Daawo Video:Nuxurka Meelo Badan Qudbadii Xalay Madaxweynaha ee London
Waxaa xalay Munaasibad soo dhawayn ah loo sameeyay Wafdigii Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ee baryahaan safarada shaqo ku jooga dalka Britain.
Xafladda ayaa waxaa ka soo qeybgalay Soomaali kummanaan ah oo ku nool UK, kuwaasi oo hoolka uga soo xaariday in ay maamuus sarreeya u sameeyaan
Madaxweynaha iyo wafdigiisa. Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah R/Wasaare Ku Xigeenka, ahna Wasiirka arimaha dibadda iyo iskaashiga Caalimiga Marwo Fawziyo Yusuf Adan,Wasiiru-dowlaha madaxtooyadda Faarax Shiikh Cabdulqaadir, la-taliyayaasha Madaxweynaha, iyo saraakiil ka howlgash xafiiska Madaxweyaha Soomaaliya.
Ammaanka ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana ammaanka sugaya ciidamo gaar ah, kuwaasi oo sugaya amniga goobta iyo habsami u socodka xafladda,
waxayna dadka u muuqdeen kuwo si weyn u daneynayay in ay arkaan madaxweynaha, isla markaana ay dhegeystaan hadalkiisa.
Caruur aad u da’ yar oo ku dhashay UK ayaa madaxweynaha ku soo dhaweeyay ubaxyo, qaarkoodna waxay goobta ka jeediyeen suugaan ay ku cabirayeen
waxa ay ka doonayaan dowladda Soomaaliyeed iyo madaxdeeda
HALKAN KADAAWO MADAXWEYNAHA
Short URL: http://horufadhi.com/?p=23618



