|

Akhristayaal kusoo dhowaada mawduucan caafimaadka ee galabta kaga hadli doono Dhicinta dumarka. waxaan filayaa inaad ka helidoontaan mawduucan fahan wanaagsan oo ku wajahan Dhicinta dumarka.

 

 

Dhicinta (Abortion)

Macnaha ereygu waa uurka oo si aan la filaynin u dhamaada iyadoo ilmuhu lumayo ka hor todobadka 24-aad ee uurka.

Qiyaastii afartii uur mid baa dhicin ku dambeeya, kuwaasoo intooda badani dhacaan inta lagu jiro 12-ka todobad ee uurka ugu horeeya. Xaaladaha qaarkood waxa dhacda inaan haweenaydu aanay marnaba ka warqabin inay uur leedahay, waxana laga yaabaa inay yeellato caado raagtay, iyo marmarka qaarkood caado aad u daran ama aanay caado gafin ba.

 

Calaamadaha

Dumar badan waxa calaamadaha u horeeya ee dhicinta u ah dhiig ama dheecaan hoos ka yimaada, kaasoo marmarka qaarkood uu weheliyo xanuun caloosha ama dhabarka ah – oo u eg xanuunka caadada. Dhiigga hoos ka yimaada marka uurku bilawga yahay waxa la yidhaahdaa halis dhicin, qasabna ma aha inuu isu beddelo dhicin dhab ah. Dumar badan oo isku arka dhiig xaggooda hoose ka yimaada ayaa uurkoodu noqon doonaa mid caadi ah.

Waxa laga yaabaa in dumar badani ay arkaan calaamadaha sida lallabo ama naaso xanuun leh oo iska taga, haddii uu dhiig jiro iyo haddii kaleba. Kuwo kale waxa laga yaabaa inaanay isku arag dhiig ama calaamad kale midna in wax khaldan yihiin, laakiin waxay ogaadaan in uurkoodi dhamaaday kaliya marka la sameeyo sawir caadi ah oo loogu talogalay xilliga umusha ka horeeya. Waxa taa la yidhahdaa dhicin la gafay ama daahday.

Haddii xanuunka calooshu yahay mid aad u daran, kulul ama hal dhinac ah, waxa laga yaabaa in taasi calaamad u tahay uur ku sameysamay meel ilmo-galeenka ka baxsan (ectopic pregnancy). Taasi waa xaalad halis galin karta nolosha waana in isla markiiba loo sheego Dhakhtarka.

 

Sababaha

Haweenka intooda badani ma helaan sababta keentay dhicintooda, sababta oo ah waxa dhif ah in la baadho iyada oo haweenayda u ku dhaco dhicin ah saddex ama in ka badan.

Inkastoo wax aad u yar laga yaqaano sababta dhicinta badan u dhacdo, waxa loo maleynayaa sababaha muhiimka ahi yihiin:

• Hidde : qiyaastii kala badh dhamaan dhicinta hore sababta ay u dhacdaa waxa weeye suurogalka caadi la’aan koroomosoom (chromosomal abnormalities).

• Hormoon daraadiii: haweenka leh isbedbedal hormoon (hormonal irregularities) waxa laga yaabaa inay ku sii adkaato rimiddu, marka ay rimaanna waxa u badan tahay inay dhiciyaan.

• Hab difaac daraadii (immunological): cudurada khafiifka ah sida hargabka ma laha dhib, laakiin qandho ama xumad aad u sareysa iyo cuduro gaar ah qaarkood, sida jadeecada jarmalka (Rubella), waxay keeni karaan dhicin.

• Sabab jidh (anatomical): haddii afka ilmo-galeenku dafiic yahay, waxa laga yaabaa inuu bilaabo furitaan marka ilmo-galeenku sii cuslaado xilliga dambe ee uurka waxana laga yaabaa in taasi goor dambe keento dhicin. Ilmo-galeen aan qaabkiisu caadi ahayn waxa uu keeni karaa inaanuu jirin meel ku filan koritaanka ilmaha. Burooyinka waaweyni waxay keeni karaan dhicin xilliga dambe ee uurka.

