|

Safiirka Somaliya ee Addis Ababa oo iibsaday fiisooyinkii Turkiga

viso-300x240Arday Soomaaliyeed oo heer Jaamacadeed ah, qaarkoodna waxbarashadooda ku dhameystay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia iyo magaalooyinka kale ayaa laga hor istaagay iney aqoontooda ku helaan deeq waxbarasho oo Dowladda Turkiga ugu deeqday ardayda Soomaaliyeed, kuwaasi oo loo diiday in ay imtixaan u galaan 16 fiiso waxbarasho oo lasoo gaarsiiyay Safaaradda Somalia ee Addis Ababa si ay ugu faa’iideyso ardayda ku sugan Addis Ababa.

Mid ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee laga hor istaagay in uu u galo deeqdaasi waxbarasho imtixaan ayaa sheegay in Safiirka Soomaaliya ee Addis Ababa Saciid Yuusuf uu si cad ugu wargeliyay ardaydii dooneysay in ay deeqdaasi u galaan imtixaan in aysan heli doonin hadii ay ku guuleystaan, qofkii dooneysana fiisahaasina ay ku xeran tahay inuu bixiyo Lix Kun oo Dollarka Mareykanka.

Wuxuu sheegay ardaygaasi oo magaciisa diiday in lasoo qoro, in ardaydii oo dhan aysan wax imtixaan ah gelin, iskuna mashquulin, balse qof walbo uu bixiyay Lix Kun Dollarka Mareykabka.

Todobaadkii hore ayaa ardaydaasi ay ka duuleen magaalada Addis Ababa, iyadoo laga iibsaday deeqdii waxbarasho ee Dowladda Turkiga ugu talagashay in looga faa’iideeyo ardayda Soomaaliyeed ee ku nool Addis Ababa, maadaama gudaha dalka kuwa ku sugan ay heleen deeqo kuwaasi la mid ah.

Tallaabadani uu safiirka Soomaaliya ee Addis Ababa ayaa waalidiin fara badan iyo ardayda ku nool Addis Ababa ay cambaareeyeen, iyagoo ugu baaqay Wasaaradda arrimaha dibada Somalia in ay soo farageliso howlaha guracan ee Safiirka uu kula dhaqmayo muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Short URL: http://horufadhi.com/?p=23614

Posted by on Feb 3 2013. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

6 Comments for “Safiirka Somaliya ee Addis Ababa oo iibsaday fiisooyinkii Turkiga”

  1. dhareere baaqimo

    hooyadaa iyo midgaantii ku dhashay iyo adiguba isasooraaca oo u i imaada bal inaad kalarkiisa taabataan

  2. Danjire maaha waa tuug budhcadbadeda ah corrupted.
    dadka jooga Ethiopia uu dhacay madaxa haka toogtaan eeyga.

  3. garowe safiirku ma dhabayac baa aanu u xil qarine idinkana waxaan idinku nacay dadka mar hore wax uma sheegtaane goor feedh bilaamay ayaad tidhaahdaan waa waray waa waray war hade ninka ma waadan garanayn war hade waa nin harti ah kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  4. saacid yuusuf aqoonbaydaan ulahayne wax hubsada waanin hantiila ah oo lixdakun iyo kabadanba qayilaad u bixiyay waana ninka kaliya oo xafiisyadiisa ay soomaali isugumidka katahay waliba reerka uuka soojeedo waxaa kagabadan safaarada shaqaaleheeda idinka marka dacaayada riqiiska ah waa wax la idinku yaqaanay horufadhiyeey
    haduu nin xayraana ahaanlahaa waa looqaadanlahaa laakiin waa nin ganacsada ah illaahayna hanti siiyay

  5. qofka masuulka ah marka uu wax khaldo ama wax xado haddii aan sharcigu qabanayn wuxuu doono ayuu samaynayaa sidoo kale waxaa loo baahan yahay marka qof masuul laga dhigo oo xil loo dhiibo waa in uu sharaftiisa dhowrto waxaase muuqata in soomaalidu tahay dad aan waxba ka fahan sanayn masuuliyada loo dhiibay waxayse fahmi doonaan marka sharcigu shaqeeyo ee wax xada la xidho kii wax is daba mariya la xidho

  6. Somalidii waxay baratay corruption (musuqmaasuq) Sida kenyanka ,
    Waa masuuliyadaro in arday soomaliyeed laga qaado lacago blackmail (laaluush)

    Scholarship ka waxaa donation ahaan u bixiyey dowlada turkiga so sidee markaa looga ganacsankaraa!!!! . Aniga khaladka waxaan SAARAYA ardayda Iyo waalidka waayo Waa in ay arintaas diidan oo ay ka dhiidhiyaan waan ogahay Somalidu Ma aha dad dulqaad leh waxkasta waxay jecelyihiin in ay ku helaan si dhakhso ah oo waxayba jecel yihiin in ay Lacag bixiyaan Waa Khalad waxayna noqon wado halaqmareen ah ,

    Masuuliyiinta Hadii la dacweynlahaa oo sharciga loo Mari lahaa way joojinayaan. Lkn $$$$$$$$$$$$$$$ qof diidaya Ma leh !!!!!!

    Wabilahi towfiiq

Leave a Reply

Recently Commented

  • Layla: Waxad noo soo duubtan video bal aanu argnee magaaldii iyo Madaxdenii, Waxan kula talinyaa khatumo madaxdeeda...
  • Sadex adinle: 21bm walee waxvadan baan ogahah in gaas shacabkii ku kacay oo uu gaaljacyo hada dagaal diyaar u yahay...
  • Sadex adinle: Duurgal yoocadu waa garowe waxaa ka dhisan wasaarada caafimaadka iyo xabsiga cusub magaaladii baana soo...
  • ali: hilaaci qaranka iyo wadna gariirkii kastuumo. kkkkkkkkkkkkkkkkkkk
  • khaatumk1st: Nacaybku waa cudur halis ah if iyo aakhiro midna guul kuu soo hooyo. Kooxdaas bal halla warsado dadka...