|

Maqaal: Jaaliyadda USP yaan lagu Fududaan Aaminaada Mudane Xasan Culusow.

Inta badan guud ahaan dadka Soomaaliyeed waxay ka siman yihiin arin caan ah oo dunida lafteedu ay ku ogtahay, arintaas ayaa ah caadifad kooban oo laga yaabo qofku wax uu Aaminsanaa ama diidana inuu si fudud uga qanco asagoon ka sal gaadhin. Waxaa arintan la xasuustaa inbadan marka khilaaf siyaasadeed ka dhaco Soomaalida siiba dawladda iyo mas’uuliyiinta dhexdooda, waxaa dhacda  marka la dhex dhexaadiyo ooba ay u badan tahay in u kala dab qaadkooda ay dadyowkale oo aan Soomaali ahaayn Garwadeen ka ahaayeen inta la tumo heesta Soomaaliyey toos oo si jibbo ah shafka la isugu dhufto in halkaas la iska raaco , ayadoon mililkii iyo jiridii maartu jiiftay aan si dhab ah loo daaweyn.

Waxaana arintaas ka dhasha in xanuunkaasi uu sameeyo rogaalcelis hawshiina halkii markii hore ay taagnayd meel ka daran ay istaagto. Taasoo noqoto in daawadeeda ama in markale laga Bogsaddo ay noqoto arin wakhti iyo waayo badan qaadata inta badana ku danbaysa Caal waa.!!

 

Salfudaydka ii Muuqda ee  USP?

 

Hadaba marka loo soo laabto kulankii Ingiriiska  ku dhexmaray jaaliyadaha USP, ee Khaatumo State, Awdal State & Maakhir State iyo madaxweyne mudane Xasan Maxamuud Culusow wuxuu aha mid wanaagsan oo in dad Soomaaliyeed iyo madaxweynahoodu wada hadlaan wax diidayaa ma jiraan, mana aha arin in la mahadiyo mooyaane laga murmi karaa. Waxaase biyo kama dhibcaan ah in arintani aysan geli karin Caadifad, maxaa yeelay qadiyada meesha taalaa ee shacabkan aqoonyahanada ah ee matala goboladaas iyo Madxaweynuhu ka wada hadlayaan waa arin aan sahlaynayn dheel dheel iyo dig digtoonana aan looga biyo keeni karin, waxaana meeshaba yaala laba qodob oo ay kala xanbaarsan yihiin kuna kala duwan yihiin.

1: Madaxweyne Soomaaliyeed oo ku Eedeysan inuu galay heshiis qaran dumis ah oo aan waafaqsanayn dastuurka dalka u degsan, isla markaana la galay Koox beleed gooni goosad ah.

2:  Mas’uuliyiin matalaya dad iyo beelo magacoodii la qaatay oo wadaniyiin ah una taagan midnimada, wadajirka, qaranimada iyo madax banaanida dalka Soomaaliya ilaalinteeda oo ah shaqadii Madaxweynaha loo igmaday oo ay ayagu hayaan. Labaad cidhif ayaa kala ah kuwa la kala cugsan yahay marka horeba.

Maxaa haboonaa?

 

Waxaa qumaynayd in arintu ay intan ka balaadhnaato, waxaa xaqiiq ah in sida ku cad heshiiskii April 13keedii ee Ankara Turkey, uu ahaa mid khiyaano qaran ah oo danbi laga galay Midnimada, madax banaanida iyo shuhadadii Daraawiisheed iyo kuwii kale ee u soo halgmay sharafta iyo midnimada dalkan , kaasoo meel ka dhac ku ah xuquuqda xuduudeed, xadeed iyo xayndaabka Jamhuuriyada Soomaaliya oo ay meelkasta ku astaysan tahay dhulkeeda iyo cirifyadoodu iyo Midnimadeedu inay tahay lama ruxaan biyo kama dhibcaan ah.

