|

Ergaygga Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramadda Middobay oo ka xumaaday dilka magaaladda Gaal-kacyo loogu gaystay suxufiga.

Muqdisho, 8 Julaay 2013 – Ergaygga Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramadda Middobay u Qaabilsan Soomaaliya, Nikolas Kay, ayaa ka naxay dilka magaaladda Gaalkacyo loogu geestay Liibaan Cabdullahi Faarah “Liibaan Qaran” oo ahaa wariye u soo warami jiray Telefishinka Soomaali Kalsan, kaas oo fadhigiisu aha magaaladda Gaalkacyo. Warar ayaa sheegaya in Marxuum Liibaan latoogtay xalay asaga oo ku soo noqonaayay gurigiisa kadib markuu ka yimid goobta shaqada.
Dilkani waa kii shanaad ee loo geesto suxufiyiinta isla sanadaan 2013 dhexdeeda, sidaas darteed Soomaaliya weli waxay sii tahay meelaha oogu khatarsan dunida ayna ka howlgalaan suxufiyiinta. Ergaygga Gaarka ah waxa kale ee uu timaamay in xiligaan uu yahay xilli siyaasad ahaan ay kacsantahay Buntland maadaama ay soo socdaan doorashooyinkii deegaanadda. Sidaas darted, wuxuu Ergaygga Gaarka ah oogu baaqay dhamaan garabyadda siyaasadda ( kujira) in ay muujiyaan dulqaad. Waxaa kale ee uu hoosta ka xariiqay sida ay muhiim utahay dhowrista Suxufiyiinta iyo Difaacidda Madax banaanidda war baahinta.

 
Ergaygga Gaarka ah waxaa kale ee uu yiri: “ waxaan tacsi niyadda ka soo go’day u dirayaa Qoyskii iyo Saaxiibadii Liibaan Qaran iyo dhamaan Suxufiyiinta Soomaaliyeed meel kasta ha joogeene. UNSOM waxaa ka go’gan in ay la shaqayso masuuliyiinta Soomaaliyeed si loo xoojiyo qaybta Amniga iyo Cadaaladda Qaabilsan si loo xaqiijiyo in Soomaaliya ay tahay meel nabadda ah oo dadka dembiga galena la horgaynayo sharcigga.”

Horufadhi News Desk…………

Horufadhi.com@gmail.com

Short URL: http://horufadhi.com/?p=36919

Posted by on Jul 10 2013. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • waayo arag: Allaylehe naagoodi xishood ka.ka tegay idoor ceshan waayey haloo celiyo Mar alla iyo marka doodu dhamato...
  • Matan: shanta gobol ee waqooyi ku yaala maamulka s/land ayaa ka jira. 1.borama ee xarunta gobolka awdal 2.hargeysa ee...
  • Matan: khatumo guul daro u sii liicaysa. tacab qasaar.
  • Matan: Daawo wasiir ku xigeenka amniga ee P/Land oo gaadhay Buuhoodle 23 April 2014. http://www.youtube.com/watc...
  • Hakiimd: Ninkaas nin dhaama reer Pintland ma waayeen…ala ceeb badanaa…weligay nin ka hadal liita intaan...