|

Maqaal: Nimankan wax la isu saar Anigana SAHAL wax la ii saar!.

Iyagaa isu muuqda, way kala irdhoobeen, Bayr bay kala qaadeen. Jubbaland iyagaa ku hirdamaya (Midi waa Dibigii Spaanishka midina waa Calalkii Cassaa) Khasaara la hubey guul u haystaan. Loolankoodu wuxuu ina dhaxalsiiyey qas iyo jaha wareer siyaasadeed iyo mid bulsho.War intaan Kamaandhe la ina weydiin ama se Gibir la inaga qaadin dajiya amuuraha, idinku wada hadla Tanaasulkana ogaada.maqaal

Faroole mar waa ka xod-xodasho, markuu dareemay guuxa shacabka (nin weyni wadkii waa yaqaane) iyo in wax loo maleegayo, marna waa ka gilgilasho arrimaha qaranka oon loo maarayn siduu rabay. Mar wuxuu isu muujinayaa Halyey gii Federaalka Gool ka dhalinaaya oo kaba saaray  siyaasadda,  geed weynna ku xidhay. Mar wuxuu leeyahay, hogaamiyaha Federaalka anigaaba ka horeeyey, Puntland waa hooyada Federaalka dhulkeena oo haddaanuu tayda yeelin, tiisuna soconmayso. Mar waa indha adayguu dadkaba dheeraa iyo isbar-bardhig Hoggaamiyaha Qaranka: War ma adaa I doortay oo ii magacaabay xilkayga. Mar waa  ilaalo gaara Beelaha qaar Jubbaland, cag inaanay soo dhigin. Intaasoo u duuban haddana wuu dadaalay oo wuxuu ku amaananyahay badbaadinta Puntland marxaladihii adkaa ee dalku soo maray. Jubbaland wuxuu ka dhigtay goob uu kula dagaalamo Hoggaamiyaha Federaalka iyo jidkii uu u mari lahaa sii haynta hoggaanka oo taa waa la hubaa. Hadday xaq u dirir iyo qabyaalad ka tahay kuwii agtiisa lagu halligaayey ayuu u hiilin lahaa haba qaldanaadeen haday doonaane. Hub iyo hanti wuxuu heli karayey, Jubbaland buu u raray, iyadoo ay ahayd in wada xaajood lagu doono xalka. Guurguurte mar waa ka xeelad, xisti iyo nacweyn oo isaga u gaar ah. Mar waa canaan ka yaab lagula ballamay inuu xakameeyo gacan dhaafka Faroole ee xagga Beesha Caalamka iyo hab dhaqankiisa ka korreeya Hoggaamiye Goboleedka. Mar waa fulinta xilka hoose ee ”Dam Jadiid” inuu beelaha qaarna fogeeyo kuwana soo dhaweysto. Mar waa ka madax adayg & canaad, Faroole iska caabbi iyo ama sidayda ama sinaba. Intaad dayuurado doolar ah, dibitaati daadihinaayo, Dab iyo Naar, ereyo deelqaaf ah daan-daansi ka buuxo marba u dirayso Jubbaland, waa shacabkii shalay xilka kuu dhiibtaye maad dib u hehiisiintiyo daganaansho ku deydid. Odayaasha Dhaqanka Beeluhu, xushmad, qadarin iyo maamuusbay mudanyihiin. Casrigan la joogo ee millenium ka  iyo waxa manta taagan la shaqayn kari maayaan. Wax aan dantoodu ku jirin dooniba maayaan.  Cimilada adduunka iyo Cabbirka badaheena garanba maayaan. Yaaney inna daalinin eh inoo yara kaadsha maad ku tidhaahdid. Adigaa ka masu’ulee, Jubbooyinka maad  hagaajisid, ha is hagaane maad isu daysid, adiguna hoggaanka guud iyo hannaanka maad u haysid, ood ka daysid: Mar horaan ka diggay oo la iga diiday, hadii la is dooxo ma waxbaa igagalay. Saddexda “D”  (Dadka, Dalka & Diinta) eed u doodi, Soomaali baa kula leh oy idinka dhexeeyaan. Waa cabirkii  Maanweywne, Mudane Amiin caamire,  Ma Japan baa Jubbaland joogta oo kula garaneysa. Kaad bari daris ahaydeen iyo kii qurbaha joogay Dam Jadiid oo idil, hadaad darajayso ood Maamul Goboleed iyo Dawladaba u dhiibto, Doontu soo dagi mayso, Dowladu soo dumi mayso, DAM soo odhan mayso.  Mid-mid maad usoo daysid, maad kala yara danbaysiisid, ka Daakhiliga maad dib u yara dhigatid, intaanay Dam Jadiid (Madaxay Dab ka rabaane) Dawlado is diidan (sida Masar & Ethiopia) oo is eryanaya (sida adiga & Faroole) Xamar isugu keenin maad Garaadweyne, Cabdirisaq Xaaji Xuseen iyo kuwo la mid ah la yara tashatid. Kii tiisiiba daayacay iyo Cabdiqaasim Salaad maad iskaba deysid. Maad Danta Guud iyo Dalka hoos u eegtid. Faroole waa Hoggaamiye Gobol oo haddana Beel ah. Haba kaa weynaadee adigaa ka sareeya oo Soomaali ku dooratay oo Hogaamiye Qaran ah. Dulqaadkeeda yeelo. Hammigaaga iyo toosi Himiladeena guud ahaan. Hadaadse I ddiido, soo isla daadan mayno. Waqtigu waa qaali, danaheenna Guud iyo dalku soo lumi maayo. Duul Baas iyo Dam Jadiid baa i helay, Diyaar baan moodayee doolar uun bay doonayeen. Kuwan madaxtooyadu maamuuskii Dawladnimo garanba maayaan. Yiriisow baa iiga sii daran. Dadkii I doortay igu direen. Ilaa iyo Dayrtan tolow yaa iigu dara, aan bulshada kuwo dhaama ka day-daydee doodaadu soo noqon mayso oo Kan aad kala sasabanaysaan eed isku soofaynaysaan  lana  sawirantihiin (Bal eega Salaamahan Beerlaxowsiga ah) inna dul dagi maayo. Horaan isu diiranee yaa inaga dul qaadaya?

