|

Maqaal: Go’aanka gooni baan isku taagaynaa, wuxuu ahaa go’aan Murqaan!!.

Inta badan qofka Ibnu Aadaanka ahi, markuu uu naftiisa, dadkiisa iyo deegaankiisa rabo inuu ka qaato go’aan Masiiri ah, waxaa uu inbadan kaashadaa heer aqooneedkiisa, Diimeed, maadi iyo waayo aragnimo. Wuxuuna markasta ku saleeya ka baaraan degi waxa imaan kara ilaa wakhtiga fog ee ugu yaraan ku cayimin 30 sano.

Marka aad doonayso inaad hanato dadkaaga waa inaad shayga jiriduusu noqotaa run , xaqiiq iyo daacadnimo aqoon lagu badhitaaray. Inta badan go’aamada la xidhiidha Masiiriga, hadii qofku uusan ka fakerin marka uu qaadanayo, ama dadka isku soo uruuray ay arintaa aad u rog rogaan.

Markaan u soo noqono ciwaanka Maqaal ee sare, waxaa jirtay in sanadkii 1991 bisha May ay maagalada Burco isugu yimaado koox u badnaa dagaal oogayaal iyo horjoogayaal Jabhad, kuwaasoo asal ahaan markii horeba aan xalaal u ahayn, hadii aan Fasiro arintan marka sharrcada dhankeed la jaleeco, hadii shay Culimadu isku qabato kaasoo aan ahayn Itijaah balse ah mid ku cad Kutubta, waxaa loo kala saaraa Asal iyo Farac, inta badan  haduu shaygaasi lee yahay asal, waxaa loo celiyaa Asalkii ama Unkankiisii koobaad, taasoo fududaysa in meel cad la saaro, xalaal iyo xaaraan kuu yahay.

Hataan maamulka Hargaysa marka asal ahaan loo jaleeco waa jabhadii SNM oo asalkeedii ahaa,  Soomaali nacayb, sad bursi doon, caadifadgelin shacabka, dhiig daadin maadata xataa kuwii ay sheegayeen inay mataleen, tusaale ahaan dad badan ayey ku laayeen Hargaysa, ayagoo markaas iska dhigayey inay yihiin ciimadii Militaryga Soomaaliyeed, si ay dadka u nacsiiyaan dawladda, waxaana marag ma doonto ah, in xaabalaha ay sawiraan ay yihiin dadkii ay Hargaysa ku xasuuqeen ee aan ka soojeedin beesha Isaaq.

Hadaba dadka inta badan aad u isticmaala maandooriyaha, sida Khamriga, Jaadka, ama Qaadka, Sigaarka, xashiishka iyo waxyaalaha ay ku fekeraan, marka ay afka ku hayaan ayaa ah waxyaalo Qayri macquul ah, oo ay ugu horayso inuu qofku iska dhaadhicyo waxyaalo hawo ah, uu intabadan isa siiyo, meeqaam uusan joogin, darajooyin, mararka qaarkood hanti uusan haysan, ama Qab weyni uu markaas isleeyahay dadkanba adaa Macno dhaama.

Waxaa halkaas kaaga cad in qofkaasi uusan ahayn mid miyir ahaan Taam ah, waxaana cad inuu waxkasta oo uu markaas ficil ahaan u sameeyo ama uu inta uu ka fekero ku dhaqaaqo ay hawdho ku damayso cawaaqib xumo iyo walaac saameeya dadkuu gaadhsiiyey oodhan. Haatan waxaa marag ma doonto ah in kooxdii Siilaanyo ugu horeeyey ee sanadkastaa keenay waan Go’aynaa ay ahaayeen kuwa dhamaantood ama ugu yaraan kuwii fekerkan watay gebi ahaantood ba, ay Murqaan sanaayeen, ayagoon Eegin, isna weydiin su’aalo badan oo ay ka mid tahay, Yaa idinka yeela? beel keliya dawlad ma noqotaa iyo su aalo kale oo caqliga caafimaadka qabaa isweydiiyo.

