Daawo Video: Kulankii Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Ra’iisul Wasaare David Cameron ee Number 10 Downing Street
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal Wasaaraha Britain ayaa waxay ka wada hadleen xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Britain, sidoo kalena waxay isla soo qaateen xaaladda dalka Soomaaliya kaddib dhismihii dowladda Federaalka Soomaaliya.
Labada mas’uul ayaa waxay kulankan si qoto dheer uga wada hadleen arrimaha ammaanka Soomaaliya oo dowladda Federaalka muhiimadda koowaad ay siineyso iyo sida ay Dowladda Britain gacan uga geysan karto arrimaha Amniga. Sidoo kalena waxay kulankan iskula soo qaadeen arrimo ku saabsan shirka bisha May ka dhici doona London, kaasi oo ay dowladaha Britain iyo Soomaaliya ay shir guddoomin doonaan.
DAAWO MUUQAALKA
Ra’iisal Wasaaraha Britain David Cameron ayaa intii uu socday kulanka waxaa uu caddeeyay in uu si diirran u soo dhaweynayo qorshayaasha ay dowladda Soomaaliya dooneyso in ay ku shaqeyso, isla markaana ay dadka iyo dalka ku samatabixiso, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in ay Soomaaliya la garab taagan yihiin taageero dhinacyo kala duwan leh.
Short URL: http://horufadhi.com/?p=23741




culusow waxaan dhagar ahayn kuma kala dhamaan doono. laakiin waa ogsoon yahay runta aan la qarin karin. kolka miiska la wada fadhiisto usha aan ku aamusiin doono.
anagu koonfur inkastaanu cadaawad dheer inaga dhex jirto hadana runta in la gudo galaa waa muhiin. sababta keentay in ay somaliland midnimada ka noqoto dib haloogu noqdo. dhibaatadu waa runta ood diidaa iyo maaleewo been ah ood isku sheegtaa. hadaan ku dagaal galo runtuna ugu dambayn kii jidka xaqa joogay waa aniga.
1960kii wixii loo midoobay waa la wada ogyahay ma ahayn sida hada wax loo dhigayo ta kale magaca waagaasi la isku ogaa wuxuu ahaa greater somali republic ee gadaal ayaa wax laga kharibay wada tashi la’aan ee somalia wax la yidhaa ma jirin. somalia waa intii talyaaniga intii ingiriiskana waxaa la odhan jiray somaliland. somaliweyna waxay ahayd jabuuti somaliland somalia iyo labada qaran ee kenya iyo itoobiya ku kala maqan.
waa la ogyahay in caalamku naga diiday wax la yidhaa raadinta shantii somaliweyn wax la isku yeel yeela maleh. hadaad rabto inaad ogaato sababtii calamku u diiday somaliweyn horta u tag oo ka warso AU UN iyo western ka sidoo kale international community. kolkaa anna intii ingiriisku ii jeexay wax dood ah lagama galayo. dowlada britain sababta ay wadahadalkaasi u qaban qaabisayna waxa uu ahaa in labada geesood wax isla meel dhigaan ee ayadu geesna lama jirto waxayna tidhi anagu kuma dhex jirno arrinta waa somali bay u taalaa. kolkaa taydu waatane car meel inooga baxa.
illeen runta ood diidaa waxaa la kordhinayaa aa dhiig la iska galo iyo in la is barakacsho. anagu xaq baanu u leenahay oo geeshkayagu waa ku saxsan yahay joogitaankooda deegaamadaasi. wixii ay laayaan ee maati ahna waxaa dusha u roganaya kastuumo. ayadaana lagala xisaabtamayaa maadaama ay amniga ayaku dagaal kula jiraan. laakiin ta aanu koonfur horgayn doono oo aanay waligeed ka baxsan doonin waatan aan sheegay.
in dib looga wada sheekaysto wixii ay qaribeen 60kii iyo wixii ay beesha caalamku naga diiday in aan ana la igu wadi karin oon sidaasi daraadeed wax aanu ku wada joognaa aanay jirin. waana ku qasban tahay in somalia u hogaansanto shuruucda caalamka oo xaq siinaysa xuduudihii isticmaarka.
Asalaamu calaykum liq liqiwaa baaxigta, reerxamarkuna waxay yiraahdaan luuqluuqyo maroow laasim laamigaasimaahaa. reerkii iyagoo kab afka kaga jirto banaan cad ma u soo baxeen.
Mashruucii ma dhalayska ahaa ee Somaliland gabagabadiisii ayaa sida ugu dhakhsaha badan lagu soo af-meeridoonaa shirkan May dhacaya Haddii alle Idmo. Waxaa Goobjoog ka noqon doona Madaxda Maamulgoboleedyada soo socda oo kala ah. Mudane Maxamed Yusuf Indhasheel, Siilaanyo, Faroole iyo kuwo kale. DHamaantood Madaxdan Goboladu wax tala ah oo ay ku yeelan doonaan ma jirto. Waxaa marti Sharaf ahaan goobjoog ka ahaan Doona Ali Ciise iyo PRof Galaydh Buubaa, Prof Samatar oo dhamaantood lagu hanjabinayo MR Siilaanyo.
Kuwa looga SHAKISAN YAHAY INAY KA DHEX QAYLIYAAN SHIRKA SIDA MR. SIILAANYO inta aanay soo galin Madasha SHirku ka dhacayo ayaa Afka Xayndaab Adag lagaga soo Xidhayaa, sida KA Ayda dadka Cunta ka lagu Xidho Maadaama Ay Cuqdad Qabaan.
Nimanka kale ee Madaxda ah Sida Mudane Indhasheel iyo Faroole si Wanaagsan bay u Fadhiisan doonaan.
Markuu Ogaaday Siilaanyo in Soomaliya mid tahay ayuu bilaabay inuu Ina Jeeni Yare Hargaysa Guddoomiye uga dhigo
kismaayo
waxaa laga yaabaa in uu caafimaad ahaan u dhoofay!!!!!!
laakiin mid xaqiiq ah baan kuu sheegayaa ma jirto wax la yidhaahdo snm, iyo wax ka baxsan dawlada dhexe ee soomalia oo shirkan ka dhacaya ingiriiska bisha may ee soo socota waxaa daadihinaya raisalwasaare david cameron iyo madax weynaha somalia xasan sh maxamuud
waxaana wehelin doona aqoonyahano soomaaliyeed oo ka mid yihiin intaan anigu ogahay pro;ali esse abdi iyo pro;galaydh oo madaxweynuhu ka codsaday inay shirkaa ka soo qayb galaan
waanay u dhamaatay wax ka hooseeya dawlada dhexe no more snm and ssdf
khaatumo waa ugu jidhaa kanaxow nafta waa!!waa!!waaaaaaaaaa
soomaali soomalibaalee soomaali soomaalibaalee madaxa mamulgoboleedka somaliland siilaanyo oo si qarsoodi ah u dhoofay kuna wajahan cariga ingiriiska taasoon lashaacinin sababaha degdega ee kudhaliyay aan lagaran