 

khiyaano qaaran

Sida sawirkan ka muuqata heshiiskan waxaa loo galay sidii laba dal oo kala madax banaan, kaagasii darane waxaa jirey qoraal la kala saxeexday oo heshiis ah, sidaas daraadeed USP madaxweynaha lama aysan gelin heshiis cadaan ah oo qoraal xalaaleed ah oo ku tusmaysan ilaalinta qaranimada, Midnimada iyo madax banaanida , wax ku jabnaana maba jirin hadii beel laba jeer ay ka badan yihiin USP ay ka saxeexdeen madaxweyne Xasan heshiis in USP oo ka saameyn badan, ka wadanisan, ka dhul badan, Soomaalinimo jecel ay ku xujeyn lahaayeen madaxweynoow dhawaaqna meel dheer buu tagaa dhagaxna meel dhow ee na tusoo na taabsii noo saxeex warqad ay ku cadahay waxaan dhawrayaa Midnimada , jiritaanka, xuduudaha iyo xadka beel danbena heshiis la geli maayo, masiirka iyo wada hadalada ku saabsan Waqooyiga Soomaaliyana waxaa loo wada ahaanayaa xaadir iyo waadixi xalala iftiin baa la qashaa ah.

Waxaa muuqata in arintaasay ay dhaaftay ayna ahayd qodobo haboonaa, waxaa kaloo taaas ka sii daran in hadalo dejin iyo is xabiibsi deg deg ah uu ka soo baxay halyeeyadii USP ee khalkhalka geliyey Madaxweynaha kuna muujiyey codkooda wadooyinka London iyo afaafka aqalkii shirku ka soconayey, balse waxaad moodaa inay u weecdeen oo ay aamineen madaxweynaha ayagoo sida ku cad Videogan ku tirtirsiinaya dadka isdajin iyo ka wardhawrid Madaxweyne Xasan Culusow. Madaxweynuhu waa sideed bilood jira, wuxuuna ku talaabsaday arin khatar ku ah midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, waxaadna moodaa in haadaan uu ka Laadlaadey ay xadhig ugu tuureen, taasina waxay ahayd deg deg kale oo saameyn ku leh masiirka danbe Soomaaliya.

 

Madaxweynuhu mar uu u jawaabayey Gabadh reer Khaatumo ah oo su’aalo weydiisay wuxuu sheegay in marka ay timaado dad ka cararaya Midnimada iyo kuwa u soo cararaya tixgelinta la siinayo kuwa tabanaya waloow hadalkiisaasi uu ahaa mid uu deegaan ahaan iyo qadiyan ahaanba runta ugu sheegay kooxda gooni  goosadka ee Hargaysa, hadana markastaba waxaa hadalkiisa shishe ee diblumaasiyadeed laga dhadhansanayey sida uu carrabka ugu dhejinayo in waxii wax diidan ee mucaarada la siinayo tixgelin, asagoo VIDEOgan madaxweynuhu aad u liiliijinaya kooxdaas sifeynaya.

Sidaas daraadeed ayeysan USP xubnahoodii Xasan arkay aysan ugu fiicnayn inay ka debcaan tiigsigooda ilaalinta Cadalaada, midnimada iyo in beel tiro ahaan iyo deegaan ahaanba ka yari aysan hogaan u qaban. Waxaa quman oo aad u haboon in markasta oo madaxweyne Xasan lala kulmayo aan meesha laga saarin dhitooyinkan halkan ka buuxa asagoo markan HALKAN ku sheegaya inuu hub siinayo SNM. Lana weydiiyo waxa uu ku burinayo hadaladan taariikhda galay ee uu meelkasta horey uga sheegay.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in USP aysan madaxweynaha ku cadaajin cadeynta midhaha ku jira heshiiskan iyo qodobadan todobada ah ee badankoodu ka dhanka yihiin Midnimada, dawladnimada iyo dadka reer Waqooyi ee midnimo doonka ah Aqlabiyadoodu. Waxaa kaloo isweydiin mudan hadii heshiisku ahaa mid xalaal ah oo aan qaranimada waxba yeelayn maxaa loo diidey in Barlamaanku dhagaysto lacagtana loogu bixiyey in la is hortaago markuu keenay Xildhibaan Ali Khaliif, waxaa kale oo su’aal saaran tahay hadii qodobka 7aad dhigayo heshiiska waxii waxyeela ha la iska dhawro, barlamaanku heshiiska ma qayb ayey ka ahaayeen,? waxaana cadaan ah in qodobkaasi uusan khusayn golaha shacabka maadama aysan meel marin heshiiskaas ayagu, waxaana taas oo sida loo fahmey ah inaan warbaahinta waxba la isku marin ay khusaynaysaa xukuumada iyo golaha fulinta.Heshiiskastana haduusan ahayn mid Barlamaanku ansixiyey ma saameynayo golaha sharci dejinta, ilaa ay qaraar cod aqlabiyad ah horey ugu ogolaadeen dhamaan qodobadii markla la horkeeno.

