|

Yaa Iska Leh Dhaliisha Khaatumo???????? Maqaal Xiisa Badan (Akhriso)

Wariye Abdirahman Wadani   Maamul goboleedka Khaatumo waxa uu kamid yahay maamulada haatan ka jira gudaha dalka Soomaaliya waxaana sida aynu wada ogsoonahay maamulkani lagu soo aasaasay amaba lagu soo dhisay shir weynihii ka dhacay degmada Taleex bilowgii sanadkii 2012 ee Khaatumo 2, kaas oo ay iskugu yimaadeen dhamaan isimada iyo waxgaradka kasoo jeeda deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn, aqoon yahano, siyaasiyiin, qurba joog, haween, ururada bulshada, dhalinyaro iyo marti sharaf kale oo aad u tira badan.

Shir weynahaasi Khaatumo 2 oo isagu in muddo ah uga socday degmada taariikhigaa ee Taleex bulshada ku abtirsata deegaanada SSC falanqayn iyo gorfeynta arimo badan kadib waxay isla qaateen dhamaan ergooyinkii kasoo qayb galay shirkaasi oo tira ahaan gaadhayey ilaa 700 oo ergo iskagana kala yimi gudaha dalka iyo debadiisa maamul goboleed magiciisa la yidhaahdo Khaatumo kaas oo lagu dhawaaqay taariikhdu markii ay ahayd 12 bishii Jan ee sanadkii 2012.

Maamulka Khaatumo oo xiligaasi lagaga dhawaaqay degmada Taleex waxaa loo doortay saddex madaxweyne kuwaas oo xilka madaxtinimo ee maamulkaasi uu mid kasta hayn doono 6 bilood oo meerto ah, waxaana madaxweynahayaasha goobtaasi shir weynuhu ka dhacay oo ah barde Khaatumo lagu magacaabay kamid ahaa madaxweyne Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) madaxweyne Maxamed Yuusuf Jaamac (Indha sheel) oo iyagu haatan labadaasi madaxweyne kamid ah gollaha madax tooyada Khaatumo iyo madaxweyne C/nuur Cilmi Qaaje (Biindhe) oo isagu xiligani haya xilka madaxweyne ee maamulka Khaatumo.

Waxaa sidoo kale shir weynahaasi Khaatumo 2 ee lagu soo dhisay maamul goboleedka Khaatumo lagu soo magacaabay 6 wasaaradood oo uu ka koobnaan yahay maamulka Khaatumo, 6-daas wasaaradoodna waxaa wasiiro iyo hogaamiyaal inta badan looga dhigay dad ka yimi dalka debadiisa amaba qurba joog ah kuwaas oo xiligaas aan wax badan ka fahan sanayn siyaasada iyo mar xalada ay ku sugnaayeen wakhtigaasi deegaanada SSC oo loolan siyaasadeed oo dheer ay ugu jiraan maamulada Puntland iyo Somaliland oo midba geestiisa ka sheegto maamulisa iyo ka ariminta deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Dhaarin iyo balan axdi ah oo ay galeen mas’uuliyiinta xilalkaasi loo dhiibay kadib waxaa ay dhamaantood wasaarad kasta soo dhistay sidii caadiyan ahayd xubnaha shaqalaheeda ah ee ka hawl geli doona, waxaana lasoo magacaabay agaasimayaal, gudoomiyeyaal, maayero iyo hawl wadeeno kale laguna soo xushay hab qabiili ah oo saami beeleed ah.

Mabaadiida Loo Dhisay Khaatumo Maxay Tahay?

Hadii aan wax ka iftiimiyo mabaadiida loo soo dhisay maamulka Khaatumo waxaa kow ka ah kuwan soo socda oo aan is leeyahay waa kuwo muhiim ah oo inta badan madaxda Khaatumo ay ku taag-taagsadaan balse aysan waxba ka qaban ilaa hada:——

1- Dib u soo celinta iyo hanashada deegaanada ka tirsan goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn ee maamulka Somaliland uu ka taliyo xiligani.

