|

(Dhagayso) Qaxootiga Soomaaliyeed Ee Yaman Oo Cabasho Ka Muujiyey Dib Ugu Noqoshada Dalka Soomaalida

Dadka soomaaliyeed ee qaxootiga ku ah dalka Yaman ayaa cabasho balaadhan ka muujiyey dib ugu soo noqoshada dalka Soomaaliya iyo sidoo kale xaalada nololeed ee dalkaasi Yaman, iyagoona sheegay in haatan ay door bideen inay dib ugu soo noqdaan dalkooda hooyo isla markaasna ay aaminaan dalkooda.

C/qani Cismaan Sheekh oo kamid ah soomaalida ku nool dalka Yaman oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay doonayaan dib ugu soo noqashada dalka, waxa uuna intaasi ku daray in soomaali badan ay isku dayeen inay dalka soomaaliya kusoo laabtaan balse aysan u suurta gelin sababo la xidhiidha sida uu sheegay dhaqaalo la’aan.

C/qani Cismaan Sheekh ayaa codsi u diray dowladda soomaaliya kaas oo ku aadan wax ka qabashada xaalada nololeedka ee soomaalida ku dhaqan dalkaasi Yaman. Hadaba waraysigaas oo dhamaystiran halkan hoose ka dhagayso.

Halkan Ka Dhagayso

Dalka Yaman ayaa waxaa ku sugan soomaali badan kuwaasi oo ku galay tahriib kana cararay dagaaladii ka dhacay qaybo badan oo dalka kamid ah jecelna iminka inay kusoo laabtaan dalkooda hooyo.

Xafiiska Wararka Ee Shabakadda Horufadhi News Media
horufadhi.com@gmail.com

Short URL: http://horufadhi.com/?p=25393

Posted by on Feb 27 2013. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “(Dhagayso) Qaxootiga Soomaaliyeed Ee Yaman Oo Cabasho Ka Muujiyey Dib Ugu Noqoshada Dalka Soomaalida”

  1. ilaahay soomalida dalkooda ka haajiray ee kala luntay ilaahay ha soo celiyo Aamiin yaa rabi.soomaliyeey dhulkiina iimaansada oo imaada waxa aad doonyaha xun xunee idin haligay ugu ordaysaan la garan maayee kaalaya geyigiina wacan.

    inta iyagoo dalkooda ka yaacaya iyagoo goobaya aaditaan dalal sheesheye doonyuhu la degeen ama bada si ula kaca loogu qubay ama wadamo kale oon qaabilin ama gargaar bani adam nimo midna u fidin ku dhibaataysan oo habeen iyo maalinba cabanaya oo ooyaya badanaa
    allaha raxamaanka ahi haydin badbaadiyo umad yahay mar qudha loo kaba geliyey
    qaxa iyo jabka soomaalidii dalka debada uga baxday ku dhacay degitaan la’aanta dalka ayay qayb ka tahay.

Leave a Reply

<

Recently Commented

  • Buhodle: Jabhada garowe ee uu horjogaha kayahay farole afbalaq waa wax aan surto galayn in ay xisbiyo kushega farole...
  • Fallaag: Naayaadha reer Bintiland nacnacda nagala taga propagandada la idinku sheekeeyo anagu dheg uma dhigno. Wax uu...
  • farduus1: Puntlander dhulos kkkk yaa iskoolaadka bixiyo lacagta yaa bileeska bixiyo lacagta yaa maamulka magaaladaas...
  • waa aniga: doqon power ka har bare hiiraale doqon yahow xoolow dareerka ah ma bare ayaad gartaa call box waa kuwa...
  • waa aniga: doqon power ka har bare hiiraale doqon yahow xoolow dareerka ah ma bare ayaad gartaa call box waa ku...