Xaqiiqduna waxaa weeyaan in aan la hayn ilaa hada wax cad oo lagaga seexdo madaxweynaha inuu fulinayo hadaladiisii London oo u egkaa dejin iyo Diblumaasiyad uu kaga siibanayo wakhtigan adag ee soo foodsaaray, asagoo noqday madaxweynihii u horeeyey ee sadex safar oo uu isku xigta oo reer Galbeedka ah lagu mudaharaaday, si adagna looga horyimid siyaasadiisa guracan, ayadoo aadna loogu Eedeynayo arimo qabyalad, dastuurka oo uusan dhaqangelin taa bedelkeediina qodobo ka saaray iyo federaalisamka oo uu aad uga roorayo.

Ugu danbeyntii waxaan dhihi lahaa shacabka reer USP , kuwa kale ee midnimada jacel inaysan joojin cadaadinta iyo Eryashada madaxweynaha dhulka uu ku imaanayo booqashooyinka, waa in la sii adkeeyaa hadalkii Axmed Cawed Cashar ee ahaa waa inay xildhibaanada barlamaanakl ee midnimo doonka ah Xamar ka baxaan, hadii dhaqankan la bedeli waayo asagoo Qudbadan ku cadeeyey sida loogu tumanayo shuruucda dalka.

Waxayna taladu noqonaysaa waranka yeynaan qalooxin qaabkii ugu wanaagsanaa ayeynu u haynaa, mana jirto wax cudur daar dhab ah oo ficil ah oo Madaxweyne Xasan iyo xukuumadiisu weli ay ku bogsiiyeen boogaha ay damqeen, iyo dhaawaca ay gaadhsiiyeen Midnimada iyo beelaha midnimo doonka ah ee USP.

Suleiman Xaashi Dheere.

Xaashidheere1@yahoo.com

Nairobi, Kenya.

Short URL: http://horufadhi.com/?p=31374

Posted by on May 12 2013. Filed under Fikradaha, News English, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

23 Comments for “Maqaal: Jaaliyadda USP yaan lagu Fududaan Aaminaada Mudane Xasan Culusow.”

  1. @Hargawasaawi

    oo Soolamadow sow tii Kalshaale lagu ciyaaray maaha ma iyadaa soo dhawaatay. “Intaan wiil indhaha kor u calaqay hoos usoo celiyey; oo aan cidaadaha ka dhigay soona cigan waayey; Cali-daalin iyo baa nagaran coomirka Isaaqe” kkkkkkkkk Gabaygii Aadan Carab. Adeer Solomadow waa past tense. Odaygii Siilaanyo ee dabada kasoo riixayey ayaaba iminka qiil qiil ku jira

  2. Kusoo dhawaada Somaliland waxa aad furateen xisbi layidhaa USP imikaad wadadii dimuqraadiya qaadeen. Qalbigana ku hay majority leads minority isku soo boodo KkKkkkkkkkkkkk. Talow barina maxaa xigi doona.