2- Mideynta talada shacab weynaha ku abtirsada deegaanada SSC taas oo looga dan lahaa in talada shacabka SSC ay hal meel ah ka go’ do.

3- Ka dhiidhiyida ama ka damqashada kala go’a dalka Soomaaliya iyo mideynta shacabka Soomaaliyeed.

4- In dadka ku abtirsada deegaanada SSC ay helaan maamul u gooni ah kana taliya maslaxada danahooda ayna wax walba ku qabsadaan si ay horumar u gaadhaan.

5- Dibu dhiska deegaanada SSC iyo sidii loo horumin lahaa waayo 22-kii sano ee ugu dambeeyey deegaanada SSC waa kuwo ay ka madhnaayeen adeegyada aasaasiga ah mana jirto wax cisbitaal ah oo ku yaala Buuhoodle, Laascaanood iyo deegaanada kale oo si toos ah u shaqeeya oo adeeg dhamaystiran laga helayo xiligani taasna waa sababta keentay in adeegyada aasaasiga ah dib dhac baahsan kaga yimaado dhinaca deegaanada SSC.

Qodobadaas iyo kuwa kale ayaa bud dhiga iyo aasaas u ahaa maamulka Khaatumo State balse su’aasha meesha taal ayaa waxay tahay Yaa Iska Leh Dhaliisha Khaatumo????????

Khaatumo waxa ay haatan madaxa la gashay xili la oran karo waa jaaniskii ugu wacnaa ee abid soo mara maamulada ka jira gudaha dalka Soomaaliya, waxaana ay jirtaa xiligani sanad iyo afar bilood.   Xiligan jaaniska soo maray Khaatumo ayaa waxa uu yahay oo kaliya rabitaanka shacabka SSC oo inta badan raacsan waxaase jira sida ay dadka ku xeel dheer siyaasadu ogsoon yihiin loolan ka dhex aloosan maamulkani ugubka ah ee Khaatumo kaas oo u dhaxeeya wasaaradaha kala duwan ee Khaatumo, waxaa xilyada qaar dhacda in mas’uuliyiinta wasaaradaha qaarkood ay iskaga dhex yaacaan hawlaha hor yaal oo wasaarad kale hawsheeda mid kale ay qabato sida dhacday xiliyada qaarkood.

Khaatumo waxaa xiligani laga taageersan yahay deegaanada SSC oo dhan waxaa jira dad iyada darteed guryahoodii uga soo cararay oo u ban baxay haday yihiin askar, shacab, wariyaal iyo bulsho kaleba, arintaasna wax fiiro gaar ah oo uu maamulka Khaatumo u leeyahay ma jiro.

Tusaale:- Inta badan waxaa ka dhacda magaalada Laascaanood dhibaatooyin lagula kaco wariyaasha, hooyooyinka iyo bulshada rayidka ah ee taageerta Khaatumo iyo madaxda dowladda Soomaaliya, Khaatumo arintaas cambaareyn mooyee wax kale kama qabato.

Deegaanada sida weyn looga baahnahay lagana taageersan yahay Khaatumo waxaa kamid ah magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn, balse nasiib daro maamulkeeda iyo soo dhisida gollaheeda deegaan oo kaliya ayaa ay ka adkaan wayday.

Madaxda Khaatumo oo inta badan iyagu mas’uuliyadu saaran tahay waa kuwo aan sida laga rabay aan uga soo bixin taas oo ah in aysan ka shaqayn horumarinta deegaanada haatan u dab qaba sida Buuhoodle, Boocame, Taleex, Widh Widh iyo kuwa kale ee ka tirsan goboladda SSC.

Cashuurtii Khaatumo Ee Laga Qaaday Shacabka Maxaa Lagu Qabatay?????

Waxaa guud ahaanba maamulka Khaatumo ka bilaabay deegaanada ka tirsan goboladda SSC cashuuraha maxaliga ah ee barriga, waxaana cashuurahani laga uruuriyey deegaano badan oo hormuud ay tahay magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn iyo kuwa kale oo badan.

