|

Warbaahinta Khaatumo Oo Khayaali Ku Maaweelisa Shacabka Dhulbahante.

Xilliyadii warbaahinta casriga ahi ay ku soo bateen waddanka Soomaliya , dhamaadkii sagaashameeyaadka waxaa aad u hawlgalay idaacado iyo warbaahin loo adeegsanayo qalabka casriga ah ee Internetka, waxaana deegaanka Khaatumo aad looga hirgaliyey warfaafin ku hadasha afka shacabka.
Waxaana ka mid ahaa Idaacadii Laascaanood ka hawlgali jirtay , webeb ay ka mid ahaayeen radiolaascaanod.com, widhwidh.com, radiossc.net, oo markii danbe loo bixiyey jidbaale.com waxaana gadaal kaga soo biiray webeb iyaguna ay ka mid ahayeen horufadhi.com oo maanta ka mid ah kuwa deegaanka loogu akhriska badan yahay, waxaa iyaguna ku soo biiray, lasanod.com,ceegaag.com, allssc, kalshaale.com, afbakayle.com, daldoon.com iyo kuwo kale oo aad tiro badan oo maanta aanba la garankarin tiradoodu intay tahay, waxaana webebka cusub badankooda iyo kuwii horeba qaarkood isu badeleen kuwo aan shish lahayn , waxaadna dareemaysaa in wararka lagu soo bandhigaa u badan yihiin warar aan miisaan weyn lahayn una badan warar loo sameeyo cinwaano indhaha in ay soo jiitaan loogu talo galay.

 
Iyada oo aynu ognahay in warbaahinta tiradaas le’eg ay ku jiraan hawada qaarkoodna ay hadda ka maqan yihiin sida idaacadii Laascaanood ka hawl gali jirtay, iyo kuwo kale ayaa waxa inta xilligan hawada ku jirta oo ay ahayd in ay bulshadooda waddada saxda ah u qeexaan, wixii khatar ahna uga digaan , isla markaana dhaliilaha jira ee keeni kari in god lagu dhaco ay ka digaan, ayaa waxa ay u diga rogteen kuwo had iyo jeer buunbuuniya warar aan sidaasi u sii ridnayn, qariyana had iyo jeer dhaliilaha loobaahan yahay in ay bulshada u soo bandhigaan si khatarta ku soo wajahan bulshada looga hortago.

 

 

