|

Madaxweynaha Iiraan oo sheegay in Gantaal hawada sare Iiran u dirayso uu Raaci doono, naftiisana dalkiisa u huri doono.

Ahmed nijaadKa dib markii  todobaadkii hore daanyeer hawada sare ay u dirtay Iiraan uu si nabadgelyo ah ku soo guryo noqday ayaa haatan waxay qorshaynayaan in cirbixiye bini’aadam ah la saaro.

Waxaase arintaas inuu diyaar u yahay ku dhawaaqay Madaxweyne Maxamuud Axmed Nijaad inuu noqdo Iiraanigii u horeeyey ee hawada sare u raaca dayax gacmeedkaas, isla markaana wuxuu sheegay inuu danaynayo dhisitaanka qaranimada dalkiisa” Anaa diyaar u ah inaan noqdo Cirbixiyihii u horeeyey ee dalkaygu yeeshom inaan khatartaas qaato oo dalkayga dartii u smaeeyo waa iga go;an tahay waana awoodaa ayuu yidhi” Mr nijaad,

Sida ay sheegtay wakaalada wararka ee dalkaas IRNA waxaa uu Najaad ka hadlayey rug ay lee yihiin Saynisyahanada dalkiisu oo ku taala caasumada dalkaas ee Tahraan.

 

 

Iiraan waxay todobaadkii hore dirtay, Dayaxgacmeed ay saartay Daanyeer kaasoo asagoo nabad qaba ku soo laabtay, dalkiisa Iiraan.

 

Cayaarta McCain.

Senator John McCain  oo ah ninkii doonayey mar inuu madaxweyne ka noqdo Maraykanka, ayaa hadal cayaareed ku qoray bartiisa Twitter ka , wuxuu yidhi”’ Oo Ahmed Nijaad ma wuxuu doonayaa inuu noqdo Iiraanigii ugu horeeyey ee hawada sare gala” Miyuusan todobaadkoo hore halkaas tegin”, ayuu qoray McCain.

 

Dad ka badan 1.8 milyan oo Raacda bartiisa Twitter-ka ayaa aad uga cadhooday hadalkiisa, waxayna ka dhiibteen jawaabo cadho leh, ayagoo fahmey inuu McCain ujeeday daanyeerkii todobaadkoo hore hawada loo direy ayaa ahaa Madaxweyne Maxamuud Ahmed Nijaad, waxayna ka bixiyeen jawaab waafi ah. Dadka qaar ayaa ku tilmaamay hadalka Senatorka mid caruureed oo aysan ka fileyn Mas’uul.

Horufadhi Editorial Chief

Horufadhi.com@gmail.com

Short URL: http://horufadhi.com/?p=23707

Posted by on Feb 4 2013. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

<

Recently Commented

  • ruun: Wadaad yare kenyaa dhul soomaaliya ka qabsaneeysa waa sheeko baraleey dadka juhulada ah lagu daagaal gelinayo,...
  • wadaad yare: @ruun Axmed Maxamed Islaam inuu R/Qabri Daharre yahey waa la yaqaannaa,mana ahan ceeb inuu yahey R/Qabri...
  • ruun: Wadaad yare from ceel dheer Md Axmed madoobe qabri dahare uma dhalan waa nin j/lander ah lkn tolkiis allaa...
  • Idoor liqe: Wadaaad Yare Muqdisho Adigu Ma waxaad u taqanaa magaalo hawiye ?? .. Hawiye degaan tuulooyinka hobyo,...
  • geesiga: dooro liqe horufadhi.com waxay ka hadashaa oo keliya sidii soomaali loo dumin lahaa inta ka hadhay waayo ?...