|

Dhagayso:- Gaashaandhiga oo Beeniyay in Sheekh Mukhtaar Rooboow isku soo dhiibay Dowladda

Xukuumadda Soomaaliya ayaa beenisay in wadahadal ay kula jiraan Sheekh Muqtaar Rooboow Abuu Mansuur oo ka tirsan Saraakiisha Ururka Al-Shabaab.

Isaga oo la hadlaye Idaacada Voa laanteeda afka Soomaaliga Wasiirka Gaashaandhiga,wuxuu sheegay inay been abuur yihiin wararka sheegaya in Muqtaar Rooboow Dowladda ay wadahadal kula jirto.Wuxuu sheegay in hadii madaxda Shabaab ay ka tanaasulayaan sida uu yiri falalka argagixisnimada ay soo dhaweynayaan,oo Dowladda si wanaagsan ay ula dhaqmayso.Wasiirka difaaca Soomaaliya wuxuu sheegay inuu ka warqabo khilaafka xoogan iyo is ugaarsiga ka dhextaagan Madaxda Shabaab,gaar ahaan sida uu sheegay midka ka dhextaagan Hogaamiyaha Shabaab iyo Muqtaar Rooboow.

RIIX HALKAN SI AAD U DHAGAYSATO

Sheekh Muqtaar Rooboow iyo Hogaamiyaha Shabaab ayuu sheegay inay labada dagaal adag kula jirto Dowladda,si adagna ay ula dagaalamayaan.

Ciidamada Ethiopia ee ku sugan Gobalka Baay,xilliga ay baxayaan ayaa la weydiiyay Wasiirka,waxaana uu ku jawaabay in Ethiopia waqtigeeda marka la gaaro ay Soomaaliya ka baxeyso.

Muddooyinkaan dambe warar soo baxaye ayaa sheegaya in Dowladda ay wadahadal kula jirto Hogaamiye Sheekh Muqtar Rooboow Abuu Mansuur.

Short URL: http://horufadhi.com/?p=36875

Posted by on Jul 9 2013. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • mire: Idoore yare Don’t worry kan waanu ku heshiinaynaaye , adigana waxaanu laascaanood kaaga furaynaa meel...
  • cagey: Bismillaahi Raxmaani Raxiim,amaa bacdi,waxan xusuusta beesha Hayaag ee dhulbahante oo isimkoodi taladii beesha...
  • Gabadh Nugaaleed: COODINLE WAA DHUL _DHULBAHANTE. dhulka intaanu islahayn adaagaal iyo dhiigdambe yuu dhicin baa ku...
  • Xaqdoon: 1. Xaqdoon April 24, 2014 – 3:58 pm [ Xaaladda Beesha Isaaq baa haatan u muuqata [ Xaarwalwaal Xaarkii...
  • Idoor liqe: Buuhoodle waa qayb Ka mid ah dhiigeyga, mana ogoli in aad wax Ka sheegto. Bal abtirso ha Lagu gartee !!!