|

Dhulbahantoow Mays Dhaliilaa,Oo Dib U Heshiisiin Maw Dhaqaaqnaa

Dhulbahante dhamaantii Wuu wada dhaliilanyahay Faraax Garaad, Maxamuud Garaad Bahanugaaleed, Garaado, Ugaasyo, Suldaano, Boqoro, Qurbajoog , Qolqol-joog, Wariye , Wadaad Iyo Waranle.

Waxaadna odhankartaa 120 sanno ee ugu danbeeyey mar kaliya Dhulbahante ma qaadan go, aan isaga dani ugu jiro , markasta waxaa loo qurxinayey in uu hawlo kale ku fooganaado, oo uu ku seegay dad, duunyo iyo dal maantana taladisii aanu u madax bannaanayn , dhulkiisiina 50%  aanay gacantiisa ku jirin , markastana waxa ay mas’uuliyadu saaran tahay qofka nool ee goob jooggaha ah, wuxuuna ubadkiisa u horseedaa mustaqbal wanaagsan ama mid xun, xilligii daraawiish raggii joogay kamay fakarin mustaqbalka ubadkooda ee markaa waxay ku xisaabtameen wixii horyaalay , raggii xilligii gumaysiga joogayna waxay ku sugnaayeen marxalad adag oo talo gacantooda kumay jirin, kuwii xilligii xoriyaduna waxay uba badnaayeen rag aan deegaanka iyo dalka danba ka lahayn oo shaqaale siday u noqon lahaayeen aad ugu dadaalay ,oo ninka agaasime laga dhigaa yoolkuu hiigsanayey gaadhay, inta kalena siday uga soo kaban lahaayeen dhaawac yadii hore ee gumaysiga ayey la daalaa dhacayeen, xilligii dawladii kacaanka Dhulbahante dhib moojaane dheef kuma qabin, xataa isgarabtaagii dawladii kacaanka dhulkiisii iyo dhalankiisii midna uma badbaadin ,gudihiisuu ku coloobay , beelaha dariskuna SNM iyo SSDFna kula coloobeen ,dhaawaca maanta jiraana uu yahay arrimo badan oo isbiirsaday oo iska daba imaanayey oo aan La daweyn dabadeena wada dilaacay.

Marka aad kuwo badan oo Dhulbahante ah aad ku boorisid in si dantu ku jirto loo fakaro karti iyo geesinimana La moojiyo si cudurada jira loo daweeyo waxaad arkaysaa afku xoogle soo boodaya oo aan xalna keenayn ,xiniinyana keenayn, xoolana keenayn oo fikirkii La keenaba is hortaagaya isaga oo xujo ka dhiganaya in aan La calaacalin ee La adkaysto , waynu adkaysanaynaaye aynu ka leexano waddada qaldan ee aynu soo qaadaynay 120 sanno ee ugu danbeeyey ,inaga oo aan SNM isu dhiibin SSDF u calaacalin ayeynu saxaynaa socodkeena , miyeynu ka liidanaa SNM 23 sano ayey wado qaldan marayeen maantay ka leexdeen gaalka dil gartiisana sii waxay ogaadeen gooni isugu taag in gabalkiis dhacay , gorgortan iyo goof Kay helilahaayeen ayey golaha u soo fadhiisteen , miyaanay marka inala gudboonayn inagana in aynu garwaaqsano in gudaheena gargaar u baahan yahay oo dhaliilo badan oo ay lagama maarmaan tahay in aynu u badheedhno ay jiraan,  si aynu wax uga qabano , oo aynu kuwaajahno caqli , garasho iyo xikmad ee aynaan sida goroyada madaxa god gashane ,dhibaatada runta ahna iska indha tirne, aynu sida ugu haboon xal deg deg ah u raadino.

Dhibaatooyinka ugu waa waaweyn ee Dhulbahante rigaadiyey waxaa ka midah Khilaafaadka siyaasiyiinta Dhulbahante u dhaxeeya ee ilaa iyo soo taagnaa xilligii gumaysiga ,waa marka aynu ka hadlayno mushkiladaha maanta jira ee dadkii raadka ku lahaa wali nool yihiin, waxaana la sheegaa ragga maanta Dhulbahante ugu waaweyn ee ay ka midka yihiin Qaybe iyo Maxamed Cabdi Xaashi in xurguf dhexmartay xilligii ay karraaniyiinta ka haayeen isla markaana shaqaalaha ka haayeen isticmaarkii in ay isku dhaceen , taasina ay sababatay markii dalwdii dhex burburtay in midna Puntland u hayaamo midna Somaliland, waxa kale oo raad ku leh Dhulbahantaha xurgufihii siyaasadeed ee ka dhex dhashay xilligii dawladii kacaanka, oo Muqdisho aad isugu qabtay, awoowdii dawladii Siyaad Barena isu adeegsaday, xilal na ku kala andacoon jiray in ay ku kala sad bursadeen, ka dibna ay arrintaasina raad weyn ku yeelatay shacabkii Dhulbahante markii ay burburtay dawladii dhexe oo markiiba qaar u soo hayaameen maamulka Hargeysa iyada oo xilligii mucaaradka ay SNMtu sheegan jirtay ay xataa jireen rag xidhiidh lalahaa jabhadii SNM, arrimahaas oo dhami waxay raad weyn ku yeesheen shacabka , innaga oo og in aanu shacabka wax dhibaato ahi ka dhaxayn, haddana shacabka iyo dhalinyaradu waa kuwa dabka xaabada u ah ama bansiinka ee shidaya iyada oo la adeegsanayo, oo haddaanay dhalinyaro iyo odayaal iyo haween hadba qorshihii la doonayo in la fuliya la helin waxba u socon maayo ninka siyaasiga ah ee markaa danta leh.

