|

Wasiirka difaaca Somalia oo sheegay in boqolaal askari uu tababar ugu dhamaaday dalka Ugandha

fiqiWasiirka difaaca xukuumada Somalia C/xakiin Xaaji Fiqqi ayaa sheegay in boqolaal ka tirsan ciidamada dowlada Somalia uu tababar ugu dhamaaday dalka Ugandha kaasoo uu sheegay inuu soconayey muddo dhowr bilood ah.

C/xakiin Xaaji Fiqqi ayaa intaa ku daray in ciidamadan tababarka loogu xiray xerada milateriga Bihanga oo u jirta magaalada Kampala ee dalka Ugandha ku dhowaad 370-km, wuxuuna xusay in ciidamadaas ay iskugu jiraan hablo iyo wiilal.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay iney ku rajo weyn yihiin in Ciidanka Tababrka loo soo xiray ay ka qeyb qaataan wax badana ka badalaan dagaladda ay ciidamadda dowladda iyo kuwa AMISOM kula jiraan Xarakadda Al-Shabaab.

“Waxaa tababarkan naga gacan siiyey ciidamada Midowga Yurub oo horeyna noogu tababaray ciidamo kale oo kumanaan gaaraya kuwasoo hadda jooga gudaha dalka kana qeyb qaadanaya difaaca dalka midowga arintaas waan uga mahad celineynaa” ayuu intaa ku daray wasiirka difaaca ee dowlada Somalia.

Midowga Yurub ayaa sheegay dhowaan inuu labo sano ku ku kordhiyey xiliga uu tababarada siinayo ciidamada dowlada Somalia, waxaan dhinaca kale jira qorshe la doonayo in tababarka ciidamada loo qaadi jiray dalka Ugandha loo soo wareejiyo magaalada Muqdisho.


Short URL: http://horufadhi.com/?p=23606

Posted by on Feb 3 2013. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

<

Recently Commented

  • Wil garanaxajis: Reer khatumo dad cajiib ah hablah sharafad lehe halka ka hadalaya waa geesiyaal waanu ku...
  • duurgal.com: horta marka hore waxaan salaamayaa reer khaatumo meelkastay ka joogaan adduunka dacaladiisa, waxaan ku...
  • suldaan: La jaan qaada siday siyaasadu u socoto oo barta turubka..flimku meesha uu ku daaran yahay wixii caqli leh...
  • liishaan: hadduu sii goay ayaa laga hayaa ninkii meydku ka dhacay ninkii cali khaliif ma waxay la maraysaa halkaa in...
  • liishaan: wasiirka cayda ka daaya iyo af xumada hadduu idin yidhi dadkii aad wax la lahaydeenna ka tagte kuwii aad u...