|

Maqaal: Dhiidhiga Weriyayaasha Khaatumo iyo dhiig la’aanta jaaliyadaha.

Tanyo halgankii hubaysnaa ee ka jiray Gobolada Khaatumo  Waxaa jiray dad Badan oo lafdhabar u ahaa ama hormuud u ahaa horu Marinta Iyo dhiirigalinta shacabka Khaatumo  Waxaana Laga Xusikaraa oo Kow ka ah warbaahinta Khaatumo,oo ay ka mid yihiin , idaacado,Wabsetyo Iyo waliba mida Maqal iyo muuqaalka ah, oo ay shakhsiyaad dhalinyaro ah oo fir fircooni iyo aqoonleh ay iskood u hawlgeliyeen una maalgeliyeen.

 

kuwaas Oo dhacdooyinka iyo Wararka halganka Si wanaagsan uga Qayb qaatay islamrkaan kana midaysan Horumarinta Gobolada SSC,warbaahintaas aan Soo xusay intoodabadan waxaa gacanta Ku haya Ama Ka hawl Gala rag dhalinyaro ah Oo da,doodu aad u yartahay Kuwaas oo aan wax dhaqaale Ah kasoogalin ama ayjirin cid ku gacan qabata hawsha Wanaagsan Ee ay u hayaan shacabkooda Mutadawacnimada ah iyagoo Mararka Qaarkood dhibaatooyin kala Kulma ay kamid yihiin Aflagaado,Jirdil Iyo Qudhgooyo la kulma.

 

Waxaa kaloo xaqiiq ah in xataa aysan jirin tabarucaad ay gaadhsiiyeen wariyayaasha naftooda waayey ehelkoodii, kuwa xadhiga , iyo musaafuriska uga soo baxsaday dalkoodii oo ku sugan magaalooyin ay Nairobi ka mid tahay oo xataa ay ku aasaaseen urur ay lee yihiin{KHAJA}.

 

Nin aan la xidhiidhay oo ka mid ah weriyayaasha halgamayaasha ah, ayaan wacay wakhti ay geeska Afrika u ahayd 3:dii habeenimo, wuxuu ii sheegay inuu qorayey maqaal jawaab u ah mid ku soo baxay webebka beesha Isaaq , wakhtigisiii nasniino, kiisii shaqo iyo kiisii kale ee uu wax u gaar ah ku qabsan lahaa wuxuu u huray dadkiisa.

 

Tusaale Hadaan usoo Qaato Ilmaha marka uu socod barad yahay hadaan gacanta Laqaban Oo Aan la saacidayn Waxaa Xaqiiq ah inuu meelna uu gaadhayn,Warbaahinta waa Awooda labaad ee aduunka Sida Ay sheegtay QM,Inaga Oo usoo qaadanayna sida warbaahinta hormuudka uga ahayd dagaalkii kadhacay dalka Rwanda oo hormuud ay ka ahayd warbaahintu kuna guulaysatay inay gasho meelkasta oo ay kooxihii jabhada ahaa ay galayeen.

 

Warbaahinta waxay fududeysaa mida maqalka iyo mida Internetka laga dheedoba inay warka ay helaan dadka wax akhrista,Waayo waxaa ladhahay “‘War la helyaaba Talo hel’dhalinyaradaas waxay kaqayb qaateen si mug wayn Soo gudbinta marxaladihii kala gadisnaa ee Deeganada SSC ay soomareen,Sida halgankii SSC Iyo Shirkii Khaatumo1 Iyo Khaatumo2 Ayna ksoo Gudbinayeen muuqaalo Qurxoon Oo qancinayay Jaaliyada Khaatumo.

 

Hadaba Waxaa moodaa Jaaliyadaha kaligadisan Ee Khaatumo Inay Ka gaabiyeen doorka ay ku leeyihiin Warbaahinta Iyo taakulaynta,Halka jaaliyada Meeleeshiyaadka SNM ay u taakuleeyaan Warbaahintooda Isla markaan ay Webseedada ku hadla afka SNM ay qaarkood Accounts leeyihiin halka kuwa khaatumo aanay cidana Odhan waa Mahadsan tahay Marka ay soo tabiyaan Wararka Xaqiiqda ah Ee ka jira Deegnada Khaatumo Iskaba Dhaaf waxay jaaliyadaha Ama gacansatada Khaatumo ay taraan ama ku caawiyaan.