Dareenka shacab weynaha ku dhaqan deegaanadaasi cashuurta laga qaaday waxa uu ahaa xiligaasi mid aad u sareeya kuna qanacsan waxa xiligaasi la weydiinayey ee dhanka lacagaha ah maadaama muddo dheer oo sanado ah guud ahaan deegaanada SSC aan laga qaadin dadka ku dhaqan wax cashuur ah, waxaana dadku ay aamin sanaayeen xiligaasi in cashuurta laga qaadayo wax loogu qaban doono balse taasi ma aysan dhicin waxaana lacagahaasi oo gaadhayey ilaa Kumanaan oo Doollar la garan waayey ilaa xiligani halka ay galeen.

Mas’uuliyiinta loo soo magacaabay jagooyinka dowladdaha hoose sida maayarka dowladda hoose ee degamada Buuhoodle C/casiis Ducaale Qambi ayaan la garanayn ilaa hada waxa u qabsoomay iyo waxa uu qabtay waxaana sidaas uu ku gabay kaalintii maayar ahaan, sidoo kalena waxay taasi astaan u tahay kala daadsanaanta ka dhex jira iyo caajiska laga dareemayo madaxda Khaatumo xilal kasta oo ay hayaan marka laga reebo wasaaradaha arimaha gudaha iyo amniga oo ay hogaanka u hayaan wasiiro ka dhex muuqday mas’uuliyiinta Khaatumo intooda kale.

Dhinaca gollaha madaxtooyada Khaatumo iyo gollaha sare ee dhaqan Khaatumo ayaa inta badan iyagu loo aanaynayaa dibu dhac kasta oo Khaatumo xageeda ka yimaada, waayo maah maah Soomaaliyeed ayaa waxay ahayd ” Meel wax ka qabasho u baahan yahay hadal waxba kama taro” calaashaan inta badan labadan golle waa kuwo aan hadal mooyee wax qabad la imaan Tusaale:- Wax baa dhacay Somaliland ama Puntland baa samaysay shir jaraa’id bay Taleex ku qabanayaan waxaana ay leeyihiin waan cambaareynaynaa falkaas”.

Talo Soo Jeedin:-

Mas’uuliyiinta xilalka kala duwan loo doortay ee Khaatumo waxaan kula talinayaa anigoo ka faa’iidaysanaya jaaniskani in ay ka wax badan ka badalaan hawlahooda shaqo dadaal dheeri ahna ay la yimaadaan sida guul waarta ay u gaadhaan shacabka reer SSC, waxaana idin leenahay madaxey “Nin xil qaaday eed qaad” baa la yidhiye iska dhowra waxa idin liidaya.

Guntii iyo Gunaanadkii:–

Waxaan maqaalkani kaga soo hadlay waxyaabo badan oo xaqiiqiyan ah kana jira xiligani deegaanada Khaatumo waxaana filayaa in maqaalkani uu wax badan indhaha u furi doono madax badan isla markaasna ay dadaal badan u geli doonaan gudashada xilkooda guul waartana ay gaadhi doonaan shacabka reer SSC.

W/ Qoray Wariye Abdirahman Wadani

Email axmedyare1001@gmail.com

Tell free call:- 0013203582772

Short URL: http://horufadhi.com/?p=32628

Posted by on May 26 2013. Filed under Fikradaha, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

10 Comments for “Yaa Iska Leh Dhaliisha Khaatumo???????? Maqaal Xiisa Badan (Akhriso)”

  1. Bismillah.

    In my oipinion
    Waa qoraal fiican oo ah Baraarujin iyo wax isusheeg Awarness.
    Waxan aaminsanahay dadweynaha reer Khatumo state gudaha iyo dibadaba
    way dareensan yihin baahida loo qabo maamul ay leeyihin dadka
    dega deegaanada Sool,Sanaag koonfured iyo Cayn SSC.
    Balse waxad moodaa inay jirto habacsanan dhinaca fulinta hawlaha
    tusaale ahaan waxaa jira Wasiiro aan sidii loo amgacaabay weli cag soodhigin
    Deegaankii loo igmaday iyo shaqadii laga sugayey !
    Waxaa bogaadin mudan Taliyayasha iyo ciidamada Khatumo
    iyo inta gudata waajibkooda maamul iyo deegaan.
    Xoriyada la isma siiyo waxay u baahan tahay Halgan iyo Dulqaad.