  3. harti oo ah dhulbahante iyo warsabgali == waxaa ku filan solomodow ee waanu ka ahaynaa waananu ka hortaaganahay waayo waxaanu wadnaa waa j somaliland

    lakiinhadaad niicdaa daynwaydaan walee waa soo fasaxynaa ciidankuna waa nasanayaa iyagaa xadka soo xidhaya.

    lakiin inta aanu somaliland wadno ayaad ku badbaadaysaan waxa idiin khayr roon somaliland hadii somaliland socon waydo ogaada nin aan isaaq ahayni walee inaanu ku noolanayn xadkii ingriiska ee somaliland marka ama hala midoobo ama halays cunee
    gadabuursi waa dad somaliland ah iyagaana dhisay somaliland waana kamid
    kastuumona waxba auyay isku xoqoin samaroon marka hore wa somaliland marna waa dir marna waa ood wadaag

    inankii samaroon muxuu ugu heesay kastuumo ha i raadsan

    http://youtu.be/0sESsBdLgjA

  4. harti oo ah dhulbahante iyo warsabgali == waxaa ku filan solomodow ee waanu ka ahaynaa waananu ka hortaaganahay waayo waxaanu wadnaa waa j somaliland
    lakiinhadaad niicdaa daynwaydaan walee waa soo fasaxynaa ciidankuna waa nasanayaa iyagaa xadka soo xidhaya lakiin inta aanu somaliland wadno ayaad ku badbaadaysaan waxa idiin khayr roon somaliland hadii somaliland socon waydo ogaada nin aan isaaq ahayni walee inaanu ku noolanayn xadkii ingriiska ee somaliland marka ama hala midoobo ama halays cunee

    gadabuursi waa dad somaliland ah iyagaana dhisay somaliland waana kamid
    kastuumona waxba auyay isku xoqoin samaroon marka hore wa somaliland marna waa dir marna waa ood wadaag

    inankii samaroon muxuu ugu heesay kastuumo ha i raadsan

  5. waanu ugu dhulweynahay hadana waanu cabanayna ?
    gadabiirsi baan hoos fadhiisan tiyo ciidankiisi sool joogaan ?
    rayaale oo amar ku bixiyay laaska in la qabsado 07 kii?
    usp baanu noqonay oo doorashadii februari 60 ki sl ka dhacday ka qeyb qadanay?
    kaalinta 2aad banu galnay usp nuf 3aad snl 1aad ?usp ban bedelno u rognay somali united party 2013 kii alow sahal amuuraha? usp sl hala afartan bixiyay wateen
    anoo afkii khaatumo ku hadlayan tageeraya jubaland oo af qabiil ban ku taageeray tiiyo hassan iyo saacidba ka biyo diideen arimaha norway iyo kenya ka wado ?
    hadana isla hasanki baan kala hadlayaa midnimo tiiyoo dhulkagi kuba suganyin
    maqaaladaa sumeysan wa seexiya dadka runta u sheega kuwiinan warbaahintu
    culusow baan weydiinayaa suaal ah midnimo one billions jeer hadu midnimo ku dhawaaqo maxa is bedelaya kismayo inta u jirtnu wax ka qaban karine
    dad ba ku leh ingiriis heshiis lamanu gelu gelin got sea ? or a beach ?
    laba bilood ka bacdina yaanan hada noocano kale ah maqlin beena

    kulankooda danbe

  6. ingriisku heshiisyaduu la galay qabiilada waqooyiga laguma tilmaami karo heshiis wax ku ool ah wuxuu ingriisku la galay qabiilada waqooyi heshiisyo uu xoolaha kaga iibsanayey waxaana ugu macruufsan heshiiskii hargaha ee uu ingriisku la galay habar xabuush garxejis iyaga saxiixooda waa bug oo iyagu ma saxeexin taasina waxay keliftay inay beelihii magacooda ku saxiixay ay la dagaalamaan heshiiskii uhu ilbaxsanaa gudabiirsay baa lahaa isagoo la saxiixday ingriiska in aan ilmo ingriis ah uusan ku dhalan degaanka samaroo kii warsangeligu isagu wuxuu ahaa mid equal parteners oo kale ah more advansed
    dhulbahante isagu waa dagaalamay ingriisna waa xasuuqay taariikhdu badalmi mayso bal heshiis aad ingriis hargo kaga iibinaysay habar xabuusheey ha ku badbaadiyo maanta