Had iyo jeerna waxay khaladaadkaas ugu dhacaan qof jeclaysi iyo iyagoo cid gooniya markaasi uga haybadeysanaya in ay soo bandhigaan wixii jira, iyaga oo ka baqay in hebel xanaaqo, ama beel heblaayo cabaado, halkaasna waxaa ku luma dantii guud ee ay lahayd bulshada Dhulbahante.
Dhaliilaha warbaahinta Dhulbahante waxaa ka mid ah in ay qof cirkaas mariyaan, kuna sheegaan mujaahid iyo halyey , muddo ka dibna kii halyeyga lagu sheegayey uu u galo ama uu soo hogaamiyo kuwii cadowga ahaa, oo uu noqdo horgal, warbaahintiina uu ku soo baxo iyada oo loogu yeedho horgal hebel.
Dhaliishiisa oo ay ogaayeen ayey qariyeen, wuxuu ahaa nin aan u qalmin xilkan, gayina in uu umad hoggaamiyo, haddii ay markii ugu horaysay mawqif cad iska taagi lahaayeen bulshadana u cadayn lahaayeen ugu yaraan dhaliilaha uu leeyahay, waxaa dhici lahayd in ay noqon lahayeen dad afeef sii dhigtay oo ay ku doodi lahaa in ay hore uga digeen, dareena u lahaayeen dhibta u qofkaasi soo waday, maanta haddaan halkan ku soo bandhigno inta dhaliil ay warbaahinta Khaatumo leedahay waxaan u malaynayaa in aynaan ka geyoonayn, waxaanse filayaa in aad kawada dharagsan tihiin.
Saxaafadda iyo warbaahintu bulshooyinka horumaray waa awooda afraad, saaxiib joogta ahna malaha ee dhibaatadu halkay ka jirto ayey dhaliilaan, waana tooshka had iyo jeer Tuugga lagu ifiyo marka uu doono in uu gacan tugaaleeyo danta guud ee bulshada, haddiise ay saxaafaddu noqoto (Siidhi) ama Hoon iyo Durbaan hadba qofkii dan lihi adeegsado miisaankii iyo qiimihii ay lahayd way lumaysaa.
Waxaad arkaysaa saxaafadda iyo warbaahinta gaar ahaan u badan tan Internetka ee had iyo jeer ku hadasha afka Khaatumo ama Dhulbahante oo halkii laga rabay in ay khatarta ka digaan , oo ah in bulshada Khaatumo dhabta iyo xaqiiqada loo sheego, oo runta ka majara habaabinaya oo soo qoraya ama soo bandhigaya muuqaalo aan ummadda dal iyo dibad midna qancinayn , kuna mashquulay mucjisooyin iyo video islaan turun turootay oo duushay, iyo nin Libaax cunay, oo ah sheekooyinkii ayeeyooyinkeen inooga sheekayn jireen, xaaladda dhabta ah ee deegaanka jirtana laga jeesto, lana soo bandhigo had iyo jeer hebel oo hebel hadal ku dhirbaaxay, xataa asluubta Eray bixinta ayaa mid aan laga fiirsan marmarka qaarkood.
Dhibta haysta warbaahinta Khaatumo ayaa ah mid aanay la qabin warbaahinta kale ee deegaanada kale oo Soomaalida , waxaa loobaahnaa in ay laba arimood isku wadaan iyaga oo dalka difaacaya oo ay runtii ku mahadsan yihiin in ay haddana dhaliilaha toosinta ah ee ka jira deegaanka Khaatumo soo bandhigaan, si aan laysu dhigan, dadkuna ugu qaadan in waxwaliba sidii loogu talagalay u socdaan, had iyo jeerna ay ka dheeraadaan buunbuuninta aan dheef soo kordhinayn in ay dadka hoosaasiso moojaane, waxaadna moodaa in uu ka dhaxeeyo warbaahinta Dhulbahante iyo dadka qaarkood guur aan markhaatiyo lahayn, oo ay jacayl gaar ah u qabaan mas’uul gaar ah, hadhowna ay ka shaleeyaan oo ay dhacday.
Waxaan kula talin lahaa warbaahinta Khaatumo gaar ahaan webebka horufadhi uu ka mid yahay iyo kuwa kale ee la fikirka ahi in ay sidan waxka badelaan oo ay ummaddooda sida wax u jiraan ee aanay hoosaasintu ku jirin ugu soo bandhigaan, iyaga oo aan waxkastana banaanka keenayn haddana ay dadkooda waddada saxda ah u iftiimiyaan, inaga oo og in maanta adduunku noqday hal Tuulo oo isgaadhsiinta casriga ahi goob walba gaadhay, Khiyaali kasta oo la sheegana aanu shacabku rumaysanayn.

 

Jaamac Cusmaan Cali.

Short URL: http://horufadhi.com/?p=32514

Posted by on May 25 2013. Filed under Fikradaha, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

35 Comments for “Warbaahinta Khaatumo Oo Khayaali Ku Maaweelisa Shacabka Dhulbahante.”

  1. suuban
    weligay suuban naag magaceeda loogu yeero waxaan arkay qof qudha waxuuna ahaa suuban siyaad bare .iyaduna raga geesiyada ah ma caayi jirin ee way macsuumi jirtay ee bal horta isku kay sheeg adigu kkkk

  2. Saxaafad maaha maaha afsoomaali !
    afka ha kufsanina idinkoon eray bixintiisa garanayn.
    Warbaahin,wargeysyo,mareeg
    afka qalaad media or website.

  3. Ok. Horufadhi immika waxay buunbunisaa Mudane Cali Khaliif Galaydh waanu u qalmaa oo waa oday wax bartay oo khibrad iyo aqoon leh. Balse waxay is ilowsiiyaan inuu ka mid ahaa Waalidiintii asaasay lasoo noqoshada xorriyada Somaliland. Burco iyo Boramaba hormuud buu ka ahaa.

    Haddii dalkiisii uu u dhashay oo soo dhaliyey uu kusso noqdo oo Madaxweyne shacabka Soomaliland u doortaan tolow magacee cay ah baad u bixin doontaan?