    Wabilahi towfiiq.

  2. JAWAAN WIIL GARXAJIS

    Waad salaaman tahay marka hore,,dabadeed waxaan kuu sheegayaa walaal markaad leedahay islaamaha Khaatumo meel ay ku dhalaan baan u samaynayaa,yaa kuu wakiishay adigoo garxajis ah inaad islaamaha khaatumo masuul ka noqoto,iyo caruurtaad leedahay iskuulaan u samaynayaa,waxaa wax lagu qoslo ah idoor caqli xumaantiisa marba taatiko hadal baa jirta ay isticmaalaan marka kii hore u shaqayn waayo,hada sheekada ceelasha iyo iskuulada waa mid laga gudbey ooy waxba ku waayeen,kan yari waa badow.War anagay noo taal meeshay noogu umulayaan dumarka Khaatumo taada u qabo wax gaaladu hargeysa cajalada kaga duubayaan adna aad sii gelbinaysid gaalkii
    inangumeedyaad wada tihiin iyo gaala raacyo.aana wax kuu sheegee taatikada cusub ee idoor maanta isticmaalaa waa Soomaaliya waa shan NFD,Kililka,Jabuuti,Somaliya;iyo deeeeeeeeeee S-land,marka kuwii hore la soo celiyo ayay s-landna deeeeeeeee soo noqonaysaa.kkkkkk
    Guul Khaatumo state 4 ever

  3. Waxaan la yaabay idoorkan maxay ka soo doonaan warsidayaasha Khaatumo hadana caacda la hayaan,waxaan leeyahay war hadaad wanaag iyo barwaaqo ku haysataan SNM dee ku haysta oo anaga taayada anagaa u tashanee faraha kala baxa,wax kastaanu ku qabno it is KHaatumo,anaa samaystay taada xun ee caabuqsana waan diidey markaa ku ekaw waxaaga taydana faraha hala soo gelin..Dagaala waa isugu imaanaynaa waana ku wada jiraa hadaba waxaan kala qaadnaan leenahay haduu soconayo 100 sanoo danbe.
    Guul Khaatumo Kheyr 4 ever,haloo samro maamulka walaalayaal Paris maalin qudha lama wada dhisin,yaana laydiin dhaliilin maamulkiina idinku saad ka dhigtaan buu noqonayaa idinkaana iska leh.

  4. ceegaag iminkaba gacantaaduu ku jiraa ee yaa kugu haysta?

  5. IYAA, dhaliili ma jidhee dhaka shaa jidha. Xoogaa yar noo kaadiya, iyaa. Jac baannu maagga nahaye!

    Reer xamarkaa waxay dhahaan, geed dheer mirihiisana dhaadheer yihiin oo aad gaari weydo waa loo gabbadaa aslee soo go’aayo. Xikmaa ku jirta

    Marka LAASKA waa u gabba haynaa isaga uun baa noo soo gacan galaya kkkkkkk

  6. Dhulbahantow abiyaal wadkiina ku soo labtoo somalia ama kala go aday ama isla joogtee hada ma ka wadashaqayinaa cafimadka caruurteena iyo waxa barasahada caruurteena anigu waxaan raba marakay hooyo reer khatuma fooli qabato aayi hesho goob cafimaad markaa waa inaan taa ka wada shaqiyna reer khatumow dadka eeer somaliland waxan leeyhay guulisto israac isha alhaa darawiishdana salan gar abtiyaday

  7. Khatumo state
    wax dhaliil ah malahan waa maamul curdun ah oo cadowkiisa badanyahay rer khatumo rag iyo dumar waa ineey dhaxda u xirtaan sideey maamulka loo difaaci lahaa.