 

Tasliidaadka qalabka Waa waxa Lafdhabarta u ah warbaahinta Laakiin Dhaliyarada dadaalka Badan waxay ku shaqaynayaan Mid lagu tilmaamikaro ”Cidna Uma maqna ceelna Uma Qodna”Waxa Kaliya Ay dhowrayaan islamrkaan ay dhabarka uriteen sidii ay dadkooda wax ugu qaban lahaayeen, iyagoo ku shaqaynaya Ninba tamartii ninba taagtii. Waxaa kaloo xaqiiq ah in weli dadka nadiifta ah ee aan la iibsan ay weriyaayaasheenu ka mid yihiin, kuwaadoo halganka kaga jirey baalka dahabka ah, waxaana anigu aan aqoonsanahay oo keliya madalaashaya hormuudka u ah webebka afafka dhaadheer iyo idaacadaha telefoonaadka , baraha youtubke iyo weliba waxrbixinada fog ee qaadadhigan ee macluumaadka huwan noo soo gudbiya goorkasta iyo goobkastaba.

 

Talaabadee Lagudboon hadaba jaaliyahada Ama ganacsatada Khaatumo?

 

Jawaab waxaan u deynayaa akhristayaasha gaar ahaan jaaliyadaha dayacay dedaalayaashooda ee dunida jooga.

W/Q: Jaamac Abdullaahi Noor.

Allaa mahadleh.

Short URL: http://horufadhi.com/?p=32061

Posted by on May 19 2013. Filed under Fikradaha, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

4 Comments for “Maqaal: Dhiidhiga Weriyayaasha Khaatumo iyo dhiig la’aanta jaaliyadaha.”

  1. “hadal gara ayay Saahidoow gobi la yeedhaaye”. Hal qodob ayaa i galay: “weriyayaashu waxay ka mid yihiin dadka nadiifta aha ee aan la iibsan”. Waxaan markhaati ka ahay in ay gobino dirireen, halgameen, quudhsi diid yihiin isla markaana ay ka hanweynaadeen meelaha dad badan oo loo han weynaa ay ku kufeen. Intii aan xasuusto ma jiro weriye reer Khaatumo ah oo Hargeysa u doogsin cararay marka laga reebo mid markiisii horeba aan tirsaneyn dhankaas iyo Hargeysana u hayaamay intuu ayoomo wax malmaluuqay. Taladu haddaba waxay tahay: Jaaliyadaha, ganacsatada, dawaladda iyo saxaafaddu arintan wada shaqayn haka yeelato. Jaaliyaduhu waxay muujiyeen dadaal weyn laakiin waxaan hubaa haddii aanay saxaafada Khaatumo ahayn inaanay sidaas wacan jaanta isula heleen. Hadalka gunaanadkiisu waa HALA ISKAASHATO.

  2. kan waashay iyo hal dooraleh la baxay waxaan dhihi lahaa lacagta aad haysataan orda dadka hargaysa ee haraadan siiya ama hablaha jarmalku aflaadanta ka duub anayo baahi awgeed u gargaara, weriyayaashu xaq beey u lee yihiin inay dareen siiyaan doorkooda dadkooda debeda jira waana arin sax waana idin ognahay walalayaal.

  3. waar Baryada ka daaya dadka Islaameed iyagiiba khaati taagan oo biilal iyo qaadhaan joogta ahi naftii ka jaray, ma wax bay idin dhaamaan iyagaba naftaa haysee, ganacsato waaweyn ilaahay wax siiyey-na ma lihidin calashaan kastuumo ahaanta.

    Nimankiina wariyayasha ee xiiqsan waxaan idinkula talin lahaa, inaad iska deysaan xumahan iyo culaadan aad faafinaysaan, oo wadankiina(Somaliland) daacad u noqda, cidina idinkama laha, Kaalay Radio Hargeysa iyo Somaliland National Televion ayaa shaqaale u baahane ka shaqeeya oo weliba idinku mushahar qaata, Iska baxa silican aad ku jirtaan,..bal imika ninkaa meesha wax ku qoray waxa cabaad ka baxay eega yaab……..

    Happy 18-May

  4. waar heedhaha inta meesha dhibaatadu inagu dili lahayd maxaan dadkeena dhinac uga raaci waynay, halka maanta afrikan dhamaantood cid xorayn ka sheekaysaa anay jirin hor mar mooyaane,

Leave a Reply

Recently Commented

  • NINA: Khaatumo waa. In jjanaraal milateri ah loo dhiibaa iyo gole siyaasadeed oo la taliya isimada waa in loola...
  • Qariidahaye: UMMADDA REER KHAATUMO GUUD AHAAN WAXAAN UGU BAAQAYAA IN AY CAQABADAHA YAR YAR EE DHACAYA AYSAN DHAG...
  • Hakiim: Waa arin laga naxo oo walahay qabsashadii Taleex iyo tegitaankii Ina Garaad Ismaaciil ee Hargeysa tanaa ka...
  • Dhoodi: Marka laga reebo qodobka koowaad oo ah kan ay u jeedaan nimankan meesha ku shiray, inta kale waa ku qurux...
  • NINA: Khaatumo2 marking isimada la siiyey Talada ugu dambaysa we reerka Ayaa Khallad dhacay khaatumo hadjii xal loo...