Dhalinyaro la sheegay iney ka soo goosteen Al-shabaab oo lagu soo bandhigay magaalada Beled-weyne
Saraakiisha ciidamada AMISOM iyo kuwa maamulka dowlada ee gobolka Hiiraan ayaa maanta ku soo bandhigay magaalada B/weyne dhalinyaro ay sheegeen iney ka soo goosteen xoogaga Xarakada Al-Shabaab.
Dhalinyaradan oo tiradoodu gaareyso illaa shan nin ayaa saraakiisha AMISOM waxay sheegeen iney isku soo dhiibeen dowlada Somalia ka dib markii ay u adkeysan waayeen sida warka loo dhigay dhibaatooyinka kooxdii ay ka tirsanayeen ku hayaan shacabka Soomaliyeed.
Waxay intaa ku dareen saraakiishu in dhalinyaradan loo sameyn doono dhaqan celin si maskaxdooda looga dhaqo waxyaabo qaldan oo sida ay sheegeen lagu soo shubay, maadaama ay go’aansadeen iney bulshadooda ka mid noqdaan.
Al-shabaab kama hadasho arimaha ku saabsan dagaalyahanada la sheego iney iyaga ka goosteen ee dowlada Somalia iyo AMISOM ay soo bandhigaan.
Saraakiisha AMISOM ayaa sidoo kale sheegay iney saldhiga booliska magaalada B/weyne ku xiran yihiin rag badan oo lagu tuhunsan yahay iney Al-shabaab ka tirsan yihiin kuwaasoo qaarkood ay xuiseen iney ku soo qabteen dagaalo dhowaan ka dhacay galbeedka magaalada B/weyne, iyagoo intaa ku daray iney baaritaano ku socdaan.
Short URL: http://horufadhi.com/?p=23679


