|

Calankaaguu Suul: Abwaan Soomaaliyeed oo gabay ku guhaamey South Africa.

Nimanyohow saqdii dhexe xalaan, salalay dhawr jeere

Qalbigaa isaaqmoo wadnahaa, sayray dhiig badane

Sarakacay sariirtii malladin, seexashiyo jiife

Caro saaqday laabtaa afkuna, aburka sayraaye

Si aan yeelo waan garan la’ahay, talo ansuubshaaye

Sanweyn qooqay baa igu tadhahay, suge dadkaygiiye

Safayn bay u laayeen dhammaan, magaca soomaale

Sunuud iyo naftoodaba ma dayn, saancadaaluhuye

Sawiradii an daawaday caray, igu siyaadsheene

Gumaysigu markuu saafay ee, seedihii jarayay

Saf yar oo caddaan ahi markay, soorka kala daashay

Hiilkaan siiyay waakuwii xornimo, saaray calankiiye

Santi laguma taartaa layiri, doqon sac weeyaane

Midkii aad wax siisaa udaran, dhagar samayntiiye

Sadar bay ku qoranyiin dadkay, naga sarquunsheene

Saamaxaad inaad qaadanaa, waa si aan jirine

Dagaalkii sokeeyaa ibaday, silica maantaahe

Sidaydii marbaan noqon adduun, waa sil-silad jaane

Sanweyntuna mar bay gelin dagaal, sabab la’aaneede

Duul soo yaacay way ii imaan, meerto socodkiiye

Kaydkay samaysteen ayaan, siin cantoobsiga e

Inkastoo siday ii galeen, anan samaynaynin

Haddana saadka qorigaan la dhici, saabka feeraha e

Mar haddaanan saam iyo gantaal, kugu ridayn saaka

Ama aanan diyaarado socdiyo, saaruuq kula gaarin

Sacabada waxaw dhiganayaa, saatir eebahaye

Sal hadhigina gaalada madow, malaha saaxiibe

Abaar soogan silic iyo wax li’i,  seben colaadeedka

Sokeeyohoo dagaaliyo ilaah, nabadda kaa suuli

Saliidiyo batroolkiinu qarax, saatir waa keliye

Suujimo holcaysiyo cirkoo, danab ka soo yaaco

Dhul gariir saxriir idinku fala, dabaqyadoo seexda

Badda oo sunaamidi katimid, gobollo saamayso

Daacuun safmara oo ku dhaca, madaxdan siijeedda

Aydhiskii sibaabnaa rabbigay, ha idinku saynsaabo

Saqmi aan baxayn iyo xanuun, sababa ruuxiinna

Soo jire khalqigu wuxuusan maqal, saabay gurigaaga

So’ ha cunina xoolaha abaar, seexisaa heline

Sadkaad boobtay silic iyo ka qaad, saxasho mawdkaa ah

Boog iyo suntoo wada socdaa, saabka kaa daga e

Haddaad subag ku iidaamatiyo, sixin la geedeeyay

Saboolnimo daraadeed dunidu, qamadi kuu siiye

Senti dhururuq weligaa ha helin, faramarnaan seexo

Sebigiyo carruuraha u waa, soori waa qado e

Sabuulkiyo waxaad beerataan, sooma baxo waana

Roob soo darrooriyo ha helin, saban barwaaqaade

Biriq samada laga soo ganiyo, daadad kugu seexde

Calankaagu suulyoo lawaa, nacay surnaantiise

 