Sidoo kale waxa ugu weyn ee aysan ka fekerin waxaa weeyaan dadkan hadaad ka dhaadhicisaan dawlad baad tihiin, oo Ictiraaf baad helaysaan, hadii la waayo sidee uga saaraysaan, waxay taasi imaan lahayd hadii kooxdani mar keliya maandooriyaha deyn lahayd, shalay oo ugu danbaysay ayuu kii ugu weynaa ee Eelka markii horeba dhigay{Gacanku dhiigle Siilaanyo}, uu lahaa boqol sano ayaan weydaan aqoonsi raadinta, Waxaa kuu sii cadaanaysa in 1991 iyo maanta uu qalbigiisu isku mid yahay, wax xaga  dhimirka ka gaadha mooyaane waxkale kuma kordhin.

Taas weeye tan keentay in dadkii dhalinta ahaana, waashaan oo ay ku tiraabaan China iyo South Korea aan aadno oo bal diinta Shuuciga aan ku eegno markan inaan waxkaga helno indha yarta.

Talo. Waxaan kula talin lahaa shacabka magaaloyinka Hargaysa iyo Burco inay is daba qabtaan marka hore ay joojiyaan Maandooriyaha Qaadka ee ay sadexda wakhti ku bedesheen, kuna bedelaan tacliin u badan Diini, bal si ay horta u fahmaan cida ay yihiin{Identity}. Hadaysan taas ka fekerin laba jeer, waxay khasaarayaan labaatan sano oo kale, waa inay ka tala baxaan  nimankan Guryaha beenta dhisa habeenkii subaxiina ka dumayo, ee wada saaran waa inay Soomaalinimadooda amaanin, dhulkooda inta Eebe siiyeyna iimaansadaa,

Waa inay ogaadaan inuusan qabiil qaran noqon, caqliga saliimka ahna ay u adeegsadaan dhanka haboon, iskana ilaaliyaan kuwa ku adeegayanaya ee maalin Alla keeno beenta ku Aafuufaya, waxaana cadaanaysa inaysan lahayn qof caaqil ah, oo dhaha waar beenta naga daaya, Soomaalidu waxay ku maah maahdaa, qofkaan quus aqoon naftiisa quusa. Wayshana gawrac dibigu ha ku quustee mar hadii Ingiriis Caddena cararay, lama Huraan waa cawska Jilaal.

 

Xamsa M, Abdi.

Wya2007@hotmail.com

Horufadhi.com

Short URL: http://horufadhi.com/?p=23441

Posted by on Jan 31 2013. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

8 Comments for “Maqaal: Go’aanka gooni baan isku taagaynaa, wuxuu ahaa go’aan Murqaan!!.”

  1. waxaan aad ugu hambalyeynaya beelaha buhoodle ee intey iska eryeen cawaroland sixora arimohoda ugorfeynaya waxan leyahay guleysta

    reer lascanodna waxan leyahay

    idinkaba sad isku dishan leysku diraya
    idinkaba dugag iyo matal hatan daba joga
    ninka dolar lalushka cune dorshey magaceena
    waa inan dilna siyan markale lo dad qalatobin
    oo deren fog wada yelana gushu weyn heliye
    sida tabato ha uyacina oo is duleynine eh
    tukamada qoryaha tirsan iyo tiradlaha qata
    oo daqada kawada toogta oo dhiga kaga dadsha
    oo dockastaba rasas kaga fura oo lamiga udiida
    oo marna ha u debcina oo cawaroland ficil deren siya
    oo doni mayno gortad dhahdan wey iska didayane
    oo dowlad uu isaaq madax uyahay dunida waa ukow eh
    oo dhulbahantow danta garo walan cidi ku doneyne
    oo isaaq wuxu donaya dhulka oo qudha eh
    oo jiritanka darood nin neceb jar hamoodina eh
    oo somali sorac isaaq kaga sidarane
    oo walaydin dufsadey sida da imookale eh
    oo ka kaca doqonban ogsoneyn halkey diiftu kaga taleh

  2. qoraaga waxaan u fahmay go’itaanku ma ahayn mid cilmi ku dhisan waana lagu degdegay

  3. Dastuurka Somaliland Oo Wax Ka Bedal Iyo Kaabis Lagu Samaynayo Iyo Dareenada Ku Xeeran Qodobada La Doonayo In Lagu Soo Daro

    Hargeysa (Ramaas) Jan 31,2013 – Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay khudbadii uu u jeediyay baarlamaanka qaranka, ayaa sheegay in la furayo dastuurka qaranka si wax ka bedal loogu sameeyo.