Xaabsade markuu doonayo in uu dan fushado wuxuu ka bilaabaa Baharasame Xaqeedii oo la duudsiyey ayaan raadinayaa , oo soo dhicinayaa , wuxuu ku helaa taageerayaal indho iyo dhagaba la oo Bahararsame ah oo ku garab taagan oo naf iyo maalba u huraya, hadduu Somaliland joogo iyo hadduu Puntland joogo iyo Haduu Talafif ka dego intaba taageerada ugu horeeysa ee uu raadiyaa waa tan qoyskiisa Bahararsame, Yaasiin Maxamuud Xiir iyo Mahad Canbaashe iyaguna markay doonayaan in ay hawlo huriyaan, wuxuu ku kiciyaa danihiisa waxaa la duudsiyey xuquuqdii Jaamac Siyaad tolaayey ka kaca, ma waayaan taageerayaa waxay  helaa kuwo naf iyo maalba u huraya, oo indhala oo dhego la, Cabdi Samad Cali shira marka uu danleeyahay markiiba wuxuu garab ka helaa beeshiisa Ugaadhyahan isaga oo xaquuqdooda u soo dhicinaya, ama ha joogo Somaliland ama ha joogo Puntland’e, wuxuu helaa Ugaadhyahayn indho iyo dhaga la, Saleebaan Ciise (Xaglatoosiye) wuxuu helaa kuwo reer hagar ah oo indha la ,oo dhega la.Xasan Geerash, , Fu’aad Aadan Cadde, Maxamed Cali faruur, Daa’uud Bisinle, Cali Sandule Maxamed Caydiid Dirir, Biindhe ,Axmed Karaash, iyo Wixii La mid Ahiba , ha joogeen Puntland Somaliland ama khaatumo ama meel kalee dhamaan Shacabka Dhulbahante dhib ayey ku hayaan oo waxaan hurgumooyin ahayn uma soo jiidaan, wax laga dheefayna ma jirto, cuqdadii mid wali kan kale u qabay ayuu shacabkii kula soo noqday, iyada oo ay sidaas tahay oo shacabkii noqday xaabada ayaa dad badani aaminsan yihiin in aan dhibaato shacabka Dhulbahante dhex oolin oo haddii la soo hadal qaado dhibaatooyinkan sida dhoobada kala daadanayaan oo qarxayaan waxaana arrintaas u badan qurbajoogta oo markasta oo boogta jirta la taabto aad moodid in fadhi ku dirirkii looga adkaanayo iyada oo la og yahay xaqiiqada jirta , oo wax waliba muuqdaan , haddaan dhibaato baaxad weyni jirin oo aanay waliba Siyaasiyiinta Dhulbahante iyo shacabka Dhulbahante ka dhex jirin deegaanka iyo dadka intaba way ka muuqan lahayd, waxaana deegaanka Dhulbahante ka muuqda iyo dadka dhibaatada baaxadda weyn ee maanta ku gedaaman dadka iyo deegaanka Dhulbahante.

Dhulbahnate Wuu Is Hayaaye , Dhab Haloo Wada Hadlo.

Dhulbahante wuu is hayaa dhexdiisana dhibaato weyn ayaa ka taagan , haddana shacabku ismahayaan oo dhibaato mataagna, sidee wax u jiraan, waxaa la dareensanaa intaan Laascaanood la qabsan dhibaatooyin ay ka shaqeeyeen siyaasiyiinta Dhulbahante oo dadka iyo deegaankaba raad ku yeelatay, arrintaan ka soo bilaabmatay Muqdisho, xoogaysatayna xilligii Puntland la aasaasay , ayaa Siyaasiyiinta Dhulbahante la kala safteen maamuladii, shacabkiina raad weyn ku yeelatay, tusaale ahaan Puntland waxaa la aaminay in ay Ugaadhyahan Garab la leedahay, Somaliland waxaa la aaminay In ay Jaamac Siyaad iyo Baharsame Garab la leedahay, haddana waxaad arkaysaa qaar badan oo Ugaadhyahan ah oo Somaliland ah, waxa kale oo aad arkaysaa kuwo badan oo Jaamac Siyaad iyo Bahararsame ah oo Puntland madax ka ah. shacabka waxaad arkaysaa kuwo garab siinaya hadba kiisa dhinac ka soo jeeda, kala qaybsanaanta qaabkaas ah waxaa si layaableh uga faa’iidey beelaha SNM iyo SSDF oo sii huriyey , waana arrin liidnimo ku ah Dhulbahante , Laascaanood intii Puntland la aasaasay waxaa ka bilaabmay Loolan aan hore u jiri jirin , kan jooga iyo kan aan joogina wuu ogyahay , waxa magaalada hadba ku soo cusboonada waa lala wada socoday, waxaadna arkaysaa cudurkii oo jira oo dhamaan siyaasiyiinta iyo shacabka Qaaxo(T.B) siyaasadeed hayso oo ay la ildaran yihiin , marka la yidhaado waar maxaa idin haya waa idinkanoo waad ildarantihiin oo waad qufacaysaane uu mid waliba ku odhanayo maya waxba ima hayaan ,waanu la danahay, marka la kala dhaqaaqana laysu kiilayo dhaliil iyo dhaleecayn, natiijadeediina ay noqotay in Laascaanood gacantii bulshada ka baxday, dhamaan dadka Laascaanood Joogaana yar iyo weyn ay ka shaqeeyeen sidii cuqdada iyo cudurka loo dhex dhigi lahaa shacabka walaalaha ah ilaa ay ka xoog badatay colaada ay isu hayaan kuwa Laascaanood kuwada nooli tan ay u hayaan cadowga dhinacuu doono ha noqdee.

Waxaad arkaysaa SSDF Iyo SNM markay ogaadeen in ay isku dan yihiin yihiin, intay isdileen oo dagaalameen oo xataa madax dhaqameed iska dileen dantooda hore usii wata, waa la ogyahay Cabdilaahi Yuusuf wuxuu dilay Suldaan, waxayna isu dileen qaab qabiilaysan oo Maxmuud Saleebaan dhexdiisa ah, ka dibna waa la heshiiyey, Isaaqu waxay isu dileen habar habar waana la heshiiyey ilaa maanta ayaa Burco kala xidhan tahay, Haddana marnaba ma ogolaan dhexdeeda cid kale ka faa’iideysato, taa macnaheedu maaha muu Dhulbahante islaayo laakiin waxaa muuqata in ay yihiin dad doonayo in ay iyagu si-dad-ban isu dabar jaraan oo cadowgu dalkooda dhaxal wareejiyo.

Laascaanood Xoraynteedu Xeelad Ayey U Baahan Tahay.

Dad badan ayaa ku wareersan sababta Laascaanood ilaa maanta wax looga qaban la yahay, ama ay gacanta Dhulbahante uga maqan tahay, dadka qaarka waa ogyihiin kuwana waa is yeel yeelayaan, Magaalada Laascaanood waxaa laga dhigaa magaalo ay isku hayaan Puntland Iyo Somaliland, Magaalada Laascaanood waxaa isku haya oo ay ka dhex taagan tahay sadex beelood oo kala ah, Ugaadhyahay Siyaad , Jaamac Siyaad, Iyo Bahararsame.
Nin raggina waa ogyahay nacasna loo sheegimaayo, waxaana in badan laysku dayey in Laascaanood wax laga qabto, xilligii aan hogaanka la sameyn waxaa deegaanka loo soo diray Garamgaram oo la yidhi dalka maqan ha soo celiyo, intii aanay cadowba is arag dadkii ugu horeeyey ee u hanjabay ee uu ka shaqan kari waayey waxay ahaayeen Dhulabahante waliba qaab qoysaysan isu hortaagay , waxaana lagu qasbay Garamgaram in uu dib isaga noqdo isaguna xaqiiqada wuu ogaaday wuxuuna ogaaday Laascaanood in aanu Isaaq iyo, SNM iyo Somaliland toona haysan.

