|

Waqooyiga Kuuriya oo Nuclear tijaabisay iyo Dunida oo Af labadii yeedhay.

Hadal qoraal ah oo ka soo baxay lagana dhagaysatya Raadiyaha afka dawladda Waqooyiga Korea ayaa lagu sheegay in si guuleh looga falaxashay Madax gantaal ah oo nooca dheereeya ah kaasoo xanbaari kara madaxyada hubka sida daran wax u Gumaado ee Nuclear-ka.

”’Waxay ahayd tijaabo qalab casri ah oo laga ganay dhulka hoostiisa, taasoo si heersare ah loogu najaxay’‘ ayaa lagu yidhi hadalkii dawladda Pyongyang.

Ficil celinta dunida.

Xog’hayaha guud ee Q, M Ban Ki Moon wuxuu canbaareyey tijaabada hubka Nuclear ka ee Waqooyiga Kuuriya maanta.

” Waa arin cad oo tusmaynaysa xad gudubka iyo fadqalalaynta axdiyada Q.M iyo baaqyada caalamiga ah”‘ sidaas waxaa yidhi afhayeenka Ban ki Moon Martin Nesirky. Waxaa sidoo kale la iclaamiyey shir deg deg ah oo golaha amaanku isugu yimaado galabta oo Talaada ah wakhtiga Maraykanka.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa asagana dhankiisa ka hadlay arintan, wuxuu sheegay inaan indhaha laga qarsan karin hanjabaada iyo daandaansiga Pyongyang.

”’ Ficilada deg deg ah ee daandansiga iyo hanjaabadaha huwan waa khatar muuqata, Maraykanku wuxuu qaadayaa talaabo kasta oo uu ku difaacayo naftiisa iyo Xulufadiisa gobolka.

China oo ah saaxiibka keliya ee dunida ay ku lee dahay Korea yada waqooyi ayaa arintan si taxadar leh uga hadlay”’ Waxaan ugu baaqaynaa xukuumada DPRK [North Korea] inay arimahan ay dejiso isla markaana ka fogaato waxkasta oo xaalada sii murjin kara.”’

Madaxweynaha South Korea oo ay cadow dhab ah yihiin North Korea Lee Myung-bak ayaa shir deg deg ah galay kaasoo markii ugu horaysay lagu qabtay dhulka hoostiisa oo xafiiskiisu lee yahay meel .{Underground}.

” Waxaan ku baraarugsanahay arimahan, waxaana diryaar garoow iyo Heegan dhanka amaanka ah ka galnay xaalada, guud ahaan heerkii ugu sareeyey ee heegan baan Militaryga gelinay, waxaan kordhiney dareenka hawshani yeelan karto” sidaas waxaa yidhi Wasiirka difaaca ee Koonfurta Korea ,Kim Min-seok.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidamada Maraykankana iyo kuwadoo arintan si dhow  ula socdaan, isla markaana ay eegyaaan waxii la gudboon kolwalba.

Iiraan oo lagu cunaqabateeyey hubka Nuclearka sameysashadiisa ayaa dhankeeda sheegtay inay tahay wakhtigii la bur burin lahaa guud ahaan hubka wax gumaada , isla markaana dalalka haystaa ay ka waantoobaan dhamaantood, sidoo kale waxay ku talisay in Nuclearku ku ekaado arimo horumarinta bulshada iyo nabadgalyo oo keliya, sidaas waxaa sheegay kaaliyaha wasiirka airmaha debeda ee Iiraan Ramin Mehmanparast.

North Korea dhankeeda waxay ku cel celinaysaa in ay iska caabin doonto cidii ku xadgudubta, xataa waxay sheegtay in hadii dalalka deriskeeda ah ee isku daya inay Oofiyaan cunaqabateynta Q,M ay dagaal ku qaadi doonto.

Horufadhi News Media.

Horufadhi.com@gmail.com

Short URL: http://horufadhi.com/?p=24191

Posted by on Feb 12 2013. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • NINA: Khaatumo waa. In jjanaraal milateri ah loo dhiibaa iyo gole siyaasadeed oo la taliya isimada waa in loola...
  • Qariidahaye: UMMADDA REER KHAATUMO GUUD AHAAN WAXAAN UGU BAAQAYAA IN AY CAQABADAHA YAR YAR EE DHACAYA AYSAN DHAG...
  • Hakiim: Waa arin laga naxo oo walahay qabsashadii Taleex iyo tegitaankii Ina Garaad Ismaaciil ee Hargeysa tanaa ka...
  • Dhoodi: Marka laga reebo qodobka koowaad oo ah kan ay u jeedaan nimankan meesha ku shiray, inta kale waa ku qurux...
  • NINA: Khaatumo2 marking isimada la siiyey Talada ugu dambaysa we reerka Ayaa Khallad dhacay khaatumo hadjii xal loo...