|

David Cameron Oo Ka Dhawaajiyey In Ay Dhimayaan Lacagaha La Siiyo Qaxootiga Ku Dhaqan Dalkaas

Ra’iisal wasaaraha Dalka Britain David Cameron ayaa ka dhawaajiyey qorsho cusub oo lagu xakameynayo miisaaniyadda lacagaha loogu tala galay in la siiyo qaxootiga shisheeyaha ee soo magangala dalkaasi Britain.

”Waxan doneynaa inan Britain u bad baadino lacag dhan 2-Bilyan oo pound sannadkiiba ee sida sharci darada ugu baxa Kharashaadka samafalka” ayuu yiri David Cameron waxa uuna intaa ku daray in qaxootiga cusub ee imaanaya Britain heli doonin kaalmo lacageed, guri iyo adeegyada kale.

David Cameron ayaa hadalkaasi ku sheegay Waraysi Khaasa oo uu siiyey Wargeyska (The Daily Express) ee ka soo baxa London wuxuuna xusay inuu rajeynayo inuu qaado talaabo lagu bad baadinayo malaayiin Pound oo ay Canshuur-bixiyaasha dhiiban (expected to save taxpayers millions of pounds).

Ra’iisal wasaaruhu waxa uu sheegay inuu dalkiisu yahay dal soo dhaweeya qaxootiga, balse ay culeys kala kulmeen miisaaniyadda loo qoondeeyey lacagaha dan yarta ee la siiyo qaxootigaasi.

Waxa uu ku amray golihiisa wasiirada inay u fakiraan sida qolyaha (Conservatives), isla markaasna ay la yimaadan aragti cusub oo lagu xakameynaayo adeegyada la siiyo qaxootiga.

David Cameron waxa uu ka codsaday Xoghayaha caddaaladda Britain (Britain Justice Secretary), Chris Grayling inuu horumariyo nidaam cusub oo imtixaanka guriyeynta (a new residency test), si loo hubiyo inaysan qaxootiga helin lacago kaalmo ah oo joogtaa, iyagoo maxkamadaha rayidka ka codsanaayo kaalmo aan sharci ahayn.

”Waxaan dooneynaa inan qaadno tijaabo dhinaca deganaanshaha, waxaan u socnaa inan la tashi ka sameyno arintaasi” ayuu yiri David Cameron, wuxuuna intaa ku daray in qaxootiga imaanaya dalka Britain doonayan inay helaan shaqo, iyagoo isticmaalaya adeegyada caafimaadka ama inay helaan guryaha Dowladda hoose.

Mar uu ka hadlayay qulqulka qaxootiga imaanaya dalkiisa, waxa uu sheegay inay 2-Milyan oo qof qoxootinimo ku soo galay Britain Tobankii sano ee la soo dhaafay, wuxuuna qiray in tiradaasi ay tahay mid aad iyo aad u badan.

”Labo boqol oo kun qaxooti oo yimaada, waxay la mid-tahay Kharajka lagu dhisayo laba magaalo oo la cabir ah Magaaladda Birmingham” ayuu yiri David Cameron oo ku calaacalay inay xamili karin heerka qaxootiga iyo cadaadiska ay ku hayan adeegyada Bulshadda.

Wareysiga dheer ee uu David Cameron siiyay Wargeyska Daily Express waxa uu ku balanqaaday inuu dhimayo culeyska Qaxootiga cusub ee soo galay Britain, si loo yareeyo culeyska dhaqaale ee ay keeneen.

Waxa uu xusay in ay hoos u dhacday tirada Qaxootiga labadii sanno ee ugu dambeysay, wuxuuna xusay inuu doonayo inuu arko dadaal kale oo lagu sii dhimo qulqulka qaxootiga.

Si kastaba ha ahaatee, Daraasad ay Dowladda Britain sameysay oo lagu wado in dhawaan la shaaciyo ayaa dib loogu eegayaa Siyaasada Cusub ee arimaha qaxootiga.


Xafiiska Wararka Ee Shabakadda Horufadhi News Media
horufadhi.com@gmail.com

Short URL: http://horufadhi.com/?p=25342

Posted by on Feb 27 2013. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “David Cameron Oo Ka Dhawaajiyey In Ay Dhimayaan Lacagaha La Siiyo Qaxootiga Ku Dhaqan Dalkaas”

  1. 1-Help their countries for good system rule of law and democracy
    2-Assist their countries to improve the basic needs like healthy,schools,jobs,clean water and so on.
    2- Never give cash money to the Dictator because he will put in his pocket stupid.
    3- invest poor countries like Agricalture,Fishery and infrastructures means more jobs.
    4- Fair trade import and export between western and developing countries .

    You should take my advice mr Cameron if you want less refugee.

    By Dheere power Economist of Khatumo state of somalia.

Leave a Reply

<

Recently Commented

  • sOmalilander: NINA Eedo maanta waa calaacalkii ugu danbeeyay miyaah k.k.k.k. walaahi hore umaan arrag gabadhas nina...
  • Samiira.: Wale dadka qaar jaahil badanaa Maxaa idinka galay xamar iyo cidee uu banaanbaxaan ?? Maanta dhan in la...
  • xaqdoon: Subxaan allaah, illaah baan idinku DHaarshee Ninku ma hawiyaa mise waa mid ku raad gadanaya, Waxaan ku iri...
  • duurgal.com: qandho fildarani idindishey eebboow ummadani wejiyo ku fool xumaa yaa yiraahda kamaradaha ka carara...
  • U.STATE.OF. H: Xuduudaha Abgaal Iyo Habar Gidir Juungal Soomaaha Hotel Guleed Ama Guurguurte Ayaa Xuduud U Ah...