|

Ergaygga Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramadda Middobay oo u rajeeyey Umadda Soomaaliyeed in ay ku Soonto Ramadaan farxad leh.

Muqdisho, 9 Julaay 2013 – Ergaygga Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramadda Middobay u Qaabilsan Arimaha Soomaaliya, Nikolas Kay, ayaa u rajeeyey Umadda Soomaaliyeed in ay ku soonto Ramadaan farxad leh.
Ayadoo umadda Soomaaliyeed kala qeyb-galeysa Muslimiinta aduunka gudashada bisha Ramadaan ee soonka ah, ayuu Ergeyga gaarka ah yiri “Bishani waa bishii la cibaadeysan jirey waana waqti ku haboon in laga fakaro arrimaha faraha badan leh ee la doonayo in la qabto si loo adkeeyo guulihii la gaarey dhowaan.” Soomaaliya waxaa ay u baahan tahay in ay sii wado habka ay ku gaareyso guulo la taaban karo si ay mar walba u hanato niyad wanaagga iyo taageerada uga imaneysa bulshada caalamka.
Ergeygga Gaarka ah ayaa ku baaqey in laga waantoobo ficillada Soomaaliya dib u dhac u keeni kara kana hor istaagaya in ay hesho maqaamka ay ka mudneyd in bulshada caalamka ee nabadda ku nool.
“Waxaan dhammaan unadda Soomaaliyeed u rajeynayaa soon ay nabad iyo farxadi ku dheehan tahay” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah.

Horufadhi.com@gmail.com

 

Short URL: http://horufadhi.com/?p=36935

Posted by on Jul 10 2013. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • khatumostt: Khatumo waa ineey mar ku qaataa dagaal gaadmo iidoorka kibirka la joogi la,a markuu dhulbahante qeeybi...
  • khatumostt: Iidoorka markeey ictiraafkii diyaaradii maleysia ka raacday lawaayey waxee ku hashiiyeen dhulka waqooyi...
  • khatumostt: Iidoorka naf la caariga ah suuqa waxeey galiyeen in iyaga iyo cali khaliifa wada hadal u socdo , turkiga...
  • mire: Ssc from xudun Waar ninyaw bahalkaasi rag wuu kuwada yaallaa laakiin annagu dumarkaanu la dhacnaa oo loogu...
  • AFElmi.: Waryaa dadka beenta ka daa , ee u jeedadaada ka hadal, ciidamada puntland waxay si rasmi u fadhiyaan hadda...