War saxaafadeed ka soo baxay Agaasimaha Guud ee Warfaafinta Khaatumo.
Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Khaatumo
Khaatumo State of Somalia
Xafiiska Agaasimaha warfaafinta
Warsaxaafadeed
Ujeedo: Beenin warar dacaayado raqiis ah & ku tiri kuteen ah:
Dawlada & Shacabka Khaatumo State of Somalia waxay si adag oo cad uga dhiidhinayaan wararka been abuurka ah, dacaayadaha raqiiska ah isla markaana xambaarsan ku tiri kuteenka ee ka soo yeeray xubno ka mid ah maamul goboleedka Puntland kaasi oo deegaano ka tirsan maamulka Khaatumo State of Somalia ku shaabaadeeyey inay ku sugan yihiin ama marin ka dhigtaan kooxo ka tirsan Al-Shabaab, arinkaasi oo aynu u aragno mid xaqiiqda ka fog laguna doonayo in la isaga horkeeno shacabka walaalaha ah ee Puntland iyo Khaatumo, iyadoo sidoo kale laga leeyahay ujeedo meel ka dhac iyo sharaf dil loogu geysanayo maamulka & shacabkas Khaatumo oo deegaanadooda nabadeeyey diidana in ay ku soo gambadaan cid kasta oo dambiile ah.
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Magaalo waa Madal inta joogtaanna waa Marqaati”, waxana ula jeedaa hadalkan in shacabka Soomaaliyeed iyo aduunweynuhu ka dharagnsan yihiin in maamulka Khaatumo State aanu wax soo dhaweyn iyo sahay ah u fidin kooxaha nabadda ka soo horjeeda, waxaana u aragnaa hadalada ka soo yeeray dhanka Puntland kuwa qayb ka ah mashaariicdii Puntland ka socdey oo haatan la doonayo in loo soo weeciyo dhanka Puntland si la mid ah kii buuraha Galgala, arintaasi oo shacabka iyo dawlada Khaatumo ka dharagsan yihiin ayna diyaar u yihiin inay difaacaan dhulkooda & sharaftooda.
Shacabka iyo dawlada Khaatumo State waxay diyaar u yihiin inay ka hortagaan cid kasta oo doonaysa inay deegaanadooda ka sameeyana falal amni xumo, isla markaana waxaanu si adag meel uga soo wada jeednaa in deegaanada Khaatumo State ay noqdaan dariiq ama gabaad koox kasta oo amaanka lidi ku ah ha ahaato argagixiso ama koox kale.
Hadalada ka soo yeeray Axmed Xasan Shire oo Puntland u hadley waxay ku noqdeen ummada iyo maamulka Khaatumo State lama filaan iyadoo hadaladaasi & kuwa la mid ah ah ee aan laga fiirsan u muuqanayaan kuwa colaad looga dhex hurinayo dadka walaalaha ee ku nool labada gobol, waxaana kula talinaynaa maamul goboleedka Puntland inay ku ekaadaan deegaanada ay maamulaan oo aanay la soo galin mashaariicdooda danaha gaarka ah laga leeyahay dhulka nabadoon ee Khaatumo State, waxaana ka digaynaa colaad sokeeye oo laga dhex huriyo labada shacab ee walaalaha.
Ugu dambeyntii waxaan mar labaad u cadeynaynaa ummada Soomaaliyeed & beesha caalamka inaanay waxba ka jirin wararka been abuurka qaawan ee ka soo yeeray maamulka Garoowe ayna yihiin kuwa ujeedo gurucan laga leeyahay oo lagu doonayo in lagu jalaafeeyo horurmarka dhanka siyaasada & bulsho ee ka soconaya deegaanada Maamulka Khaatumo State of Somalia hoos yimaada, waxaana ka dalbaneynaa madaxda maamulka Puntland inay ka waantoobaan wararka caynkan oo kale ah ee iska horkeenka ku saleysan, ayna ka bixiyaan raaligalin iyo cudurdaar hadalkan ugu dambeeyey ee ka soo yeeray Ninka lagu magacaabo Axmed Xasan Shire oo maamulka Puntland ka tirsan.
Wabilaahi Towfiiq.
Maxamuud Maxamed Xasan (Boocame)
Agaasimaha Guud ee Warfaafinta
Khaatumo State of Somalia
Short URL: http://horufadhi.com/?p=25418

Posted by
xaashi
on Feb 27 2013. Filed under
Wararka.
You can follow any responses to this entry through the
RSS 2.0.
You can leave a response or trackback to this entry
Agaasimuhu warqadiisa markuu qoro dib u eegis haku sameeyo. meesha maahmaahdu ku qorantahay 5 sagar hoos uga deg, wuxuu yidhi: Mashaariicdii Puntland ka socdey oo haatan la doonayo in loo soo weeciyo dhanka Puntland (KHAATUMO ayey ahayd inuu qoro) si la mid ah kii buuraha Galgala,
Agaasimaha guud ee warfaafinta khaatumo …..
KkkKkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
Oo kaastumo ma leedahay igaasimayaal guud ?kkkkkkkk
M/waynaha kaastumo yaa ah wax aan jirin markaasay ku leeyihiin agaasimaha guud ee warfaafinta ………kkkkkkkkkkkk
Kkkkkkkkk pudland waxay ku fashilantay sugida amniga bosaso Garoowe iyo waqooyiga Galkacyo markaasay afka kusoo taageysaa dhulweynaha Khaatumo oo amnigiisa ay sugtay Khaatumo state.
Suldaanadii majeerteenka ayaa maalin cad la dilaa kii Boosaaso lagu dilay dhawaan waxaa xigay maantadan oo Suldaan Garaase faro cidiyo leh kaga baxsaday dablay khaarajin laheyd.
Garoowe ayaa culimadii iyo siraakiishii lagu laynayaa daily
Gaalkacyo ayada haba sheegin oo wiiga 10 qof dhimato waa u nabad iyo caano
Bal maamulka Faroole oo labadii magaalo iyo badhkii beesha majeerteen degneyd ku fashilmay inuu maamul wanaag iyo amni ka hit galiya ayaa usoo hanqal taagaya deegaano dadkiisii tashadeen.
Tiisa darteelaa tukale ku dara kkkkkkkkkkkkkk
Viva Khaatumo State of Somalia
dheere pawdher
weligaaba iska baaclee puntland waa cad yahay warkeedu kkkkkkk