    Car maleeya. “Cali Khaliiflaawe” mise “Cali Beysteen” mise tolow “caado qaate Cali” Mise “cadow keen cali”

    Waa muhiim inaad magaca cayda sii diyaarisaan ileen Cali inshallah wuu soo noqon oo dalkiisa hooyo wax ka dhisiyi ileen wuu ogyoo Xamar nimaan dameer lahayn oo dacas shaag ah sidani wax ka heli maayee.

  4. Warbaahinta kastuumo waa dadaalaysaa dhaliisha halaga daayo, anigu gaar ahaan horufadhi uunbaan akhristaayoo waa shebakad caalamiya hada waabay ka dalacday kastuumo oo waa shebakad somali oo dhan isugu timaado kana hadasha arimo kala gedisan. Horufadhi waa shebakad dhiirigelisa aragtida akhristayaasha waa number one xagayga, waxaan siiyey shahaado sharaf ah “the most updated somali website” walaahi inaanam buunbuuninayn laakiin waa my favourite . Thank u guys.

    Arinta aad leedahau qofbaa Inta la buunbuiniyo berri dhanka kale kasoo jeesanaya kkkkk taas dhulbahantoo dhanbaa ka siman oo bilaa qadiyada, rag qawlbaa xidha dumarna meher, dhulbahante weligood axdi iyo balan ay wada galeen ama cid la galeen may fulin yagoo dafirsan uunbaad arkaysaa oo ninba dantiisa ka raacday.

    Qadiyada kastuum dhulbahante ku dhisay, kama duwana tii somaliland dhulbahante wax ka dhisay, kama duwans tii puntland iyo kuwo kale oo kasii horeeyey, waxaanba odhsn karaa wax dhulbahante ku heshiiyo abid kastuuma ugu meeqaam hoosaysa waa waxaan suuragelayn sinnaba in kastuumo noqonkarto state federalka ka tirsan, sidoo kale jamhuuriyada somaliland ma asmacayso bla bla, dhulka iyo dadka dhulbahanteba waa somaliland waanan difaacaynaa intii karaakayaga ah.

  5. somalilander

    Sema pole pole, kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  6. s/land
    webkan fikir baa lagu dhiibtaa uma baahna af qashuush nolasha ka dhacay oo ilaa 1981 jabhadayn iyo qaad ay siqo ka dhigeen oo maskaxda nabaad guuriyeen mar dambe ha ii soo qorin ku koobnoow waalida iyo qosol gariir kaad halkan ku faygarto cut the crab and stop stalking people

  7. NINA …..

    inbt horta ma lebeeb bad tahay .. walaahi waxan down load gareyay erayga NINA halkaad ka kentay .. markasto oon google kareeyo waxa isoo baxasaa SHEMALE amba dumarka guska leh ee nasaahana leh .. axdiga ilahaay .. hadad bentay moodaysana waa kane bal google garee oo dheh WWW. NINA SHEMALES ..ca

  8. saxaafada degaanada khaatumo waa horseedka halganka reer khaatumo halkaa ka haya noooolaada ku dadaala si aad xamaasada u badisaan nin xamaasadaysani guulsha badhkeed buu haystaa waa xarb nafsiga ka ugu muhiimsan ku dadaala taa jiroo joogaindhihii umadaad tihiin

  9. warbaahinta khaatumo waxaa shacabka khaatumo uga fadhiyaa wacyi gelinta iyo xamaasada shacabka khaatumo arintaas oo laga sugayo inay si joogto ah u baahiyaan mar haday sheegteen inay yihiin kuwo magaca degaanka ku nisbaysan anigoo kuli warbaahinta khaatumo u haya ixtiraam iyo taageero wayn waxaan aad ula dhacsanahay sida mareegta allcayn.com ay xamaasad joogto ah iyo baraarujin ugu dhawaaqdo shacabwaynaha degaanada khaatumo

    khaatumo woman iyo xassan waa idinku raacsanahay fikirkiina arinta mooshinkase waa arin siyaasadaysan oo saacid waa diiday in uu xildhibaanada daarood wax ka maqlo haba yaraatee markii hore sidaa darteed waa u baahnaa in dhegta la qandhuufto oo dee hadaynu aamusno waa layna ilaawayaa siyaasadu aggressive inaad noqotay kaa rabtaa sidaad steak gaaga u heshid hadaynu xishood iyo daacad uun ku jirno waa laynaga tagayaa saacid maanta ayuu dhulbahante xisaab u samaynayaa oo uu maqlayaa waa dabeecad biniaadam in ninka ku dhiba aad maqasho hadalkiisa

