halkaasi kusoo bandhigay tix gabay ah oo ka tarjumaysa munaasibadani maanta.

Halka Ka Dhagayso

 

Munaasibadani ayaa kusoo dhamaatay jawi dagan, iyadoona dad weynihii ay kasoo qayb galay munaasibadani ay si weyn u soo dhoweeyeen ardaydani maanta ka qalin jabisay madarasada Imaamu Bukhaari ee magaalada Buuhoodle.

Wariye Abdirahman Wadani
Email axmedyare1001@hotmail.com
Xafiiska Wararka Ee Shabakadda Horufadhi News Media
Buuhoodle Soomaaliya

Short URL: http://horufadhi.com/?p=23019

Posted by on Jan 24 2013. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “(Dhagayso) Munaasibad Loo Qabtay Arday Ka Qalin Jabisay Madarasada Imaamu Bukhaari Ee Magaalada Buuhoodle”

  1. Maasha’Allaaaaaaah ilaahay haydin barakeeyo oo haydin ka dhigo kuwa ku fara adayga oo mar kasta xifdisanaada barashadaa qur’aanka kariimka ah ee aad juhdiga ku bixiseen barakallaahu fiikum.

Leave a Reply

<

Recently Commented

  • idoor liqe: SHACABKA REER AWDAL 18 MAY WAA MAALINTII UGU DANBEYSAY EE ISAAQA , SOMALIYA AYEY KU BIIRAYAAN ....
  • NINA: oday xaabsadoow jail keeper is always jail keeper laaska waxaad mooday jailkii ciidamada asluubta ee aad...
  • NINA: xaarside xabadi ku dishay inta mus yar oo duleed reer suuf aloolkii oo jeexjeexan uu sudhtay bay kaga jajabtay...
  • idoor liqe: QALCADII TALEEX IYO MAALINTA NADAAFADA . DAWANAYOOOW WAA DALKAAGII …………...
  • idoor liqe: kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk...