Maqaal: Maxaa loo diley Culimada iyo dadka Wanaagsan, diin tee se banaysay,{Akhriso Maqaal xanbaarsan Fariin diini ah}.
Waa yaab! Dadka dilaya dadka muslimka ah maxay u daliishanayaan? Maxaa dan ah oo ugu jirta dilkaas? Diintee u banneysay? Maxaa loo argagax galiyey dadka muslimiinta ah ee maasajida illahey cibaadaysanaya, oo hortooda lagu dilay walalkooda salaada la tukanaya, oo an waxba galabsan isagoo illahey hortaan alle caabduyo inta gar daro iyo adiyad shirqoon lasoo maleegay masaajidka dhex diisa lagu dilay.
Dhiiga oo la daadiyo, xaq la’ aan, waa danbi aad uweyn oo naar iyo cadaab xanuun badan lagu muteeysanayo. Waxaa laga oohiyey hooyoyin, caruur, culumo, waxgard iyo waayeel. Waxaa qof kasta oo u danqanaya dadkaas la gudboon in uu ka qaybqaato joojinta dilka dadka soomaaliyeed ee muslimka ah. Gaar ahaan culumada oo ah kuwo diinta fidinaya oo umada indha u ah.
Haddii Eebbe Idmo, si aan ugu bayaammino cirib xumida ka dhalata daadinta dhiigga dadka muslimka ah, waxaan ummadda u soo gudbin doonaa Aayado Qur’aan ah iyo Axaadiis ka sugnaatay suubaneheennii Muxammad (sallalahu caleyhi wasalam) oo dhammaantood ka digaya dhiigga qofka muslimka ah. Diinteennu, sida Rasuulku (SCW) inoo sheegay waa waano, waxa ugu fiican ee la isku waaniyaana waa is xasuusinta kitabka iyo sunnaha.
Alle (SW), banii’aadamka markuu abuuray, wuxuu ka fadilay makhluuqaadka intiisa kale, wuxuuna u sakhiray ama u fududeeyey makhluuqaadka kale oo dhan. Wuxuu Alle (SW) siiyey Aadamiga ahmiyad gaar ah, wuxuuna saaray mas’uuliyad weyn. Sidaas daraadeed ayuu ugu soo diray rusul, uguna soo dhiibay kutub si ay dadka u tusaan waddada saxda ah. Haddaba, diintu waxay xifdiyeysaa shan arimood oo waaweyn oo kala ah cirdiga, nafta, maalka, caqliga iyo Diinka.
Si loo ilaaliyo cirdiga (sharafka), waxaa la mamnuucay sinada,waxaana la jideeyay guurka.
Si loo ilaaliyo nafta, waxaa la jideeyay qisaasta waxaan la xarimay is dilka
Si loo ilaaliyo caqliga, waxaa la xarimay khamriga iyo maandooriyayaasha oo dhan.
Si loo ilaaliyo maalka, waxaa la mamuucay ribada, khayaanada iyo tuugonnimada
Si diinta loo ilaaliyo waxaa la jideeyey jihaadka.
Waxaa Alle uu xarrimay dilka aan xaqa ahayn, wuuna ka digey sida Alle uu u yiri:
Qofkii dila qof mumina, si ulakas ah, abaal marintiisu waa Jahannama (naar) oo uu ku
waarayo, Alle wuu u carooday, waana nacladay waxaana loo diyaariyey cadaab xanuun
badan.
Ibnu Cabaas, Ilaah ha ka raali noqdee, aayadan waxuu ku fasiray inaan towbad laga aqbalayn
qofkii dila qof mumin ah si ula kas ah (ula kac).
Qofka dila qof muslim ah waxaa sugaya cuquubaadkan oo dhan:
1. Jahannama 2. Waa ku waarin 3. Alle waa u carooday 4. waa lacnaday 5. waxaa loo diyaariyey cadaab xanuun badan.
Nabigu (swc) wuxuu yiri: waxyaalaha wax halaaga ee aan meelna looga bixi Karin, qofkii
naftiisa ku tuura, waa dhiig xaaraam ah oo la daadiyo xaq la’ aan.
Muminku ka suuli maayo in uu ku jiro xerada waasica ah ee diintiisa ilaa intuusan ku dhicin
dhiig xaraam ah.
Xadiiskan iyo aayadahaan Qur’aanka ah waxaa ku cad in diinta muslimku ay waasic tahay,
laakiin maalintaad dhiig faraha la gashid in dhulku kugu noqon doono ciriiri. Sidoo kale
danbigu intuu doono ha la ekaadee wuxuu wax u dhimayaa waasicnimada diinta. Arrintaasi
waa markhaati ma doonto: dadka dadka dila silic iyo saxariir ayaa u danbeysa.
Xiligii Cumar ayaa magaalada Sanca ee Yaman waxaa lagu dilay nin, waxaana ka qayb galay
dilkiisa afar qof, markaas ayuu ninkii mas’uulka uga ahaa soo diray akhbaar uu leeyahay
maxaan sameeyaa, markaas ayuu ugu jawaabey dil dhammaantood, markaas ayuu yiri Cumar
hadii Sanco oo dhan ka wada qaybqaadan lahayd waan wada dili lahaa.
Nabigu (swc) wuxuu yiri qofku muminka ah ka suulimayo in uu yahay mid Alle ugu degdega
si sahal ah inta uusan ka daadin dhiig xaraam ah, Haduu daadiyo wuu halaag samay.