  10. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  11. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  12. Alla RUUN way riyootey Naayaa Ruun ma waxaasaad ku riyootay,Naayaa Ruun Runtii anigu kuu jawaabi maayo Sababtoo ah Ruun baad tahay, Runtii wakhtigan lagu jiro waa Aakhira samaan. Meesha Haweenku Shaadh iyo Sirwaal intey soo gashadaan ay oronayaan anagaa tilineyna ama arintu waa sidaas ee sida ragu sheegay maha waa mid Subxaan allaah.
    waxaan kula talinayaa Dumarka Soomaaliyeed inay Diinta bartaan, Xukunka ama Shareecada islaamkana inayan derderin oo ay Xadkooda ku ekaadaan.

    waa billaahi towfiiq

  13. Dhalinta ka hadla dood madhaleeska ashadul khisaam

    Walaalayaal liibaanteena aduunyo iyo mideena aakhiro waxay ku jirtaa amarka illaahay kuna qaadnow calaa dariiqati rasuulilaah (scw) taasina waxay inooga baahantahay dadaal dheeraada qabri iyo qiyaama inaga danbeeya Naarta waxa ugu badan ee lagu galaa waa afka iyo xubinka taranka war ilaahay kabaqdoo jaahilnimadan iskadaaya aduuna kahelimaysaan sharaf aakhirona daaba manaafaqada iskadaaya oo naftiina naar kabad baadiya qabiil walaanu waxba kuu tarin ee kataxadara

    Waanadana qaata salaadana ooga laqwiga iyo hadalka xun iskadaaya

  14. ruun

    inaabti anigu wanaag baan idinla doonayaa iyo inaa khilaafka yaraysaan , Somaliland waa dalkiinii cid idinka xigtaa ma jirto , cidna u dabo fadhiisan maysaan ee aynu heshiino , oo aynu dadkeena wax tarno , dalkeenana hagaajisano oo wax ka qabsano , haddii khalad jiro ka hadla oo sidaa yeeli mayno dhaha , laakiin dagaal iyo colaad in 2013 waa waali……ma waxaa ka liidataan gedebuursi oo 1 dollar kii soo gala somaliland yidhaahda 50 cent ha nala siiyo , annagaa kan samaynay annagaa nabada somaliland ku yagleelay boorame , maantana awdal waa dhulka soomaali degto halka ugu quruxda badan ee ugu horuumarsan dhinac walba , waa raganimo , hadhaw haddii laysla garto somaliwayna dhinacooday ka raacayaan iyagoo cilmi iyo xadaarad leh………maashaa alaah

    maxaa idiin diiday sidaa , inaabti annagaa tidhaahdaan cuqdad bay qabaan , laakiin runtii cuqdadu idinkay idin dilootay

    anyway i love you too

  15. dooro liqe

    cali khaliif waa profaysar waalan waayo waxuu kharibay sumacadii iyo karaamadii ay garaadadu lahaayeen waana u dhamaatay wayna dhimatay sharaftii garaadadu lahaayeen waxaa la aasay oo caawiyey cali cabdi ciise laakiin ilaa maanta waxaa la sugayaa halkii lagu aasi lahaa waana sadex magaalo midkood
    1)buuhoodle
    2)kismaayo
    3)muqdisho
    waxaana ilaah kabaryayaa inayna noqon buuhoodle ee ay noqoto kismaayo ama xamar kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    dooro liqe heestu waa hees macaan ………kkkkkk

  16. HEY, LADIES AND GENTLEMEN PLZ PAY SPECAIL ATTENTION FOR THIS SONG !!!!!!!!………….. HEES CUSUB 2013……..SAFIYA………..COKA ALI NAJIIB ///

    http://www.youtube.com/watch?v=acrLTzFAo0k&feature=player_detailpage

  17. Mire
    adigaa talo u baahan ma istiri ,dhulbahante arimahiisa u gaarka ah markeey ka hadlayaan maxaa ku soo dhax galiyey , xikmatii baa kaa guurtay oday yahow waalan naso maskaxdaa ka daashaye.

