|

Golaha Aqoonyahanka Gedo oo ka digay abaabul dagaal oo lagu qaado maamulka kismaayo, sheegayna inay taageersan yihiin Jubaland.

Golaha aqoonyahanka gobolka Gedo  oo xirir la soo sameeyey warbaahinta  ayaa waxaa uu sheegay abaabul dagaal oo gobolkaasi looga qaado magaalada Kismaayo iyo maamulka ka taliya. Waxaana ay shegeeen inuusan hadda muuqan dad isku duuban oo arrintaasi ku howlan balse ay u digayaan cidii damacsan.

Hadalka golahan ayaa yimid kadib markii ay soo bareen warar sheegaya in Gedo laga wado ururinta ciidamo loo diyaarinayo inay dagaal qabiileysan ku qaadaan magaalo xeebeedka Kismaayo oo iminka ku jirta gacanta maamulka Jubaland. Waxaana wararkaasi noqdeen kuwa si weyn u dhex saameeya shacabka wada degan gobollada Jubooyinka iyo Gedo .

” Dagaal wiil kuma dhasho ee wiil ayaa ku dhinta. Haddii wararka soo baxaya laga hortegi waayo oo aan la xakameyn waxay noqon doontaa mid xumaantadii dhacda laga sheekeeyo. Gobolladan sadexda ah ee Jubooyinka  iyo Gedo maanta uma baahna dagaal ee waxay u baahan yihiin nabada Muqdisho, Boosaaso iyo Hargeysa ay heleen. ” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay gollaha aqoonyahanka Gedo.

Maxamed Cilmi oo ah guddoomiyaha golahan ayaa waxaa uu sheegay in dadka degan gobolka Gedo 100% taageersan yihiin maamulka Jubaland ee Ahmed Madoobe iyo Gen, Fartaag madaxda ka yihiin. Waxaana uu sheegay in dadka qaska wada yihiin kuwa aan reer Gedo iyo Jubooyin aheyn oo ku xiran Muqdisho. Waa sida uu hadalka u dhigay Maxamed Cilmi.

” Warkii dhawaan kasoo baxay Madaxweyne Xasan Shiikh ee ahaa in Kismaayo ku dagaalameen qabiilo, waxay tusaale cad u tahay inay dowlada tahay mida heysa mindida daabkeeda. Waxaana leenahay madaxda haddii aad jeceshihiin qabiilo la isku dagaalo kasoo bilaaba meesha aad joogtaan ee Muqdisho ee ma ahan in aad Kismaayo dagaalka kusoo xawishaan ayuu yiri Maxamed Cilmi isagoo intaasi raaciyey.

” Dagaalka Kismaayo qabiil salka kuma heyn ee waxaa uu la xiriiray maamulka Jubaland iyo koox Muqdisho ay dowlada kasoo dirtay, haddii laga itaal-roonaaday kooxdaasina waxaa dowlada u dhiibtay Plan B -kaasi oo ah in sheekada laga dhigo laba qabiil oo walaalo ah inay dagaalamayaan. Taasi aduunka iyo Soomaalida caafimaadka qaba waa wada og yihiin ee dowladeey waxaad la timaadaa caqli ummada lagu hishiisiinayo inaad lacag ku bixin laheyd dagaal sokeeye” ayuu yiri Guddoomiyaha golaha aqoonyahanka gobolka Gedo Maxamed Cilmi.

Magaalooyinka qaar ee gobolka Gedo ayaa waxaa laga soo sheegayaa inay ciidanka dowlada iyo kuwa beeleedyo isku urursanayaan kuwaasi oo raba inay ka garab dagaalamaan ciidamada Col, Barre Hiiraale oo dhawaan laga soo saaray Kismaayo. Waxaana sidoo kale jira ciidamo  kale oo maamulka Jubaland laftooda ay ka urursanayaan gobolka Gedo kuwaasi oo taageersan madaxweyne ku xigeenka Jubaland Gen, Fartaag.

 

Wixii warar ah ee kusoo kordha xaalada gobolka Gedo oo si weyn loogu kala fikir duwan yahay arrinta Jubooyinka  gaar ahaan Kismaayo waxaad kala socon doontaan wararkeena danbe.

Horufadhi.com@gmail.com

Short URL: http://horufadhi.com/?p=36938

Posted by on Jul 10 2013. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

6 Comments for “Golaha Aqoonyahanka Gedo oo ka digay abaabul dagaal oo lagu qaado maamulka kismaayo, sheegayna inay taageersan yihiin Jubaland.”

  1. afelmi
    ha is yeel yeelin faroole siyaasadiisa waa laga dheragsan yahaye,faroole wuxuu is lahaa kaartada mareexaan waa gubatay mar hore isagoo aan filanayn in mareexaan h/gidir la baandhaystay turubka oo mareexaan door biday in cadawgaaga cadawgiisu uu saaxiibkaa yahay.waana u meel martay mareexaan siyaasadaasi.reer khaatumana faroole dee afarta jiho ayuu is yidhi ka soo xidh caadifad aaraan jaan baa odayga la fogaatay dee waata isna afarta jiho ba ay reer khaatumo ka kululeeyeen oo dhiig kar ku kiciyeen,hadana isaga iyo dawlada federaalkaa laysaga dhex baxayaa xataa madoobe sirtiisaa u aasan. maxuu faroole dadka kale iyo soomaalida waqooyi u kala ilaalinayaa saw farooleba ma odhan s/land waa walaalahayo aanu dan wadaag nahay!!!!!!!!!!!!!! inqalaba sixru calaa saaxir kkkk

  2. tolow cabaar meesha ma ku jimicsadaa waan u soo afaruye kkkkkkkkkkkk, mise wali dadbaa sooman . ok dib ayaan u dhiganayaa ……………………………………..

    horufadhi.

    waxaan ka codsan lahaa in ay soo galiyaan casharo ku saabsan bisha barakeynsan ee ramadanka, oo siyaasada xooga dib nooga dhiga ……..