Xiligii SSC hogaankana waxaaba la soo qaaday dagaal dhinac walba leh oo hoose oo waxba laga socodsiin kariwaayey, inta Hadda Khaatumo abuurantayna waxaa loo sawiray Khaatumo in ay Ugaadhyahan tahay Jaamac Siyaad Duulaanku ah, oo wixii nugaal ka soo shiraacdaana waa Ugaadhyahan, Wixii galbeed ka Shiraacdaana waa Jaamac Siyaad, sawirada sidaas ah ayey Laascaanood ku maqan tahay qofkasta oo Dhulbahantena ahina waa og yahay, waxaana ka mid ah sababtii loo siidaayey Cali Sandule oo danbiile ah, markii la yidhi maxaa loo siidaayey, waxaa la yidhi , waa tan koowaade hadda xil ma hayo, waa tan labaade waa laysku dhacayaa Dhulbahante Dhexdiisa.

Sidee Laascaanood Ku Soo Noqon Kartaa?.

Dadka qaarkii marka ay maqaalkan oo kale akhriyaan oo uu madaxa wareeriyo waxay ku andacoonayaan haddii sidan loo saafsaafay xaaladda jirta xalku muxuu yahay, ama sidee looga gudbi karaa dhibaatan haatan jirta.
Dhibaatada Laascaanood ka jirta iyo tan guud ee Dhulbahante waxaa looga bixi karaa siday aniga ila tahay.

1.Dhulbahante oo loo sheego dibad iyo gudaba in la soo afjaro colaada siyaasiyiinta u dhaxaysa ee soo jirtay ilaa iyo xilligii dawladii dhexe ee burburtay.
2.In shacabka Dhulbahante garawsado in ay ku jiraan dabargo hadaysan sidan isu dhaamin , garowsadaana in cudur jiro dhexdooda yaala , oo ay iska indha tirayaan, ilaa ay qirtaan, oo garawsadaan in uu jiro cudurkaasi aan dawada la-la raadin karin, sababtoo ah in aad qirtid in aad xanuunsanaysid oo aadan adigu dhaxtarka lugahaaga ugu tagin waxba lama qaban karo , cudurka oo aad qirtid in uu jirana waa dawada ka badh.
3.Dhulbahnate in uu joojiyo Shirarka ma dhalayska ah ee aan wax natiijo ah laga dhaxlin.
4.Dhulbahante waa in uu Dhaqaalaha Badan ee ay sanad walba la soo ururiyo loo jiheeyo, qodobadan.
A. Dhibaatada ka dhextaagan Jaamac Siyaad Iyo Ugaadhyahan,(Gaar Ahaan Bihidarays iyo Reer Warsame ) in Dhulbahante deg deg u dhex galo oo ay xataa magaha dhibaatooyinka jira la bixiyo , arrintani dhaawac weyn ayey ku tahay dib u soo celinta Laascaanood, sababtoo ah markasta oo ciidanka Dhulbahnate Nugaal ka soo dhaqaaqo waa Ciidan Ugaadhyahan oo weerar ku ah Jaamac Siyaad, sidaasna waxaa u sawira Mahad Canbaashe wuxuuna ku helaa taageero, dhamaana Dhalinyarada la joogtaa waa rag kan ugu yari hal Xaas lee yahay , dhamaantoodna waxay ka qaataan mushahar joogta Somaliland, boogtaasna isaaqu aad ayey uga faa’iideystaan.
B. In Beelaha Bahararsame iyo Ugaadhyahan iyaga turxaan bixin siyaasadeed sidii looga dhex dhalin lahaa laga shaqeeyaa.
C. Waa in madax dhaqameedka sadexdan beelood ay si dhab ah dadkooda u dhexgalaan iyaga oo waajahaya mashaakilaadkan una diyaarinaya shacabkooda in la abuuro jawi lagu wada noolaado, iyada oo aynu ognahay in hadeerba la wada nool yahay haddana waa lawada ogyahay in dhibaatooyin jiraan, oo aan dhinaca siyaasadda laga mideysnayn, waxaad arkaysaa madax dhaqameed aan qoyskiisaba wax raad ah ku lahayn, haddii ay raad ku yeelan lahaayeen ma kula tahay dhibaatada ayaa baaxadaas leekaan lahayd.
D.In Haddii dantu ku jirto dhamaan siyaasiyiinta beesha Ugaadhyahan Puntland ka soo baxaan, dhamaan Siyaasiyiinta beelaha Jaamac Siyaad Iyo Bahararsamena ka soo baxaan maamulka Somaliland, waa marka dhibaatooyinka qoysaska la dhamaystiro, oo siyaasadda Dhulbahantena noqotaa mid dhinac uwada jeeda si laysu badbaadiyo, waayo Puntland oo lagu kala tago kun jeer waxaa ka muhiimsan Dhulbahanate oo la badbaadiyo, Somaliland oo laga soo baxaana waxaa kun jeer ka muhiimsan Dhulbahanate oo la badbaadiyo.
5. In Faarax Garaad iyaga laftarkooda dhexdooda la turxaan saaro, sida Barkad iyo Axmed Garaad, oo maalmihii ugu danbeeyey gaadhay xaalkoodu in ay deegaano kala sheegtaan, guud ahaana Dhulbahante midnimadiisa laga shaqeeyo.
waxaa hubaal ah haddii shirarkan badan ee la qabanayo la joojin lahaa oo arrimaha gudaha ee Dhulbahante aad waxlooga qaban lahaa in aan maanta xaalku halkaa joogeen, hore ayaa loogu taliyey in marka hore culayska la saaro Dhibaatooyinka Dhulbahante ee gudaha, cadowga hareeruhu wuu iska huleeli markaa.

Jaamac Cusmaan Cali.

Short URL: http://horufadhi.com/?p=33039

Posted by on May 30 2013. Filed under Fikradaha, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

40 Comments for “Dhulbahantoow Mays Dhaliilaa,Oo Dib U Heshiisiin Maw Dhaqaaqnaa”

  1. ASC aad buu u mahadsanyay Qoraaga Qoray Maqaalkan EE Jama Osman Ali.
    inta hadan ku darsado fikirkeyga , waxan qaba Intaa u qoray oo ah arimaha u bahan.in laga hawlgaliyo Gudaha si Laascaanood gacantii dadkii degaanka ugu so noqoto.. waa in dhaqaale iyo muruq . Caqli Midaysan lagaliyaa . khaatumo iyo Intii horena hawsha sideedaa usocota . iyadoon shir dambeba la qaban si cilmiyeysan gudaha looga xaliya arinta siyaasiyiin beelaha qoraagu ku cadeeyey qoraalka ee nugaal ila sool . shacabkuna isu wada taga arinka dal iyo dibadba..waxaan kaloo u sheegaya shacabka Khaatumo state in dalka iyo dadkuba badbaado ayuu u bahanyay iyo midnimo guda iyo dibadba ah. maada cawadawgu hareeraha dagaal inagula jira Siyaasaded iyo mid muruqba..waxan leeyay Dadkan cayayanka ee SNM Iyo SSDF maqalkan maaha Mid idin Quseeya ama Hadalo beerlaxawsiya Soo qora ama kuwa Propoganda Ahba,.maamulka Horufadhina Waxan odhan Laha Wixii Qadiyada Maamulka Khaatumo State Barnaamijyadeeda ah Hawba Soo Fasixina Inay Cadowgu Coments Ka bixiyaan …………….Waa bilaahi Towfiiq