  18. Geesiga -fulayga

    Reer khatumo cidna waji kama rabaan soomaali oo dhan weey caaynaayaan ayago awood laheeyn maxaad ka qaadi gartaan , iidoor waa masakiin cabsaneeysa markeey hargeysa gees u soo dhaafaan hawiye isku dhiibaan irir baanu nahay iyo inan baad naga qabtaan magan baatihiin somaliya waxaad uga carareeysaan bal cid soomaali ah ma adingaa wax ka sheegi gara waad cabsaneeysaan,

  19. geesiga

    inaadeer , DO YOU KNOW WHY?
    waa saddexda madaxwayne ( why 3 ) bal sadexdaa meel wada fadhiisi oo dood u fur inay is af gartaan – 5 minutes later bilaydhada iyo coobabkay isku sheedayaan- kkkkkkkkkkkkkkkk

    iyo cali khaliif oo kolba halka uu isyidhaado dan baa kuugu jirta u boodaya ….

    waar reerku taluu u baahanyahay ee haloo gurmado

  20. Ka la baxay geeesi waxaan u malaynayaa nigiskaaga ayaa qadhmuun oo adaa xaga nadaafada dhib kaa haysataa.marka daraaawiishtu waa laandheere ilaahay baa badiyay tolkood daarood meelkastana waa kaa xigaan eee adeerow ma aamustaan yaan sidii adhiga xero la idinku xerayne.

  21. hargaisawi

    waan kugu raacsanahay fikirkaa , waarbaahinta kaastumo ( haddii loogu yeedhi karo war baahin ) waa wada dhaliil oo meel laga ammaano ma laha , oo intan uu qoraagu sheegay baa ku filan , LAAKIIN taa waxa ka daran reer kaastumo laftooda oo wax walba oo loo sheego toos u qaadanaya , anigu shakhsi ahaan haddii aan ku arko war aan macquul ahyn ( tusaale oodwaynenews.com ) commentsga waxaan ku qoraa – ADEER TAA CIDI KAA QAADAN MAYSEE SHEEKO KALE KEEN , MEESHA MA CRRUUR BAAD KU ARAGTAA -
    akhristayaal kale oo badanina sidaa si le’eg , waa in runta laysu sheegaa………reer kaastumo taasi way ka maqantahay even kooda beenta diida ee yidhaahda waar tani macquul maaha , kuwa kalaa afka kaga boodaya oo odhanya hebel waa iidoor is qarinya……..markaasuu noqonayaa khaa’inul wadan kkkkkkkkkkkkkkk

    markaa sxbyaal bal marka hore idinku isa saxa warbaahintu haydiin danbaysee

    bal sidaan idiinla shaqaynayo eega , reer kaastumo bilaa abaal…….kkkkkkkk

  22. qurbo joogta reer khaatumo waa isa seegeen soomaali oo dhan iyo dhilbahantahii ku noolaa wadanka gudahiisaba .

    1)markii hore waxay ka soo hor jeedeen soomaaliland oo keliya.
    2) markii dambena waxay raaciyeen puntland
    3) waayadii dambena waxay ku jireen isku dirka gal-mudug iyo xubin iyo xeeb
    4) maantana waxa ka soo hor jeesteeen muqdisho iyo madaxwaynahii soomaaliya oo kismaayo oo 1500 km u jirta ayay ka abuureen qabiil iyo daarood baa kismaayo leh oo kastuumo ayaa nigiskeeda ku dhaqata wabiga juba .oo markaasay xulufo la noqdeen faroole,oo ay maalin walba
    a)madaxweenaha
    b)raysulwasaaraha
    c)iyo wasiirka arimaha debeda
    ay ku caayaan wergaysyadooda sida horfadhi .com oo ay ka dhigeen nigiskii ay xidhnaayeen inay ku wasakheeyaan soomaali oo dhan oo qabiil kastaa ku jiro oo xitaa markuu ugu dambaysay ay wajiga kala dhaceen kastuumaduu qadhmuunayd
    d) gudoomiyaha baarlamaanka iyo qabiilkiisa
    ugu dambeen waxaan u digayaa
    e)wasiirka arimaha dibada ee dawlada kiinya oo maalmahan sanka laga marmarinayo kasuumo qadhmuun .waxaad ogaataan inay ku dhalatay isyaloow oo ah magaalo qabiilkasta oo soomaaliyeed dego waana naag aad iyo aad adaab iyo waxgaradba ah oo aan soomaali kala jeclayn ee kala fadhiista nigiskan qadhmuun ee aad cid walba la daba ordaysaan kkk