Afartaa summaday ee murtida, saaxi ma u sheegay

Xanaaqaan la sarakacay dagaal, seeri ma u yeershay

Ma ku sugay cadaawaha riddada,  waan sumayn jiraye

Surmaseegto iyadoon lahayn, shiishka ma u saaray

Xog kalana anaa kuu sidee, saamac hadalkayga

Soomaali waa waaya arag, maanta say tahaye

Waddan aanay socodkii ku tagin, waa dhif saan qabo e

Sinji sooc huruufliyo dhibbay, qaabileen silice

Qaar diinta laga saaray oo, saaqidaa jira e

Kuwo dhaqanki sayroo dhar li’i, soogan baa badane

Sanka iyo dhegaha niman durtoo, dumarka saaweeya

Iyo sixille duul wada noqdoo, ay balwadi saaqday

Seygoodi dumar cayriyoo, saaxib la caweeya

Sarkhaansane warmoog iyo intii, siriqda loo qoolay

Waa tira ka saa’ida caqliga, sax u tilmaankiiye

Saxalkiyo dhibkaan nagu habsaday, sixir kasii weyne

Subxaanka iyo eebbaan baryee, sida hannoo dhaamo

Sawd afrika walaalaha ku nool, duco kusoo saada

Sugnaan iyo ammaan inay helaan, weyne u su’aala

Qalbigiinna siiyoo xanuun, ha idin saameeyo

Xaddiis sugan sidii uu ahaa, waad la socotaane

Xubin qura sidiisii ka dhigan, muumin sawraca e

Middii dhaawac soo gaaro waa, seexan kariwaaye

Innaguna sidaasaan nihiyo, kalama soocmaane

Midka dhagaxa lagu saafay waa, jiirka seedaha e

Saadkiyo hantidi kay dheceen, soori maan rabine

Inta haatan samabaxa qabtana, soo tagaan dhihiye

Waddankeennaa saatir noo dajaye, beerta saraciinna

Dhismihiisa sii horumarshoo, suga ammaankiisa

Warshadaha sancada keena oo, saaxi u adeega

Dalka sare u qaadoo ka dhiga, xarun lasoo aado

Dalxiisyada sun-sumi baa ku iman, marin socdaalkiiye

Dhaqaalahay sidaan baad la hari, doollar soo gala e

Kuwii shalay kusoo cayriyaa, daawan saanahaye

Saxada iyo muuqaalka wacan, yaabka way sidiye

Sawdkooda qaar baad ka maqal, saan umaan qabine

Nimcaduu sarreeyuhu dhex dhigay, saa’id naga dheere

Saliidda iyo macaadiinta taal, baarayaal suga e

Soddon ceel ka badan meelahay, sax u tilmaameene

Saddex keliya oon qodonabaa, sulus haraayaaye

Sawd afrikiyo asaageed ayaad , suulka ugu yeeri

Sidii aad dhahdaba way aqbali, saa danbaa tiriye

Sucuudigaa shidaal yari ku dhici, sida ay sheegeene

Salka moolka adigaa fadhiya, seermaweydada e

Sabool baahan soomaali maleh, sabanba waa cayne

Waqtigaa i saacidi rabbaa, siiya aadmiga e

Reer galbeedna saalufbaa ku dhici, salal abaareede

Sancadiyo farsamadaan hantiyi, sahasho waa maale

Saynis yahanno caanaa u kici, qalab sameeyaale

Sayruuq gacmeed baan hawada, saaran oo dhigane

Sirta iyo xogtoodaan ka heli, samada guudkaase

Gantaalaha riddada sii foglaa, saanacay barane

Diyaarado an soo saaray baa, suuqyadii tagiye

Tignoolooji sare iyo farsamo, gaalo sixi weyday

Sacabbaday afkii saarinoo, yaabka lala suurye

Marbaan dunida ugu xoog sarrayn, saan rajaysnahaye

Sixirkii qabiilkana fahmoo, laygu siri waaye

Rag inaan la saayiro ayaan, suumankow xirane

Saadaal rumowdana ma yara, saad la socotaane

Samir quusa weligaa ha filan, saa sawaan nahaye

Iinsha alla safarkiyo higsigu, waa sidaan rabaye

Iska sugo berriyo saadambaba, guusha soo socota

 

 

 

 

Curiye: Xasan Bulxan Cali

E-mail: bulxan105@hotmail.com

Darwin, Australia.

Short URL: http://horufadhi.com/?p=33806

Posted by on Jun 5 2013. Filed under suugaan, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

6 Comments for “Calankaaguu Suul: Abwaan Soomaaliyeed oo gabay ku guhaamey South Africa.”

  1. Mire @
    Walaal waa saad sheegtay, bal ka waran kii rabo in uu baxo oo hadana laga hor taagan yahay !! waa ku dila wadankana ma ka bixi kartid baa is garab socdo, safaaradii ba dacwo gashay ee waxee ogolaadeen qofkii sharuucda badan ee dajiyaan so buuxiyo marka dadka badankood wee ku adag tahay in ee ka baxaan, mar badan baa TVyada ka Arkay ayagoo ka hadlaayo arintaas.

