Taleex waa Caasimadda halganka Afrika,waa hoyga badbaada Somaliyed.  Haddii Taariikhdaas hore loo hareer maray,loo xaqqiray,dib u dhici mayso. Waxay Idinka Eebbe tahay noqon doontaa Caasimadda Gobanimada,Halganka,Midnimada,Haybadda iyo Xornimada Soomaaliya.
Horgal iyo Hoosgal hayb ka xun oo la noqdo miyaa dhiman,maya. Haddaba taleex Tolnimo,Talo iyo Tayyo ku kaalay.  Damiir saafi ah,daacadnimo,imow adoo u oomman Gobanimo,nabad iyo Nolol.

http://www.kaiserscross.com/188001/333222.html Halkan dacal yar oo taariikh ah akhriste dib uga milicso.  Ubadkii Maw Maw ee Kenya kamay ledin inay garawsho iyo mag ku tolaan gumsigii Ingiriis.  Aawe ubadkii Daraawiish maxaa daad xoor ka dhigay,maxaa ka hor taagan inay naf iyo maal u huraan soo dhicinta xaqqa Daraawiish iyo badbaadinta aayahooda.

http://www.dailymail.co.uk/news/article-2351470/Research-reveals-HALF-Britains-mosques-attacked-9-11-anti-Islam-violence-spreads.html  Xaqqiraad,xorriyad beel,sidii la doono laga yeele,dal laawye kama koro,badbaado iyo gobanimo waa dal u yeelo.
http://www.morvalearth.co.uk/Inch_High_Club/Mad_Mullah/Mad_mullah_2_Exped.htm Akhriste mar kale taariikhda xog ka dhigo,ku talo gooso,dhigto aad ku cibaaro qaadato ka yeelo.
  1. Somalia, Mohammed Abdulla Hasan (1899-1920): 100 000
    • Mad Mullah Jihad
      • According to the Library of Congress [http://lcweb2.loc.gov/frd/cs/sotoc.html], this war caused the deaths of about one third of the northern Somali population. The 1911 Britannica estimates 300,000 people in British Somaliland, so the death toll might have been something like 100-150,000. (depending on whether the 300000 was estimated before or after the one-third had died)
      • By summing the battle casualties in the campaigns that are descibed in the OnWar.com essay for the 1899-1905 phase of the war, I determined that the dervishes suffered some 11,700 casualties (K+W) fighting the British, which would come to around 3,000 KIA, plus another 1,000 killed in battle with the Abyssinians. The British lost something over 200 KIA.
http://users.erols.com/mwhite28/warstat4.htm  Waa mareegta aan tuduca kore ka soo qaaday.  99.9999% raggaas la laayey hubaal cidda ay yihiin waa marag ma doonto. Baadi doonka ubad u gar qaada u dhaymo hela,baan dhawrayaa weli.
Deriskaa mar ku dayo,mar ku digo marna ka darow. PL iyo SL reero ayaa leh. Haddaan la nimaadno rabitaan,waxa aynnu istaahilno,mudannahay hubaal waa gaadhi doonaa. Allaha ina siiyey degaanka ballaadhan,xoolaha,hantida iyo khayraadka badan,dadka tirada,aqoonta iyo khibradda baahsan,waxaan ka tuugayaa inuu ina haleelsiiyo caqliga,garashada,rabitaanka iyo damiirka intaas ka yeeli lahaa talo,tayyo,tolnimo aan dhibta isaga feydno.
Ehelka hadda u darban u haglamaya haybadda,gobanimada,nabadda iyo nolosha ummadda Khaatumo,ka gadaal USP iyo Daraawiish maray ka tiro,aqoon,tayyo,khibrad iyo tayyo badan yihiin taariikhda kuma sheeko qaadan shaahidna uma noqon.
Khaatumo waa halgan,gobanimo,haybad,nabad iyo nolol ku saddex ah USP iyo Daraawiish. Khaatumo waxay soo noolaynaysaa mar kale dhidibbada u mudaysaa halgankii ay USP iyo Daraawiish us oo galeen Xorriyadda iyo Midnimada Diinta,Dadka iyo Dalka Somaliyed.
Yaan la niyad jabin,la daalin. Ka noolin gumaadkii Gumaysiga,ka noolin godka ay inala damceen PL iyo SL. Ha la ogaado sabur,hana la joogteey hawsha ilaa laga gaadhayo himilada iyo haybadda ay mudan yihiin istaahilaan ubadkeenna.
Kama abaal dhici karno Ururkii NSUM,Jaaliyadda Bariga Africa,SSC,waa Webi biyihiisu qaarba meel doojiyeen. Qofba wixii uu ka geystey khayr,cissi iyo caafimaad baan u rajaynayaa.
M.H.Buraleh