  7. Nina ama Gaasira

    magacyo badaneey ingiriisku waxuu heshiisii uu la galay dadkii deganaa somaliland ula heshiiyay sidatan

    hj heshiis goniya oo ka dhacay berbera
    hy heshiis gooniya oo ka dhacay Cadan
    ha heshiis gooniya oo ka dhacay Cadan
    Ciidagale heshiis gooniya oo ka dhacay Berbera
    gudabiirsi heshiis gooniya oo ka dhacay berbera
    Warsangeli heshiis gooniya oo ka dhacay laasqoray

    dhulbahante heshiisba lamuu gelin .markaa ingiriisku umuu aqoonsanayn sidii beel ka mid ah beelaha waqooyiga

  8. marka ay reer usp is xoreeyan meesha waxaa soconaya 5 qabiil oo si equal ah u raba xuquuqdooda isagoo qabiil walba wax laga waydiinayo degaankiisa isaga

    galool
    ama wax kala sarif ama baaquli wayn soo qaado igriiskii iasaaq gooni buu ula heshiiyey gidabiirsay isna gooni warsangeli isna gooni dhulbahante isagu lama heshiin oo coloniaal buu noqday ingriis haystay lana dagaalamay markaa meeshan wax aan ahyn in aad colaad wakhti dheer ah gashaan oo idiinka soo socdaa ma jiraan mustaqbalkana siyaasadii snm mugdi iyo wakhti adag bay idiin horseedey adkaysta nin burbaan tuntay ilaaq dalbaye

  9. ASC

    Waxaan jeclaystay inaan wax yar ka idhaahdo qoraalkan sare ee faraha badan oo runtii aanan wada akhriyin, oo maxaan u wada akhriyi waayay, waxaan diiday tayo xumida ka muuqata maqaalka!

    Waxa fiican markaad wax ku doodayso inaad soo bandhigto wax uu qaadan karo ka aad mudiciga u tahay iyo ka aad muduciga ku tahay labaduba. tusaale yar oo fudud waxuu yidhi isagoo hadlaaya qoraagu (Sidaas daraadeed ayeysan USP xubnahoodii Xasan arkay aysan ugu fiicnayn inay ka debcaan tiigsigooda ilaalinta Cadalaada, midnimada iyo in beel tiro ahaan iyo deegaan ahaanba ka yari aysan hogaan u qaban) BEEL TIRO AHAAN IYO DEEGAAN AHAAN KA YAR qoraa si aan kuu sii dhegaysto waxaynu nahay somali weliba 22 sano ee u dambeeyay waxaynu isu sii baranay si aynaan hore isugu aqoon. USP waxay ka kooban tahay Dhulbahante, Warsangeli oo isku ah hal beel oo la yidhaa Harti iyo Gudabiirsi

    Dhulbahante kama badna hadaanu ka yarayn beesha HJ weliba dadka yaqaan waxay yidhaahdaan HJ ayaa ka badan.

    Warsangeli waxuu leegyahay dhulbahante badhkii ama badiyoo ka dhig 60% taasi oo naqonaysa shan meeloodow sadex meelood beesha dhulbahante intaas waxa leeg beesha arab.
    Gudabuursi waxuu ka yar yahay Sacad Muuse haddiise aan badiyo oo aan ka dhigo inuu leeg yahay sacad muuse Waxa hadhay isaaqii beeshii ugu badnayd oo ah HY ciidagale , ciise muuse, ayuub iyo toljecelo.

    haddii si kale loo dhigo 1960 dadka reer somaliland ee waqooyiga somaliya degi jiray waxay tartameen doorsho aan buuq ka dhicin ama aan ku shubasho lahayn waxaanay kala heleen sidan

    12 non isaaq tribe
    21 isaaq tribe.

    labdaa tusaaleba waxay cadaynayaan sida jar iska xoornimada ah ee aanay reerka dhulbahante weli runta isugu sheegin.