    Madaxwayne Siilaanyo, waxa uu cadeeyay in sharcigu u ogol yahay in dastuurka la furo oo wax la bedal iyo kaabis lagu sameeyo, isaga oo sheegay in arintaasi ay sida ay noqon doonto uu qoraal rasmi ah u soo qori doono shir-guddoonka golaha Wakiilada Somaliland.

    Madaxwayne Siilaanyo oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Waxaan labada gole usoo jeedinayaa in Dastuurka lagu sameeyo wax ka beddel iyo kaabis, si arintan loo dhamaystiro waxaan idiin soo gudbin doonaa qoraal rasmi ah oo xambaarsan qaabka ugu sahlan ee dastuurka loo qabyo tiri-karo aniga oo u cuskanaya arintan qodobada dastuurka ee 126-aad iyo 127-aad”

    Wax ka bedalka dastuurka lagu samaynayo, ayaa waxa ka soo baxaya dareeno kala duwan oo la xidhiidha sababta keentay in xiligan loo furayo, iyadda oo dareenada qaarkood sheegayaan in la doonayo in dastuurka lagu daro qodobo ogolaanaya in xukuumadda lagu soo daro xilal dheeraad ah oo qaranka ku cusub, sida dhowr Madaxwayne ku xigeen oo kale, si beelaha darafyada ee saami la’aanta ka cabanaya loo siiyo.

    Sidoo kale, tuhunada qaar ayaa sheegaya in dastuurka lagu darayo qodobo beelaha la hayb-sooca u ogolaanaya tiro cayiman in laga sameeyo golayaasha qaranka dalka, si looga baaqdo cabashooyinka joogtada noqday.

    Inkasta oo xaqiiq ahaan loo ogeyn sababta keentay in dastuurka la furo, haddana xogaha hoose eek u xidhiidhsan arintan, ayaa sheegaya in la doonaya in lagu soo daro qodobo saamaxaya in cidii cabanaysaba ay ka dhex aragto dastuurka waxa ay dalka xaq ugu leedahay.

    Ramaasnews Desk

    Hargeisa

  4. waar waxaan ka kaalay oo kahadal xaalladdii xudun iyo weerarkii ad 15ka daqiiqo ahaan jiray!!, iyo lacagayowgan lala fakaday iyo accountigii Dubai ee lasoo xidhay!!, waxaan shaqo kuu ahayn haka dhiganin, dawladdan Ugandhiska iyo burundisku ilaalinayaana waad ogtahay inaanay aniga waxba iga qaadi karin oo ninkii odayga ahaa ee aan diray iyo wuxuu ciidan haystay waad garanaysaa oo ay dheerayd maleeshiyo beeleedyo kadhinac dagaalamayay min ceerigaabo ilaa burco ilaa reserve area ilaa hargeysa ilaa lawyacaddo iyo qun-ujeed oo ay sii dheerayd malaayiin qaxooti ahaa oo la dejiyay ama lagu beeray ubucdaydii…aaway waxaasi ..waad garanaysaa meeshay ku danbeeyeen (fahal-taraa lahum min baaqiyah)!!….ee ka waran xuddun iyo meelihii kale ee xoreyntu idin madax martay yaa bloody fucking man!!.

  5. @xamse

    xamsaw abti horta 91kii waynu wada murqaanay ee keligayo maanu murqaamin wixii murqaanku na tusay ee idinka iyo kuwa galbeed naga xigaa nagu waafqadeen wuxu ahaa hargeisa,burco,berbera,ceerigaabo iyo laascaanod aynu dawlad aynu wada leenahay ka dhisno ilaah baa ina dillayee dhakadaasi waa fushay murqaankaasna ilaaahay waa ajiibay oo hadadadan aan commentiga qorayo dhamaan dhulkaas dawladii berigaa aynu ku riyoonaa ka talisa.