  2. meeshan waxay ii noqotay goob maado iska ah. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    walee horufadhi waxaan ku jeclahay waxay ku fiican tahay sheekooyinka madadaadalada ah. kkkkkkkkkkkk

  3. reer kastuumow

    laascaanood way xoroobaysaa kolkaa hadaad rabtaan inay xor noqoto waa inaad kaga jartaan min gadbad dhan oo qaad ah yaah. kkkkkkkkkkkkkk

    hadaad qayili waydo dee cabsi baa ku galaysee oo waxaaba laga yaabaa inay xabadu kaa nixiso. kkkkkkkkkkk

    si aanad waxaasi u dareemin dee kaga jara habeenka oo dhan gadbado qaad ah. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk yaaaaaaaah huunayaal. ok. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  4. somalilander

    inaar ma ka kala daysid reerka kkkkkkkkkkkkkkkkkkk kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    haduun bay tacsi kasoo baxeen oo indhihiibaa casaaday oohin darted. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    odaygii cali khaliifna way ka quusteen xasan sheikhna waxa uu uGu daray inuu kaga cabaajiyo. kkkkkkkkkk

    dee xoogaa waxaanu siinay kuwii dagaalami jiray qaad oo waxaanu fadilnay inay iska balwadaystaan. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  5. Ceegaag,

    Walaahad wiilhoog bilaayo ah tahay diric diric dhalay lol.
    Waraa filmkaan waxaa la dhahaa Atoore baadiye.
    ninkan wuxuu soo malmaluuqay isaganba ka shakiyey waxba qulub iyiri !
    waxan filahaya waa doofaar doofaar dhalay snm ama sddf.
    kula js vs ugaadha hadana Axmed garaad vs Barkad then dick vs vagina etc.
    war meeshan cid col ah majirto balse waxaa jira
    1 Talo la,aan in badan soo jiitamaysey ilaa 1991 madaxdhaqamed oo losers ah.
    2 Siyaasi kusheeg aan lahayn qorshe fog iyo mid gaaban Vision.
    3 Caadaqate reer kasta waa leyahay balse kan dhulbahante ugu liita sawaab !

    Sadexdaa hadii xal loo helo wax kasta waa hagaagayan bi,idnilahi.
    Balse anigu ma aaminsani reer baa reer neceb That is bullshit.
    Dhulbahante qurbahan ku bartay waxanu kusoo kornay
    meel lagu xisaabtamo ciyaalka xaafada deriska isku dugsi.
    mida kale waxan ogaadey reer koraadku waa fulayo faatadhug badan.
    Arintan Laascaanod waxad kuso wareejisan reer dhulbahantaha reer xamarka iyo dhulbahantaha reer Jabuutiga ah anaga idiin soo dhicinayna
    idorkan ilakaha la, waxaa ku filan 3 shift weerar habeenkii,subixii iyo xiliga qaadka.

  6. IYAA, haddee salaan bacdigeera. Guri walba in gubtaa way hoos taallaa, waxaan aaga jeedaa reer walba oo Soomaali ah inta qoraagu sheegay iyo in ka badan ba way haysataa! Haddana dhulkooda ma sariftaan oo dumarkooga ma qixi yaan. Yacni kaadh koora ma bixiyaan.

    Markaan iraahdo malaa DHAQAALAA reerka lagu qabsaday, waxaa ii soo baxa MAYA. Waayo waxaa ii muuqda reer CAABUD-WAAQ oo Hawiye meel iska saaray. Shakina ku ma jiro in LAASCAANOOD iyo raggeedu ka dhaqaalo badan yihiin. Waxa Caabudwaaq u diiday inan gumeed nimada ee Laaska oggolaysiiyey si fiican halloo baaro.

    Waxaan u arkaa C.waaq raggeedu waa niman Soomaali soo xukumay oo kama suurowdo inay nimay xukumi jireen tigidh koora ka iibiyaan, dhimashay ka door bideen waana ku guuleysteen. IYAA, Laaska raggeedii dhimasha daaye iyagiibaa iibiyey! Sow inan gumeed nimo maaha? Maxaa kala beddelay Buuhoodle iyo Laaska? Ma wayna isku abtirsi ahayn? Xay tahay oo xaggee waxka si yihiin?

    Gabaygii ahaa, maxaa libintii Daarood lahaa DABA-CAYUUN siiyey ma wuuna boowow dhab ahayn

  7. Jama osman ali horta waad ku mahadsan tahay maqaalkaaga,arinta suleiman ciise axmed kaar waad ku khaldan tahay inaad tidhaaho kuwa reer hagara ayuu haystaa hadaan taada kuu raaco muxuu buuhoodle u imaan waayey oo mashruuciisa uga fulin waayey? markaasuu hadalkaagu furmayaa oo run noqonayaaye? meel looga sacab tumayo ma haysaa? meel reer hagar ku soo dhaweeyay ma muuqataa? jawaabtu waa maya,maaha in runta laga baydho.
    Arinta laascaanood hadaan in yar geestayda ka taabto waan maray oo tegay laaska horta jid kasta oo ka baxa iyo buurahaba waxay saareen tikniko meesha sartu ka qudhuntay waa horgaladii kewenay ee hor boodayey iyo kuwo ay gudaheeda ka qorteen oon layska qaban dad aad iyo aad u tira badan ayaa u adeega qawlaysatada SNM anigu qola gaara farta ku fiiqi maayo wayse iska muuqataaye oo qaar shacabka magaalada ayay mushahar ku qaataan siday u handadi lahaayeen qofkii juuq yidhaahana u dili lahaayeen oo xitaa mudaharaadyadii horgalayaashu siday shacbka u laynayeen qaarna xabsiga uga buuxinayeen ayay shacabkii baqeen oo hadaad tidhaahdo waaryaadhaheen waa maxay sidani naa naga aamu yaan afka xabad lagaa geline waxa la baqayaana wa ayo waa nimanka dhulbahantaha sheeganayee u adeega ,arinta laascaanood masoo naasa cada inta dhulbahante layska soo hormarinayo u adeegaya oo ku hayaa jiraan.wallaahay hadaanay dhulbahante haysan iyaga iyo tiknikadoodaba waa laysku malaasi lahaa hadhowna cagahay wax ka dayi lahaayeen.

