|

Kulan Ballaadhan Iyo Casho Sharaf Lagu Marti Qaaday Wasiirka Arimaha Gudaha Ee Maamul Goboleedka Khaatumo State Of Somalia, Ayna Soo Diyaariyeen Jaalliyada Bristol Ee UK(Video)

Jaalliyada Khaatumo state ee ku dhaqan magaalada Bristol-UK waxay kulan is xogwaraysi iyo casho sharafba ay u sameeyeen wasiirka arimaha gudaha ee maamul goboleedka khaatumo state of somalia oo isaguu dhawaan hawlo shaqo u yimi wadanka Ingiriiska.

Kulankaasi oo ay jaalliyada Khaatumo state ee reer Bristol isku soo dubarideen, waxaa aayadaha quraanka kariimka ah iyo wacdi kooban ku furay Cabdillaahi Cali Dhawaaq, ka dibna waxaa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha Jaalliyada khaatumo ee Bristol oo isagu ah halyeey hadh iyo habeenba u taagan hawlaha maamul goboleedka Khaatumo state of somalia Mudane Cabdirashiid Cawil Cabdi Hiirad.

Gudoomiye Cabdirashiid wuxuu si heer sare ah uga xogwaramay kaalimaha ay labada jaalliyadood ee Bristol iyo Cardiff kaga jiraan geeddi socodka iyo taaba gelinta maamul goboleedka Khaatumo state of somalia, wuxuuna carabka ku dhuftay siday hiil iyo hooba ula garab taagan yihiin joogtaynta dhaqaala bixinta iyo dhinaca warbaahinta oo ay door weyn ka qaataan.

Waxaa kaloo isna halkaasi ka hadlay agaasimaha cusub ee loo magacaabay warbaahinta maamulka Khaatumo state of somalia Mudane Maxamuud Maxamed Xasan oo ku magac dheer (Boocame), wuxuu isna si qoto dheer uga waramay asbaabaha ku kelifay inuu isu taago xilkan culus ee loo magacaabay.

HALKAN RIIX DAAWO MUUQAAL AHAAN

jaaliyada khaatumo

Agaasime Boocame wuxuu shacabka reer Khaatumo si weyn ugu adkeeyey sidii ay u garab  taagi lahaayeen warbaahinta oo noqotey shayga keliya ee ay maanta soomaalidu isu isticmaasho, waxaa kaloo uu ka codsaday shacabweynaha reer khaatumo meel kasta oo ay dunida ka joogaanba inay wax ka bixiyaan idaacado la doonayo in deegaanada laga hirgeliyo, maadaama warbaahintu noqotey.

Waxaa isna madashaasi ka hadlay Mudane Siciid Ibraahim Ducaalewuxuuna labada jaalliyadood Bristol iyo Cardiffba uu ka codsaday inay gacan ka siiyaan sidii loo xoojin lahaa dacwad loo gudbiyey wasaarada arimaha dibada ee wadanka Ingiriiska.

Kulankaasi oo aan loo kala hadhin waxaa isaguna ka hadlay wasiirku xigeenka khayraadka dabiiciga ah Mudane Cabdi Shube wuxuu isna si aad ah uga waramay hawlaha baaxada weyn ee shacab ahaan iyo maamul ahaanba inoo yaalla.

Gunaanadkii kulankaasi isxogwaraysiga ah waxaa lagu soo dhaweeyeyMudane Yaasiin Axmed Sulub oo ah wasiirka arimaha gudaha ee maamul goboleedka Khaatumo state of somalia oo goorahaasiba la sugayey inuu warbixin waafi ka bixiyo soomaaliya oo uu dhawaan ka yimi, gaar ahaan deegaanada Khaatumo state of somalia oo uu muddo dheer ka soo shaqaynayey.

Waxaanu ku soo dhamaaday jawi aad u heer sareeya, waxaana laysku raacay sidii dhexda guntiga loo xidhan lahaa, loogana shaqayn lahaa horumarinta iyo taaba gelinta maamul goboleedka Khaatumo state of somalia.

