|

Mareykanka oo sheegay inuu xoojinayo duqeymaha dayuuradaha Dronesku ka geystaan Somalia

imagesLiond Beneta sii-hayaha xilka xoghayaha difaaca Mareykanka oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP ayaa ka hadlay degaanada ay duqeymaha ka geystaan diyaaradaha aan duuliyaha wadin ee Droneska loo yaqaano oo ay ku jirto dalka Soomaaliya iyo sida ay ula macaamilaan dadka shacabka ah ee degaanadaasi ku nool ka hor inta aysan duqeynta geysan.

Mr. Beneta ayaa sheegay in dayaaradhooda dagaalka ee aan duuliyaha wadin meelaha ay duqeymaha ka geystaan inay ka mid tahay Soomaaliya gaar ahaan degaanada fariisimida u ah dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ee dagaalka kula jira ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Sii hayaha xilka wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ayaa xusay inay la dagaalamayaan waxa uu ugu yeeray argagixisada kuwaasoo uu sheegay in falal ammaan darro ah ka geystaan dalalka geeska Afrika ku yaala, wuxuuna intaasi ku daray in meelaha ugu badan ee ay duqeeyaan ay kow ka tahay Soomaaliya.

“Duqeymaha dayuuradaheena Droneska ka fuliyeen wadamada Soomaaliya iyo Yemen waxaaa lagu dilay hogaamiyayaal ka tirsanaa Al-qaacida iyo Al-Shabaab waxayna ka hortageen weeraro badan oo kooxahaasi ay qorsheynayeen inay geystan, waana sii wadeynaa weerarada noocaas ah“ ayuu yiri Panetta.

Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in sidoo kale diyaaradahooda ay duulaano ku qaadaan Al-qaacidada Yamen halkaas ay khasaare ba’an ugu gaysteen sida uu yiri dagaalayahanada Al-qaacida ee Jaziiratul Carab, wuxuuna intaasi ku daray in dalka Yamen ay dhawaan ku dileen hogaamiyihii Al-qaacida ee Abuu Yaxya Al-liibi.

Hadalka ka soo yeeray dowladda Mareykanka ayaa imaanaya xilli afhayeenka ciidamada Kenya Col. Cyrus Aguna uu sheegay in duulaan ay dhawaan ka fuliyeen gobolka Gedo ay ku dileen sida uu yiri sarkaal sare oo ka tirsanaa dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab, waxayna hadaladan ka soo kala yeeray Kenya iyo Mareykanku ay ku soo aadayaan xilli dhawaan hay’addaha xuquuqul insaanka ay sheegeen in duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha wadin ay ka fuliyaan dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya iyo Yamen in dhibaato ay ka soo gaarto dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Short URL: http://horufadhi.com/?p=23610

Posted by on Feb 3 2013. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Mareykanka oo sheegay inuu xoojinayo duqeymaha dayuuradaha Dronesku ka geystaan Somalia”

  1. Oo sow tii la lahaa Soomaaliya dawlad buuxay noqotay, waa maxay drones kan ku meeray sanaya iyo xad-gudub ku. Anigu waxan qabaa argagixiso Maraykan ka weyni maba jirto! Waayo waddamo dhisan buu duulaan ku qaaday oo burburiyey, sida Ciraaq. Wuxu tagera Israel oo argagixiso ah. Marka, waa ayo argagixiso!? Mise waa haddii Dhahar yiri Alle yiri dii la sheegi jiray! Halloo helo qeexitaan dhab ah oo laysku raacsan yahay erayga arga-gixiso. Heerar-na halloo sameeyo arga-gixisada sida, heer-dladeed (USA, Israel, British, etc) heer urur sida (Alqacida, Shabaab, etc). Waa kaa, lkn arga-gixisaa, arga-gixiso la dagaalamasa wax soconaya maaha. Waxayna keeni kartaa aduunkoo wada arga-gixiso noqda

Leave a Reply

<

Recently Commented

  • Galool: Kuluc inaadeer waan qaatay laakiin madax baan kuu ahay ee cadawga dhinacaaga ka difaac iyo aan kuu faano...
  • Idoor liqe: Galool May 22, 2013 – 6:55 pm Kuluc ma waxbaad yara cabtaa adoo aya ah baad Burco ka diig tahay bal...
  • Kuluc: Galool Kkkkk oo waad xanaaqdii inaan bariga burco idhaahay ahayd “burco” labadii jeexba waan isku...
  • Idoor liqe: Sobiillander Arabka idaa sxb mid yaroo ah Arab Ayaan relationship leenahay , aad bay iigu xayeysisaa...
  • Galool: Hargeysaawi waan qaatay suldaan