  8. beeeeeeen badanaah beeni idin dishay waa nimanka soo qoray horgaladii dhuloos jaamac siyaad baa hargaysa lagu xidh xidhay beeeeeenta iska yareeyah beeni laascaanood idiin xoreen maaseeh dhiig baa laascaanood idinka xiga taasan fulay baad tihiin nin naagahoodii maalin walba inaan yarooh qabiil idoor sheeganayaah iska xidh xidhayaah markaydoonaanah aay dhal feenayaan dayuuusiiiiiiiiiiiiiiiiin been iyo dayuus nimo isku dar sadeen

  9. dhulbahante dhulka ka maqan wuu la soo noqon inshalalh ha sugi wayina isaaq 21 sano dhisanyahay puntland ayaduna 14 sano marka khatumo 1 sano dhisan hala meel dhigina … lascanood wa la qabanayaa wana lagu jihadayaa inshallah ha sugi wayina dabaqoodhiga isaaqow.. mida kale waxan odhan lahaa dhulbahante wuxuu u bahanyahay waxa la yidhaahdo same idea dhuloz isku fikrad mahan .. waligoodna howl ay sameyeen kama midho dhalin ssc wad ogaydeen khatumo ku xigta …. marka reerku ha noqdo kuwo isku fikrada lascanoodna waxa laga haysta waa dhuloz oo dhan reer kaliya lagama haysto

  10. QORAAGU DHABTUU KA AHDLAY
    QORAAGU XAQIIQ BUU KA HADLAY

  11. qoraagu wuu mahadsanyahay ,qoraalkan uu waqtiga ku bixiyey, halaga faaiidaysto talooyinka uu soo jeediyey iyadoo aan shr wayn laban ayaa wax walba si degan loo xalin karaa siiba magaha, iyo beentaa loo kala sheego tolka , maalin kasta oo isaaqq dhulkeena sii joogo waxbaa u kordha inagana waxbaa inaga dhaca war hooy aan is dbaqabano oo aynu danteenaa u heshiino ,cadaw aan nixin oo doonya inuu ku dabar gooyo ayaa rag wadaan….

  12. farduus1,

    Waad geftay weliba waxad ku geftey eebe iyo diinta islamka !
    Towbada waxaa la weydiista eebe keliya jaahilad baad tahay Ignorant woman.
    Ayad quran.. ina Allah yagfiru man yanshaa wa yucadibu man yashaa !
    Afsoomaali hadaan kuu geliyo waa Eebe uun baa denbiyada dhaafa kuu doono
    isaga ayaana ciqaaba kuu doono.
    Hadee walaaley magaratay ileyn muslim baad sheeganaysa.
    Have a nice day.

  13. Waxaa loo baahan yahay in la suubiyo Shir degdeg ah (Emergency Conference) oo lays weediiyo sidee lagu badbaadi karaa markaas halkaas waxaa kasoo bixi karo in runta la soo taabto.

    Waa la og yahay lascanood sey ku baxdey maxaa yeeley lascanod ma aheen meel la soo weeriri karo maxaa yeeley ciidan xoogleh ayaa joogey cadowna masoo haweesan karin. Waana la ogaa wiilasha magaalada nafta u horaayey oo dhabar ka laga tooganaayey oo aheed mid aan been laga sheegin karin. Hadii la rabo in dawo loo helo horta waa in PL lagu soo laabto oo la dhaho towba taas waxey keeneysaa isku duubni iyo lascanod oo xur ah. Hadii kaleeto hala walaaqdo mashruuca faanoole.

  14. First of all this a Dhulbahante business but not isaq business !
    Thus about this issue idor must SHUT UP.

    Tan qoraaga waxyaalaha qaar run buu kasheegay cidwalibana waa ogtahay.
    Balse kuma raacsani inuu maamulka Khatumo lasimo
    jamhadaha cadowga ah snm iyo ssdf oo ka shaqeeya Dhagarta, hagardaamada dadkeena iyo dhul boobka ku haya deegaankena.
    waana tan mida aan ku diidey qoraaga iyado Copy ah.

    Copy..ha joogeen Puntland Somaliland ama khaatumo ama meel kalee dhamaan Shacabka Dhulbahante dhib ayey ku hayaan oo waxaan hurgumooyin ahayn uma soo jiidaan, wax laga dheefayna ma jirto.

    KHatumo state waxaa samaystay dadkii laha deegaanada SSC.
    Waana Ayo-katashi Self determination.
    Khastumo ka hor majirin garoob aynu leenahay oo muran lahayn
    Khatumo ka hor majirin maamul la inoo aqoonsan yahay
    Gudaha iyo dibeda Nation and international.
    Waxaan kuusoo jeedinaya inad ka noqotid arinta waa Gef hawshii Taleex 2012.

    God bless Khatumo state.

  15. bismillah ,

    qoraaga waa mahadsanyahay , lkn waxaad moodaa magaladii inaad sadex reer dhaxal u siisay oo qaarkood xataa reer ceerigaabo yihiin . kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk , anyway .

    anigu waxaan leeyahay sadexdan reer midna ma rabo inuu dhinto , sida dumarka ayey isku ximiyaan .

    sadexda GARAAD EE BEELAHAN MA TALA HADEY DAACAD KA TAHAY XOREYNTA LAASCANOOD BAL 150 WIIL HA KU DIYAARIYEEN , YAGOORI, SAXDHEER, XUDUN . waa iska sheeko huuhaa , qawda maqashii waxna ha u qaban !!!! ……………………………

    dhulooska kale ee xalaasha ah isku tageen oo go,aan ha laga gaadho sadexdan beelood ee dhulkeygii iibsaday ,

    shir deg deg ah ha lagu baaqo oo sadexdaa qabiil banaanka ka yihiin ,ka dibna wixii dhul ee maqan ha la soo celiyo …………………………………

    wabilaahi towfiiq ………………..

  16. Anigu dadka qaarbaan layaabijiray markay dhulooska ku micneeyeen waa sida SIILKA DUMARKA oo kale labada lugood ayuu udhaxeeyaa. Dhuloos na Somaliland iyo Pintland ayuu udhaxeeyaa markaa inlawaso soo ma istaahilo.
    Dhiigu ha idinku karo waan ogahay in aad wada boodi doontaan ee waxaan uuga danleeyahay nin waloow halki Allah kugu abuuray daganaw Somaliland, Somalia or Kenya and Ethiopia.
    Dadka in badan ayaa sidiinoo kale wadamo badan kukala nool lakiin joojiya sida dhurwaaga ama waraabaha ha isku habarwacanina.

    • @aftaag

      Bal afkaaga markaad taagto aragnaye, bal ***** iyadana mar xagayaga usoo taag aanu aragno siday iyana u shaqaysee

  17. First of all this a Dhulbahante business but not isaq business !
    Thus about this issue idor have SHUT UP.

    Tan qoraaga waxyaalaha qaar run buu kasheegay cidwalibana waa ogtahay.
    Balse kuma raacsani inuu maamulka Khatumo lasimo
    jamhadaha cadowga ah snm iyo ssdf oo ka shaqeeya hagardaamada dadkeena.
    waana tan mida aan ku diidey iyadoo ah Copy.