Dunida oo suusha ayaa ka fudud Alle agtiisa dilka qofka muminka xaqdarro lagu dilay.
“Alle wuxuu yiri kuma habboona mumin inuu dilo qof mumin ah ilaa mooyee is khalad ah” naftiina ha dillana Alle wuxuu ahaaday mid idiin naxariista.
Qofkii iska soo tuura buur oo naftiisa dila naarta Jahannamo ayuu dhex maquurin isaga oo ku waarin waligiis.
Nabigu khudbadiisii xajatul wadaac ee dheerayd aadkana u weyneyd waxaa ka mid ahaa “ war dhiigiinnu iyo xoolihiinnu iyo sharaftiinnu dhexdiinna waa ka xaaran .
Nabigu waxuu yiri xukunka ugu horreeya ee la qaadayo dadka dhexdiisa waa dhiigga.
Ibnu Cumar ayaa ku yiri nin dilay addoonkiisii intaad nooshahay biyaha qabow badso naar baa kuudanbeysee.
Nabigu (swc) waxuu yiri ka dheeraada toddobada wax halaagta, markas ayaa layiri oo maxay yihiin? Nabigu wuxuu yiri waa:
1. Alle oo loo shariig yeelo(wax lala wadaajiyo)
2. Sixirka
3. Naftii Alle xarrimay oo la dilo xaq mooyaane
4. Ribadoo lacuna
5. In lacuna maalka aagoonta
6. in jihaadka dhabarka lajeediyo
7. In la caayo haweenka wanaagsan ee muminaadka ah ee bariga ah(wax lagu qadfayo)
“Dunida oo suusha ayaa ka fudud alle agtiisa dilka qofka muslimka ah.
Alle wuxuu xarrimay qofka mucaahidka ah dilkiisa isagoo gaal ah mar haduu balan ku joogo dhulka islamka ah; maxaad u maleyneysaa qofka muslimka “waliba qof muslim ah oo masaajida iyo goobaha musliminta isugu yimadaan lagu dhex dilo, iyadoo dadka waxas sameynaya ay sheeganaya magac diin.
Nabigu waxuu yiri qofkii mucahid dila jannada arki maayo udgoonkeeda taas oo riix deeda laga helo meel afartan sano loosocdo.
Nabigu waxuu yiri qof muslim ah uma habboona in uu argagax galiyo muslim. Suubanuhu (swc) waxuu yiri Qofkii walaalkii ku fiiqa bir malaa’iktu way nacladin ilaa uu iska deynayo haba ahaadee qofkaasu walaalkii hooyo iyo aabe. Nabiga (swc) waxuu diidey in aad ku fiiqdid hub qofka muslimka ah, bal ka waran qofka dilaya qof muslim ah oo ka oohiyey dumarkiisii, ilmihiisi iyo waalidkiis xagee ayuu xaalkiisu ku danbeyn doonaa.
Alle wuxuu quranka ku yiri qofkii ku dila qof xaqdaro waa isagoo diley dadka oo dhan.
Ugudanbeyn dadka Masjidka dadka ku dilaya gaar ahaan xiliga salaadaha iyagoo ku sugaya dibadda waxay la mid yahiin kuwii jirida ama mooryanta oo oranjiray ashahaado waan ku diline ama weeso qaado waad dhiman
Nabigu (swc) waxuuyiri qofkii salaadda subax tukada wuxuu kujiraa ammaanada iyo ballanta Alle (Alluu magan u yahay) haka taabannina Alle ammaanadiisa; qofkii dila qofkaas (salaadda subax soo tukadey) Alle ayaa raadsan ilaa uu naarta wajiwaji uga tuuro.
Alle ka cabsada Somaaliyey oo joojiya dhiiga macna la’ aanta u qubanaya. Gaar ahaan dhiiga culumadda Alle wuu weyneyay xuquuqda dadka muslimiinta ah wuxuuna aad uga digey in xuquuqdaas lagu xadgudbo.
WD: Sh. Yahya Sharif Muhsin
Mogadishu Somalia –
Short URL: http://horufadhi.com/?p=24381



ASSALAAMU CALAYKUM.
INTUU SHEEKHU NA SOO GAARSIIYAY ALLAHA NAGU ANFACO, ISSAGANA AJIR & XASANAAT ALLAHA KA SIIYO. WSC WA RAXMATULLAAHI.
ilaahay waxaan ka baryeynaa inuu wacdigaan iyo wax isu sheegaan shiikha ka abaal mariyo, inta akhrisatana ku an faco, kana dhigo kuwii xaqa u hiiliya, xumaantana ka waantooba. culumada muslimiinta ah qofka dila wuxuu la midyahay qof dilay nebi ama rasuul
waayo nebigeenii wuxuu yidhi culumadu waxay dhaxashay nebiyadii iyo rusushii ilaahay caalamka u soo diray. waxayna culumadu dhaxleen cilmigii iyo diintii iyagaana faafinaya diinta dadkana baraya wixii xun dadka ka reebaya, wixii wanaagsana ina faraya.
hadaba qofkii culumada dila ama ka qayb qaata waa qof nebi ama rasuul dilay, ama dilkiisa ka qayb qaatay.
ilaahay ha inoo fududeeyo diinteena barashadeeda, inta aynu naqaana ilaahay haynaga dhigo kuwii ku camal fala.
wa bilaahi towfiiq