Dhagayso Shirkii maanta Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya iyo Warsaxaafadeed ay Soo Saareen
Waxaa Maanta lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya Kulankii Todobaadlaha ahaa ee gollaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaasoo uu shir gudoominayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.
Markii uu kulanku soo dhamaaday ayaa waxaa Saxaafada la hadlay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdishakuur Cali Mire, wuxuu sheegay ugu horayntii in warbixin looga dhagaystay Wasiirka Khayraadka dalka Mudane C/risaaq Maxamed oo dhawaan shir oga soo qayb galay dalka Turkiga looga hadlayay arimaha dhirta iyo deegaanka. Sidoo kale Wuxuu sheegay Wasiirka in warbixin laga dhagaystay Wasiirka Howlaha guud Muxyadiin Maxamed Kaalmooy waxaana uu ka warbixiyay Wafdi ka socda dowladda Ciraaq oo dhawaanahaan booqasho ku joogay Soomaaliya dhawaana uu kulamo la qaatay, sidoo kale waxaa warbixin ka jeedisay Wasiirada adeegga bulshada Drs Maryam Qaasim oo dhawaan shir looga hadlayay hooyada iyo dhalaanka oga soo qayb gashay dalka Isku taga Imaaradka Carabta.
Wasiirka arimaha gudaha ayaa sidoo kale waxaa laga dhagaysatay warbixin ku saabsan maamulsamaynta gobolada dalka deegaanada ay dowladdu gacanta ku
hayso. Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdishakuur Cali Mire ayaa sheegay sidoo kale in la isku soo qaaday hoos u dhaca ku yimid Dollarka waxaana arintaasi ka hadlay Ra’iisul Wasaaraha oo ku dheeraaday sida loogu baahanyahay in wax looga qabto sara u kaca ku yimid Dollar.
HALKAN KADHAGAYSO CODKA
Short URL: http://horufadhi.com/?p=23564



waa sanada guuro been ah oo xalaala ahayn,
siilanyo xaranya cuno wayn weeye,,, suu xaran u cuunayey bay calooshi fuurtay kkk
sillanyo is a bloodsucker and warmonger,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,
War odaygani xaqiiqda waa og yahay ee yuu idin waalin waar horta runta isuma sheegtan miya waa reerkan kawayay nin runta ku dhiirada oo shacabka dulman u sheega in ruwaayadi dhamatay cajiiiiiiiiiiiiib
Hargaysawi hada maxad soo qortay. waa golaheni wasiirade waxay ka hadlayan si fiican u dhagayso mise wali riyadi baad ku jirta SIYAAD BARE ilaahay haw naxariiste baa lawaydi heesaha tee baad u jeceshay suu yiri DAD KAAGA DHiNAC KARAAC
kastuumo maxaad u malayn waa laydinku darajo raadsanayaa imika waxii ka danbeeya nin kastuumo ninka soo qabta waa bilad geesinimo
http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=QwL6RBRYkQ4