    Copy..ha joogeen Puntland Somaliland ama khaatumo ama meel kalee dhamaan Shacabka Dhulbahante dhib ayey ku hayaan oo waxaan hurgumooyin ahayn uma soo jiidaan, wax laga dheefayna ma jirto.

    KHatumo state waxaa samaystay dadkii laha deegaanada SSC.
    Waana Ayo-katashi Self determination.
    Arintaas waxaa fiican inad ka noqoto iska hagaajiwaayo waa Gef.

    God bless Khatumo state.

  18. dhamaan dadku dhaqan G/ssc waa inay ka hadlaan ariimaha gudaha ee khaatumo state, oo ay shir looga hadlaayo arimahas iyo aayaha iyo mustaqbalka. qabtaan.. midaas hadi la sameeyo wax walba way hagaagyan…
    tan isku sheegaysa sabiiland iyo HARGO,eysawi aqoonsigi aad lahaydeen laascanod baynu ku helanyaa aawe oo wax badsadii waxbeel bay idinku noqotay , markii caalamku idinku ogaaday inaatihiin siiland iyo waxba yahaye soomaalia baa maanta sifiican idiin jaftay, waa idinka calanka somalia ku dawarsanaya………….. somalia guuuuuuuuuuuul….idoor wagaash DOORYAN xar cunaya weeye

  19. Waxaad moodaa in bisaylkii iyo siyaasadiiba aan baranay. waxaa muuqata in xaqiiqda oo la isku sheegaa ay dawo tahay, waad mahadsan tihiin horufadhi.com iyo qoraagaba waxaan idin lee yahay xalku halkaas ayuu ku jiraa waa intaas oo ana ka dhabeyno.

  20. qoraaga maqaalkani wax yaabaha aan odhan karo waa ku saxsanyahay waxa ka mid ah waxa iiga muuqata nin doonaya xal kama dambays ah
    waayo muu isticmaalin eraygii horgale ama hoosgale
    markaa waa nin firir saliim ah dhiibtay walaw ay ku fiicantahay dawlada somaliland in dhulbahante si buuxda u wada taageero oo xaqiisa dhacsado

  21. kuluc

    kkkkkkkkk heegaan waa anjii baan u malaynaya walaahi .. waayo dee magacan heegan waxa la baxa dumarka ogadenka .. hadad maqasho HEEGAN … RAMLA .. QUREESH ..iyo qar kaloo badan waa dhaanto ladies … means dumarka ogadenkaa la yidhhda dhaanto ladies .. ahahahahaha … dumarkoodu waa masakiin walaahay .. hayga raali ahadaan …

    mahaa sida naago dhaadheer oo dhulbahana ah oo dhilooyinaa dhulkii yimid ahahahahaha

  22. Somalilander

    Kkkk waar heegan maaha ogaadeenka ethiopianka ah, heegan abti bal intan fahan yatakabraw ju qebrisirinsircat melez,

  23. heegan

    af xabashiga mataqanaa … eshi .. enji ems telig now …. ney benatsh ems siji bekish …. badam qunjunoo benatish , nay eniga faligelow . eshi .. badam wadhalu , injera siji bakish wayn kaniga qulaa lesdish ,,,,,,,,

  24. way soo socotaa. xorayntii laasku………

  25. Waaaaaaaar xoooooraaaaayntiiii laaaaaascaaanooooood meeeeedaaaaaay

    Waaaaaaaar xooooooraaaaayntiii laaaaaascaaaanooooood meeeeedaaaaay

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  26. Qoraagu aad ayuu ugu mahadsan sanyahay fikirkisa wanaagsan hadan kadhibto fikirkayga horta colad wayn oo dhextala besha dhulbahante majirto markan leyahay colad wayn waxan ugu socda majirto dagalo dhex maray besha dhulbahante lakin waxay qaban colad taa kaxun oo dad waxmagarato ah ayaa tolkii kala dilay tusale ahaan jamacsiyad waxa ladhahay waxaa idingumaysana ugadhyahan bahararsamana sido kale dhulbahantana coladi ma dhextale cuqdad ayey kala qaban iyadana waala xalin kara dhulbahante laba goor ayuu shiray mar waa markii ladhisay hogankii ssc ooruntii aanku iman fikir fican lakin ahay cadho lagasoo qaaday garowe marna waa markii khaatumo oo lagu dhisay talex oo aan iyana katur jumayn rabitanka dhulbahante lakin ahay yaan xamar waxa lagu qaybsanayo laynoga hordherayn maalintii talex lagu shirayey ayaa niman isama “a” oo mesha fadhiyey ayaa sojediyey in horta dhulka laxoreyo intan mamul lagu dhawaqin lakin nasib daro afkaa lagu dhagay iyagana wax daacada mesha kajogay iyo intii lafikirka ahayd maanta waynu ognahay in maamulkenii khaatumo talex isugu tagay dadkina karajo dhigen in caasimada laga xoreyo cadawga snm khaatumana iskadaa inay wax xoreyse wallahay ceeb ayey noso kordhisay waayo talex waxaa kadhacay shir ay isu yimaden dhaman qaybaha kala duwan ee dhulbahante haday tahay saladin, siyasin, aqonyahano, culimo, qurba joog, ganacsato iyo dhaman qaybaha bulshada miyeyna marka ceeb ahayn intaynu isu tagnay inaynu magaladeni kaxoraysan kari waynay idor hadana wali rajo fican waalaqabayee aan midnimo iyo isku dubni mujino si aan uga gulaysano cadawga

  27. War abtiyaal u kaadiya anaa idiin sheegaya dhibta idin haysatee.

    1 rag qawlbaa xidha dumarna mehere waxaad isku balansataan dhexdiina ama heshiiska cid kale idin la gasho ma fulisaan hadaad ka baxdaana kama wada dhamaataan, khilaafkiinu kow halkaasuu ka bilaabma.

    Example hadaan idin siiyo somaliland heshiisbaad la gasheen,may 18 1991, waad ka baxdeen laakiin iskumaydaan wada raacin oo ragbaa ilaa xiligaa hargeisa aan habeen ka bixin. Yadoo ay sidaa tahay ayaa puntland la aasaasay kumaydaan wada biirin ee intii somaliland kasoo baxday uunbaa gashay. Dhulbahante oo labadaa kooxood u kala qaybsan ayey khaatumana timi, halkii labada kooxood gaal iyo islaam miduun loogu dari lahaa ee loo midayn lahaa ayey khaatumo abuurtay koox sadexaad oo ah kuwo labada dhinacba ay uga soo dhamaatay oo baagamuundo ah cali khaliif oo hawl gab ahina amiir u yahay. Taleex bal yaa lagu heshiisiiyey ?