    Haddii qofku runta ku noolaan waayo

    Waa cudur ku dhaca dadka oo uu isaga oo marka hore ah bisad tusaale ahaan markuu muraayada hor tago isu arkaayo inuu yahay libaax bul bul leh taasina waxay kugu ridaysaa inaad tidhaa qayb libaax halay siiyo iyaga oo dadka oo dhami kuu arka inaad tahay bisad waxaanay keenaysaa in la yidhaa waa qof waalane hasoo miyirsado taas oo aakhirka keenaysa in qof noqdo qof aan miyir qabin dadkuna ma maadsadaan.

  10. waxaa ah qaacidad in ay tahy no no iyo xaaraan maqdac ah iyo fashilaad joogta ah in aad is tidhaahdo hab siyaasadeed wax ku hel iyadoo aan degaankaagu gacanta kuugu jirin yaan dadka la hodin ama ha la is xoreeyo oo kadib siyaasad ha laga hadlo ama halagu kala dareero wixii u dhexeeyaa waa bahdilid iyo magac xumo joogto ah iyo wakhti lumis

  11. arintan snm iyo usp hada waa arin aad u siyaasadaysan taas oo aan u dan ahayn usp waayo waxaa qadiyad la siyaasadeeyaa marka lays muujiyo oo cudud dagaal iyo milateri aad leedahay maanta snm waxay khasab ku haysataa degaanada usp dawaladuna waxay la fadhiisatay snm waayo waxaa lagaga dambeeyaa khasabka ay ku haysato degaanada usp dawlada dhexena ma awoodo in ay maanta snm ka xorayso degaanada usp markaa inta usp iyadoo mudaharaad quwad kaa dhiuganaysa uu xasan culusow madax u salaaxayo waa in usp ay si quwad milateri ah isu abaabulaan oo boorame iyo laascaanood iyo laas qoray laga xoreeyo snm isma lihi in xoogaa wafuud ah oo marba meel is tuba in ay waxba ku soo kordhinayn usp soomaalidii kalena iyadauba teedii ayaa cuslaysay oo reer waqooyi waxba ku soo kordhin maayaan markaa taladaydu waa in beesha dhexe afrta koone laga soo weeraraa isku mar oo usp is xoreeyaan maalintaas ayaa hab siyaasadaysan la isu soo hor fadhiisan karaa wixii kale ee wakhtiga la iskaga lumiyaa waa calaacal iyo jug jug meeshaada joog hasan culusona usp wuxuu ku yidhi maxaad beri hore idinkoo usp ah aad snm ula xisaabtami waydeen isagoo uga dan leh ii imaada idinkoo snm iska soo ceshay si aan markaa siyaasada aan idiinku soo daro waana runtii oo isaguba maanta ma leh awood uu soomaali ku kala dhex galo uma taag ahyo dad ku leh kaalay na xoree taa waxaa uga sahlan kuwa ku leh anigaa degaanka ka taliyee aniga ila gorgortan usp na maanta xataa dawlada xamar waxay ula dhaqantaa la haystayaal aan awood lahayn key solution waa dagaal lagu xoreeyo degaanada usp ka dib ayaa arimaha siyaasada dhaqaalaha iyo awooduba ay u sahlanaanayaan shucuubta usp meesha awood haysasho iyo milateri ayaa hadlaysa usp waa inay la jaan qaadaa waaqicaa maanta cid gudaha ama dibada ah oo soomaali u gar naqaysaa ma jirto waa degaankaaga xejiso si aad steak gaaga u heshid adoon cidna baryayn period!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