    WAABILAAHI TOWFIIQ………………..

  3. M.B.Buraale.
    ——————
    Faroole. cidnna ma colaadin laa mariixaan wallaa dhulbahante , bal bil cagsi waa ninka keliya ee manta u taagan soo celinta karaamadii daarood lahaa, mise waxaad rabtaa in aan isbarbar dhigno ninka lahaa waxaan u geeyey madaxweynaha somaaliya lix nin oo reer waqooye ah waxaana ku iri midkood ra,iisul wasaare ka dhig oo nin daarood ah haka dhigin ra,iisul wasaare, intuu iga balan qaadey ayuu hadana iiga baxay waa kii lahaa , horeyna waa kii u yiri wax harti la yiraahdaa ma jiro ee waa sheeka baraley dad sameeyey , marka adigu kan ayaad taageersan tahay , faroolana wuxuu dagaal ugu jiraa is garab taageyna anaguna aanu hiil iyo hooba ku taageereynaa qadiyada daarood ee kismaayo, si arintan looga hor tago loona burburiyo waad ogtahay in hawiye xamar ka soo kireystey nin magic daarood sheeganaya oo kismaayo la soo dhex dhigey wixii ka dhacay waad ogeyd dhimasho kor u dhaaftey 100 ,iyo dhaawac caga cageynaya 200. oo weliba kuwa hawiyaha xamar ay soo direen ee ay yiraahdeen sheegta madax weynayaalna ay dhaawacoodii geeyeen xamar kuwii kalena uga tegey kismaayo .
    Anaguba raali baan ka nahay in la helo daarood mideysan ,laakiin waa in marka hore loo helaa xal su,aashan ah, maxaa anagu dadkeena qaar ka dhigey kuwa u shaqeeya . hawiye, iyo isaaq, anaguse ma haynaa hawiye iyo isaaq loo shaqeeya.????.

    • Dadka madaxweyn sheegtay waa dad degaanka u dhashay Kana soo jeedo, lakin dadka ka yimid kilik5, garisa iyo puntland ma xaq bee u leyihin in ee farageliyaan jubboyinka ? Maa loo daayo dadka degaanka ah ? Ileen qabilada dago jubboyinka waxee leyihin tol ka fog oo meelo kale dago oo tageeri doono hadii la dulmiyo, arintaan markii faragelinteeda badtay dan waxee noqotay in beel kasto tageero ka helaan beelahooda, digil iyo mirifle tageero ka helaan beeshooda, hawiye sidoo kale, dir sidoo kale, beesha shanaad sidoo kale, heer waxaa gaarteen aad ciidan ku soo shubteen kismaayo, Maxaa diiday in Dowlada oo beel kasto xibin ku leh loo hogaansamo ? Sharcigii iyo sharuudaha mamul goboleed lama dhisin, alshabab dagaal ku furan uu socday, beelaha aan heshiish ku aheen, dhulkii lagu kor sheegtay oo ayagii laga dhigay dad marti ah aan wax loo ogoleen, marka ma waxaa rabtaa in loo daayo oo la Amuuso ? Beelaha jubboyinka iyo Dowlada oo is kashanaayo hadii loo daayo jubboyinka arinteeda xal lagu xaliyo Laguna heshiiyo waa la heli ee faragelinta hala daayo.

  4. Faroole bilaa shuruud ha ku joojiyo colaadinta Mareexaan iyo Khaatumo si loo helo midnimo Daarood. Inta caqliga,garashada iyo fahamka ehelka u ahi waa inay ka shaqeeyaan in Daaroodka dega Jubba Land si buuxda u heshiiyo,cadaalad iyo xasq soorna kula dhaqmo Somalida wax ka degta Jubba Land iyo dhammaan Somalia.

  5. runti waa qoraal fiican oo ka yimid maskax caafimaad qabta gedo iyo 2jubooyinku dagaal waa ka dhargeen ee nabad iyo hormar bal ha dhadhamiyen cidkasta oo ka soo horjeeda hormarkooda iyo maamulkooda jubland ha iska qabten

Leave a Reply

Recently Commented

  • nuurgaab: dhoodi dhuusa weynow mar isim halkan ku cay bal inaad caqliga ka dhiman tahay waxaad qarinaysaa magacii...
  • raamaleey: Garaadka maxaa loosheegay oo khaatumada dhaafiyey xamar cadey buukula xididey muuse suudi yalaxoow oo ahaa...
  • Idoor liqe: War jiraaba cakaaruu iman. !!!!!!!!!!!
  • Xaqdoon: Har goormuu dhintay Odey Dhaqameedkan Jaamac siyaad.. Illaah kuuma naxariisto.!!!!!!!!!!!!!!!!...
  • dhoodi: Oo tolow siday u heshiinayaan kii ka weynaa ee meesha uga sii horeeyey ee awalba cimaamada looga qaaday. Ceeb...