    2 dhulbahante xoolana ma hayo hungurina ilaahay waa u u dhiibay, halkii dhacdhac badan uunbaa laga helaa, taas waxa daliil idiinku filan somaliland is their favourite intii ugu kululayd oo dhanbaa hargeisa joogta, kaama yeelayaan iska kaalay ilaa aad waxay hayaan wax ugu darto. Sababta somaliland ugu guulaysan la,adahay inay dhulbahante wada kasbataa waa only one thing taas oo ah LACAG YARAAN. Hadii somaliland dhaqaalaheedu intan dhaami lahaa walaahi inaaan habar dhuloosi calanka somaliland abid iska durkiseen iska daa dhalinyaree. Dhibaatada idin haysataa waa intaa aan idiin sheegay ee mawqif xumada iyo dhaqaale xumadu kow katahay.

    Waxan intaa idiinku dari lahaa haw fadhiyina in kastuumo duusho walaahi inaysan gurguuran karin, labadaa kooxood ee hore dhulbahante dib ha ugu noqdo kastuumo cida wax ku qabtaaba ma jirto waa wax any time la baabi,in karo xitaa 10 qof shaqo kama helin mashruuca kastuumo haweenka ku baadhato, jabhada kastuumo waxa ka hawlwadeeno badan laanta denbi baadhista u qaabilsan laascaanood.

  28. Talooyinkan ha laga faa’iidaysto.
    colaad hore oo kala faadhay reerkaha waa jirtaa oo aan la xalin weli.
    qolo waliba iyadaa isla saxan waxayna u badan tahay reerkaha nugaasha degga
    ee qoraagu magacaabay, waxayna soo taxan tahay ilaa iyo xilligii daraawisheed oo
    aan la iska afgaran weli.
    Markaa waa in arimahaas wax laga qabto. taa macneheedu maaha in aan maamulka iyo qoraynta la sii wadin.

    Ninka Karaash waa in loo fiirsadaa waxa uu wado. waxaan aaminsanahay in
    uu abuurayo cilado hor leh oo sii kala dilaya JAMAC SIYAAD IYO Ugaadhyahay Siyaad. In uu noqdo, ina Cambaashaha ugaadhyahay maaha.

  29. aftaag
    warbaa adaa dhameeyey kkkk kan meesha maqaalka ku soo qoray waa khaatumo ku sheeg waa ragii dhulbahante dhabarka ka jabeyey iminkana waxuu wadaa sheekadii uun oo waa foosto daloosha oo la dhaaminaya marba gidaar haysku qaadaan kkkk

    dhulbahante waa soomaaliland iyo puntland oo heshiiya oo gacmaha is qabsada ama cirka ka soo dhac ama dhulka hoostiisa gal. laakiin labadaba waan ka soo baxayaa oo khaatumo seeg baa lay yidhaahdaa wax ka soconayaa ma jiro

  30. aad baan ula yaabanahay qoraalkan war dhulbahante is hayaa ma jiree soowtaynu ku tashannay bardihii Taleex oo isku cafinay, taladii ka dhacday Taleex anigu garan maayo mid ka wayn oo ka culus in la gaadhayo, sow taynu qorba joogta shirtay oo heshiisay , soow taynu dirnay 15 kii nin ee taarriikhda baalka dahabka ah ka galay ee carro dhulbahnte oo dhan ku soo wareegay ee baadhay cudurka hayey dadka ee daawadii soo sheegay,.
    haddii ina xaabsade ama ina Cali shire bariis doonteen taa micneheedu maaha inaan is hayno, ummad kasta waa laga helaa nin iskii daniisa u raadsada oo ka soo hor jeesta waxa dadku rabaan, bal iidoor u fiirso Soomaali diidnimadii madax martay qaar iyaga ka mida baa ka soo hor jeestay oo ilaamaanta calanka buluugga ah sita, marka dadka ku fekeraya in dhulbahnte hayo ma garan cilladda haysa dadka,

    Cilladda keliya ee ina haysaa anaa inoo sheegaya e waxaa weeye 1-dadkeenna dhulkii joogaa colaadddu ma gelin diyaarna uma aha inay u dhintaan dalka maqan. 2- Qurba joogga oo aan lacagta hurayn. 2-madax aan u dooranno inay ina hoggamiyaan oo dadka isku dubba ridaan dalka maqanna soo celiyaan oo ah kuwo aan karteeda lahayn, sadeexdaa qodob baan u arkaa aniga ciolladda waana in si degdega waxlooga qabtaa.

  31. Sheekadii daayeerkaad wadaan ee layidhi daayeer ayaa tashada habeenkii oo idhaa sidani nololmaahee aan caruurta iyo dumarka iyo inta jilicdasan aan kasiitagno oo iyaga fadhiga wax uugu keeno sidani mafiicna ragbuu ilaahay inaga dhigay aan tashano.sidaas ayaa lagu kala seexdaa aroortii markuu waagu baryana waxay idhaahdaan MID WAX HELA MID ISKABA QADA HALA QADHAMSADO balantiina halkaas ayay kuburburtaa.
    Dadku deegaan ayay wax kuyihiin ee qabiil wax kuma aha hadii kale waligiin foostadaa dabadala dhaamiya.
    Waanjihaadinaa ….
    Laascaanood hala xoreeyo ….
    Sadexda madaxwayne. ..
    Mooshinka Cali dayuus aan sugno. ..
    Waxana waa casri jaahili aad isugu yeedhisaan yaa dhuloos.

  32. SCW,
    Horta Jaamac waa mahadsan yahay. Horufadhi.com iyana way mahadsan tahay. Waa waaddo cusub oo loo baahnaa in la qaado. Sida qoraalku sheegay waa sax. Laakiin cuqdadda inteeda badani waxay taalaa Laascaanood. Buuhoodle ma taalo xurguf siyaasadeed iyo wax la mid ah. Waxaa keliya ee yaalaa waa isku dhac beeleed oo aan siyaasadaysnayn taasna culimada iyo odayaashaa ku filan.
    Dhulbahante cillada haysataa maaha nacasnimo, oo waxa ay isku hayaan ama rag isu geeyay ama lagu haystaaba waa xiniinyaha iyo dadnimada ku jirta. Waxa keliya ee ka khaldan Dhulbahante waa: iyagoo aan si fiican u fahan sanayn in IYADOO LA IS HAYO AMA LA KALA FIKIR DUWAN YAHAY HADDANA WAX LA WADA YEELAN KAOR. Cillada Dhulbahante haysataa aniga fikirkayga waa taas waxaana u sabab ah baan is leeyahay colaadihii lagu riiqmay ee ay soo mareen ee Daraawiisheed taas oo aan fursad u siinin inay horay uga soo kabtaan; reerihii gumaysiga la xamaalan jirayna waxay is ururiyeen oo gumaysiga dhaxleen wixii daraawiish ka danbeeyay kaddibna awoodaas ay yeesheen waxay qayb ahaan ku jiheeyeen inaan Dhulbahante mar danbe saaxada kusoo noqon labana isu raacin.
    Cilladaas aan iminka soo sheegay dawadeedii waxbaa ka bilaaban waana in loo samro illeen cilad 120 sano soo socotay 4 sano laguma xallin kareen. Waxaa kaloo dawadda ka mid ah sida qoraagu tilmaamay in dhaqaalaha qayb ahaan loo leexiyo dib u heshiisiin iyo turxaan bixin.
    Gebagebadii meel fiican baynu 4 sano ku gaadhnay ee dibna yaynaan u noqon cilladaha qoraagu tilmaamayna hoos wax halooga qabto
    Qoraalkan faaladiisa Iidoor iyo Dhabayaco midna boos ugama banaana
    Waad mahadsan tihiibn.

