|

Maqaal: Maxaad kala socotaa Xasan Shaikh iyo Isbahaaysigiisa Kismaayo?.

Waxaan la moogayn, oo ummadda Soomaaliyeed inteeda samaha ka talisaa ka markhaati kaceeb , in reer Jubba land state tashteen, oo u dhaqaaqeen nabadayn iyo horu kac. Laakiin,

 Madaxweyne Xassan sheekh iyo Saaxiibkiis Saacid Abdi Faarax ayaa iyaga oo adeegsanaya lacagtii loo soo baaheeyey dalka Soomaaliya, gebi ahaanba u guntadey sidii ay dagaal lagu hoobto uga ridi lahaayeen degaanka Jubbooyinka iyo Gedo.
  Soo ambabixintii Barre Hiiraale ee loo soo direy Kismaayo, isku xirka Barre iyo dadka la baxay giir giirta (Gaal jecel, Coora ma leh, doqondiide) iyo soo diridda doonyaha hubka iyo lacagta xanbaarsan,ee lagu soo simayo gacmaha Giirgiirta iyo Barre Hiiraale, waxay ka marag tahay in dawladda Xasan skeekh ku amarkutaagleeyo ay rabto sidii looga holcin lahaa dagaal faraha looga gubto.
    col.Barre Hiiraale, oo aan mutaysan wax aan ka ahayn in loo diyaariyo MAXKADDA DENBIYADA DAGAALKA IYO KU XAD GUDUBKA XUQUUQDA DADKA, ayaa laga soo walwaaley muqdisho si loo khalkhal geliyo Jubba land state.
Haddii Madaxweyne Xasan sheekh iyo ra’iisal wasaare Saacid go’aankoodii ugu danbeeyey noqday in ay Jubba land ula soo saftaan Alshabaab, dabadeed Dawladda Soomaaliya waa Alshabaab, waana in arrinkaas la caddeeyo, dib danbena aan laysu huursan.
 afar iyo labaatankii saac ee ugu danbeeyey, waxaa guriga Barre Hiiraale lagu xareeyey ilaa 120 qori oo hadda la soo iibiyey, wuxuu Col. Barre isku halleynayaa, hub ay haysteen kuwo sheegtay askarta dawladda oo qabiilkiisa Mareexaan Mudug ah isagana taabacsan, oo heshiis dhexmarey ururka Alshabaab iyo ciidamadaas isaga daacadda u ahaa ee dhinaca gedo ka soo galey Kismaayo.
 Barre Hiiraale, oo markii dekadda lagu qabtay, ku dhawaaqey “waxaan ahay oday Soomaaliyeed, mana wado wax xumaan ah, waxaan u imid guri aan ku leeyahay Kismaayo”!
ayaa bilaabay, inuu qabqableeyo, quranna huriyo, kana bilaabo shirar hoosaad uu la yeeshay beelaha Giirgiirta loo yaqaan, ee lagu soo dejiyey carro waamo heshiiskii Hartiga iyo Absame sanadii 1950kii.
    Sida hawsha dagaalka Kismaayo looga falkinayo Xamar, iyo weliba waqtiyeynta dagaalkan, ayaa ku muddaysan laba asbuuc doorashada ka dib.
Saansaankeeda oo laga dareemayo Kismaayo ilaa iyo xad, ayaa iyana ah daliil loogu dawgeli doono madaxweyne Xasan skeekh iyo saacid, loona gudbin doono magacyadooda oo wata daliil aan la beenin karin maxkamadda denbiyada dagaallada ee Hegh, kuna taalla dalkaasi denmark.
   Arrinta ugu muhiimsan ee hadda la saadaalinayo waa, haddii dagaalka bilaabmo Kismaayo, Madaxweyne Xasan sheekh iyo Saacidba waa inay u diyaar garoobaan maxkamadda denbiyada dagaalka ee caalamka, Barrena awelba waa u diyaarsanaa.
   Waxaan ku soo gebgebaynaynaa maqaalkeenna, in haddii dagaalka Xamar lag soo abaabulayo ee ku saleesan issir naceebka ka bilaabmo Kismaayo, maca kuwa dawllda federalka madaxda ka ah, halka ay joogaan laga jeebbayn doono, mana aha gooddin iyo faan ee way dhicidoontaa insha allah.

