|

Jaaliyada Khaatumo Ee Imaaraadka Carabta Oo Hambalyo Kal & Laab Ah U Diray Agaasimaha Waaxda Warfaafinta Khaatumo Max’ud Boocame

Shir ay isugu yimaadeen gudiga fulinta ee maamulka Khaatumo iyo jaaliyada khaatumo ee wadanka imaaraadka carabta ayaa waxa ay si kal iyo laab u soo dhaweeyeen wareegtadii ka soo baxday xafiiska madxweynaha maamulka khaatumo state ee lagu shaaciyey magacaabista agaasimaha waaxda warfaafinta ee maamulka khaatumo state of somalia, loona doortay in jagadaasi loo magacaabo mudane Maxamuud Maxamed Xasan (Boocame).

Hadaba iyada oo jaaliyada imaaraadku carabtu u aragto inuu u qalmo Maxamuud Boocame xilkaas iyo masuuliyada balaadhan ee loo magacaabay ayaa waxa ay ugu hambalyeynaysaa uguna duceynaysaa Maxamuud Boocame inuu xilkaas u fududeeyo ilaahay kana dhigo kii wax weyn kusoo kordhiya guud ahaan shacbiga khaatumo dal iyo dibedba.

Jaaliyada khaatumo State ee imaaraadku waxa ay ka codsanaysaa in mudane Boocame uu la shaqeeyo kulana shaqeeyo sida uu ku gudan lahaa wax ka qabashada dhinaca warbaahinta taas oo magacaabista ka sokowba uu ahaa mudane Boocame weriyayaasha soomaaliyeed ee ka muuqda saaxada warfaafinta ee dalka soomaaliya iyo tan khaatumo, qofkii wax u qabta umadiisana waa in lagu taageeraa laguna ixtiraamaa howsha uu u qabto umadiisa.

Mudane Maxamuud Jaaliyada imaaraadku waxay ku leedahay hambalyo hambalyo hambalyo…. halkaasna kasii wad hawsha aad u hayso umadaada waana kusoo dhoweynaynaa…….

Rashiid Diiriye Faarax
Afhayeenka jaaliyada imaaraadka carabta ee Khaatumo State

Short URL: http://horufadhi.com/?p=23511

Posted by on Feb 1 2013. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

3 Comments for “Jaaliyada Khaatumo Ee Imaaraadka Carabta Oo Hambalyo Kal & Laab Ah U Diray Agaasimaha Waaxda Warfaafinta Khaatumo Max’ud Boocame”

  1. Naaya garoowe orod ufta qarso
    maantaad cawaroland tuugteen waan
    waan isla go aynaa ayeey ka qabsatay bahalkii Afwaliije
    kkkkkkkkkkkkkk

  2. lugooyada khayaali st
    isay.”

    KLN. Jan.31.2013: Warqad maanta ka soo baxday Khaatumo ayaa aad iiga yaabisay. Warqadan oo ahayd wareegto ka soo baxday xafiiska Indhosheel ayaa u qorayd sidii kuwii Kacaankii Siyaad Bare. Ma sheegi karo in Indhosheel gacantiisa ku qoray iyo in shaqaalaha xafiiskiisu qoreen, laakiin cidii doontaa ha qortee waxaad moodaa dadka waraaqaha u qora Khaatumo in aan waxba u kordhin intii ka danbaysay dhicii dawladii Maxamed siyaad. Waayo markaad u fiirsato habka ay wax u qorayaan waxaa si aan ula kac ahayn uu qoraalkoodu dib kuugu celinayaa dhawr iyo labaatan sano oo mararka qaarkood hadii aadan isqaban ayba kula taraaraxayo. Sida ka muuqata warqadan lagu magacaabay Maxamuud yare, waxaan aad isu weydiiyey maxaa muhiim ka dhigaya in magacaabista agaasime waaxeed ay OGAADAAN ,
    • Golaha madaxtooyada
    • Wasaarada Maaliyada
    • Wasaarada Madaxtooyada Iyo Shacabka caalamka meelkasta oo ay joogaanba.