    • geesi ku sheeg

      qadhmuun nijaas ah oo meel uu ka soo jeedo aan la garanayn adigaa ah.
      wacal sidiis baad u hadashaa.

      waa yaa ku xaaray horta?.

      nijaas nijaas dhalay.

      dhiiqada aad dhex dabaalanayso baad la misaal tahay.
      Khaatumo iyo qurba-joogteeda waa la yaqaan, waana dad kalsooni isku qaba.
      bal meel yeelo horta oo is sheeg waxaad tahay.
      Khaatumo waa waaraysaa. ninka neceb bay wedkiisii tahay.
      CADAWGU WAA CADAAB GALE

  23. Micnaha khayaali ku maa weeylisa mafahmin maxaa ka wadaan?, khayaaliga aad dadka ku maa weeylineeysaana maad joojisaan waadba sheekeysaan

  24. Wax badan bay saxaafada Khaatumo qabtay, dhaliilna waa leedahay. Waxaan hubaa dagaalladii soo maray geyiga haddii aanay saxaafaddu ka warbixin lahayn inaan guulaha laga gaadhay wax badani ka dhinaan lahaayeen. waxaan kaloo hubaa isku xidhka ka muuqda jaaliyaddaha dibadda inay buddhige u tahay saxaafaddu. Dhaliiluhu waa muuqdaan oo waxaa kow ka ah sida qoraagu sheegay nin buunbuuninta iyo amaanta oo lagu degdego laguna xeel dheeraado. Bal ka warama Xasan Culuso sidii loo wad waday iyo meesha uu ka fadal kiciyey. Dhaliisha saxaafada hala saxo credit ka ay leedahayna waa muuqdaa ee halla sii dhiiri geliyo

  25. Ninka waxan soo qoray waa runtiisa waana iiga qor haku marara roobaane. Laakiin qabiil saxaafad ugaara inuu samaystaa waa qalad waa in inta Afsomaliga ku hadasho loo sameeyaa. Beeshu haday isu baahato siyaabo kale ayay kuwada Xidhiidhi kartaa.
    Kan wax soo qoray reer kii gacantiisa ayuu ku toogtay waana caadadood xabadaa kusoo noqonisa inay ridaan.
    Ciidamada Ethiopia oo lasoo dhoobayo xadka Somaliland iyo Ethiopia ee dhinaca buuhoodle.
    Liiga Kastuumo. Alow umuuraha sahal.

    • Aftaag
      websadyada afka soomaaliga lagu qoro oo idil beel baa leh maxaa kan kaliya ku tusay ,intee ka socdaa adiga somaliland iyo khatumo midna ma tihid ma dhax yaal baatahay .

      • Waarun lakin sida Indio la aanta ah waxaydoonaan uuma duuliyaan. Bal noosheeg caqliga kusiinaya in dagaal 15 minutes socday lagu qabsaday maxaabiis aad utiro badan tikniko badana aad ku qabsateen qaarna gubteen oo aad ciidankii halkaa fadhiyay aad 30km dib uriixdeen. Waxa aan kahadlaynaa waa taas oo kale markaasaad guul soo qortaan idinka oo og runta.
        Waar reerkii waa labahdilay.