  2. abwaanku waa guhaamay southafikanka anigu aamiin ayaan leeyahay, ilaahay dulinimadoodii haku celiyo arxan laaweyaasha aan dhaqanka basharka lahayn.
    sidaas ayey dadkayagii somaliyeed u gelayaan anagana schoolka ayaa nalagu bari jirey inay yihiin walaalahayo african ah oo dulman, waxaa lagu dhigan jirey suganta somaliga heeso iyo hadalo guubaabo ah ku saabsan gorilahaas xun ee ku jisaarey abaalkii soomalidu u soo gashay.

  3. AMIIN AAMIIN AAMIIN
    ilaahayow naga aqbal oo habaarkaas ku rid gaalkaas madaw ee xayaawaanka ah ee aan kala garanayn dad iyo xoolo.

    oo ilaahaw ku soo celi adoonsigii iyo guumaystihii midabkala sooca ee ay kaadidiisa cabi jireen. ama southafrikaba bad ka dhig .uu yaxaas dhex jiifo

  4. Nimcaduu sarreeyuhu dhex dhigay, saa’id naga dheere

    Saliidda iyo macaadiinta taal, baarayaal suga e

    Soddon ceel ka badan meelahay, sax u tilmaameene

    Saddex keliya oon qodonabaa, sulus haraayaaye

    Sawd afrikiyo asaageed ayaad , suulka ugu yeeri

    Sidii aad dhahdaba way aqbali, saa danbaa tiriye

    Sucuudigaa shidaal yari ku dhici, sida ay sheegeene

    Salka moolka adigaa fadhiya, seermaweydada e

    Sabool baahan soomaali maleh, sabanba waa cayne

    Waqtigaa i saacidi rabbaa, siiya aadmiga e

    Allow run noga dhig waaba 4 gabdhod guurso cigaalna xiro iyo faras Taleexi ah.

  5. Abwaanku wuxuu tiriyey gabay heersare ah Top.
    Balse hal qodob baan ku diidey oo ah tan reer galbeedka.
    Reer galbeedna saalufbaa ku dhici, salal abaareede.
    Abwaan taasi waa gef waayo waxad joogta Australia.
    markii dalkena ku burburiney qabyaalad iyo colaad
    Waxaa ina soodhoweyey gargaarey hagar la,aan ino fidiyey reer galbeed.
    ilaa Hal milyan oo Soomaali ah aya siiyeen nolol fiican.
    Guri,Caafimaad,waxbarasho,dalkugal-Passport,shaqo iyo cayr.
    kuwa muslimka sheegta dadkena way silciyan
    sida Yemen,Sucuudi,Libia all Arab dogs.
    Marka Abwaan lagama abaaldhaco qofkii ku wanaajiya hanoqon maangaab.

    God bless Khatumo state.

  6. adduunta south africa waxa afyaqaanay caddaankii guumaysan jiray ee sida daayeerada ula dhaqmi jiray , wallaahay daayeerka goorilahaa dhaama….ilaahay if iyo aakhiraba ha cadaabo adoosigiina ha ku soo celiyo si ay ugu noqdaan dhirtii iyo geedihii ay ka soo degeene , wasakhda wasakhdu dhashay.
    soomaalida joogtana waxaan kula talin lahaa inay iskaga soo baxaan oo ay dhulkooda ku soo noqdaan intay xaraashaan hantidooda , adoonkii south afrikaana ee ay ku arkaan dhul soomali leedahayna dhagax ha ku dilaan.

Leave a Reply

Recently Commented

  • khaatumk1st: Awoodi waa tan ummad midaysan. Guul reer Khaatumo dhagar adayg iyo midnimo kasoo qaada wixii...
  • geesiga: horufadhi.com magacyada dadka iyo go,aankooda waa in ay soo raaciyaan saxiixoodana si aan u rumaysano inay...
  • geesiga: guuto koowaad baa hada ka dagaalamaysa taleex kkkkkk viva somaliland
  • Layla: Caaqil hoolif waa in horgalada waxuusha laga illaiya iney wax yeelan kol hore waa tii cali sandule 2 xabadood...
  • Layla: Marka saad itoobiya butada u gasheen lool Hayaag ba idin dhama oo geesiyal ah dhulkad ka carartena ayay dib u...