|

Nigeria oo markii sadexaad qaaday Koobka qaramada Afrika.

Xulka Nigeria ayaa markii seddexaad ku guuleystay koobka Qaramada Afrika ka dib markii ay 1-0 ku garaaceen xulka Burkina Faso ciyaartii finalka.

Nigeria ayaa ciyaarta ku soo bilowday dardar iyaga ayaana kubada heystay inkastoo ay awoodi waayeen inay fursado halis ah sameeyaan, halka Burkina Faso ay ku soo bilaabatay iska caabin.

Xulka Super Eagles ayaana hogaanka ciyaarta u qabtay daqiiqadii 40aad, Uche ayaa kubada u dhigay Moses kaasoo darbo la haweystay goolka laakiin darbadiisa waa laga baloogareeyay, waxaa ka dib helay Mba oo ka dul qaaday kubada daafacii ugu horeeyay islamarkaana shabaqa si qatar ah u dhex dhigay.

Goolkaas Mba ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta oo Nigeria ay hogaanka ku heysay.

Nigeria ayaana weeraro kale oo isdaba joog ah qaaday qeybtii labaad iyadoo Moses uu si aad ah uga dhex muuqday, laakiin waa ay haleeli waayeen inay dheereystaan hogaanka.

 

Goolkii Mba ee qeybtii hore ayaana ugu filneyd Nigeria inay ku xaqiijistaan koobkoodii ugu horeysay ee qaramada Afrika tan iyo 1994kii.

Nigeria ayaana koobkaan uu u yahay kii seddexaad ee Qaramada Afrika oo ay ku guuleystaan ka dib 1980kii iyo 1994tii, sannadkana waa ay u qalmeen ka dib qab ciyaareed wanaagsan oo ay soo bandhigeen.

Egypt, Cameroon & Ghana kaliya ayaa haatan koobab ka badan Nigeria ka qaaday koobka Qaramada Afrika.

Tababaraha Nigeria Steven Keshi oo la soo shirtagay ciyaartoy da’ yar ayaana ka dhabeeyay riyada dadka Nigeria isagoo noqday ninkii labaad taariikhda ee isagoo tababare ah iyo isagoo ciyaaryahan ah qaada koobka Qaramada Afrika.

Horufadhi.com@gmail.com

Short URL: http://horufadhi.com/?p=24103

Posted by on Feb 10 2013. Filed under Ciyaaraha, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Layla: 3 daa shirhoore ha soo dhex galin ..Garad faarah , Maxamud garad iyo Abdi garad
  • Layla: garad jamac waa nin dhulabahte ah oo shirshoore ah adiga muxuu ku yahay marka run la gaadho aan ka aheyn...
  • SSC-Citizen From xudun: War kuwan Horufadhi qora miyay waalan yihiin, oo Khayraadka dhulka ku jira ee Dhulbahante...
  • kuluc: arinta garaad jaamac keentay waa arin uu isagu gudoonsaday oo danmooday maruu kabaaraan degay. beeshiisu...
  • kalshale: layla cilmiga maafiyada ayey ka mid tahay inta la qodo oo mudo dheer lagu mashquulo in marka danbe lagugu...