  26. Waxaan rabaa inaan xoojiyo fikirka gabadha la baxday khaatumo woman ee aragtideedu fogtahay, walaalyaal waa sax waxa jubbaland ka soconayaa waxaa toos u hurinya majeerteen iyo faroole,majeerteena jacayl uu qabo daarood darteed axmed madoobe uma taageerin ee waa laba arrimood mida koowaad waa sad bursi uu u rabo ciise maxamuudka kismaayo degan mida labaadna waa xumayn mareexaan.Marka waxaad moodaa reer khaatumo saxaafad, siyaasi iyo bulshaba in qaar badan oo ka mid ah ay si ka fiirsi aan lahayn u taageereen jubbaland iyo axmed madoobe taas oo macnaheedu yahay inaynu labo beelood oo daarood u kala hiilinay waa mareexaan iyo ogaadeen.Sidaa daraadeed reer khaatumow taxadir ayaa loo baahan yahay, shabaq u faroole dhigay inagu yaynaan hor boodin.
    Mareexaan durba waxuu reer khaatumo ka tirsanayaa godob taas oo ah eex kow mudaharaadkii buuhoodle ee axmed madoobe lagu taageeray, labo mooshinkii cali khaliiff ee saacid lagu ridayay, ogowna oo faroole mooshin isna ragga hoosta ka hurinayay ayuu ahaa.marka maynaan cadow kalkaal u ekaanin.reer khaatumow taxadara.

  27. ninkani run buu sheegay lakiin kustuumo waligeed ma daahirayaan.
    waxay ka jecelaan lahaayeenhaduu usoo qori lahaa guutada guurbahalaysa ayaa afarta koone ka fadhiya laascanood dagaal kama danbaysa ayaa lagu qaadayaa duluca habrha waa inay soo faaruqiyaan dagaalkani waa kii ugu baaxada waynaa laguna xorayn lahaa
    waana mid biyo kama dhibcaan ah . ha la diyaar garoobo. haduu intaa usoo qori lahaa walaahay iyagoo garanaya inay beentay ayay hadana maryaa dhigan lahaayeen

    dad khayaali loogu sheekeeyo oon garanayn ama fahamayn waan soo arkay
    kuwan reer kastuumo waxay dheeryiin dadka iyagoo og waxan loo soo malmaluuqay inay beentahay ayay hadana u sacabinayaan kuuuguna faanayaan waar waa madhax kuwani yaan lagu daalin.

  28. iidor liqe
    xorayntii laascaanood khiyaaliga laga sheekaynayo ayay ka mid tahay xaqiiqduna inaad somaliland ka mid tihiin weeye ama mucaarid ku ahaada ama muxaafid u ahaada ninka faalada qorayna waa mahadsanyahay laakiin wuxuu yidhi ninkii jirey shifo iyo lagala soo quusey, dhulbahante run lagala quusey beenina ku soo oodantay.

  29. shabakadaha khaatumo ayantan juboland o khaatumo cadow ku ah o pintiland 2 ah bey bunbuniyan waa ayandaro dhab ah waayo xita isma weydinayan suxufiyinta khaatumo maxey ku dhacdey madaxdena o tagertey iyo madaxweyne indhasheel inan axmed madobe iyo kismanyo aan loga mahad celin ,waayo maraban iney ku mujiyan khaatumo nah kugu yedhan waayo majeerten ama pintiland bey isku ogyihin in reer khaatumo aney aheyn khaatumo eh ay yihin pintiland marka plz plz plz joojiya dulinta juboland iyo madaxweynaha federalka caydisa meel kasta maha ineynu cadow ka dhigano kuwo aan jiritenkeda rabina tageerno ,is weydiya shabakadaha ogaadeen iyo majeerten inaga gobaladena khaatumo waxmaka so qoran waa maya makra jojiya siyasada kismanyo ka jirta majerten ba hor bodaya marka khaatumo ma ay ogola ogadeen iyo majeerten fahma intaas

  30. War xoreyentii laascanood meeday . Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk.

    Viva dalkeena jamuuriyada Somaliland .

Leave a Reply

Recently Commented

  • waayo arag: Qorog Sharad waxaan kugu la dhigan dhulos ka. Hargaysa burco berbera wax ku leh iyo dhulos ka Bossaso...
  • Sadex adinle: Adeblaawe Gaas qiyaamihiini buu ka shaqaynayaa aliw nimaan war hayn ha cadaabin yaa yiraahda intaan...
  • Layla: GOB LICIIFTa WA LA ARKI JIRAY GUNISE WAA LIID.. UN CILMI CARAB MARKUU SIDAA LAHAA SIDANIMA BA...
  • xamdi: taaleex-net waxa qora dhuulbahnteba maha waa dad tuga o magaca naga xaday ee lasocda
  • duurgal.com: idoorkii way waasheen adeer ali khaliif waa nin iskala weyn jamhad qaadwalayaala inuu wax moodo !...