  12. arintan snm iyo usp hada waa arin aad u siyaasadaysan taas oo aan u dan ahayn usp waayo waxaa qadiyad la siyaasadeeyaa marka lays muujiyo oo cudud dagaal iyo milateri aad leedahay maanta snm waxay khasab ku haysataa degaanada usp dawaladuna waxay la fadhiisatay snm waayo waxaa lagaga dambeeyaa khasabka ay ku haysato degaanada usp dawlada dhexena ma awoodo in ay maanta snm ka xorayso degaanada usp markaa inta usp iyadoo mudaharaad quwad kaa dhiuganaysa uu xasan culusow madax u salaaxayo waa in usp ay si quwad milateri ah isu abaabulaan oo boorame iyo laascaanood iyo laas qoray laga xoreeyo snm isma lihi in xoogaa wafuud ah oo marba meel is tuba in ay waxba ku soo kordhinayn usp soomaalidii kalena iyadauba teedii ayaa cuslaysay oo reer waqooyi waxba ku soo kordhin maayaan markaa taladaydu waa in beesha dhexe afrta koone laga soo weeraraa isku mar oo usp is xoreeyaan maalintaas ayaa hab siyaasadaysan la isu soo hor fadhiisan karaa wixii kale ee wakhtiga la iskaga lumiyaa waa calaacal iyo jug jug meeshaada joog hasan culusona usp wuxuu ku yidhi maxaad beri hore idinkoo usp ah aad snm ula xisaabtami waydeen isagoo uga dan leh ii imaada idinkoo snm iska soo ceshay si aan markaa siyaasada aan idiinku soo daro waana runtii oo isaguba maanta ma leh awood uu soomaali ku kala dhex galo uma taag ahyo dad ku leh kaalay na xoree taa waxaa uga sahlan kuwa ku leh anigaa degaanka ka taliyee aniga ila gorgortan usp na maanta xataa dawlada xamar waxay ula dhaqantaa la haystayaal aan awood lahayn key solution waa dagaal lagu xoreeyo degaanada usp ka dib ayaa arimaha siyaasada dhaqaalaha iyo awooduba ay u sahlanaanayaan shucuubta usp q

    • axmed darwiish

      Nina inaadeer runbaad sheegtay.

      Waar dhulbahantaw khiyaaliga maxaynu isugu sheekhaynaa horta.
      USP ->> gudabiirsi waxaa xukunta SNM raalibaanay ka yihiin markaad borama tagtaad arki , hadaad gaadho xagaas ama way baqanayaan waa labadaa miduun.

      Runtu waxay tahay xasan culusaw lakulankiisu waxba inoo tari maayo, ee waa inaan dhulkeena xoraysanaa, markaas cidina kuma matali karto , waayo hadii laascaanood aanu xorayno, SNM maxay odhankartaa, ma anagaa laascaanood ka talina, waa maya.
      Maanta awooda SNM waxaa siiyay waa dhulkan USP da lasheegayo intiisa badan yadaa ka talisa.

      Dhulbahantaw dhulkeena aynu xoraysano hadalku waa intaasi.

  13. Saleebaan Xaashi Dheere si wacan oo la yaableh ayuu u dhigay maqaalkan. Waxaan maqlijiray nin reer Buuhoodle ah ayaa odhan jiray “qafuuraraxiimkaan ku dhaartaye reer Buuhoodlow amaanta waad la degdegtaan” waxaan sheekada ku maqlay waxaa lasoo bedelay nin DC ah oo ree koonfur. Iyadoo aan si fiicanba la isu baran wuxuu deegaanka kusoo kordhiyeyna la arag ayaa amaan la isaga miisay. Taas buu diidanaaa. Waaana sax. Qofkku marka uu wax ka tanaasulayo waa in uu ka badin waayey ama wax ka fiican helay. Labadaas arimood midna iminka lama hayo taasina waxay muujinaysaa in amaanta iyo debcinta culayska siyaasadeed ee Culusow saarnaa lala degdegay. War bal heshiis qoran baa SNM lala galaye maxaa lagu buriyey?