    murqaanku wuxu na tusay markaanu idiin sheegnay si kal iyo laabaad u ajiibteen anana waanu fulinay uun, MARKUU UBAXII BISLAADAY MARKUU INTIFAACSI JOOGO MAXAA UURXUMADA KEENAY ?

    arinta ah beeli qaran ma noqon kartana waxay ka dhigantahay hawiye+mj+isaaq qaran ma noqon karaan taas oo macnaheedu tahay somalia qaran may ahayn illeen somalia ba waxay ahayd hawiye majeerteen isaaq iyo in lagu qurxiyey. insha allah waxaad arki doontaa isaaq iyo dhulbahnate oo qaran jira ah ayaantaa wax ka dhe hadaad noolaato.

  6. fucking ass hole siil– aanyo meel ka soo baxa ileen awil ingiriis cade baa ku naas nuujinjeeray, beerina maxkada baad joogta viiva somalia viiva khatumo state’

  7. Dowladii Soomaaliyeed ee Siyaad Bare qaladaad aad u badan bay gashay. Dadkii ay laysayna dad xukun ay ku laysay bay ahayd. Reer PL ha ugu horeeyeen SNM ha ku xigto etc.

    Dowlada Soomaaliyeed xoog xad dhaaf ah waa isticmaashay. Laakiin maato gaar loo laayo iyo kufsi, dil qofka loo dilo “Who he is” midna ma jirin ama waa yaraayeen. Dagaalku siyaasad buu ku sal lahaa xoog xad dhaaf ahna waa la isticmaalay.

    Reerka Daarood waxaa loo laayay “Who they were.” Siyaasad looma layn oo dembi kumay gelin ee dhalashadooda iyo dheecaankooda ayay dembi ku mutaysteen. Kufsiga ayaa laga dhigtay xeelad dagaal, isir nacayb ayaa loo layay. Hantidoodii baa la xalaashtay. Guryahoodii baa laga soo qaxiyay. Sidii bayna guryahoodii uga maqan yihiin.

    SNM wixii dowlada dhex marayba 2 sanno gudahood bay guryahoodii ku noqdeen. Ilaa iyo maalintiina “ba’ayeey” bay leeyihiin. Daarood wixii ku dhacay iyadoo la ogyahay they never play the victim card..never ever…

    that tells you a lot! Intaa ku tusaale qaata reer Khaatumow….

  8. Beenta markaad ku celceliso muddo aad u dheer adigaagii ogaa inay been tahay ayay aakhirka runrun kuula ekaataa. Imika reerkani beentaa muddo ayay isu sheegayeen markii waagii ku beryayna depression awal hore dednaa baa banaanka u soo baxay. Hadaad xaqiiqatan u fiirsato hab dhaqanka dad badan oo fikirkaa aaminsan in maskaxiyan wax ka si yihiin baa kuu muuqanaysa.

    Bal ma waxaad aragteen reer isugu sheekeeya riyo aan cidi yeeli karin. Tan kale haday iyagu jeclaysteen inay gaar noqdaan xagay ka soo hindiseen inay jujuub isku dayaan? Haddii xoog SNM wadan ku noqonayso ha ku noqdeen, haddii xoog ay doonayaan inay ummado ku jujuubaana ha la yimaadeen. Laakiin waa mid aan weligood u socon doonin.

    To hell with them…let them chase that dream all we care is let’s free our land from the stooges.

Leave a Reply

<

Recently Commented

  • bulshaawi: caaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaa aaaaac waar bilaahj calykum naga duwa bahasha
  • Dhegayste: kkkkkkkkkk Adeer dee taasi suura gal ma aha in ay shacabku mudaharaad noocaas oo kale ah sameeyaan waayo...
  • suldaan: In aad ku soo celcelisaan cali galadh waa halyey iyo si fiican buu u hadlay muhiim ma,aha…waxaa...
  • DHeere power: Anisa, Maanta ugu roonayd inta jirtay oo runta usoo dhowaatey dumashigana taageertay. Awel waxaa ku...
  • DHeere power: Qofkii calaacalaya ha iska calaacalo Wacadee hadee wiilka Cali Khaliif inuu geed adayg yahay ahahaha....