Daahir. M. Ali

Short URL: http://horufadhi.com/?p=32269

Posted by on May 21 2013. Filed under Fikradaha, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

5 Comments for “Maqaal: Maxaad kala socotaa Xasan Shaikh iyo Isbahaaysigiisa Kismaayo?.”

  1. Kkkkkkkkkkk heer kismaayo qandha 5 madaxweynaleWar maamulka jubbalnd waxey kuleeyihin maxkamadan dad la fuleynaa aduunkabalagamayaqane maxey maxkamad fulaayan walaahi adin ka xabsiga leydin dhigaa

  2. War maamulka jubbalnd waxey kuleeyihin maxkamadan dad la fuleynaa aduunkabalagamayaqane maxey maxkamad fulaayan walaahi adin ka xabsiga leydin dhigaa

  3. Reer Juboland Ma U Dhama Maamulka Laga Sameynayo Waxaa Cadeen Idinkugu Filan Doorashadii Mooryaan Madoowe Isu Soo Sharaxay Ma Isweydiiseen Horta Yaala Tartamaya Aaway Ragii Sharaxnaa Hadey Daacad Nimo Socoto Xgeesa Kayimideen Labadan Isa Soo Sharaxay Horayna Ma U Sheegeen Inay Musharax Yihiin ??????

    Jawaabtu Waa Maya Labadaan Horey U Maana Maqal .Su’aashii Kale Ahayd Xagee Kadheceen Ragii Musharaxnimada U Taagnaa Misna Waxay Ku Wada Hishiiyeen In Aad Shirkaba Iman Si Foorfayt Ugu Qaato Mooryaan Madoowe Madaxweyna Nimada Tuugaysiga Ku Jira.

    Ragu Doorashada U Taagnaa Yeey Kala Ahaayeen ?
    Gaandi
    Awlibaax
    Iyo Shukul …….. Intay Kabaxeen Rgaan Malays Weydiiyay Sooma Cada Inay Munaafaqnimo Ka Socoto Aaway Qbaa’iladii Kale Ee Degaanka Ugu Badnaa Ayagana Ragma Iska Soo Sharaxeen Maxaase Looga Arki La’ Yahay Siyaasada Kore??????

    Aloore Meesha Waxaa Ka Socda Aanaa Kenya La Soo Heshiiyay Anaana Madaxweyne Noqonaya Taas Waanka Daalnay Somalia Intay Tani Ku Jirto Samaan Madhawo Mooryaan Madooowe Googoradaha Siinaay Ku Iibin Jiray Ayuu Moodaa OO Markay Suuqa Timaado Haweenay Inay Iibsato Doonaysa Ku Wii Ku Carari Jiray Aniga Iga Iibso Aniga Iga Iibso Ayuu Moodayaaa Kismaayo Waa Sheekada Uu Wado Aanaa Kenya Ku Hormaray Anaana Madaxweyne Noqonaya

  4. brother qoraalkaagan waa ok laakiin aan ku saxo maxkammada aduunka waa hague waxeyna ku taal Holland (Nederland) waanan kugu raacsanahay dhiigyacab barre hiiraale in maxkamamad la soo istaajiyo very good comment’s

    • Daahir M Ali fadlan waxaa fiican inaa ka fiirsato hadalada qaar ee aad qorayso caqli iyo xigmad na ku dheehnayn sida Beesha Cawramale malaha TV yada ma daawatid eh sheeko maqaaxi baa heshaaye waa Beeeshii ugu horaysay ee keentay shirka xooolo nool sida geel adhi lo looguna kariyo ergadii shirka joogtay taaageero weyna u fidiyay waana beel kasoo jeeda beesha warsangali mahamuud harti markaa giir giir maxaa ugu xoqi anaa ah cawramale mana fiicna dadka qaar inaa waxaanay ahayn ku sheegto brother

Leave a Reply

Recently Commented

  • Khadro axmed: looooolz markay hurdada kaso kacanba waxbay iska sogaliyan 2minute ka hor qoralkan cali khaliif waxay...
  • Oday-bari: War heedhe iidoor waxa watabalayo hayimadan waa baraarahena iyo midnimadeena ayaganawa jabkooda hawgu...
  • Khadro axmed: yaa allaah guusha allah hayna waa fajiyo shirka wa la tagayoo wa la naaray shaydaan sharkii wa la...
  • xarbI: somali proud sxb waan ku salaamay sxb garaadka ha caayin wasmo meelkasta wuu ka helayey haday taleex tahay...
  • Khadro axmed: Amiin yaa allaah guusha allah hayna waa fajiyo shirka wa la tagayoo wa la naaray shaydaan sharkii wa la...