  14. To trust is good,but to trust not is much better.

  15. raali ahaada , waxaan u jeedaa excellent president HASSAN SHIEKH ………………

    GUJI HOOS.

    http://www.youtube.com/watch?feature=player_detailpage&v=SxnuHnOD0os

  16. excellenct president HASSA SHIEKH MOHAMUD “”"” GOBOLADA SOOL SANAAG IYO CAYN ee khaatumo state . ahmiyad gaar ah ayey ugu fadhiyaan somaliyada maanta !!!!!!! ahahaahahahahahah jabhadii SNMT(SOMALILAND) godkoodey biyo ugu galeen …………………………….. riix hoos

    http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=SxnuHnOD0os

  17. Bismilah,

    Waa qoraal aad u wanaagsan kuna qotoma runta Thanks to Suleiman Hashi.
    Madaxweyne Xasan culusow intiisan shirka Ankara aadin ayaa loo sheegay
    in arintan lagu degdegin ee laga fiirsado oo laga tashado.
    ayna ka qaybgalaan dhamaan dadka dega gobolada Waqooyi Somaliya.
    Arintaas wuu iska dhegotiray Xasan-qoslaaye.
    wuxuuna sii kaxaystay 7 qof oo ah beeshiisa wasiiro iyo xildhibaanka cida.

    Arinta gabadhii fariida ahayd reer Khatumo madaxweynuhu
    muu sugayn hadalka gabadha jawaabta ayuu ku degdegayey
    isagoon hubsan waxa gabadhu weydiinayso taasi tuhun bay lahayd !
    waayo qofku waxa la weydiinayo waa inuu sugaa uusan horcararin
    mida kale atleast 3 ilbiriqsi waa inuu ka fiirsada warcelinta warcelinta uu bixinaya
    isku soo duub wasiirka Cabdi shube wuxuu yidhi arimihii qaar baan weli la isku afgaran arintas aan la isku afgaran iyadana waa inanu ogaano !
    Bal aan aragno uuraysataye maxay umuli.
    Xasan-qoslaaye waa lagu sugaya balantaad qaaday.
    We gonna observe your action, We don,t want a nice words.

  18. jaaliyada usp……..kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    oo meeda jaaliyaddii khaatumo? waxaanu nahay reer puntland mayee waxaanu nahay ssc !!! , ssc ma nihin waxaanu nahay kaastumo !!!!! , NO NO waxaanu nahay usp !!!!!! bal aynu eegno 2 weeks later waxay noqdaan…………kkkkkkkkkkk

  19. xasan waa qaayiin yaan lasku halan no more somalididka nomre united somaliya USP is free from them

  20. Ha dakh laysaa laguu guursaday …

    • culusow daacad nimo ka dheer ee yaan lagu katsoomin!.
      nin waliba meeshiisa hawsha ha ka wato. reerka Dhulbahante
      sal fudayda iidoor baa ku dhalay ee waa in ay qanci ogaanta iska
      daayaan.

      Yaal laydin marin-habaabin ee hawshii Khaatumo waa halkeedii.
      VIVA KHAATUMO STATE.

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdirashid Ali: Cajiib! Talac talac iidoor waxba tari waxaan is weydiinayey halkaa cunto ma taalee, ma majaha,...
  • Fallaag: Horufadhi sowtii kasoo horjeeday shirkan ee ku tilmaamtay shirqool kkkkkkkkkkkkkkkkk
  • Sadex adinle: Kuluc Isimadaani waxay aqbaleen gogoshii bilaa kharshka ahayd ee mada wayne gaas uu ku baaqay waxayna...
  • Hawshaada Wado: Kuluc Cidi haddii ay bitch tahay , hooyo ayaa ah bitch saa iyadaa heeri ku timid Mudug Joogtay...
  • kuluc: qodobka labaad waa la yidhiye bal ninkii dhaqaalihin inuu dhashay ma la iswaydiiyey? shirkii kastuumo u gaarka...