(Dhagayso+Sawiro) Munaasibad Lagu Maamuusiyey Xuska Dhalada Nabigeena Muxamed N.N.K.H Oo Ka Dhacday Magaalada Buuhoodle
Munaasibad lagu maamuusayey xuska dhalashada nabigeeda Muxamed N.N.K.H ayaa maanta ka dhacday magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn, iyadoona munaasibadani ay soo qaban qaabiyeen qaar kamida culumo awdiinta ku dhaqan magaalada Buuhoodle.
Munaasibadani oo ahayd mid balaadhan isla markaasna ay kasoo qayb galeen madax ka tirsan maamul goboleedka Khaatumo oo uu hogaaminayo madaxweynaha maamul goboleedka Khaatumo Maxamed Yuusuf Jaamac (Indha sheel), waxgarad, aqoonyahano, siyaasiyiin, culumo awdiin, haween, dhalinyaro, iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa ahayd mid lagu maamuusayey xuska dhalashada nabi Muxamed N.N.K.H.
Hadaba waxaa ugu horeynba munaasibadani ka hadlay Sheekh Cawil Abshir Xaashi oo kamida culuma awdiinta gobolka Cayn, isagoona wax ka xusay muhiimada ay leedahay maamuusida xuska dhalashada nabiga N.N.K.H
Waxaa iyana sidoo kale halkaasi ka hadlay madaxweynaha maamul goboleedka Khaatumo Maxamed Yuusuf Jaamac (Indha sheel), Sheekh C/raxmaan Mursal Xaaji, iyo Sheekh Maxamuud Yuusuf Faarax, iyagoona dhamaantood ku dheeraaday xuska dhalashada nabigeena Muxamed N.N.K.H.
Halkan Ka Daawo Sawiro

Isku soo wada duuboo munaasibadani lagu xusayey dhalashada nabigeena Muxamed N.N.K.H ayaa qayb ka noqonaysa munaasibado badan oo lagu xusayo dhalashada nabi Muxamed N.N.K.H, kuwaas oo wali ka socda dalal badan oo caalamka ka tirsan.
Wariye Abdirahman Wadani
Email axmedyare1001@hotmail.com
Xafiiska Wararka Ee Shabakadda Horufadhi News Media
Buuhoodle Soomaaliya
Short URL: http://horufadhi.com/?p=23018