  33. Salaan Sare asxaabta dhamaan, akhyaareey arintani waa tii marka la soo hadal qaado dadka afka la goosan jiraye, ma bisayl siyaasadeed iyo faham dhab ah ayaa yimid , dhul kan inaan Snm-na haysan , puntland-na bixin way cadahay, haddii khilaaf beeleed gaamuray oo dhulbahante dhexdiisa ah uusan jirin, laascaano Maalin cid kale uma hoyateen, Dad Siyaasiyiin dhex-dhexaad ah oo waliba magac iyo mug ku leh dhulbahante dhexdiisa ayaa qaba inta dhulbahante oo laba awoodood kala wata isku rogman lahaa in laascaano sida ay tahay loo daayo oo qolayaha dhulbahante ee gacanta ku haya lala xaalo horumarka gobolkana laga shaqeeyo , inta xaal ku is badelayo, qoraalkan aad ayaan u soo dhawaynayaa, waxaa loo baahan yahay dhaliil wax toosisa , ee looma baahna mid wax dumisa, waxaan dhalinta reer Khaatumo u soo jeedin lahaa si cilmayeysan qoraalkan ha looga hadlo dawadu waxay ku jirtaa inaan waxba la dedin ee dawada la raadsho.
    cafwan haddii cid hadalkagayga qoosato

  34. @ heegan

    Adigu markaad daafidda ka xorowdo haunoo ahaato,la heyste ayaa tahay oo waxaa ku wada qaba,xabashi,kenya iyo hawiye ee dadka xorta ah afka xun ka leeci

  35. Dhibka dhulbahante heeysta pagekan baa lagu soo koobay runtii talo fiicana wuu u soo jeediyey qoraaga.

    dhulbahante ayagaa cadow isku ah marka hore ha hashiiyaan dad meel ka soo wada jeeda oo isku dan ah ineey noqdaan taas beey sharafta dhulbahante ku jirtaa ,nina inuu somaliland ka soo qeeyliyo midna putland midna khatumo waa ceeb soomaalida dhan weey yaabantahay beel sidaan oo kale ah majirto , beel kasta qilaaf dhaxdeeda wuu ka jiraa lkn hal meel beey dantooda uga soo wada jeedaan .

  36. Dhulbahantow jeerood iidoor wagashe dhulka ku jiidan hadal idin,mayalo

  37. bismilaah

    ilaah ayaa mahad iskaleh idilkeed, horufadhi.com oyo qoraaga qoray maqaalkan aad ayaan ugu bogaadinayaa qoraalkan ka tur jumaya exactly waxa dhulabahante ubaaahanayay anigu kashakhasi ahaan waan aaminsanahay inay waxani jiraan anigoo weliba dalka kamaqnaa inbadan laakiin tawaalkey dhahay ilaa waxaa lays hayaa dawladii dhexe wixii dhacay aniga taa maqabo waa wax uun ay abuureen labada maamul ee hareeraha inaga xiga SNM iyo SSDF weliba labada reer ee aad sheegtay jibe iyo jaamac aad ayey ugu baahanyihiin

    laakiin aniga taa mid ayaa igala macaanaanlahayd in dhulka maqan lasooceliyo kabacdina la heshiisiyo wixii is haya laakiin hadaad ku andoccto idoor ayaa dhabarka kuhaynayaa ee halala hadlo dee waxaaba dhici karta in kuwakalena dhahaan ok dee anana somaliland ayaanba kamid noqonaynaa maxaaba nawaalaya markaa taas si looga cararo dhulka horta hala xoreeyo waa aniga fekerkayga

    atention qof isaaqa ama majeerteen feker kama dhiibankaro maqaalkan bilaa claykum waa inaad xishootaan kaar ahaan ciyaalka meelahan lasoo doonta danac tanacda

  38. kuwani wali cidlay toobin ku hayaan adeer qarnigan dadku kuma midoobaan qabiil
    qabiilna qabiil ma indha buuxiyo ama walaala ahaada ama jufa hoose wada ahaada

    midhkaana somali oo dhan ayaa soo martay soona ogaatay qabiil laguma heshiinkaro layskuma xukumi karo wax si saxa looguma qaybsan karo
    sababtoo ah asal ahaan qabiil waxaa loosameeyay in laysku garto bes waa hadii la raacayo sidii ilaahay quraanka ku sheegay .

    ??????????? ???????? ?????? ????????????? ???? ?????? ????????? ??????????????? ???????? ??????????? ????????????? ????? ???????????? ?????? ??????? ??????????? ????? ??????? ??????? ???????

    O mankind! We created you from a single (pair) of a male and a female, and made you into nations and tribes, that ye may know each other (not that ye may despise (each other). Verily the most honored of you in the sight of Allah is (he who is) the most righteous of you. And Allah has full knowledge and is well acquainted (with all things).

    qarnigan waxa lagu midoobaa maha qabyaalad waa qaranimo iyo wadaniyad
    dhulbahante inta uu qaranimo ka tago oo wadaninimo ka tago walay katay inaanu ku heshiinnayn qabyaalad dhulbahantoo kaliyana maahee waa qabiilkasta

    dhulbahantena waxa kaliya ee uu ku heshiin karaa cadaawada iyo xinka dhexyaalana kaga bixi karaa waa iyagoo qaranimada dalkooda somaliland aamina

Leave a Reply

Recently Commented

  • Layla: 3 daa shirhoore ha soo dhex galin ..Garad faarah , Maxamud garad iyo Abdi garad
  • Layla: garad jamac waa nin dhulabahte ah oo shirshoore ah adiga muxuu ku yahay marka run la gaadho aan ka aheyn...
  • SSC-Citizen From xudun: War kuwan Horufadhi qora miyay waalan yihiin, oo Khayraadka dhulka ku jira ee Dhulbahante...
  • kuluc: arinta garaad jaamac keentay waa arin uu isagu gudoonsaday oo danmooday maruu kabaaraan degay. beeshiisu...
  • kalshale: layla cilmiga maafiyada ayey ka mid tahay inta la qodo oo mudo dheer lagu mashquulo in marka danbe lagugu...