  8. Si loo dhiso maamul waxa loo baahan yahay dhawr shay

    - Inay jirto baahi marka horeba keentay in la samaysto oo aanay noqon laab la kac
    - Inay jirto dhul la yaqaan oo xuduud leh oo aad ka duulaysid
    - Inaad leedahay il dhaaale oo uu dakhligu kaa soo galo ( sida deked madaar iwm)
    intaa markaad hesho hadana waxa lagaaga baahan yahay

    - In maamulkaa aad samaynayso ay ku timi rabitaanka shacabka ee aan loo yeedhin
    - In dadka maamulkaa qabanaya ama madaxda u noqonayaa ay yihiin qaar aqoon u leh ama ay taageerayaan dad aqoon u leh oo weliba garab taagan ee aan telefoon ku hagayn
    Waxaas oo dhan marka la helo ayaa hadana shacabka laga rabaa in laysu tanaasulo oo aan wax la kala riixan hadaad maanta yeeli weydo in lagu maamulo adna beri wax maamuli maysid

    Waxaas oo dhan ma laha ama marka horeba lagama fekerin markii la samaynay maamulka ku dayo ee khaatumo, waxaan la yaabay markii aan arkay qoraaga oo leh mee mayarkii degmada buuhoodle ina ducaale qambi ? aan ku sheegee waxuu joogaa hargeysa oo wuu shaqo tegay kadib markii uu waayay waxuu afkiisa oo qudho u cuno wax uu dad wax ka taro ama mashaariiic ku fuliyo iska daayoo waxaa laga yaabaa inuu marka dambe noqdo ninka raashinkaa xagle toosiye maamulo gaadhsiin doona degmada uu tunka weyn yahay ee buuhoodle.

    Waxaan odhan lahaa Axmed ismaaciil samatar oo ah prof. jaamacadaha marayakan wax ka dhiga oo albaab kasta oo somaliland kasoo horjeeda garaacay ayaa aakhirkii yidhi tooba u noqon maayo oo hargeysa imanayaa.ku soonoqda wadankiina haddii kale debed wareegaa dayac haydinku helo.

  9. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    Miyay miir beel asqoobeen
    muraara dilaac ma quuseteen
    inana muxio kalgacal milan mashee farxadii magaabinay
    Doqmii murankiyo makeeki ahaa
    Cakuye musanawga mooday dantee
    Erayga mililkaa la meeri yiqiin
    Ee beenta malaasan miciisan yiqiin
    Dadkiina midoobe madax iyo mijoo
    Maangaabkii saluugay morugodoo

    Miyay miir beel asqoobeen
    Muraara dilaac ma quuseteen
    Inana muxio kalgacal milan mashee farxadii magaabinay

    manaxaan cadawgii la maaruqay
    mujaahid cartoon mil dhaabayn
    maar iyo madfac baa malaydiiliqoo
    yaa maalijiraa lamagansadayoo
    mawlaha rabibaa miciin la bidoo
    midigta ku xoraynay maandeeq

    Miyay miir beel asqoobeen
    Muraara dilaac ma quuseteen
    Inana muxio kalgacal milan mashee farxadii magaabinay

    malkada ddiadaha intii ku maqnaydd
    mawjado dad ahoo jacayl ku maraa
    miyirka socodkiyo mushaaxii bilaa
    muskiyo ciidan teedsan marinada
    cadawgi milicsaday maryaa tuur

    http://youtu.be/pKoVpur5R50

  10. Cali khaliif galaydh …..it’s not a rocket science

Leave a Reply

Recently Commented

  • xarbI: waar holhol taleex may ka sukayssaa mise way ka shishaysaa horta alla hakala badbaadiyo dadkiisa
  • SSC-Citizen From xudun: Iidoor waa naflacaari, marba meel haysku qaadaan sidii digaagad madaxii laga gooyey, hadalkan...
  • Galool: Ilaahay baa I dilaayee manta Siilaanyo ayaan ku kacsanahay waa nin aan dagaal waxba ka aqoon, waa raga...
  • mire: Edbiye and derbisamaroon Bal waydinkaa odaygii ka cadhaysiiyeye ka gurta………kkkk kkkkkkkkkk
  • naasir: kkkkkkkkkk waxaan aad ula yaabay ninka pugland u hadlaya waa nin madhan khalaas waa ceeboobay kk hartibaan...