Waxaa diyaariyey; 

Ismaaciil Ibraahim Ducaale Aftaag

 

Short URL: http://horufadhi.com/?p=23665

Posted by on Feb 4 2013. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

6 Comments for “Kulan Ballaadhan Iyo Casho Sharaf Lagu Marti Qaaday Wasiirka Arimaha Gudaha Ee Maamul Goboleedka Khaatumo State Of Somalia, Ayna Soo Diyaariyeen Jaalliyada Bristol Ee UK(Video)”

  1. Waar waxaan leeyahay khaatumo maxsy la tukubaysaa bal waxay wax u dirsadeen eega waa qolyihii marfashyadii southal fadhiyi jiray abdi shube iyo seqejaan yasin ahmed sulup.meel phone shop ayuu ina axmed sulup ku lahaa southal Broadway inthe mid 90′s waa seqejaan akbar masuul maaha waar dadka yaan been loo sheegin kuwani qaadkoodaba kama badiyaan.yaan khalad la iga fahmin mucaarad ma ihi laakiin raganaan aqaan caruurtooda laguma aamino.mida kale adeer galaydh dhulnahante intii u liidatay ayuu xushay sida kuwan mr garaabo iyo qaar kaloo badan waa in wax laga badalaa hadii kale walaahay baan loo dhaqaaqayn sida diinka ama dalandoolida

  2. Kkkkkkk hadii Faroole pl xukumo muxuu dr gaagaab ugu diiday inuu xafiis xisbi ku sheegiisa ka furto Gaalkacyo?
    Yaa garoonka Gaalkacyo haysta ma Faroole mise gaagaab?
    Yaa Gaalkacyo oo dhan degenaa 10 sano kahor? Badhaxley da aad sheegeyso yaa degenaan jirey oo laga qaaday? Iska daa Baraxley maanta Gaalkacyo Dhanka Garoowe ka xigta ayey sacad degeen oo xitaa beero ka dhigteen.

    Maayarkii Garisa ee aad u qeylo dhaamiseen muxuu idinku soo kordhiyey?!? Kkkkkkkkkk masaakiin idinkaaba tiina la yaabane kawarama hadii aad idinkana diintiina raacataan anagana na nabad galisaan ileen idinma rabnoo iminka maamul Ayaan leenahee

    Viva Khaatumo State

  3. @ janada ssc
    madexweyne faroole ayaa xukuma puntland,gaalkacayo,xaafada baraxley,ayeyna katalin,puntland,suldaanka waxaa diley dadka neceb horumarka puntland,

  4. Samatar

    Pintland ayada maxaa u qabsoomay? Gaalkacyo mala xoreeyey wali? Imisa nabadoon ayaa madaxa laga toogtay oo aan cid loo hayn wali? Suldaankii ugaadh Saleebaan yaa khaarajiyey ma Cali saleban mise Faroole?
    Cidse maloo qabtay?? Yaa maamulka pintland madax ka ah maanta? Ma general samatar mise Dr Gaagaab mise Faroole mise midba?
    Goormaad snm isku dhiibeysaan sidii hogaamiyihiina majidho ka dhawaaniyey?

    Suaalahaas bal horta kasii jawaab Kuwaasaa ku khuseeyee inta aadan maamulka Khaatumo iyo dad tashaday aadan ku khadhaadhoon kkkkkkk

    Viva Khaatumo State of Somalia

  5. Mashalah mudane Wasiir Yaasiin Axmed Sulub masuul sare oo howl kar ah Khaatumo State madaxdeeda sare walee makal dhacaan.
    Ishii buktaay ku bikaacso.

    Viva Khaatumo State

  6. suaal
    taniyo intii la aasaasey khaatumo maxaaa uqabsoomey imisa dhul oo kamaqan ayey xoreysey,imisa beelood ayey heshiisiisey, sualaashaa iiga jawaaba,

Leave a Reply

Recently Commented

  • NINA: Khaatumo waa. In jjanaraal milateri ah loo dhiibaa iyo gole siyaasadeed oo la taliya isimada waa in loola...
  • Qariidahaye: UMMADDA REER KHAATUMO GUUD AHAAN WAXAAN UGU BAAQAYAA IN AY CAQABADAHA YAR YAR EE DHACAYA AYSAN DHAG...
  • Hakiim: Waa arin laga naxo oo walahay qabsashadii Taleex iyo tegitaankii Ina Garaad Ismaaciil ee Hargeysa tanaa ka...
  • Dhoodi: Marka laga reebo qodobka koowaad oo ah kan ay u jeedaan nimankan meesha ku shiray, inta kale waa ku qurux...
  • NINA: Khaatumo2 marking isimada la siiyey Talada ugu dambaysa we reerka Ayaa Khallad dhacay khaatumo hadjii xal loo...