|

Qaliinkii lacag la’aanta ee indhaha oo ka bilaabanaya Manhal Laascaanood,{Sawiro}.

Waxaa cisbitalka wayn ee Manhal Hospital magaalada laascaanood  yimid dhakhaatiirtii qaliinka indhaha oo ka hawl galaya maalinta bari ah oo taariikhdu ku began tahay 16 February 2013, dhakhaatiirtan oo samayn doonta qaliin lacag la’aan ah oo ku saabsan xubinta indhaha.

Qaliinkan oo hada ka hor dhawr jeer lagu sameeyey Manhal Hospital magaalada laascaanood ayaa hadana mar kale fursad ay u heleen dhamaan bulshada soomaaliyeed ee ka ag dhaw ama ku weegaarsan Gobolka sool iyadoo ay tahay arin muhiim ah ayna u baahan yihin bulshadeena soomaaliyeed.

Dhakhaatiirtan ku takhasustay qaliinka indhaha oo fududayn doonta shaqada qaliinka ka bilaabmaya Manhal maalinta bari ah ayaa ah kuwo takhasus u leh qaliinka indhaha lagana yaqaana dhamaan geyiga soomaaliyeed oo uu kamid yahay Dr. Mahamud Ahmed Mohamed (Dr Shiine).

Dhanka kale maamulaha Cisbitaalka Manhal ee magaalada Laascaanood Dr Mustafe Mohamed duulane oo aan wax ka waydiinay qaliinkan qaabka uu u socdo iyo maalmaha uu soconayo ayaa noogu jawaabay “Waa arin wanagsan iyo dadaal ay sameeyeen guud ahaan maamulka Hospitalka runtii waana arin lagu farxo, Qaliinkanina wuxuu soconayaa 3 maalmood oo ka balibaamaya 16 feb 2013-19Feb 2013, isla mar ahantaasna wuxuu Maamulaha Hospitalku noo sheegay in uu jiro Dr. ku takhasusay daawaynta indhaha uu si joogto ah uu uga shaqayn doono Hospitalka.

Sidoo kale Dr Mustafe isagoo baaq u diraya bulshada ku dhaqan Gobolka sool iyo nawaaxigeeda wuxuu yidhi “Waxan ugu baaqayaa dhamaan bulshada ku dhaqan deegaankan iyo nawaxigiisaba in laga faa’iidaysto fursadan qaaliga ah oo aad loogu baahnaa”

HOOS KA DAAWO – SAWIRADA

 

Manhal 1

Manhal 2

Manhal 3

Manhal 4

Short URL: http://horufadhi.com/?p=24398

Posted by on Feb 16 2013. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

3 Comments for “Qaliinkii lacag la’aanta ee indhaha oo ka bilaabanaya Manhal Laascaanood,{Sawiro}.”

  1. Masha’allah

    Laascaanood waxaan rabaa in aan guri kadhisto dhawaan insha’allah…

  2. Masha Allah .

    Waa inaan ayeeyday u sheegaa in LAASCANOOD laga bilaabay Qaliinka indhaha waxay qorsheyneysay in ay aado garowe oo indhaha Lagu qolo.

    Hospitalkan Waa Iga danbeyey . Markaan soo tagey ka dib ayaa la dhisay.

    I love LAASCANOOD . Where I born and grew up , studied !!!!!

  3. waa mahad ilaahay hadii magaaladaan kudhashay laga furay hospital, indhaha lagu qalo oo dadku munaafacaadsado.

Leave a Reply

<

Recently Commented

  • Darwiishbest: Wuxuu yidhi gabyaagi: Dhambaal iyo lalama ordo warqad dhaliileede, Adoo dhidhidsan baa la ridaa dhamac...
  • DHeere power: NINA, Daarood inla mideeyo waxaa ka horaysa in marka hore Dhulbahante la mideeyo !
  • DHeere power: NINA, Daarood inla midooyo waxaa ka horaysa in Dhulbahante la midooyo !
  • gumeeysi diid: Gabaygaan iska dhaaf M.Xasan shiiqe xitaa. Warlord yadii muqdisho kama suurtowdo ee waxaa tiriyay mid...
  • U.STATE.OF. H: Reer Juboland Ma U Dhama Maamulka Laga Sameynayo Waxaa Cadeen Idinkugu Filan Doorashadii Mooryaan...