• Borootiin: waxa loo maleynayaa in la’aanta borootiinta ‘Macrophage inhibitory cytokine 1’ ay door ka ciyaarto dhicinta.

 

Cilad-sheegid

Sawirka sanqadha adeegsada (ultrasound) ayaa ah habka ugu kalsoonida badan ee lagu garan karo dhicin, laakiin baadhitaan uur (dhiig ama kaadi) iyo baadhitaan jidheed ayaa ah habab kale oo lagu garto waxa dhacay. Waxa laga yaabaa in baadhitaanka guriga lagu sameeyo uu muujiyo uur dhawr cisho ka dib marka dhicintu dhacday.

 

Daaweynta

Waxa muhiim ah in la ogaado inaanay jirin daaweyn joojin karta dhicinta uurka horaantiisa oo ah mid socota. Marka dhicintu tahay mid aan laga baxsan karin, waxa laga yaabaa inay jiraan kala-doorasho ku saabsan sidii loo maamuli lahaa.

Iyada oo haweenaydu ay si buuxda u dhicisay mooyaane, waxa laga yaabaa in loo soo bandhigo hawl qalitaan oo yar oo la yidhaahdo kala-fidin iyo xaaqid (D&C, dilatation and curettage) iyadoo la isticmaalayo daawo suuxin oo guud. Waxa caadi ahaan suurogal u ah inay guriga ku noqoto gudaha dhawr saacadood. Waxa laga yaabaa in la weydiiyo haddii ay jeceshahay inay sugto in uurku iskii u dhamaado iyo in kale. Cisbitaalada qaarkood waxa laga yaabaa inay isku bixiyaan maamulis caafimaad iyo daaweyn dedajisa hawsha.

 

Dhib-korodhka

Saameynta ka timaada dhicinta dumarka iyo raggu way ku kala duwan yihiin laakiin saameynteeda badanaa waa mid aan si buuxda loo qiimeynin.

Waa in haweenayda iyo ninkeeda la siiyo qol ay ku murugoodaan sida marka lumis kale dhaco waxana ay u baahan yihiin inay awoodi karaan inay shucuurtooda si furan uga hadlaan haddii ay doonayaan. Waxa kale oo muhiim ah inay awoodi karaan inay kala hadlaan Dhakhtarkooda, si ay u muujiyaan wixii ay walwal ka qabaan uur yimaada wakhtiga soo socda.

 

Ka-hortagga

Haddii sabab gaar ah la soo saaro, waxa laga yaabaa inay jirto daaweyn yareyn karta halista dhicin kale. Dhakhtarkaaga ayaa kuu gudbin doona takhasusle dhicin haddii arrintu sidaa tahay.

 

Akhristayaal waxii su”aala waxaad iga soowaydiinkartaan:

tell: 0616550098 Mogdishu Somalia

email: fibrous1@hotmail.com

 

Dr.jama Ali Mohamed (Dr.vestibulle)

abdiyare aideed

horufadhi mogdisho somalia

horufadhi@gmail.com

Short URL: http://horufadhi.com/?p=23693

Posted by on Feb 4 2013. Filed under Caafimaadka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • khatumostt: Khatumo waa ineey mar ku qaataa dagaal gaadmo iidoorka kibirka la joogi la,a markuu dhulbahante qeeybi...
  • khatumostt: Iidoorka markeey ictiraafkii diyaaradii maleysia ka raacday lawaayey waxee ku hashiiyeen dhulka waqooyi...
  • khatumostt: Iidoorka naf la caariga ah suuqa waxeey galiyeen in iyaga iyo cali khaliifa wada hadal u socdo , turkiga...
  • mire: Ssc from xudun Waar ninyaw bahalkaasi rag wuu kuwada yaallaa laakiin annagu dumarkaanu la dhacnaa oo loogu...
  • AFElmi.: Waryaa dadka beenta ka daa , ee u jeedadaada ka hadal, ciidamada puntland waxay si rasmi u fadhiyaan hadda...