lo’ badan oo markab lagu saarayo qalab casri ah Dakada Magaalada Muqdisho iyo masuuliyiin ka qeyb gashay munaasabada furitaanka xoolaha nool ee laga dhoofinayo dekada Muqdisho.
Cabdulqaadir Sheekh Ismaaciil oo ah wasiir ku xigeenka ganacsiga Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa xarigga kajaray dhoofinta xoolaha nool oo laga hir geliyay dekada weyn ee Magaalada Muqdisho kadib 22-sano oo fowda dalku soo maray.
Kuxigeenka wasiirka ganacsiga ayaa waxa uu sheegay in wasaarada uu ka shaqeeyo ay ku guulesatay in ay dekada weyn ee Muqdisho ka bilaawdo dhoofinta xoolahaasi oo wasaaradii ka horeeyay aysan ku dhaqaaqin wax uuna taa u aaneeyay xukuumada hada jirta oo u istaagtay in ay shacabka Soomaaliya rabitaankiisa ku shaqeyso.
Xoolaha la dhoofiyay habeenkii xalay ayaa ayaa lagu sheegay 549 neef oo lo’ ah kuwaas oo ku wajahan dalka Cumaan oo kamid ah dalalka loo iib geeyo xoolaha Soomaaliya.
Intii dalku uu fowdada kujiray ayaa waxaa xoolaha nool laga dhoofin jitray dekadaha Puntiland iyo Somaliland, waxaana arintaani hada lagu guuleestay ay muujineysaa in dalka Soomaaliya uu qaaday tilaabooyin shacabka iyo dowladaba wax tar u leh.
Halkan Hoose Daawo Sawirada
Short URL: http://horufadhi.com/?p=25361




xoolaha waxaa la saaraa maraakiib si toos ah dekedda u soo gala albaabkana furta dabadeed xoolaha lagu dareeriyo farsamadan waxaa lagaga raraa dekedaha yaryar ee aan maraakiibtu soo gelin sida maydh, xiis, iyo laasqoray.
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
kkkkkkk kiintaalo raashina oo laysku xidh xidhay ayaad moodaa
Lo,u ma bariisbaa maxaa sadex sadex laysugu xidhxidhay khasab dhaawac aad u weynbaa soo gaadhaya marka sidaa qaabka daran loo dallaco,
tan casri kuma sheegi karno ee waxaynu ku sheegi karnaa habka ugu xun ee wax loo raro kugu yaraa marka aad dekedaha soomaaliya xoolo ka raranaysid waxaa dekeda gudeheeda kaaga dhimanaya tiro aan ka yarayn 100 neef ku waas oo ku dhinta jabis soo dhicid cudur marka waxay ahayd in la horu mariyo dekedaha soomaaliya waayo xooluhu waa waxa keliya ee aynu ku nool nahay