SAHAL

Soomaalida Neceb Midnimada (SNM) ayaanu lahayn: war walaalayaal, wixii dhacay ilaawa, inna keenoo Dadkiina & Dalkiina soo raaca. SAHAL idinkuna Ma haddaad koydeen, War xageed ku maqnaydeen 22kii sanadood ee la soo dhaafay. Maxaa SNM lagu haystay. Ma haddad billowdeen cabasho iyo cid baa wax na yeeshay, Hantaa nalaga dhacay, Waa nala xasuuqay. Ma Dabuubtii la duu-duubaad fur-furaysaan. Ma Durbaano colaadeed baad tumanaysaan. Ma hooyooyinkii baad libaaxyo ka soo dhigteen ood soo tubteen shaa-shadaha la iska arko, ood tidhaahdeen aflagaadeeya Hoggaamiyayaasha Qarankeena. Ma qalad baad qalad ku saxaysaan. Yaa magaca beesha qoraal iyo qiil idiin siiyay, Yaad ushaqaysaan, ma waalantihiin mise waad miyir qabtaan. Beeshan aad sahashateen, SAHAL ula baxdeen kaligeed jiri mayso. Hadaad wax gargaartaan sida Caqliweyne Abukar Awale (Qaad Diid) maad kuligood  wada kaalmaysaan. Beeshan magaca aad ku dahaadheen, xumaan & dakano Beelaha kale ee soomaaliyeed ha ugu beerina ee ka shaqeeya sida aad isugu soo dhawayn lahaydeen,  Beeshaa lafteeda marka hore, dhammaan Beelaha kale ee Soomaaliyeed ee walaalaha ah iyo ciddii kale ee ay dan wadaagaanba. Hadalo badan iyo qoraalo ay ka mid yihiin:
SAHAL waa sansaan dagaal sokeeye &  Idaajaa & Qabyaaladaynta Suugaanta  oo (lagu aflagaadaynayo abwaanka Idaajaa) ayaa magaca SAHAL sabab u noqday in la qoro. Soo waxay sii daayeen uurka kumay haysteen. Soo muddo dabadeed iskamay ilaaween. Soo beeshan aad magaca ku dahaadheen iyo Abwaanadeedu aflagaado iyo cay kamay badbaadeen. Soo Dadku isuma soo dhowaadeen. Soo sidaa Soomaalinimadu kuma xoogaysateen. Ayaan darro, kii hadla iyo ka wax qoraaba beelbuu aflagaadaynayaa tiisana wuu faaninayaa. Nin is Faanshay waa Ri’ is Nuugtay. Ninka tiisa faaninaya takalena caayaya waa: Ii banneeya markeyga aniguna aan is Nuugee.
haday sahal Sad iyo Door dhali, Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiyaa dahab & Lacag dhali lahaa. Waa labo aan is dhaamine, kuwo aan wax inoo dhimayn oo dhammaan Dadka & Dalka wada deeqa inuugu dooriya.              Sabool & Agoomo Hadaf & Aragti Lahayn  “ SAHAL”
Mahadsanidin
Ahmed A. Ali
E-mail: ahmedqadhabo@gmail.com

qore

 

 

Short URL: http://horufadhi.com/?p=34974

Posted by on Jun 17 2013. Filed under Fikradaha, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

2 Comments for “Maqaal: Nimankan wax la isu saar Anigana SAHAL wax la ii saar!.”

  1. dam jadiid,jinni jadiid,sahal,ahal,bahal maalin walba saxan cusub baa soomaali loo saarayaa,hagaajiyoow hagaaji

  2. Xikmad badan baa ku jirta!!!!
    Wa taciyahaa udunun waaciyah.

Leave a Reply

Recently Commented

  • DAALO S/LAND: Waar kuwa madaw sidii mukulaalihii Maxay shaayeen?? Ma lahubaa in ay yihiin dhulbahante?? :) :)
  • MAAKHIRI: Fulayoow kkkkkkkk ma intaasaad maciin mooday, Iidooroow ha karaama beelina Habaar Galaydh lagu kari...
  • duurgal.com: siilaanyoo maanta isagoo shir jooga isku xaaray goobtiina lagu kala yaacay qudhmuun la adkaysan waayey...
  • MAAKHIRI: ilaa imisaynu wadaynaa calaacal iyo catoow, sidani raganimo maahee aynu xaalkeena wax ka bedelo Iidoor...
  • geesiga: prof cali khaliif oo ka degay maanta magaalada hargaysa una tagay caafimaad