|

Soomaaliya oo golaha amaanka kahor jeedisay hamigeeda ku aadan ka dul qaadida cuna qabateynta hubka

qaramada-midoobayWasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Soomaaliya, Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa ka codsatay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in xayiraadda hubka laga qaado Soomaaliya si ay ugu guuleysato wax ka qabashada amaanka dalka.

Fooziyo oo ka qayb gashay shirka Golaha Ammaanka oo arrimaha Soomaaliya looga hadlayay ayaa sheegtay inay rajaynayaan in codsiga Soomaaliya lafulin doono oo xayiraadda sida ugu dhaqsaha badan Soomaaliya looga qaadi doono.

Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ayaa waxa ay shirka ka cadeysay In Mareykanku uu Soomaaliya ku taageer sanyahay in xilligaan ay dhisato ciidamadeeda cuna qabatenyatana laga dul qaado.

Ban Ki-moon , Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa horay u sheegay in Golaha Ammaanka uu tixgelin siinayo Soomaaliya si dhaqsa ahna arintaasi Golaha Amaanku uu ga fariisn doono.

Short URL: http://horufadhi.com/?p=24320

Posted by on Feb 15 2013. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

7 Comments for “Soomaaliya oo golaha amaanka kahor jeedisay hamigeeda ku aadan ka dul qaadida cuna qabateynta hubka”

  1. waa run qabiil baa raba inuu is hubeeyo oo qabiilo kale dhibaateeyo. kolkaa hadii somali republic wixii la isku odhan jiray ee ka koobnaa somalidii xoriyada qaadatay 26 june somaliland republic iyo somaliyadii talyaaniga ka xorowday 01 july waxaa imaan doonta in qolowalibaaba hub keensato. waayo hawiye haduu is hubaynayo isaaq hadaanu nahayna waanu is hubayn. qabiilkasta waa isa soo hubayn kolkaa waxaa u roon in cunaqabataynta lagu sii hayo somaliweyn oo ka kooban labadi jamhuuriyadood ee 1960kii midoobay.

  2. somalia hub cunaqabayn ah bay sheegaysaaye xitaa ciidamada kenya kama hoos bixi karto. sheekadaasi iska dhaafa. kenya dhaqaale badan ayay ku qaadanaysaa inay somalia ciidamadeeda uga dhigto somalia ciidan.

    xor ma ahaanayaan. kolkaa hadii somalia hubka cuna qabataynta laga qaado cid walbaaba hub ayay soo qaadan. illeen wax iga joojinaya ma jirto ana hub nooc kasta oon kugu laayo waan soo iibsan. oo ciidamadayda ayaan sii horumarin. saasi darteed aduunku wuxuu ka baqayaa hadii cunaqabataynta hubka somalia laga qaado in gacanta hubku u galo cidkasta xitaa shabaabka lala maagan yahay dagaalka si fudud ayay ku helayaan. waliba qabiilada koonfur degaa qaar badan ayaa aad u taageersan oo hub siin doona alshabaab.

    sidoo kale qabiilada koonfur isku haya way soo qaadan. la iskumana aabo yeelayo. anna diyaarado dagaal inaan soo iibsado wax iga joojin karaa ma jirto . kkkkkkk illeen ciidamadii cirku waa noo dhisan yihiine diyaarad aan usoo iibsho waa ii fududahay.

  3. Samatarow

    Horta ninyahow maanta tacsibaa soomaali u taalla oo sheekh caalim weyn ah ayaa laga diley. Taasi waa intii damiir leh. Intii balaayo kale ku jirtana Allaha caafiyo.

    Sheekhu sheekh weyn oo qiimo badan oo dad badan fadli ku leh oo cilmi barey ayuu ku jiraa. Dadka uu fadliga ku leeyahey oo wax ka bartey ayaanan ku jiraa. Ilaahey jannadiisa haka waraabiyo, samir iyo iimaanna hannaga siiyo.

    Sidaas darteed kaftanka siyaasadda mar kale ayuu noo ahaanayaa.

  4. @ wadaad yare
    niyahaw waayahanba dawlad iyo qaranimo ayaad kuwaalateen,maxaa isbadaley ,madadkaa isbadaley ,mawaxaad wadahesheen caasimada iyo madexweynaha,

  5. Samatar

    Oo haddii hawiye dowladnimada taageero adigu ma naceysaa?kkkk

  6. anigu waxaan fahmi la,ahay sababta hawiye maanta urabo qaranimo iyo dawlad,saw kuwii lahaa dawlad waxaa nooga fiican guryaha iyo beeraha aan helnay,ee dadkii lahaa lagu hoos aasay,

  7. cunaqabateynta hubka yaan laqaadin waayo ciidan qaran majiro,jabhadii usa ayaa rabta iney ishubeyso,si ay beelaha kale ugu xasuuqdo,waamaxay qaranimada uu hawiye rabo maanta sawka wadanka udiidey dawlad,
    dhinaca dhuloos,adeer laascanood waxa haysata dhulbahante,ee dhinac isku raaca

Leave a Reply

<

Recently Commented

  • Buhodle: Halyey cali khalif wallee waakaga xaariyey idoor iyo hawiyaba saacid hurdayana waalaga tuuraya meesha uu...
  • Kuluc: Kastuumo tuulana alla haka dhigee waxba kama aha, kamarad yar bay xaafadaha la wareegaalaystaan oo ay kasoo...
  • shankaroon: oo ma bahdilba u hadhay mar hadii qadadi loo diiday oo la yidhi hotelka kuma qadayn kartaan walahi waan...
  • ruun: U.s.haawaay Ali khaliif waa nin aqoon ilaaheey siiyey ka nacaska ah ee culusow oo sida caruurta iska qoslaya ma...
  • duurgal.com: usc state of hawiye horaa loo yidhi af noolina waa hadlaa eyna wuu ciyaa waxa tiri Kenya ha baxdo horaa...