    Waxaa intaa kaaga daran goolaaftankan.
    • Markaan Arkay
    • Markaan la tashaday
    • Markaan tixgeliyey (Balaayo nimaan aragbaa ka sheekeeya)

    Luuqaday Khaatumo wax ku qorto aan wax ugu qoree, Mr. Indhosheel Anagoo Og:
    • Og. Isbadeladda siyaasadeed ee ka soo cusboonaaday Soomaaliya.
    • Og. Khilaafka ba’an ee ka dhextaagan Khaatumo dhexdeeda
    • Og. Dhibka iyo Tacadiga haysta shacabka reer SSC iyo dagaaladda xaqdarada ah ee ka socda deegaanka SSC badidood.

    Og. In intaasi oo fursadood iyo caqabadoodba na hor yaalaan oo qof walba oo reer SSC is weydiinayo tolow fursadahan taagan ee isbadelka jawiga siyaasada sidee uga faa’iidaysanaa? Waa yaabe anagoo intaas oo dhan maskaxdayda ka guuxayaan maxaa muhiim ka dhigaya in aanu ogaano magacaabista aad magacawday MAAREEYE WAAXEED? Oo weliba Og. In wiilka dhalinyarada ah ee aad magacaabaysaa deganyahay London, England mudo hore’na ay ugu danbaysay dhulkii. Waxaa muuqata in sida hab qoraalka Khaatumo ka muuqata in uu yahay mid wakhtiga iyo Waaqica taagan toona aan la socon, sidoo kale in iyana hogaanka khaatumo yahay hogaan aan la’hayn karti uu kula jaanqaado waaqica jira, Yihiina kuwo niyadjab weyn ku abuuray hankii ay u qabeen shacabka reer SSC. Shacabka reer SSC su’aasha aan weydiinayaa waxay tahay: – Wakhtigan aynu ku jiro (Haadihi Samaan) ma yihiin dadkan masuuliyiinta khaatumo sheegtaa ama hanoq’deen kuwa madaxweyne yaasha sheegta ama kuwa qurbaha wareega ee sheegta xilalka kala duwaniye, ma’yihiin kuwo shacabka reer SSC ka saari kara IHAANADA haysata? Siday aniga iila muuqato hadii jawaabtu maya tahay! Intee in leg ayeynu ku jiri karaa in aynu daawano majaro habaabinta iyo hagardaamada lagu hayo danta shacabka reer SSC ee tabaalaysan? Intee in leg ayeynu daawan karaa rag waaweyn oo qoorta UBAX sudhan? Gunaanadkii. Labo kalmadood aan aan idhaahdo Maxamoud Maxamed Xasan wiilka dhalinyarada ah ee ay leeyihiin xilbaanu u magacawnay. Mida 1aad, Maqaalkan ujeedadiisu ma’ahayn dhaliil xagaaga ah oo aan ku dhaliilayo kartidaada iyo xirfadaada shaqsi, runtii warbaahinta dhawr jeer oo aan kaa arkay waxaa iiga kaa muuqday firfircooni iyo nin ka rooni marka lagu barbar dhigo dadka da’daada ah. Tan 2aad, waxaan kugula talin lahaa wiil dhalinyaro ah oo fursad haysta ayaad tahay yaan wakhtigaaga lagaaga lumin riwaayad iyo xil aan jirin, wixii aad u qaban kartid wakhtigaaga inta kaa go’da deegaankaaga hore’ba sidii aad ugu qaban jirtay ugu qabo, laakiin yaan wakhti lagaaga lumin xil aan jirin. Raalina iga ahaw talogelyada aan ku siiyey adigoon iga codsan
    ate

  3. Maxamuud Boocame waa jaalahay brother.
    Waxaan leeyahay Hambalyo Congratulations.
    Brother waxaa kuuyaal shaqo ubahan Diyaargarow Preparation
    Baraarujin,feejignaan iyo Karti Professionalism.
    Good luck man.

    For the sake of Khatumo state.

Leave a Reply

<

Recently Commented

  • Tahliil: Waad salaman tihiin dhamaan marka xigta waxaan idinka codsanayaa anaa hawiye ah ee dhaan dhaankan magaca...
  • sOmalilander: AHAHAHA .COM Quba cellphonada .. Wat the joke !!!
  • axmed: Saacid waa nin aad iyo aad u liita, anaaba ka yaabay wallaahay. Waxaan u maleenayaa inuu isku haysto inuu...
  • bulshaawi: caaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaa aaaaac waar bilaahj calykum naga duwa bahasha
  • Dhegayste: kkkkkkkkkk Adeer dee taasi suura gal ma aha in ay shacabku mudaharaad noocaas oo kale ah sameeyaan waayo...